Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay
xirriirka Israa’iil iyo Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee
Somaliland, kaas oo ay sheegtay inuu ka baxsan yahay qaab-dhismeedka Dawladda
Federaalka Soomaaliya.
"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa
xiriir kasta oo noocaas ah mid xadgudub ku ah madaxbannaanideeda, midnimadeeda,
dhowrsanaanta dhulkeeda, iyo nidaamkeeda dastuuriga ah. Soomaaliya waxay weli
tahay dawlad madaxbannaan oo caalami ahaan la aqoonsan yahay, Dawladda
Federaalkuna waa hay'adda keliya ee sharciga ah ee awoodda u leh inay dalka ku
metesho xiriirka caalamiga ah”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.
"Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsanaysaa in xiriir
kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed, ama mid kale oo lala yeesho maamulka
gooni-u-goosadka ah, kaas oo hareer maraya Dawladda Federaalka Soomaaliya, uu
ka horimanayo sharciga caalamiga ah, isla markaana aanu lahayn wax miisaan
sharci ama siyaasadeed ah”, ayaa intaas la raaciyay.
Soomaaliya aya dhanka kale ugu baaqday Qaramada Midoobay,
Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD, iyo
dhammaan bahwadaagta caalamiga ah inay dhowraan sharciga caalamiga ah,
ixtiraamaan madaxbannaanida iyo dhowrsanaanta dhulka Soomaaliya, ayna
cambaareeyaan ficillada wiiqaya midnimada iyo xasilloonida dawladnimada
Soomaaliya.
"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay
xajisanaysaa xaqa ay u leedahay dawlad nimo inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka
sharciga ah ee lagama maarmaanka ah, iyadoo u mareysa dariiqyada
diblomaasiyadeed, sharci, iyo kuwa kale ee habboon, si ay u difaacdo
madaxbannaanideeda, dhowrsanaanta dhulkeeda, iyo midnimadeeda qaran”.
Soomaaliya waxay weli ka go'an tahay wadahadal nabadeed,
xasilloonida gobolka, iyo xiriir dhexgal oo dhaxalgal ah oo ay la yeelato
dhammaan bahwadaagta, laakiin ma aqbali doonto ficil kasta oo ku xadgudbaya
madaxbannaanideeda ama khatar ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed ayay tiri.