Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya doorashada Koonfur Galbeed
Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa goor dhow war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ilaa iyo hadda aanay jirin natiijo doorasho oo la xirriirta doorashooyinkii ka dhacay Koonfur Galbeed oo si rasmi ah loogu soo gudbiyay.
Warka maxkamadda ayaa imanaya kadib markii guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha uu shalay warqad uu soo saaray ku sheegay, in maxkamadda sare ee Federaalka Soomaaliya loo gudbiyay xubnihii dhawaan ku soo baxay doorashooyinkii ka dhacay Koonfur Galbeed si ay u go’aamiso doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Doorashadaas guddoonka wakiiladaoo ayaa lagu waday in la qabto maanta, 18-ka May 2026.
“Marka uu Guddigu helo jawaabta Maxkamadda Sare, GMDQS wuxuu diyaar u yahay fulinta waajibaadka ku xusan Qodobka 67aad, Faqraddiisa 2aad ee Sharciga Doorashooyinka, gaar ahaan iclaaminta jadwalka dhaarinta xubnaha la doortay iyo sii guda-gelidda howlaha Doorashooyinka Guddoonka Golaha iyo Hoggaamiyaha, si waafaqsan jadwalkii horey Guddigu u shaaciyay”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddiga doorashooyinka”.
“Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddeyneysaa in, illaa iyo hadda, aanay jirin natiijo doorasho oo la xiriirta doorashooyinkii ka dhacay Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo si rasmi ah loogu soo gudbiyey Maxkamadda Sare.”, ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda.
Hoos ka akhriso war saxaafadeedka labada dhinac ay soo saareen.

Xigashada Sawirka, ..

Xigashada Sawirka, .










