Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netenyahu iyo Madaxweynaha Somaliland oo wada hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro), ayaa maanta khadka telefoonka ay ku wada hadleen Ra’iisal wasaaraha dawladda Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa sheegtay in Ra’iisal wasaaruhu uu Madaxweynaha u soo diray hambalyo ku aaddan munaasibadda 18-ka May, iyo sannad-guuradii 35-aad ee Somaliland dib-u-soo celintii madaxbannaanideeda.
Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland ayaa shaaciyey in UK-da laga diiwaangeliyey hay’adda Somaliland Institute for Recognition, oo u ololahnaysa aqoonsiga Somaland iyada loo magacaabay Agaasimaha haayaddaas Sir William Gawinson, oo ah “wasiir hore oo difaaca iyo waxbarashada UK ah” iyo xubin Baarlamaan oo British ah.
WARBIXINO KALE












