Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
War deg deg ah, Arsenal oo qaaday koobka horyaalka Ingiriiska ee Premier League
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Arsenal
Kadib markii kooxda Bournemouth oo ku martigalinaysay gurigeeda kooxda Macnhester City ay isku barbar dhaceen kooxda city, waxaa ay taasi dhalisay in Arsenal oo aan caawa ciyaarayn ayba u dabaal degto horyaalka Premier League.
Ciyaarta caawa guuldaro ama barbardhac ay gasho City ayaa guul u ahayd Arsenal, maadaama hal ciyaar oo u harsan ay haysato 82 dhibcood, halka City barbardhaca uu ku khasbay inay 78 dhibcood ku wareejiso dhammaadka horyaalka.
War deg deg ah, JD Vance : Iiraaniyiintu waxay doonayaan in heshiis la gaaro
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa mar kale ka
hadlay arrinta Iiraan, kadib markii la weydiiyay inuu sharaxo sababta uu u
aaminsan yahay in Iiraan ay si daacadnimo leh uga wada xaajoonayso heshiis
nabadeed.
Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku ammaanay Iiraan inay tahay
“ilbaxnimo sharaf leh” oo leh “dad cajiib ah”, balse sidoo kale wuxuu ku
tilmaamay “waddan kala qaybsan”.
Wuxuu sheegay in tani ay ka dhigan tahay in mararka qaar
“aan si buuxda loo fahmin” mowqifka kooxda wada xaajoodka, maadaama ay jiraan
saraakiil badan oo ka hooseeya hoggaamiyaha sare kuwaas oo saameyn ku leh wada
xaajoodyada.
Ma cadda in jahawareerkan uu ka dhashay daacadnimo la’aan
ama isfaham xumo dhinaca xiriirka ah, ayuu yiri, balse wuxuu carrabka ku
adkeeyay in Iiraaniyiintu ay doonayaan heshiis.
Vance wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in Iiraan ay ogtahay
in “khadka cas” uu yahay hubka nukliyeerka, balse wuxuu yiri inuusan si buuxda
u hubin doonin ilaa heshiiska si rasmi ah loo saxiixo.
Trump oo soo saaray war cusub oo ku saabsab Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay
saacad kaliya u dhiman lahayd inuu amar ku bixiyo weerar cusub oo lagu qaado
Iiraan ka hor inta uusan go'aankaas ka laaban, isagoo ka jawaabayay codsi uga
yimid dowlado ka tirsan Khaliijka, wuxuuna uga digay in dalkiisu uu weerar
qaadi karo maalmaha soo socda.
Trump ayaa shalay ku dhawaaqay in hoggaamiyeyaasha Qatar, Saudi
Arabia iyo Imaaraadka Carabta ay ka codsadeen inuu dib u dhigo weerar la
qorsheeyay inuu maanta bilowdo.
Trump ayaa maanta war-saxaafadeedyo uu bixiyay ku sheegay in
hoggaamiyeyaasha Iran ay “baryayaan in heshiis la gaaro,” balse wuxuu intaas ku
daray in weerar cusub oo Maraykanka qaado uu dhici karo maalmaha soo socda
haddii aan heshiis la gaarin.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa yiri: “Waxaan leeyahay laba ama
saddex maalmood, laga yaabee Jimce ama Sabti ama Axad, ama bilowga toddobaadka
soo socda, muddo kooban, sababtoo ah ma oggolaan karno inay helaan hub
nukliyeer cusub.”
Tartanka hubka: 10-ka dal ee ugu badan hubka soo dejista Afrika
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.
Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.
Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.
10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.
Waa kuma Amiin Cabdullaahi, halyeygii lagu dilay weerarkii maanta ee masjidka San Diego
Ingiriiska oo ka digay cawaaqibka xumada ka dhalanaysa xirnaanshaha marinka Hormuz
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain ayaa ka digay in
tobannaan milyan oo qof ay wajahayaan gaajo sababo la xiriira xirnaanshaha sii
socda ee marin-biyoodka Hormuz.
Yvette Cooper ayaa shir gargaar oo ka dhacay London ka
sheegtay in loo baahan yahay cadaadis caalami ah oo degdeg ah si bacriminta iyo
shidaalka dib loogu dhaqaajiyo marinka laga galo Gacanka. Waxay sheegtay in
haddii taasi dhici weydo, ay jirto khatar ah qalalaase cunto oo caalami ah,
iyadoo dalalka soo koraya ay bixin doonaan qiimaha ugu sarreeya.
Midowga Yurub ayaa ballan qaaday waxa uu ugu yeeray
“taageero aan caadi ahayn” oo la siinayo beeraleyda ay saameeyeen kororka weyn
ee qiimaha bacriminta.
Wasiirrada maaliyadda ee G7, oo ku shiraya Paris, ayaa
sidoo kale ku baaqay in dib loo soo celiyo marin ammaan ah oo loo maro
marinka-ka si dib loogu soo nooleeyo silsiladaha sahayda tamarta, cuntada iyo
bacriminta.
Barnaamijka Cuntada Adduunka ayaa ka digay in 45 milyan oo
qof lagu riixi karo gaajo daran sanadkan.
Hadalkii uu yiri wiilka Soomaaliya ee soo jiitay madaxweynaha Turkiga ka dibna uu sheegay
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta ka hadlay shidaalka lagu wado in dalka Soomaaliya dhawaan qodidiisa laga bilaabo.
Madxwaynaha oo maanta la hadlayay baarlaamnka Turkiga ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qorshaha shidaal qodista ee ay Turkiga ka wdaan dalka Soomaaliya.
Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa tusaale u soo qaatay wiil yar oo Soomaali ah oo oo sida uu sheeg ka falceliyay markii uu dhawaan arkay markabka Turkiga ee Shidaal qodista oo taagan xeebaha Soomaaliya.
"waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dareenka walaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo meel dhow ka arkay markabka Çağrı Bey,wuxuu si toos ah u yiri: "Weli kama soo kaban saamaynta markabka Çağrı Bey. Inaan si dhow u arko waxay ii ahayd waayo-aragnimo aan la ashqaraaray. Sababtoo ah Çağrı Bey wuxuu u ekaa magaalo weyn oo socota. Aad u weyn, aad u cusub, si qurux badanna loo dhisay. Maashaa Allaah. Runtii waa farshaxan la yaab leh." ayuu yiri mr Erdogan.
Madaxwayne Erdogan ayaa ereyadaas ku tilmaamay sawir qurux badan oo muujinaya awoodda Turkiga.
WHO oo ka walaacsan xaaladda xanuunka Ebola iyo wararkii ugu dembeeyey ee la xiriira
Ururka
Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa lix tan oo agab caafimaad ah u diray
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, xilli uu sii wadayo qaylo-dhaanta ku
aaddan baaxadda dillaaca cudurka Ebola ee bartamaha Afrika. Agabkan ayaa waxaa
ka mid ah qalabka difaaca ee shaqaalaha caafimaadka, iyadoo la kordhinayo
baaritaannada, la-socodka, iyo daba-galka dadka la kulmay kuwa cudurka qaba.
Waxaa la
rumeysan yahay in feyrusku ay u dhinteen in badan 130 qof, uuna ku dhacay 500 kale kale.
Madaxa WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesu, ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda
iyadoo kiisas hadda laga soo sheegay
meelo magaalooyin waaweyn ah. Ururka ayaa mar dambe yeelan doona kulan degdeg
ah si uu u soo jeediyo waxqabadyada caafimaad ee mudnaanta leh.
Waxay yaraanteedii ka baxsatay 'oday qallafsan' oo lagu dari lahaa haddana waa marwada koowaad ee madaxweynaha
Qoraalka sawirka, .
Waxa ay qaadatay daqiiqad kooban in Fatima Bio ay ka jawaabto markii aan weydiinnay sida ay ahayd nolosha qof magangalyo doon ah oo ku nool London.
"Way ka fiicnayd in la igu daro oday aan akhlaaq wanaagsan lahayn," ayay si kaftan u tiri, ka dibna way qososhay iyadoo tixraacaysa qorshihii aabbaheed uu rabay inuu ku siiyo nin mar ay da' yarayd.
Wax badan ayaa isbeddelay tan iyo markaas. Sanadihii xigay, waxay noqotay jilaa, kadibna London ayay ku baratay nin iyadoo wareysi ka qaadaysay dadka reer Sierra Leone ee saameynta leh ee ku nool qurbaha, wayna guursatay. Ninkaasi wuxuu ahaa Julius Bio kaasoo hadda ah madaxweynaha Sierra Leone.
Iyada oo ah haweeneyda koowaad ee dalka, Fatima Bio waxaa loo arkaa qof saameyn leh balse muran dhaliya qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa u arka cod cusub oo siyaasadda ku soo kordhay, isla markaana u dooda haweenka iyo gabdhaha, halka kuwa kale ay ku eedeeyaan inay ka tallaabsatay xadka doorkeeda, isla markaana aad ugu lug leedahay arrimaha xisbiga ninkeeda.
Waxaa lagula qayliyay laguna jees-jeesay baarlamaanka dhexdiisa, sidoo kale waxaa lala xiriiriyay dhaleeceyn ku saabsan muuqaal ay ku daabacday baraha bulshada, kaas oo uu ku jiray nin caan ku ah ka ganacsiga daroogada, inkastoo ay beenisay inay garaneyso.
Ebola oo u fidiya si ka dhaqsiyo badan intii la filayay
Ireland oo cambaaraysay tallaabo ay Israa’iil qaaday oo ay ku tilmaameen ‘mid an la aqbali karin’
Xigashada Sawirka, PA Media
Qoraalka sawirka, .
Ra’iisul wasaaraha Ireland ayaa cambaareeyay Israel kadib
markii ay xirtay walaasha madaxweynaha Ireland iyo dhaqdhaqaaqayaal kale oo
sheegay inay gargaar u wadeen Gaza Strip.
Margaret Connolly, oo ah walaasha Madaxweyne Catherine
Connolly, ayaa laga qabtay doon ku jirtay kolonyo dhaqdhaqaaqayaal taageersan
Gaza ah, taas oo ciidamada Israa’iil ay
dhexda ka qabteen meel u dhow Cyprus Isniintii.
Ra’iisul wasaaraha Ireland, Micheál Martin, ayaa ku
tilmaamay tallaabada Israel “mid gebi ahaanba aan la aqbali karin oo khaldan,”
isagoo ku eedeeyay inay “si dhab ah dad u afduubanayaan.” Israa’iil ayaa isku daygan cusub ee lagu jebinayay
go’doominta Qasa ku tilmaantay “kicin iyo daandaansi.”
Madaxweyne Connolly ayaa sheegtay inay “aad uga welwelsan
tahay” walaasheed.
Waa kuma Buurmadoow, boqorka marar badan hadal haynta dhaliyay?
Xigashada Sawirka, Social
Qoraalka sawirka, .
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa marar badan hadal hayn dhaliyay, kadib markii uu ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xariira, siyaasad iyo Bulsho.
Dad badan ayaa is weydiinaya qofka uu yahay Buurmadoow.
Waxaa uu horaantii lixdameeyadii ku dhashay deeganka lebiga- Caanood oo ka tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool.
Waxbarashadii diiniga iyo maadiga ilaa heer dugsi hoose dhexe ayuu ku qaatay degmada Sheekh ee gobolka Togdheer. Dugsiga sarena wuxuu kaga baxay dugsiga sare ee Waabari ee magaalada Muqdisho horaantii todobaatameeyadii ayuu kaga baxay Muqdisho.
Jaamacad ku taal dalka Sudan ayuu bilowgii siddeetanaadkii ka qaatay heerkiisa kowaad ee jaamacada isagoo bartay qaynuunka, sida uu u sheegay BBC da.
Waa kee tababaraha la filayo inuu baddeli karo Pep Guardiola
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Enzo Maresca ayaa la filayaa inuu beddelo Pep Guardiola
isagoo noqonaya tababaraha cusub ee Manchester City ka hor xilli ciyaareedka
dambe.
Sida ay Isniintii sheegtay BBC Sport, tababaraha caanka ah
ee City, Guardiola, ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda kadib ciyaarta Axadda ay
la leeyihiin Aston Villa ee ka dhacaysa garoonka Etihad Stadium, taasoo noqon
doonta kulankoodii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.
Maresca, oo hore u soo noqday tababarihii Chelsea, ayaa loo
aqoonsaday musharraxa ugu cadcad ee beddeli doona Guardiola xilli ciyaareedka
2026–27.
Iyadoo City ay muddo ka badan lix bilood isu diyaarinaysay
bixitaanka Guardiola xagaagan, wada-hadallada lala leeyahay Maresca ayaa maraya
heer aad u horumarsan.
Tababaraha Talyaaniga ah ee 46 jirka ah ayaa doonaya
shaqada, waxaana la filayaa in dhawaan si rasmi ah loogu dhawaaqo inuu yahay
beddelka Guardiola.
Maresca ayaaku guuleystay FIFA Club World Cup iyo UEFA
Europa Conference League isagoo sidoo kale Chelsea u xaqiijiyay u soo
bixitaanka UEFA Champions League intii lagu jiray xilli ciyaareedkiisii ugu
horreeyay oo buuxa ee Stamford Bridge.
Waxa uu hore uga soo shaqeeyay Manchester City isagoo ahaa
kaaliyaha Guardiola xilligii ay kooxda ku guuleysatay saddexleyda taariikhiga
ah ee 2022–23, sidoo kalena door weyn ayuu ku lahaa akadeemiyadda kooxda kahor
inta uusan ku biirin kooxda koowaad.
Laacibkii hore ee West Bromwich Albion iyo Juventus ayaa ka
tagay City sanadkii 2023 si uu u maamulo Leicester City, kuwaas oo uu ku
hoggaamiyay inay dib ugu soo laabtaan Premier League xilli ciyaareedkiisii
keliya.
Guardiola oo mar sii horreysay ka hadlayey ayaa yiri:
“Mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka, Enzo
Maresca, si fiican ayaan u garanayaa, laakiin shaqada uu ka qabtay Chelsea
looma qaddariyo sida ay mudan tahay.
“Ku guuleysiga Club World Cup, Conference League, iyo
xaqiijinta Champions League iyadoo kooxdu tahay mid dhalinyaro ah oo horyaal
adag ku ciyaareysa waa wax aan caadi ahayn.”
Wax ka baro cuntooyinka jirkaaga ka dhigaya mid aan soo shiirin
Dadku way kala duwan yihiin. Wax kasta laga soo bilaabo shaqsiyadaada, sida aad u dhaqanto, welwelka, xaaladaada iyo caafimaadkaaga ayaa saameyn ku leh sida aan u soo shiirno.
Tobankii sano ee u dambeeyay waxay noqotay wax iska cad in shiirka jirkeena uu ku xiran yahay hiddo-sidaheena, hormonadeena iyo nadaafada sida uu sheegay Prof. Craig Roberts oo ka tirsan jaamacadda University of Stirling ee Scotland.
"Kuma xirno rag iyo dumar, yaraan iyo weynaan, jiro iyo fiyoowi" ayuu yiri Prof Craig oo sheegay in aysan ku xirneyn waxyaabo badan oo ka baxsan awoodeena.
Mid ka mid ah waxybaaha saameynta ku leh sida jirkeena u soo shiiro ayaa ah cuntada aan cuno. Sida lagu sheegay cilmibaaris yar, waxa aan cuno ayaa saameyn ku leh sida guud ee jirkeena u soo shiiro iyo sida dadka kale u arkaan.
Shiinaha oo beeniyey war la baahiyey oo ku saaabsan madaxweynaha Ruushka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa beenisay
wararka sheegaya in Madaxweyne Xi Jinping uu todobaadkii hore u sheegay Donald
Trump in Vladimir Putin uu weli ka shallayn karo duulaankii uu ku qaaday
Ukraine saacado yar ka hor int aanu hoggaamiyaha Ruushka tagin magaalada
Beijing.
Af-hayeen u hadlay wasaaradda ayaa ku sifeeyey warka ay
qortay jariidada Financial Times mid gabi ahaanba la dhoodhoobay . Kahor
booqashada toddobaadkan, Kremlin-ka ayaa baahiyey khudbad muuqaal ah oo uu soo
saaray Mr. Putin oo uu ku ammaanayo madaxweynaha Shiinaha, kaas oo uu ku
tilmaamay saaxiibkiisii dhow ee muddada dheer. Waxa uu sheegay in xiriirka
Shiinaha iyo Ruushka uu gaaray 'heer runtii aan horay loo arag.'
Iiraan oo si adag uga jawaabtay eedeyn uga timi hoggaamiye reer Yurub ah
Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
Qoraalka sawirka, .
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa
beeniyay eedayntii ka timid Kansalarka Jarmalka ee ahayd in Iiraan ay ku lug
lahayd weerar ka dhacay meel ku dhow warshad laga dhaliyo tamarta nukliyeerka
oo ku taal Isutagga Imaaraadka Carabta.
Esmail Baghaei, oo qoraal u usoo dhiigay bartiisa X, ku soo
qoray luuqada Jarmalka ayaa ku eedeeyay Friedrich Mertz “munaafaqnimo”:
“Weerarada cad ee ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen
xarumaha nukliyeerka ee amniga leh ee Iran lama cambaareeyo, balse waxaa loo
raadiyaa marmarsiinyo lagu difaaco. Laakiin marka la fuliyo hawlgal calan
been-abuur ah oo xitaa Imaaraadku si rasmi ah ugu nisbayn Iran, codadkii isla
kuwii ahaa ayaa si kedis ah u bilaaba isticmaalka erayada ‘sharciga caalamiga
ah’ iyo ‘ammaanka gobolka.’”
Isagoo sii hadlayey Baghaei ayaa yiri :“Haddii weerarka lagu
qaado xarumaha nukliyeerka loo arko khatar ku wajahan shacabka gobolka,
mabda’ani waa inuu si isku mid ah ugu dhaqmaa dhammaan dalalka, ee aan lagu
dabaqin oo keliya marka ay danaha siyaasadeed ee reer Galbeedku sidaas u baahan
yihiin.”
Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa shalay
cambaareeyay “weerarrada cirka ee cusub ee Iran ku qaaday Imaaraadka Carabta
iyo xulafada kale,” isagoo sheegay in weerarrada lagu qaado “xarumaha
nukliyeerka” ay khatar ku yihiin amniga dadka ku nool guud ahaan gobolka.
War cusub oo ka soo kordhay dibad-baxii Nairobi iyo guud ahaan Kenya
Shaqaalaha gaadiidka dadweynaha ee Kenya ayaa joojiyay
shaqo-joojintii guud ee ay dalka oo dhan ka wadeen ka dib wadahadallo ay
dowladda la yeesheen oo ku saabsanaa korodhka qiimaha shidaalka.
Shaqaalaha ayaa
sheegay inay shaqo-joojinta u hakiyeen muddo 7 maalmood ah ilaa Talaadada
toddobaadka soo socda si fursad loogu siiyo wadahadallo dheeraad ah oo ay la
galaan dowladda.
Dil toogasho oo ka dhacay masjid ku yaalla San Diego Maraykanka
Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar cusub oo lagu qaadi lahaa Iran kadib codsi uga yimid dalalka Khaliijka
11-ka waddan ee ugu qanisan Afrika
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Wax-soo-saarka guud ee dakhliga gudaha (GDP) waa tilmaame muhim ah oo loo isticmaalo in lagu cabbiro xajmiga iyo awoodda dhaqaalaha dalalka.
Waxay ka dhigan tahay wadarta qiimaha lacageed ee dhammaan badeecadaha iyo adeegyada laga soo saaro gudaha muddo ciyiman inta badan hal sano.
Maqaalkani waxa uu muujinayaa qiimayn tafatiran oo lagu sameeyay 30-ka waddan ee ugu dhaqaalaha badan Afrika sannadka 2025-ka, iyadoo lagu salaynayo qiyaasihii ugu dambeeyay ee Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF), oo la sii daayay Abriil 2025.
Koonfur Afrika
Sida laga soo xigtay IMF, Koonfur Afrika ayaa la saadaalinayaa in ay sii ahaan doonto waddanka dhaqaale ahaan ugu tunka weyn Afrika sanadka 2025 iyada oo wax soo saarkeedu dhan yahay $ 410.34 bilyan, lana filayo in ay sii ahaato dalka haya hoggaanka qaaradda ilaa ugu yaraan 2027 sida lagu sheegay warbixinta Xaqiiqooyinka ee Africa.