War deg deg ah, Horumar ayaa laga sameeyay wada-hadallada Iran - Marco Rubio

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa Khamiistii sheegay inuu rajo ka qabo in booqashada taliyaha ciidanka Pakistan ee Iran ay horumar u horseedi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka, isagoo xusay in horumar laga sameeyay wada-hadallada.
Rubio ayaa wariyeyaasha u sheegay inuu ka warqabo in saraakiil Pakistani ah ay maanta u safri doonaan Tehran.
Wuxuu sheegay inuu rajaynayo in tani ay sii dardargelin doonto wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sidoo kale mar kale dhaleeceeyay NATO, isagoo ku eedeeyay inaanay taageero siin dagaalka Maraykanka ee ka dhanka ah Iran.
Wuxuu wariyeyaasha u sheegay in Donald Trump “uusan ka codsanayn inay diraan diyaaradaha dagaalka, balse ay diidan yihiin inay wax kasta qabtaan. Arrintaas aad ayaan uga niyad-jabsanahay.”
SII AKHRI WARBIXINO KALE













