Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Iran ayaa beenisay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay weerar ku qaadeen xarunta korantada Quwadda ee Barakah ee Imaaraadka

    Amir Saeed Iravani, oo ah wakiilka joogtada ah ee Iran u fadhiya Qaramada Midoobey, ayaa warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres iyo Guddoomiyaha Golaha Ammaanka Fu Cong ku diiday eedeymaha Mareykanka ee ku saabsan weerar drone ah oo lala beegsaday warshadda korontada ee Barakah.

    Saddex maalmood ka hor, Mike Waltz, oo ah wakiilka Mareykanka ee Golaha Ammaanka ee QM, ayaa ku eedeeyay Iran inay fulisay weerar drone ah oo lagu qaaday warshadda nukliyeerka ee Barakah ee Imaaraadka.

    Warqaddaas, oo uu codsaday in loo daabaco dukumenti rasmi ah oo Golaha Ammaanka ah, Mr. Iravani wuxuu ku tilmaamay hadallada Mr. Waltz ee ku saabsan weerarka drone-ka ee warshadda Barakah inay yihiin “eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn” isla markaana “aan wax caddeyn ah loo hayn,” wuxuuna si adag u diiday weerarka.

  2. Sida looga hortago in sawiradaada khaaska ah ee taleefoonka kuugu jira lagu faafiyo internet-ka?

  3. Ebola:Astaamaha lagu garto cudurka halista ah ee Ebola

    Cudurka Ebola ayaa ka dilaacay dalka Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee congo.

    Ilaa hadda dad badan ayaa u dhintay xanuunka.

    Maxaa ka mid ah calaamadaha lagu garto?

    Haddaba astaamaha cudurka, sida uu u faafo iyo qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo ayaan ka wareysannay Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) oo khabiir ku ah cudurrada faafa.

    Dhaqtarka ayaa sheegay inuu Ebola ku billowdo qaab hargabka oo kale ah, qandho, murqo-xanuun, dhuun-xanuun, lafo-xanuun iyo jajab badan. Laakiin kaddib wuxuu yeeshaa calaamado qoyaan leh.

    Qofka uu cudurku ku dhaco waxaa lagu arkaa matag iyo shuban badan, indhuhu way gaduudanayaan, dhuun-xanuunku wuu sii badanayaa. Mararka qaarna dhiig-bax badan ayaa imaanaya, sida uu tilmaamay Dr Fuje.

    “Waa cudur dilaa ah oo sidaas u faafa oo dadkii dadka la joogayna ay qaadi karaan, shaqaalihii u adeegayay oo u shaqeynayay haddii dhiiggii iyo dheecaankii iyo candhuuftii iyo wixii ay gaaraan, waxaa weeye cudur dadkii ku dhacaya,” ayuu yiri.

    Calaamadaha
    Qoraalka sawirka, Calaamadaha
  4. Koobka adduunka: Wadamadee ku guuleystay Koobka Adduunka tan iyo markii la bilaabay?

    Dalal tiro yar ayaa koobka ku guuleystay

    Xigashada Sawirka, Jamie McDonald/Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dalal tiro yar ayaa koobka ku guuleystay

    Tan iyo markii la aas-aasay Koobka adduunka (FIFA World Cup) sanadkii 1930, kaliya siddeed dal ayaa ku guuleystay inay magacooda ku qoraan liiska ku guuleystayaasha tartanka kubadda cagta ee ugu sharafta badan dunida.

    Uruguay, oo ahayd dalka martigeliyay tartankii ugu horreeyay sanadkii 1930, ayaa taariikh sameeyay markii ay noqotay xulkii ugu horreyay ee ku guuleysata koobka adduunka ee ugu caansan caalamka.

    Argentina ayaa ku guuleysatay koobkii ugu dambeeyay ee adduunka ee lagu qabtay Qatar sanadkii 2022, kadib markii ay ka adkaatay France final aad u xiiso badnaa, taasoo soo afjartay 36 sano oo ay ka maqnaayeen hanashada koobka adduunka.

    Intii u dhexeysay labadaas tartan oo ay kala fogeeyeen 92 sano, kaliya siddeed dal ayaa magacooda ku qoray liiska ku guuleystayaasha FIFA ee koobka adduunka.

    Brazil ayaa haysa rikoodhka guulaha ugu badan, iyadoo ku guuleysatay koobka adduunka 5 jeer.

    Waxaa koobka adduunka ku guuleystay tan iyo intii la bilaabay dalalka hoos ku xusan.

    • Brazil — 5 mar (1958, 1962, 1970, 1994, 2002)
    • Jarmalka— 4 mar (1954, 1974, 1990, 2014)
    • Taliyaaniga — 4 mar (1934, 1938, 1982, 2006)
    • Argentina — 3 jeer (1978, 1986, 2022)
    • Fransiiska — 2 mar (1998, 2018)
    • Uruguay — 2 mar (1930, 1950)
    • Spain — 1 mar (2010)
    • England — 1 mar (1966)
  5. ciidamada Israa’iil oo amar ku bixiyay in dadka ay baneeyaan laba aag oo ku yaalla magaalada Tire ee dalka Lubnaan

    Dhismo burbursan

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dhismo burbursan

    Ciidanka Israel ayaa soo saaray “amar daad-gureyn” ah oo loogu talagalay dadka deggan laba goobood oo ku yaalla magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan.

    Afhayeenka Carabiga ku hadla ee ciidanka Israel ayaa qoraal uu ku daabacay akoonka ciidanka ee X ku sheegay in dadka ku nool labada dhisme iyo agagaarkooda ay si degdeg ah uga baxaan, isagoo sheegay in howlgalka ciidamada Israel uu dhawaan bilaaban doono.

    Mid ka mid ah dhismayaasha ay ciidamada Israel amar ku bixiyeen in la daad-gureeyo wuxuu ku yaallaa meel aad u mashquul badan oo ka tirsan magaalada Tyre.

    Israel waxay sheegtay in Xisbullah ay labada dhisme u isticmaasho hawlo militari.

    Inkasta oo ay jirto xabbad-joojin u dhexeysa Israel iyo Lubnaan, haddana magaalada Tyre ayaa marar badan bartilmaameed u noqotay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel.

    Ugu yaraan sagaal qof ayaa maanta lagu dilay duqeymo ay Israel ka geysatay magaalada Tyre.

    Dhanka kale, Xisbullah ayaa weerar drone ah ku qaaday waqooyiga Israel, balse ilaa hadda lama shaacin wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaasi.

  6. Qarax ka dhacay New York goob lagu dayactiro maraakiibta iyo khasaaro ak dhashay

    Hal qof ayaa dhintay, halka 36 kale ay ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay goob dayactirka maraakiibtaee Staten Island, magaalada New York.

    Saraakiishu waxay sheegeen in qaraxu dhacay maalintii Jimcaha xilli dab-demiska ay goobta ku sugnaayeen, iyagoo la tacaalayay dabka isla markaana isku dayayay inay badbaadiyaan laba qof oo ku xannibnaa gudaha.

    Laba ka mid ah shaqaalaha dab-demiska ayaa sidoo kale la dhigay isbitaal, oo uu ku jiro kormeere waaxda dab-demiska ah oo soo gaaray dhaawac madaxa ah , waxaana lagu xiray qalabka neefsashada, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in mid ka mid ah shaqaalaha dab-damiska uu weli ku jiro xaalad halis ah, balse ay muuqdaan calaamado muujinaya inuu soo kabanayo.

  7. CBS: Maraykanka oo isku diyaarinaya weerar cusub oo suurtagal ah oo lagu qaado Iran

    USS Abraham Lincoln

    Xigashada Sawirka, CENTCOM

    Qoraalka sawirka, USS Abraham Lincoln

    Warbaahinta CBS News ayaa werisay in Mareykanka ay isku diyaarinayso wareeg cusub oo weerarro militari ah oo ka dhan ah Iran, iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ay weli socdaan.

    Horey, shabakadda wararka Axios ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa laba sarkaal oo Mareykan ah, in Donald Trump uu kulan la yeeshay xubno sare oo ka tirsan kooxdiisa amniga qaranka si ay si dhab ah uga wada hadlaan suurtagalnimada weerarro cusub oo lagu qaado Iran haddii wadaxaajoodyadu fashilmaan.

    Isla waqtigaas, Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir iyo wafdi ka socda Qatar ayaa dadaal xooggan ka wada Tehran si loo yareeyo khilaafaadka loogana hortago dagaal cusub.

  8. Maxay tahay sabab ay caabuqyada waraabowga iyo jabtada u gaareen heerkii ugu sarreeya Yurub?

  9. Iraan:Axdiga Qaramada Midoobay ma aqoonsana fikradda dagaalka lagama maarmaanka ah

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegay in weerarkii Mareykanka iyo Israel ku qaadeen Iran iyo dagaalkii ka dhashay ay ahaayeen “xadgudub cad” oo ka dhan ah Axdiga Qaramada midoobey.

    Farriin uu ku qoray barta bulshada ee X kuna socotay Madaxweynaha Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, Ismail Baghaei ayaa ku yiri: “Axdiga Qaramada Midoobay ma aqoonsana fikradda ‘dagaal lagama maarmaan ah’ oo siinaysa Maraykanka xaq uu xoog ugu adeegsado dal madax-bannaan iyadoo lagu saleynayo go’aanno aan sharciyeysneyn oo ay gaareen kuwa gardarrada wada.”

    Madaxweynaha Jarmalka ayaa dhawaan ka hadlay dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil, iyo Iran. Wareysi uu siiyay podcast Jarmal ah ayuu ku sheegay in dagaalkii dhawaan lala galay Iran uu ahaa mid aan loo baahnayn islamarkaana laga hortegi karay.

    Isagoo ka jawaabaya hadalladaas, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa maanta yiri: “Weerarka Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran lama yareyn karo ama dib looguma qeexi karo si fudud inuu ahaa ‘dagaal aan loo baahnayn.’”

  10. Midowga Yurub oo shaaca ka qaaday in ay diyaariyeen go’aano cunaqabateweno dheeraad oo ka dhan ah Iran

    Midowga Yurub ayaa sheegay inay dib u habeyn ku sameysay nidaamka cunaqabateynta si loo bartilmaameedsado shaqsiyaad ay ku eedeysay inay ka caawiyeen Iran “khatar gelinta xorriyadda maraakiibta ee Bariga Dhexe.”

    Xayiraadahaan ayaa markii hore loo sameeyay si looga hortago taageerada Iran ee duullaankii ballaarnaa ee Ruushka ku qaaday Ukraine, balse isbeddellada uu sameeyay golaha midiwga Yurub ayaa hadda u oggolaanaya in lagu dabaqo arrimaha la xiriira marinka Hormuz.

    Golaha Yurub ayaa ku dhawaaqay: “Midowga Yurub wuxuu hadda awood u yeelan doonaa inuu qaado tallaabooyin xaddidaad dheeraad ah oo looga jawaabayo falalka Iran ee wiiqaya xorriyadda maraakiibta ee marinka Hormuz.” Tallaabooyinkaas waxaa ka mid noqon doona mamnuucid safar iyo xannibaad hantiyeed.

    Marinka Hormuz ayaa si dhab ah u xirnaa tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil, iyo Iran.

  11. Aroosad Hindi ah ayaa geeriyootay. Eedeymo is khilaafsan oo dil iyo isdilid ah ayaa kiciyay buuq weyn oo warbaahinta ah

  12. Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan Bariga Dhexe ay ku jiraan diyaargarowga ugu sarreeya

    USS Abraham Lincoln

    Xigashada Sawirka, CENTCOM

    Qoraalka sawirka, USS Abraham Lincoln

    Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka kana masuul ah howlgalada dagaal ee ka dhanka ah Iran, ayaa ku dhawaaqay in guutada weerarka ee markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln ee ku sugan badda gacanka ay ku jiraan “heerkoodii ugu sarreeyay ee diyaar garow.”

    Qoraal lagu daabacay baraha bulshada, CENTCOM ayaa la wadaagtay sawirro muujinaya diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, oo ay ku jiraan diyaaradaha qarsoon ee F-35 Lightning II, kuwaas oo ka duulaya dusha markabka diyaaradaha xambaara, waxayna sheegtay in ciidamadoodu diyaar u yihiin iyagoo “fulinaya xayiraadda Maraykanka ee dekedaha Iran

  13. Saynis yahano UK ah oo soo saaraya talaalka Ebola kaas oo la heli karo bilo gudahood

    Saynis yahanada UK waa inay soo saarayaan tallaalka Ebola bilo gudahood

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Saynis yahanada UK waa inay soo saarayaan tallaalka Ebola bilo gudahood

    Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Oxford ayaa soo saaray tallaal cusub oo lagu bixin karo ama lagu diyaarin karo muddo bilo gudahood ah, kaas oo gacan ka geysan kara la dagaallanka cudurka cudurka Ebola.

    Dalka Congo oo uu cudurka ka dilaacay ayaa la sheegay in uu gaaray 750 kiis iyo 177 dhimasho.

    Nooc kale oo ka mid ah fayraska Ebola, oo loo yaqaan Bundibugyo virus, ayaa la sheegay in uu dilo ku dhawaad saddex-meelood meel dadka uu ku dhaco, waxaana weli aan jirin tallaal si buuxda loo xaqiijiyay oo ka hortaga.

    Saynisyahannadu waxay sheegeen in ay si joogto ah u wadaan dadaallo lagu raadinayo tallaal cusub.

    Sabtidii, WHO ayaa ku dhawaaqday in cudurka uu yahay walaac caafimaad oo caalami ah, inkastoo aan weli loo aqoonsan heer faafitaan caalami ah.

    Hay'adda caafimaadka addiuunka ayaa sidoo kale kor u qaaday heerka halista Ebola ee gudaha Congo, iyadoo oo gaarsiisay ”heerkii ugu sareeyay“.

    Hay’addu waxay sheegtay in welwelka cudurka uu aad uga sarreeyo gudaha gobolka, balse uu weli hooseeyo marka loo eego heerka caalamiga ah.

  14. Iran: “Waaxda Garsoorka Ilam waxay sheegtay inay la wareegtay hantida toddoba qof.”

    Calanka iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Calanka iran

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Gobolka Ilam ayaa ku dhawaaqay inuu la wareegay “hantida iyo maalka” toddoba muwaadin oo ka tirsan mid ka mid ah magaalooyinka gobolkaas, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay tahay “danta xuquuqda dadweynaha” iyo in dadkaas ay galeen “khiyaano qaran.”

    Imran Alimohammadi ayaa Wakaaladda Wararka ee Garsoorka u sheegay in la wareegidda hantida lagu fuliyay “iyadoo la raacayo ciqaabta la wareegidda hantida ee hoos timaadda Sharciga Ciqaabta Basaasnimada iyo Sharciga Fulinta Qodobka 49 ee Dastuurka,” kadib markii “kiisas sharci ah loo furay eedeysanayaasha.”

    Sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ilam, hantida lala waxaa ka mid ah guryo, baabuur, hantida bangiyada, iyo hanti kale.

    Maalmihii iyo toddobaadyadii u dambeeyay, hay’adaha garsoorka ee gobollo kala duwan oo ka tirsan Iran ayaa ku dhawaaqayay inay la wareegeen hanti muwaadiniin lagu eedeeyay dambiyo kuwan la mid ah.

    Xaaladaha qaar, xitaa magacyada dadkaas ayaa la shaaciyay

  15. Reuters: Wafti ka socda Qatar oo ku sugan Tehraan iyagoo kaashanaya Maraykanka

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah, wafdi ka socda Qatar ayaa gaaray Iran iyagoo la shaqeynaya Mareykanka.

    Sida wararku sheegayaan, ujeedada safarka wafdigan ayaa ah in la caawiyo dadaallada lagu gaari karo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka lagula jiro Iran iyo in la xalliyo khilaafaadka weli taagan.

    Qatar ayaa hore u ciyaartay doorka dhexdhexaadinta ee colaaddii Gaza iyo xiisado kale oo caalami ah, balse waxay ka fogaatay dhexdhexaadin tan iyo bilowgii dagaalka cusub ee u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil, iyo Iran.

    Intii lagu jiray xiisaddaas, Qatar ayaa sidoo kale la sheegtay in ay bartilmaameed u noqotay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay qaaday Iran.

  16. Sheekada cajiibka ah ee haweeneydan: 'Waxaan leeyahay labo xubin taran'

  17. Asim Munir, Taliyaha Ciidanka Pakistan, oo maanta mar kale gaarayTehran.

    .

    Xigashada Sawirka, Iranian Parliament Communication Office/Handout via Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Pakistan, Taliyaha Ciidanka Dalka, Field Marshal Asim Munir, ayaa u ambabaxay Tehran.

    Wakaaladda wararka ee AP, oo soo xiganaysa ilo amni, ayaa sheegtay in Asim Munir uu la yeelan doono mas’uuliyiinta Iran wadahadallo ku saabsan “wadaxaajoodka socda ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyo danaha kale ee wadajirka ah.”

    Taliyaha ciidanka Pakistan ayaa horey 40 maalmood ka hor u booqday Tehran, halkaas oo uu kula kulmay Maxamed Bagher Ghalibaf iyo xubno ka tirsan kooxaha wadaxaajoodka Iran iyo Maraykanka.

    Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan ayaa sidoo kale ku sugnaa Tehran markii labaad toddobaadkan, isagoo wadahadallo la leh mas’uuliyiinta Iran.

    Marco Rubio ayaa sheegay in Washington ay sugayso natiijada wadahadalladan iyo waxa ka soo baxa.

  18. Wax ka ogow goobaha ugu halista badan adduunka

    Gobtan waa mid halis ah

    Xigashada Sawirka, IMAGE SOURCE

    Qoraalka sawirka, Gobtan waa mid halis ah

    Haddii aadan hore u aqoon dhammaan goobahan halista ah ee adduunka dacalladiisa ku yaalla, isla markaana ay kuu qorsheysan tahay inaad midkood booqato, waxaad u baahan tahay inaad beddesho qorshahaaga, maaddaama tobankan meelood ee soo socda ay yihiin kuwa ugu halista badan dunida.

    Ku dhufo lifaaqa hoose

  19. Ciraaq, Uzbekistan, iyo Kazakhstan oo u diray gargaar bini'aadantinimo dalka iran

    Ku-xigeenka madaxa hay'adda laanqeyrta cas ee Iran Iran ayaa sheegtay in Ciraq, Uzbekistan, iyo Kazakhstan ay gargaar bani’aadannimo u soo direen Iran, isla markaana deeqihii ay bixiyeen ay gudaha dalka soo gaareen.

    Razia Alishundi ayaa tiri: “Gargaarkan waxaa ku jira cuntooyin, dawooyin, iyo qalab caafimaad oo la siiyay Ururka Bisha Cas si loo taageero howlaha gurmadka loona daboolo baahiyaha dadka nugul.”

    Sida ay sheegtay hay'adda laanqeyrta cas ee Iran, ciraaq waxay Iran u dirtay 9 gaari oo xamuul ah oo sida ku dhowaad 180 tan oo cunto, dawooyin, iyo qalab caafimaad ah; Uzbekistan waxay dirtay 15 gaari oo sida 300 tan; halka Kazakhstan ay Iran ugu dirtay gargaar saaran 30 gaari tareen oo culeyskoodu yahay 1,700 tan.

    Ku-xigeenka madaxa Ururka Bisha Cas ee Iran ayaa sheegtay in qayb “aad u badan” oo ka mid ah gargaarka Kazakhstan ay yihiin bur iyo sonkor.