Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay
safaarada la sheegay in Somaliland ay ka furanayso Qudus, isaga oo sheegay in
caalamka aan muslimka ahayn ay ka xishoodeen inay safaaradooda geeyaan Baytu-almaqdis.
''Maanta sina suurtagal noogama aha in qayb kamid ah dalkeena
ay timaado Israa’iil. Israa’iil kumaanan duulin, dowladnimadeeda ma diidin,
dowlad hanoqotaan dhahnay. Waxaa nasiib daro ah in aan dhahno calankii ay ugu
qornayd ‘Laa illaaha illalaahu Maxada rasuulu laah ayaan ka taagaynaa oo aan
leenahay Israa’iil baa iska leh oo caasimadii Israa’iil. Caalamka aan muslimka
ahayn aa ka xishooday inay yiraahdaan oo soo qaadaan safaaradooda oo keenaan
Baytu-almaqdis’’
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray ''Maanta wiil Soomaaliyeed inuu calan meeshaa ka taago uu
yiraahdo safaaradeenii waxaan ka furaynaa meeshaas ‘magaaladii saddexaad ee
magaalooyinka islaamka ugu Sharaf badnayd, qibaladii koowaad’’
Haddii aad tahay qof dumar ah, waxay u badan tahay inaad sii noolaan karto in ka badan inta walaalahaaga ama asxaabtaada nool yihiin - ilaa 5 sano, haddii loo eego celceliska caalamiga ah.
Sababaha dhabta ah ee cimriga dumarka dheereeya si buuxda looma garanayo, laakiin saynisyahannadu waxay hayaan fikrado yar.
Waxayna xitaa caawin karaan inay sharaxaan sababta noocyada noolayaasha qaar sida shimbiraha qaarkood, ay kuwooda lab u helaan cimri dheeri.
Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay warshad ku taalla Maraykanka
Xigashada Sawirka, Reuters
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena weli waa
la la’yahay kadib qarax weyn oo kiimiko ah oo ka dhacay warshad sameysa
waraaqaha oo ku taalla gobolka Washington, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.
Qaraxan ayaa dhacay 7:15 subaxnimo waqtiga maxaliga ah gudaha
xarunta Nippon Dynawave Packaging ee magaalada Longview, oo qiyaastii 210 km
koonfur ka xigta Seattle.
Sagaal qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka, oo ay ku
jiraan siddeed shaqaale iyo hal dab-demiye, sida ay sheegtay Waaxda Dab-damiska
Longview, iyadoo intaas ku dartay in taangiga qarxay uu weli yahay mid aan
degganeyn.
Shirkaddu waxay bayaan ku sheegtay in qaraxu uu ka dhashay
“dillaac ku yimid taangi ay ku jirtay maaddada ” White liquor oo ah kiimiko aad
u daxal badan oo loo isticmaalo habka samaynta waraaqaha.
NASA oo daaha ka qaadday talaabooyinka xiga ee ay saldhig kaga dhisayso oogada dayaxa
Cadaymo soo bandhigay dalalka Imaaraadku Carabtu mariyey calooshood u shaqaystayaasha uu geeyey Suudan
Xigashada Sawirka, Human Rights Watch
Baaritaan ay sameeyeen koox hormuud u ah xuquuqda aadanaha ayaa lagu helay cadaymo Imaaraatka Carabtu ku lug leeyihiin oo ah qoritaanka calooshood u shaqeystayaasha Colombia si ay uga qeyb qaataan dagaalka Suudaan. Human Rights Watch ayaa sheegtay in shirkad amni oo fadhigeedu yahay Abu Dhabi, oo xiriir la leh qoyska talada haya, ay abaabushay duulimaadyo iyo tababar ka hor inta aysan si qarsoodi ah u qaadin dagaalyahanno si ay u caawiyaan ciidamada fallaagada ee Suudaan.
Caddaynta ay ururisay Human Rights Watch ayaa tilmaamaysa in tan iyo 2024-kii, shirkad amni oo fadhigeedu yahay Abu Dhabi – taas oo shati u haysata inay u shaqeyso dawladda Imaaraatka isla markaana xiriir la leh qoyska talada haya iyo saraakiisha sarsare ee Imaaraadka Carabta ay u muuqatay inay shaqaaleysiiso qandaraaslayaasha millatariga gaarka ah ee Colombia (PMCs) kuwaas oo loo diray Suudaan si ay uga barbar dagaalamaan RSF. Human Rights Watch waxa ay aaminsan tahay in dagaalyahanada lebisan dharka cad ee ay gabar goob jooge ah tilmaantay in ay u badan yihiin Qandaraaslayaasha milateriga gaarka ah Colombia, kuwaas oo garab istaagay halka dagaalyahanada RSF ay dileen rag iyo dumar, oo ay ku jiraan dadka naafada ah.
Maxkamad Talyaani ah oo xukun la yaab leh ka soo saartay dacwad dhexmaray Kabalyeeri iyo dalxiise
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamadda ugu sarreysa Talyaaniga ayaa go’aamisay in hoteel
shan-xiddigle ah oo ku yaalla buuraha Dolomites uu si sharci ah u dhaqmay
markii uu diiday inuu biyaha tuubada siiyo dalxiise.
Haweeneydan ayaa ku dooday in “biyuhu yihiin kheyraad
dabiici ah iyo xuquuq bani’aadanimo oo caalami ah” kadib markii shaqaale
maqaayadda ka tirsan uu u soo bandhigay keliya biyo dhalada ku jira oo qiimahoodu ahaa 7 lacagat yuurada ah intii lagu jiray xilligii barafka ee 2019,
gudaha hoteelka Hotel Sassongher ee magaalada Corvara.
Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in Maxkamadda Sare ee
Talyaanigu ay diidday codsigeedii ahaa magdhow dhan 2,700 oo yuuro oo ay ku
sheegtay dhaawac nafsi ah iyo khasaare dhaqaale.
Silvio Belardi, oo ah qareenka matalayay hoteelka, ayaa
wargeyska Corriere Alto Adige u sheegay in maxkamaddu ay go’aamisay in “aysan
jirin waajib lagu bixiyo biyaha tuubada.”
Wararka warbaahinta ayaa sheegaya in haweeneydan ay markii
hore dacwadda ka gudbisay maxkamad hoose oo ku taalla magaalada Rome. Ilaa
hadda lama shaacin aqoonsigeeda ama asalkeeda.
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Italy ayaa diiday
dacwadeeda, iyagoo xukumay in sharciyada iyo xeerarka Talyaanigu aysan ku
qasbayn goobaha adeegga inay martida siiyaan biyo tuubo ah, isla markaana
go’aanka bixinta biyahaas uu u yaallo goob kasta si gaar ah.
Dibi lagu naanayso "Donald Trump" oo xiddig ka noqday baraha bulshada
Xigashada Sawirka, AFP
Marka ay soo dhowaanayaan maalmaha Ciidul-Adxaa, suuqyada xoolaha waa la qurxiyaa waxaana sii kordha ciriiriga dadka doonaya inay iibsadaan xoolaha lagu qalo.
Xaaladdan oo kale, xoolo badan ayaa noqda kuwo caan ah—qaarkood qiimahooda awgiis, halka kuwo kalena caan ku noqdaan cabbirkooda iyo astaamahooda jireed.
Bangladesh, maalmahan, xoolo loo diyaariyay qurbaan ayaa si weyn u caan baxay sabab la xiriirta magaca loo bixiyay, iyadoo dad badani ay saf ugu jiraan inay sawirro la galaan.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP, dibigan albino-ga ah ee leh timo dahab ah ayaa loogu bixiyay magaca "Donald Trump" sabab la xiriirta timihiisa.
Milkiilaha xoolahaas oo 37 jir ah, Ziauddin, ayaa sheegay in walaalkiis uu u bixiyay magaca madaxweynaha Maraykanka sababo la xiriira timaha gaarka ah ee dahabiga ah isagoo miisaankiisu yahay 700 kiiloogaraam.
Hadalkii uu yiri Wiilka Soomaaliga ee soo jiitay Madaxweynaha Turkiga Recep Erdoğan
Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka hadlay shidaalka lagu wado in dalka Soomaaliya dhawaan qodidiisa laga bilaabo.
Madxwaynaha oo maanta la hadlayay baarlaamnka Turkiga ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qorshaha shidaal qodista ee ay Turkiga ka wdaan dalka Soomaaliya.
Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa tusaale u soo qaatay wiil yar oo Soomaali ah oo oo sida uu sheeg ka falceliyay markii uu dhawaan arkay markabka Turkiga ee Shidaal qodista oo taagan xeebaha Soomaaliya.
"waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dareenka walaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo meel dhow ka arkay markabka Çağrı Bey,wuxuu si toos ah u yiri: "Weli kama soo kaban saamaynta markabka Çağrı Bey. Inaan si dhow u arko waxay ii ahayd waayo-aragnimo aan la ashqaraaray. Sababtoo ah Çağrı Bey wuxuu u ekaa magaalo weyn oo socota. Aad u weyn, aad u cusub, si qurux badanna loo dhisay. Maashaa Allaah. Runtii waa farshaxan la yaab leh." ayuu yiri mr Erdogan.
Madaxwayne Erdogan ayaa ereyadaas ku tilmaamay sawir qurux badan oo muujinaya awoodda Turkiga.
Waxaa uu sidoo kale madaxwaynaha Turkiga ka shaanqariyay walaalnida Turkiga iyo Soomaaliya iyo rejada la qabo.
Israa’iil ayaa
sheegtay inay dishay taliyihii garabka hubeysan ee Xamas, Maxamed Odeh, kadib
weerar laga fuliyay Qasa maalinta talaado ah maalmo yar kadib markii hoggaamiyihii ka
horreeyay uu ku dhintay weerar la mid ah.
Ugu yaraan saddex Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, tobannaan
kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka weyn ee Talaadada dhacay , kaas oo lala
beegsaday dhisme la degganaa oo ku yaalla mid ka mid ah suuqyada ugu mashquulka
badan Magaalada Qasa, sida ay sheegeen dhaqaatiir iyo goobjoogayaal deegaanka
ah.
Hay’adda ammaanka Israa’iil ee loo yaqaan Shin Bet iyo
militariga Israa’iil ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in
la bartilmaameedsaday dhismayaal uu Odeh ku dhuumanayay, kadib bilo badan oo
sirdoonku la socday dhaq-dhaqaaqiisa.
Weerarkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee dhimasho badan sababa
ee ay Israa’iil ka fuliso Qasa, inkastoo xabbad-joojin ay la leedahay Hamas ay
weli jirto.
Duqeyntu waxay ku dhacday saddexda dabaq ee sare ee dhismaha
al-Kayali oo ku yaalla bartamaha Magaalada Qasa, halkaas oo waddooyinku ay aad
ugu mashquulsanaayeen dad wax iibsanayay ciidda Muslimiinta ee Ciidul-Adxaa.
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) iyo Shin Bet ayaa sheegay:
“Iyadoo qeyb ka ah howlgal wadajir ah oo ay IDF iyo Shin Bet ku beegsanayeen
argagixisada Maxamed Odeh, waxaa la weeraray dhowr dhisme oo ku yaalla
bartamaha Magaalada Gaza kuwaas oo hoy u ahaa, kadib bilo badan oo sirdoon lagu
daba socday isaga iyo kaaliyayaashiisa ururka.”
Waxay sidoo kale sheegeen inay garaaceen “guri u dhow oo uu
lahaa xubin Xamas ka tirsan oo ka qeyb qaatay weerarkii Oktoobar 7 isla
markaana kamid ahaa kooxda kaaliyeyaasha Odeh.”
Kooxaha gurmadka ayaa si degdeg ah ugu baxay goobta
weerarka, balse waxay ku adkaatay inay gaaraan dabaqyada sare sababo la xiriira
burburka xooggan iyo ciriiriga ka jiray deegaanka.
Goobjoogayaal ayaa
sheegay in ugu yaraan shan gantaal ay ku dhaceen dhismaha ku dhowaad isku mar,
iyagoo kaga yimid jihooyin kala duwan.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa
Talaadadii sheegay in IDF ay bartilmaameedsadeen Maxamed Odeh, iyagoo ku
tilmaamay “mid ka mid ah maskaxdii ka dambeysay” weerarradii October 7 attacks
ee sanadkii 2023.
Bayaanka ayaa intaas ku daray: “Odeh wuxuu mas’uul ka ahaa
dilka, afduubka, iyo dhaawaca muwaadiniin badan oo Israa’iiliyiin ah iyo
askarta IDF.”
Malaayiin Muslimiin ah ayaa daafaha caalamka u dabaaldegaya
munaasabadda Ciidul-Adxa taas oo ah mid
sanadkiiba mar soo marta.
Magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa, Jigjiga, Nairobi iyo
magaalooyin kale ayaa si weyn looga oogay salaada ciida taas oo ay boqolaal kun
oo dad ah ay salaadda ku tukadeen goobo
loo asteeyey oo barxado ah iyo masaajidada.
Magaalada Muqdisho wariyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aden oo
ku tukaday mid ka mid ah masaajidda Muqdiso ayaa sheegay in jawigu ciidu yahay
mid farxad iyo baraare ay dadku ku ciidayaan iyadoo takbiirta laga akhrinayo
cod-baahiyaasha.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal
Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre iyo madax kale ayaa salaada ciida kumanaan qof
kula tukaday masaaajidka weyn ee Isbahaysiga
Islaamka ee Muqdisho
Halkan kala soco sida looga ciidan geyiga Soomaalida iyo
qurbahab
Haddaad jeceshahay telefoonka Apple halkan ka ogow dhammaan jawaabaha su'aalaha aad isweydiineyso
Alhassan Dantata: Ninkii u dhashay Nayjeeriya ee xajka ku aaday doonta
War deg deg ah, Isra'iil oo duqeymo dad badan laayay ka fulisay Lubnaan
Tiro dad ah ayaa lagu dilay duqeymo culus oo ay Israa’iil ka fulisay
koonfurta iyo bariga Lubnaan, kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil
Benjamin Netanyahu uu ku hanjabay in la kordhin doono howlgalka militari ee ka
dhanka ah Xisbullah. Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan
31 qof lagu dilay weerarradii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan carruur dhowr ah.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay beegsadeen in ka badan 100 goobood oo
ay Xisbullah ku leedahay kaabeyaasha iyo dagaalyahanno, taas oo ahayd mid ka
mid ah habeennadii duqeymaha ugu culus ay dhaceen tan iyo xabbad-joojin ay
Maraykanku dhexdhexaadiyeen ee bilaabatay bartamihii Abriil.
Netanyahu Isagoo ka hadlayay kulan golaha amniga Talaadadii, wuxuu sheegay
in Israa’iil ay “sii ballaarinayso howlgalladeenna Lubnaan.”
“Ciidanka IDF [waxay ku howlan yihiin awood weyn oo dhulka ah, waxayna
qabsanayaan dhul muhiim ah,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in ay
“xoojinayaan aagga amniga” si loo ilaaliyo bulshooyinka waqooyiga Israa’iil ka
difaaca weerarrada Xisbullah.
Xabbad-joojinta ayaa si isdaba joog ah ay u jebiyeen labada dhinac, taas oo
halis gelisay wadahadallada adag ee socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro
dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan.
Duqeymaha cirka iyo madaafiicda Israa’iil ayaa sii socday maalin kasta, gaar
ahaan koonfurta Lubnaan, halka Xisbullah ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye
lahayn ku beegsanayso deegaannada waqooyiga Israa’iil iyo ciidamada Israa’iil
ee qaybaha koonfureed ee Lubnaan haysta.
War deg deg ah, Kooriyad Waqooyi oo tijaabisay hub weyn oo ku qalabaysay Kasgacmeedka AI
Article Information
Author, Abdishukri Haybe
Role, Saxafi BBC, Somali
Xigashada Sawirka, AP
Kuuriyada Waqooyi ayaa Arbacadii sheegtay in tijaabooyinkeedii ugu dambeeyay
ay ku jireen hubab kala duwan, oo ay ku jirto gantaal nooca cruise missile ah
oo qaadi kara hub nukliyeer ah, kaas oo hoggaamiye Kim Jong Un uu qorsheynayo
in lagu qalabeeyo cutubyada ciidamada ee ku sugan jiidda hore ee wajahaya
Kuuriyada Koonfureed, isagoo sii wada ballaarinta awoodda militari ee dalkiisa.
Warbixinta warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa timid maalin kadib
markii militariga Kuuriyada Koonfureed uu sheegay inuu arkay Waqooyiga oo riday
dhowr gantaal iyo walxo kale oo duulaya, kuwaas oo ay ku jirtay ugu yaraan hal
gantaal ballistic ah oo gaaban, kuwaas oo loo riday dhinaca biyaha galbeed ee
dalkaas.
Taliska ciidamada isku dhafka ah ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in
gantaalku uu duulay qiyaastii 80 kiiloomitir (50 mayl), balse ma aysan
faahfaahin noocyada kale ee hubka la isticmaalay.
Wakaaladda wararka dowladda ee KCNA ayaa sheegtay in Kim Jong Un uu
kormeeray tijaabooyinkii Talaadadii, kuwaas oo ay ku jireen gantaallo ballistic
ah oo leh madaxyo cusub oo loogu talagalay isticmaalka nukliyeerka ee goobaha
dagaalka, gantaallo cruise missile ah oo qaadi kara hub nukliyeer ah kuna
shaqeynaya tiknoolajiyada Kasgacmeedka (AI), iyo madaafiic kale ah oo
240-millimeter ah oo leh nidaamyo hagitaan “aad u sax ah.”
KCNA waxay sheegtay in Kim uu ku qancay natiijada tijaabooyinka, gaar ahaan
waxqabadka nidaamyada cruise missile-ka ee loogu talagalay in lagu qalabeeyo
cutubyada madaafiicda riddada dheer ee ku sugan xadka u dhow Kuuriyada
Koonfureed.
Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la dedejiyo dadaallada lagu casriyeynayo
laguna xoojinayo ciidamada madaafiicda si ay u noqdaan kuwo “aan cidina la
tartami karin,” sida ay wakaaladdu sheegtay.
Kim Jong Un ayaa dardargeliyay qorshayaasha lagu casriyeynayo hubka
nukliyeerka iyo gantaallada Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii wada-hadalladiisii
diblomaasiyadeed ee uu la lahaa madaxweynihii Mareykanka Donald Trump ay
burbureen sanadkii 2019.