Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Iraan oo sheegtay in heshiis “uusan weli dhaweyn"

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali
    iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Iiraan ayaa sheegtay in horumar laga sameeyay wadahadallada ay la leedahay Maraykanka, balse heshiis “uusan weli dhaweyn.”

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baqai, ayaa hadalkan sheegay kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, uu sheegay in heshiis suuragal ah la gaari karo Isniinta.

    “Waa sax in la yiraahdo waxaan gunaanad ka gaarnay qayb weyn oo ka mid ah arrimihii laga wada hadlayay,” ayuu Baqai ka yidhhi Tehran Isniintii. “Laakiin in taas laga dhigo in heshiis saxiixiisu dhow yahay cidna ma sameyn karto sheegashadaas.”

    Wararka ayaa sheegaya in heshiiska hordhaca ah uu ku jiro kordhin xabbad-joojin 60 maalmood ah, dib u furista marin-biyoodka Hormuz, iyo qorshe wadahadallo dheeraad ah looga yeesho barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

    Dhammaadkii toddobaadka, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in labada dhinac ay ku dhow yihiin heshiis, inkastoo uu markii dambe sheegay inuu faray garwadayaashu “inaysan ku degdegin” heshiiska.

    Isniintii, Rubio ayaa wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Delhi ee caasimadda Hindiya: “Waxaan moodaynay in laga yaabo inaan xalay helno war cusub. Waxaa laga yaabaa maanta.”

    CBS News oo bahwadaag la’ah BBC-da ee Maraykanka ayaa werisay in sirdoonka Maraykanku aaminsan yahay in Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei oo ku dhaawacmay weerar ay Israa’iil qaaday maalintii ugu horreysay ee dagaalka, kaasoo lagu dilay aabbihii iyo hoggaamiyihii ka horreeyay uu ku dhuumanayo meel aan la shaacin, taasoo adkaynaysa xiriirka lala sameeyo ergadiisa, isla markaana dib u dhigaysa xawaaraha wadahadallada uu Maraykanka la leeyahay.

  2. Claudia Sheinbaum: “Maraykanka ma doonayn in xulka Iran ay joogaan dhulkooda”

    Xulka qaranka Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ayaa sheegtay in ay ogolaatay in xulka qaranka Iran lagu martigeliyo Mexico inta ay socdaan ciyaaraha Koobka Adduunka 2026.

    “Maraykanka ma doonayn in xulka Iran ay joogaan dhulkooda,” ayey shir jaraa’id ka sheegtay Ms. Sheinbaum

    Xiriirka Kubadda Cagta Iran ayaa shalay sheegay kaddib markii ogolaasho laga helay FIFA in xarunta xulka qaranka degi doono la geeyay magaalada xadka Mexico ku taal ee Tijuana.

    Iran waxay ka dalbatay FIFA in xaruntooda loo wareejiyo Mexico halkii ay Mareykanka ka ahana laheyd balse FIFA ayaa markii hore u sheegtay in ay taasi suuragal aheyn.

    Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta Iran, Mehdi Taj, ayaa shalay sheegay in markii xarunta xulka laga wareejiyey gobolka Arizona ee Maraykanka, loona raray Tijuana Mexico, “aanan hadda jirin wax dhibaato fiiso ah, isla markaana xulku uu Mexico ugu safri karo duullimaad ay leedahay Iran Air.”

    Tijuana waa magaalo dad badan oo ku taal xadka San Diego.

    Mr. Taj wuxuu sheegay in masaafada duullimaadka u dhexeeya Tijuana iyo Los Angeles halkaas oo labada kulan ee ugu horreeya ee xulka lagu ciyaari doono ay tahay 55 daqiiqo, taas oo ka dhow xeradii hore ee Arizona.

    Sii akhri:

  3. Lamine Yamal ayaa ka mid noqday Xulka qaranka Spain ee ciyaaraha adduunka sanadkan

    Lamine

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xiddigan 18-jirka ah ayaa ka maqnaa ciyaaraha bishii ugu dambeysay kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa dambe ee bowdada bidix ciyaartii Barcelona 22-kii Abriil.

    Ciyaartoyda kala ah Dean Huijsen iyo Dani Carvajal ayaa sanadkan ka qeybgaleyn tartanka.

    Real Madrid wax koob ah ma aysan qaadin xilli ciyaareedkan, waxayna ku dhammeysteen iyagoo siddeed dhibcood ka hooseeya Barcelona.

    Ciyaaraha koobka adduunka waxay socon doonaan laga bilabao 11-ka Juun ilaa 19-ka Luulyo.

    Spain waxay ku jirta qeybta H waxayna la ciyaari doontaa marka ugu horreysay Cape Verde, Sacuudiga iyo Uruguay.

    Sii akhri:

  4. Waa kuwee cayaartoyda ugu da'da weyn ee ka soo muuqan doona koobka adduunka

  5. Diyaarad EasyJet oo ka timid Masar, kuna soo jeeday UK ayaa loo weeciyay Rome

    Diyaaradda easyjet

    Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

    Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha EasyJet oo UK u soo socotay ayaa loo leexiyay magaalada Rome kaddib markii la ogaaday in uu shaqeynayay qalabka dabka keydiyo oo ku jiray boorsada qof rakaab ah.

    Duulimaadka EZY2618 oo ka yimid Hurghada ee dalka Masar kuna sii jeeday London Luton Airport ayaa habeenkii Talaadada si degdeg ah ugu degay caasimadda Talyaaniga ee Rome.

    Shirkadda waxay sheegtay in duuliyuhu go’aansaday in la leexiyo diyaaradda “si waafaqsan xeerarka badbaadada” kaddib markii qof rakaab ah uu u sheegay shaqaalaha intii duulimaadku socday in dabeeyahiisu uu ku jiro qeybta hoose ee diyaarada halka la dhigo alaabta xamuulka. Shirkado badan oo diyaaradeed ayaa adkeeyay xeerarka qalabka keydka dabka ee loo yaqaan ‘Power Bank-yada’, iyagoo inta badan ku amraya in lagu qaato boorsada gacanta sababo la xiriira qatarta baytariyada.

    Diyaaraddu si nabad ah ayay uga degtay garoonka diyaaradaha Rome. Waxaa la ogaaday in aan wax cilad ah laga helin ‘Power bangiga’, balse xeerarku waxay dhigayaan in aan la gelin karin qeybaha xamuulka.

    Xeerarkan adag waxay ka tarjumayaan khatarta dabka ee baytariyada. Waxaa jira halis ay ku kululaan karaan ama dab ku qabsan karaan hadii ay ku jiraan qeybaha xamuulka balse waa la xakameyn karaa hadii lala raaco gudaha diyaarada.

    Sii akhri:

  6. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in dalalka Bariga Dhexe ay tahay in ay ku biiraan heshiiska Abraham

    Iran iyo Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa rajo fiican ka muujiyay horumarka laga gaaray wadahadallada socda ee u dhexeeya Iran iyo dalkiisa.

    “Wadahadallada Iran si wanaagsan ayay u socdaan, waxay noqon doonaan heshiis u wanaagsan qof walba, haddii kalena heshiis ma jiri doono,” ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social.

    Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka digay haddii aan heshiis la gaarin in Mareykanku uu dib ugu laaban doono dagaalka, isagoo sheegay in uu noqon doono “dagaal ka weyn kana xoog badan sidii hore, mana jiro qof doonaya taas.”

    Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale wadahadallada Iran la xiriiriyay heshiiska Abraham. Isaga oo tixraacaya wadahadal uu Sabtidii la yeeshay hoggaamiyeyaasha Sacuudiga, Imaaraatka, Qatar, Pakistan, Turkey, Masar, Urdun iyo Baxreyn ayuu sheegay in “marka Maraykanku xalliyo arrinta Iran, dalalkan ay tahay in ay saxiixaan heshiiska Abraham.”

    Imaaraatka, Baxreyn, Morocco iyo Sudan ayaa horey uga mid ahaa heshiiskaas. Trump wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in dalalka aan xubnaha ka ahayn ay saxiixaan heshiiska, oo ay ku jirto Iran, haddii ay doonayaan in ay heshiis la gaaraan Maraykanka.

    Heshiiska Abraham waxaa la sameeyay sanadkii 2020-kii markaas oo heshiis uu dhexmaray Israel iyo qaar ka mid ah dowladaha Carabta si caadi looga dhigo xiriirka Carabta iyo Israel.

    Sii akhri:

  7. UK ayaa diwaangelisay in maanta ay tahay maalintii ugu kululeyd taariikhda

    Kuleyl

    Mowjadaha kuleylka ee ka soo billowday horaantii toddobaadkii hore koonfur-galbeed Europe ayaa soo gaaray UK.

    Ma ahan oo keliya UK meelaha aadka u kulul. Maalmihii la soo dhaafay waxaa la diwaan geliyay in kuleylka uu gaaray heerkii ugu sareeyayee bisha May guud ahaan qaaradda Yurub.

    Dalka Spain, heerkul gaaraya 38°C ayaa la diiwaangeliyay Axaddii. Guud ahaan France iyo Germany heerkulka wuxuu gaarayo ilaa 30 darajo.

    Saacadihii la soo dhaafy kuleylka London wuxuu gaaray ilaa 33.5 darajo. Maanta ayaa noqotay maalintii ugu kululeyd bisha May. Kuleylka ayaa sii kordhaya saacadaha soo socda UK.

    Sii akhri:

  8. Iran: 'Maraykanka heshiis kama soo naasa-cadda'

  9. Dadka laga helay Ebola ee DRC ayaa ka badan 900 sida ay sheegtay WHO

    .

    Xigashada Sawirka, .

    In ka badan 900 oo kiis oo looga shakiyay in ay qabaan Ebola, oo ay ku jiraan 101 kiis oo si rasmi ah loo xaqiijiyey, ayaa laga helay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida uu shalay sheegay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus.

    Sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka, arrintan ayaa timid kaddib markii dad careysan oo ku nool magaalada uu cudurka ka bilowday ee bariga Congo ay weerar ku gubeen teendho qayb ka ahayd xarun caafimaad oo lagu daweynayay bukaannada qaba fayraska. Dhacdadan ayaa ahayd tii labaad ee noocan ah ee ka dhacda aaggaas toddobaad gudahiis.

    Sida lagu sheegay warbixino hore, cidna kuma dhaawacmin weerarka, balse markii bukaannadu ay carareen si ay uga baxsadaan dabka, ayey 18 qof oo looga shakisan yahay in ay qabaan Ebola ka baxsadeen xarunta welina lama hayo, sidaas waxaa sheegay agaasimaha isbitaalka.

    Dad careysan ayaa habeenkii Jimcaha yimid rug caafimaad oo ku taal magaalada Mongbwalu, waxayna dab qabadsiiyeen teendho loo diyaariyey dadka looga shakisan yahay iyo kuwa la xaqiijiyey in ay qabaan Ebola, taas oo ay maamulaysay hay’adda gargaarka ee dhakhaatiirta aan xuduudda laheyn, sida uu sheegay Dr. Richard Lokudi, oo ah agaasimaha isbitaalka Mongbwalu.

    “Waxaan si adag u cambaareyneynaa dhacdadan, maadaama ay cabsi ku abuurtay shaqaalaha, isla markaana ay sababtay in 18 qof oo looga shakisan yahay in ay cudurka qabaan ay baxsadeen.”

    Khamiistii, xarun caafimaad oo kale oo ku taalla magaalada Rwampara ayaa dab la qabadsiiyey kaddib markii ehellada qof u dhintay Ebola laga hor istaagay in ay qaataan meydka.

    Sii akhri:

  10. Wasiirka Amniga Qaranka Israel oo ugu baaqay Netanyahu in uu ku laabto dagaalka Lubnaan

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir, ayaa ku baaqay in dagaal buuxa lala galo Lubnaan.

    Codsiga wasiirka garabka midig ee fog ayaa yimid iyadoo xabbad-joojinta Lubnaan la kordhiyay toddobaadkii hore, isla markaana wareegga xiga ee wada-hadallada nabadda la filayo in lagu qabto magaalada Washington toddobaad gudihiis.

    Mr. Ben-Gvir ayaa bartiisa X ku qoray, “Waa wax aan la ogolaan Karin in caadi loo qaato diyaaradaha drones-ka ee qarxa, waxaa la joogaa waqtigii raysalwasaaraha uu miiska u gaarici lahaa Trump una sheegi lahaa in aan dagaalka ku laabaneyno”.

    Wasiirka waxa uu intaa ku daray: “Waa in aan goynaa korontada Lubnaan, oo aan qabsanaa xaafadaha hareeraha magaalada, islamarkaana ku laabannaa dagaal buuxa.”

    Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee jaban ee ay adeegsadaan Xisbullah ayaa ah kuwa ka gudba radaarada Israel intii uu dagaalka socday, waxayna geysteen khasaare balaaran.

    Sii akhri:

  11. Soomaaliya ma ku jirtaa10-ka waddan ee Afrikaanka ah ee daynta ugu badan lagu leeyahay 2026

  12. Taariikh: kun sano ka hor sidee loo Xajin jiray?

    Taariikh: kun sano ka hor sidee loo Xajin jiray.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Talaado 26 bisha May sanadka 2026 ayey ku beegan tahay maalinta carafa ee maalayiin muslimiina oo caalamka ka kala tagay ay gudanayaan waajibaadka xajka ayna taagan yihiin buurta Carafa. haddaab Maxaan ka ognahay wadooyinkii taariikhiga ahaa ee xujayda mari jireen boqolaal sano ka hor.

    Bal sawiro sida koox xujey ah oo ka yimi Shiinaha ay u mareen safar dheer oo kabilaabaya Shiinaha sii mareyey dhulka Faaris, Ciraq iyagoo uga sii tallaabay jasiirada Carabta, ujeedooda ayaa ahayd inay gaaraaan magaalada Barakaysan ee Madiina unaga sii gudbay magaalada Makkah si ay u soo xaj gutaan.

    Sheekadani maha mid khiyaali ah, laakiin waa xaqiiqooyin taariikheed oo ay u soo joogeen qaar ka mida Xujeyda muddo hadda laga joogo kun sanadood. Socdaalkaas oo qofka xaajigaa ah ku qaadan jirtay biloooyin. Lagana yaabo in dalkiisii uusan dib ugu soo noqon sanado badan mooyaane, waa sida uu sameeyey Ibnu Jubayr iyo sidoo kale dhul mareenkii reer Andalus ee Ibnu Baduuda.

    Waagaas Xajku ma ahayn uun cibaado diini ah oo qofku dhib iyo tacab badan uyuu u soo mari jiray, balse waxa ay ahayd fursad weyn oo la isku weydaarsado wararka, cilmiga, luuqadaha iyo waayaha ka hor warbaahinta casriga.

    Xajku wuxuu sabab u ahaa dib-u-soo-nooleynta qaab-dhismeed iyo xadaaradaha sidoo kale waxa uu ahaa fursad weyn oo ganacsi.

  13. Dalal carbeed iyo kuwo islaam ah oo cambaareeyey safaaradda ay Somaliland ka furanayso Quddus

  14. Suuqyada qaar oo laga baqayo in Ciidda xoolo yari ku timaaddo.

    Iyadoo Ciiddu maalin uun ka harsan tahay waddanka Ivory Coast waxaa ka jira walaac ku saabsan sicir bararka qiimaha xoolaha iyo in ay dhacdo xoolo yari ku timaado suuqyada.

    Suuqa xoolaha ee Abidjan, dadka iibsanaya iyo ganacsatada ayaa ka cabanaya koror xooggan oo ku yimid qiimaha, xaaladdan ayaa ka dambeysay go'aankii Burkina Faso ee 8-ddii bishaan ee ahaa in la hakiyo dhoofinta xoolaha ilaa amar dambe si loo hubiyo in suuqyada gudaha ay haystaan xoolo ku filan. Nicolas Negoce oo ka tirsan BBC ayaa booqday mid kamid ah suuqyada waddankaas, kuwaas oo si weyn ugu tiirsan waxyaabaha laga soo dejiyo Burkina Faso, Mali, iyo Niger si loo daboolo baahida sare ee Ciidda.

  15. Ismaaciil Baghaei; "arrimaha qaar wa gabagabo, balse ma jiro heshiis soo socda".

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan oo ka jawaabayey hadalkii ka yimid Marayka kaas oo ahaa in maanta ay filayana in ay Iiraan la garaan heshiis xabbad joojin ah. Afhayeenka waxa uu xusay in arrimaha qaar ay meel wanaagsan oo gabogabo ah Marayaan, “balse aan lagu tilmaami karin heshiis ayaa soo socda”.

    Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo goor si horreesay uu xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka sheegay in wadallada labada dal ay socdaan, ayna maanta filaayan in heshiis ay kala saxiixdaan.

    Sii akhri:

  16. Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo sheegay in Isniinta maanta ah ay suuragal tahay in heshiis ay gaaraan Iiraan iyo Maraykanka.

    Xoghaya Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xoghaya Maraykanka

    Xoghaya Maraykanka Mark Robio ayaa mar uu warbaahinta la hadlayey sheegay in meel wanaagsan ay marayaan wada-xaajoodyada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, kuwaas oo uu sheegay in qodobbo muhiim ay miiska saaran yihiin illaa iyo hadda, isla markaana heshiis lagu soo afjari karo dagaalka u dhexeeya labada dal laga yaabo in la gaaro Isniinta.

    “Weli waa hawl socota oo aan dhammaystirnayn,” ayuu Rubio yiri isaga oo ku sugan booqasho uu ku marayay Hindiya.

    Waxa uu hadalkan sheegay kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu sheegay in uu ku amray ergada ku mataleysa Maraykanka madasha “in aanay ku degdegin heshiis in lala gaaro Iiraan,”

    Wararka ayaa sheegaya in qorshaha ay kamid yihiin xabbad-joojin 60 maalmood ah, dib u furista Marinka Hormuz, iyo qorshe wada-xaajood dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

    Sii akhri:

  17. War deg deg ah, 80 maalmood kadib kalfadhiga Baarlamaanka Iiran oo si toos ah u furmay

    Sawirka golaha baarlamaanka Iiraan

    Xigashada Sawirka, X

    Warbaahinta Iiraan ayaa qoreysa in maanta oo Isniin ah uu dib u furmay kulankii baarlamaanka Iiraan xarunta dhexe ee barlamaanka dalkaas, kaas oo intii uu socday dagaalka ay ku kulmayeen hab fogaan arag ah ama online ah.

    Warbaahinta ayaa sidoo kale, sheegtay in inta uu kulankaan socday la qabtay doorashada guddoonka baarlamaanka, iyada oo Maxamed Bagher Ghalibaf mar kale loogu doortay guddoomiyaha baarlamaanka muddo hal sano ah oo kale.”

    Sii akhri:

  18. Caleenta Matcha ma caafimaadka ayey u roon tahay? Maxayse saynisyahanadu ka sheegeen?

  19. CBS: Helitaan la’aanta Mojtaba Khamenei oo “gaabis gelineysa” wada-hadallada u dhexeeya Tehran iyo Washington.

    CBS News oo ah warbaahinta ay BBC-da bah-wadaagta latahay gudaha Maraykanka ayaa warbixin ay Axaddii soo saartay ku sheegtay: “Macluumaad ka yimid hay’adaha sirdoonka ee Maraykanka ayaa muujinaya in hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan inuu ku sugan yahay meel aan la garanayn, isla markaana ay aad u xaddidan tahay inuu la xiriiro dunida inteeda kale, kaliya waxaa lagu heli karaa in Ergo loo diro, taas oo maalmo qaadaneysa.

    Sida ay CBS sheegtay, helitaankan adag ayaa ka mid noqonaya sababaha hoos u dhigay muddada lagu dhammaystirayo faahfaahinta heshiis suurtagal ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Washington.

    Si kastaba ha ahaatee, CBS waxay warisay in sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka uu Axaddii u sheegay in Mojtaba Khamenei oo ah hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah uu oggolaaday qaab-dhismeedka guud ee qabyo-qoraalka heshiiska hadda socda.

    Axaddii, Donald Trump ayaa sidoo kale ku qoray farriin uu ku baahiyay bartiisaTruth Social inuu filayo in go’aan kama dambays ah lagu dhawaaqi doono maalmaha soo socda.

    Sii akhri: