Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Benjamin Netanyahu oo ciidamada Israa'iil amray in ay la wareegaan gacanta ku haynta Gaza 70%

    Gaza

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu faray Ciidamada Difaaca Israa'iil inay kordhiyaan xakamaynta Gaza ilaa 70%.

    Isagoo ka hadlayay shir Khamiistii dhacay, wuxuu yiri: "Hadda waxaan u cadaadinaynaa Xamaas, inaan maamulno oo ay gacanteenna ku jirto 60% dhulka Gaza, waad ogtahay sida ay u weyntahay, markii hore waxaan gacanteenna ku jiray 50%, waxaa soo gaarnay oo isku ballaarinay illaa 60%, hadda amarkaygu waa inaan kordhino" ayuu yiri Netanyahu.

    Hadallka Benjamin ayaa imaanaya iyada oo Israa'iil ay weli Gaza ka waddo duqeymaha xilli uu jiro heshiiska xabbad joojinta ee hore loo gaaray.

    Ugu yaraan 738 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay duqeymaha Israa'iil tan markii la gaaray heshiiska, sida ay sheegeyso wasaaradda caafimaadk Xamaas.

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  2. Haween Soomaaali ah oo lagu soo eedeeyey khiyaano lacageed oo gaareysa $21 Milyan

  3. Maxkamadda sare Kenya oo amar kasoo saartay in la furo xarunta Ebola lagula tacaalayo

    Maxkamad ku taal Kenya oo joojisay qorshe xarun Ebola ah oo lala xiriirinayo Mareykanka

    Xigashada Sawirka, SNS

    Maxkamadda Sare ee Nairobi ayaa soo saartay amarro si ku-meelgaar ah u joojinaya in Kenya laga dhiso xarunta lagula tacalaayo dadka Eba uu kusoo dhaco, taas oo ay dowladda Maraykanka ay sheegtay in laga shaqeenayo maanta.

    Xukun la soo saaray 28-kii May, Garsoore Patricia Nyaundi ayaa kiiska ku tilmaamtay mid degdeg ah, waxayna bixisay amarro joojin ah oo hakinaya dhammaan qorshayaasha lagu dhisayo ama lagu hawlgelinayo xaruntaas illaa la helo xog faahfaahsan oo ku saabsan xarunta.

    Maxkamaddu waxay si gaar ah u mamnuucday hay'adaha dowladda iyo saraakiisha inay "dhisaan, hawlgelinayaan, fududeeyaan, ansixiyaan ama oggolaadaan" xarun kasta oo karantiil, taas lagu soo daabuli doono dadka Ameerikaanka ah ee uu rito cudurka Ebola ah guud ahaan qaaradda.

    Garsooraha ayaa sidoo kale mamnuucay in mas'uuliyiintu ay Kenya keenaan, ama fududeeyaan soo gelitaanka dalka qof kasta oo la sheegay inuu Ebola qabo.

    Amarradan ayaa imanaya xilli Kenya ay ka jirto caro dadweyne oo sii kordhaysa kadib warar ku saabsan xarun bio-isolation ah oo Mareykan maamulo oo loogu talagalay muwaadiniin Mareykan ah oo laga yaabo inay Ebola la kulmeen ama ku dhaceen gobolka.

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  4. War deg deg ah, Dhakhaatiirta Kenya oo ka soo horjeestay qorshaha lagu furayo xarunta karantiilka Ebola ee Kenya

    Dhakhaatiirta oo ka soo horjeestay qorshaha karantiilka Ebola ee Kenya, bixiyay digniin shaqo-joojin 48 saacadood ah

    Xigashada Sawirka, AFP

    Xoghayaha Guud ee Ururka Dhakhaatiirta, Farmashiistayaasha iyo Ilkaha Kenya (KMPDU), Davji Bhimji Atellah, ayaa su'aal ka keenay sababta Kenya loogu doortay inay martigeliso xarun karantiil iyo daaweyn Ebola ah oo la sheegay inay ku taallo Saldhigga Ciidanka Cirka ee Laikipia.

    War-saxaafadeed uu soo saaray 28-kii May, Atellah ayaa muujiyay caro xooggan oo ku saabsan qorshaha, isagoo ku eedeeyay dowladda inay mudnaanta siineyso danaha shisheeye halkii ay ka ilaalin lahayd badqabka muwaadiniinta Kenya.

    "Annaga oo ah ilaalayaasha ugu waaweyn ee nidaamka caafimaadka Kenya, aad ayaan uga walaacsannahay sida ay dowladda ugu muuqato inay halis gelinayso badqabka caafimaadka dalka iyo nolosha muwaadiniinta si loo helo gargaar shisheeye," ayuu yiri ururka.

    KMPDU ayaa hadda ugu baaqaysa Wasiirka Caafimaadka, Aden Duale, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay sharaxaan sababta Kenya loo doortay halkii laga dooran lahaa dalal u dhow halka uu ka jiro faafitaanka Ebola.

    "Ma fadhiisan doonno anagoo daawanayna Kenya oo loo rogo goob lagu xakameeyo cudur halis ah oo aynaan annagu keenin," ayuu raaciyay.

    Atellah ayaa sheegay in faafitaannadii hore Mareykanku uu muwaadiniintiisa dib ugu celin jiray dalkooda si loo daweeyo, halkii lagu wareejin lahaa dalal kale.

    KMPDU ayaa sidoo kale ku baaqday in heshiis kasta oo iskaashi ah oo u dhexeeya Kenya iyo Mareykanka ee la xiriira barnaamijkan si degdeg ah loo shaaciyo.

    Hadalladiisa ayaa imanaya xilli dood xooggan ay ka socoto Kenya kadib markii ay soo baxayn warar sheegaya in Maraykanka uu doonayo in uu Kenya usoo daabuli doono dadka u dhashay dalkaas ee uu cudurka ku dhaco.

    Wasaaradda Caafimaadka ayaa carrabka ku adkeysay in tallaabooyinka Kenya ay sii hagi doonaan saynis, qaab-dhismeed sharci iyo nidaamyo caafimaad oo adag, iyadoo isku dayaysa in ay dheellitirto iskaashiga caalamiga ah iyo badbaadada muwaadiniinta gudaha.

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  5. Sidee u joojin karnaa cunista xad-dhaafka ah?

  6. Muwaadin Mareykan ah oo loo xukumay inuu ka dambeeyey shirqool dil oo Iiraan ay ka dambeysay

    Muwaadin Mareykan ah oo lagu xukumay shirqool dil oo Iran ay ka dambeysay oo lagu beegsanayay qof mucaarad ah oo New York ku sugan

    Nin hore u ahaa darawal gaari xamuul ah ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah kadib markii uu ka qayb qaatay shirqool lagu doonayay in lagu dilo dhaqdhaqaaqe Iranian-American ah oo ay dowladda Iran bartilmaameedsanaysay, sida ay sheegeen masuuliyiinta.

    Jonathan Loadholt, oo 37 jir ah, ayaa qirtay dambiyo la xiriira qorsheyn dabagal sharci-darro ah iyo lacag dhaqid oo ka mid ah shirqoolka lagu beegsanayay Masih Alinejad oo ku sugan gurigeeda Brooklyn sanadkii 2024, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

    FBI-da ayaa fashilisay shirqoolka ka hor inta aan weerarku dhicin. Alinejad, oo si weyn u dhaleeceysa nidaamka Iran, ayaa BBC-da u sheegtay inay uga mahadcelinayso hay'adaha ammaanka, balse aysan dareemayn nafis.

    Si kastaba ha ahaatee, Alinejad waxay sheegtay inaysan aamusi doonin. "Codkaygu wuu ka xoog badan yahay hubkooda [nidaamka Iran]."

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  7. UK oo AI u adeegsan doonta hubinta da'da muhaajiriinta sharci doonka ah

    UK oo adeegsan doonta aqoonsiga wejiga ee AI si loo hubiyo da'da magangelyo-doonka laga bilaabo sanadka dambe

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Dowladda Ingiriiska ayaa bilaabeysa in ay isticmaasho qalab aqoonsan kara da'da qofka, haddii uu been ka sheego magangalyo doonka ah ee dalkaas gaara.

    Shirkad samaysa software ayaa la siiyay qandaraas ay ku horumariso soona tijaabiso teknoolojiyadan, taas oo qiyaasi doonta da'da qofka iyadoo falanqaynaysa sawirrada laga qaado marka uu yimaado xadka.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee UK ayaa sheegtay in teknoolojiyadani ay fududeyn doonto in la aqoonsado dadka waaweyn ee muhaajiriinta ah ee "isku dayaya inay nidaamka khiyaaneeyaan," kadib markii tijaabooyinkii hore ay muujiyeen "rajo ah in ay fududaan karto in la fahmo qofka ka been sheega da'da uu jiro".

    Balse hay'dda u doodda xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqday in dowladda ay joojiso qorshahan, iyadoo ku tilmaantay "teknoolojiyad aan wali la xaqiijin" oo dhaawici doonta ilaalinta xaqa carruurta nugul xaqa leeyihiin.

    Muhaajiriinta carruurta ah ee aysan la socon waalidkooda ayaa lagu daraa nidaamka daryeelka carruurta halkii laga marin lahaa nidaamka magangelyo-doonka, taas oo u sahlaysa inay dalka sii joogaan.

    Go'aanka lagu adeegsanayo software-kan ayaa yimid kadib sanado ay sare u kaceen dadka doomaha yaryar kaga soo gudba kanaalka English Channel kuna dalbada magangelyo marka ay yimaadaan xadka.

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  8. Drone Ruushka laga leeyahay oo ku dhacday dhisme ku yaalla Romania

    Drone Ruush ah oo ku dhacay dhisme dabaqyo ah oo ku yaalla Romania

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Mid kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku dul dhacday guryo dabaq ah oo ku yaallay Romania, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca dalkaasi subaxnimadii saaka, taas oo sababtay dab, isla markaana ay dhaawacmayn laba qof.

    Drone-ka ayaa ku dhacay magaalada bari ee Galati xilli Ruushku uu weerarro ka waday gudaha Ukraine meel u dhow xadka, sida lagu sheegay bayaan ay wasaaraddu soo saartay.

    Hay'adda Guud ee Gurmadka Degdegga ah ee Romania ayaa sheegtay in dhammaan walxihii qaraxa ahaa ee drone-ka saarnaa ay wada qarxeen, taas oo dab ka dhalisay dabaqa 10-aad ee dhismaha, kaas oo ahaa mid la deganaa.

    Drones-ka Ruushka ayaa dhowr jeer uga tallaabay xadka dalka Romania oo xubin ka ah NATO muddadii afarta sano ahayd ee dagaalka Ukraine socday, balse tani waa markii ugu horreysay ee muwaadiniin Romanian ah ay waxyeello kasoo gaarto. Ruushka ayaan weli ka hadlin arrintaan.

    Laba diyaaradood oo dagaal nooca F-16 ah ayaa la hawlgeliyay kadib markii drones-ka lagu arkay hawada Romania, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca.

    Kooxda maamusha hawada dalkaasi ayaa sheegtay in ay drone-ku kula socdayn raadaarka, "Mid ka mid ah drones-kan ayaa galay hawada Romania, waxaana raadaarku la socday ilaa qaybta koonfureed ee magaalada Galati, kadibna wuxuu ku dhacay saqafka dhisme dabaqyo ah, iyadoo saameynta dhicitaanku ay sababtay dab," ayay wasaaraddu tiri.

    Dhacdo bishii Abriil dhacday, drone kale oo Ruush ah ayaa khasaare hantiyeed ka geystay Galati, balse cidna kuma dhaawacmin.

    Sii akhri sheekooyin kale:

  9. Xarunta karantiilka Ebola oo Maraykanka ka furayey Kenya oo lagu wado in ay shaqo bilowdo

    Xarun karantiil oo Ebola ah oo ku taal Kenya oo loogu talagalay Mareykan ah inay bilowdo shaqadeeda

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Xarun karantiil oo Ebola ah oo leh 50 sariirood, isla markaana ay maamulayaan saraakiil, dhakhaatiir iyo shaqaale caafimaad oo Mareykan ah oo ku sugan Kenya ayaa la qorsheeyay inay maanta bilowdo shaqadeeda, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka Trump.

    Bayaan lala wadaagay BBC-da, Mareykanka ayaa sheegay in xaruntaan loogu talo galay in lagu daweeyo dadka maraykan u dhashay haddii xanuun uu so rito, xitaa haddii ay joogo meel ka baxsan Kenya waxa lagu soo qaadi doonaa diyaarado.

    Sababta Kenya loo doortay ayaa lagu sheegay in ay tahay waddan garoomadiisu meel la gaari karo ku yaallaan.

    Intaa waxaa dheer, saraakiil Mareykan ah oo ka tirsan adeegyada caafimaadka dowladda kuwaas oo hore uga soo shaqeeyay cudurradii Ebola ayaa la filayaa inay Jimcaha yimaadaan Kenya.

    Goobta saxda ah ee xarunta bio-isolation-ka ayaan wali la shaacin, balse ujeeddadeedu waxay noqon doontaa xakameynta faafitaanka Ebola iyo bixinta daryeel caafimaad oo heer sare ah oo loogu talagalay muwaadiniinta Mareykanka ay ee sugan qaaradda Afrika

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ilaa hadda aysan jirin cid uu soo ritay cudur oo la geyn doono xarunta.

    Mareykanka ayaa sidoo kale ballanqaaday $13.5 milyan oo lagu taageerayo dadaallada Kenya ee u diyaar garowga Ebola, wuxuuna horey u ballanqaaday inuu bixiyo $112 milyan oo gargaar laba geesood ah oo lagu taageerayo jawaabta gobolka.

    Tani waxaa la shaaciyay kadib wadahadal telefoon oo dhex maray Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio, halkaas oo ay sidoo kale kaga hadleen dadaallo wadajir ah oo lagu sugayo sahayda caafimaad ee muhiimka u ah Kenya iyo sidii loo xoojin lahaa diyaargarowga iyo awoodda nidaamka caafimaadka Kenya.

    Sii akhri sheekooyin kale:

  10. Iiraan iyo Mareykanka oo gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta.

    Iiraan iyo Mareykanka oo gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Mareykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojintooda isla markaana lagu qaadayo xayiraadaha maraakiibta ee marinka Hormuz, sida ay Reuters u sheegeen ilo xog-ogaal ah. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wali ma ansixin heshiiska, warbaahinta dowladda Iraan-na waxay sheegtay inaan weli si rasmi ah loo dhammeystirin qodobada heshiiska.

    Heshiiskan cusub ayaa kordhinaya muddada xabadda, taas oo lagu daray muddo gaareysa 60 maalmood, wuxuuna oggolaanayaa in dib loo furo isu socodka maraakiibtu marinka hormuz, iyadoo ergadu ay sii wadi doonaan ka shaqeynta arrimaha barnaamijka nukliyeerka Iraan.

    Haddii hoggaanka Washington iyo Tehran ay ansixiyaan, tani waxay noqon doontaa tallaabadii ugu weynayd ee nabad lagu gaaro tan iyo markii colaadda ay bilaabatay 28-kii Febraayo.

    Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Trump aanu wali ansixin heshiiska, halka dhanka Iiraan weli aysan wax faallo ah ka bixin wararka ku saabsan heshiiska la soo jeediyay, kaas oo markii ugu horreysay ay werisay Axios.

    Wakaaladda wararka Iraan ee Tasnim, oo soo xiganaysa ilo ku dhow kooxda u qaabilsan wadaxaajoodka ayaa sheegeysa in qoraalka heshiiska aan wali la dhammeystirin

    "Wali ma aanan gaarin meesha kama dambaysta ah, balse aad ayaan ugu dhow nahay, waxaana sii wadi doonnaa shaqada arrintan," ayuu Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance u sheegay wariyeyaasha kula hadlayey magaalada Washington.

    "Ma dammaanad qaadi karo inaan halkaas gaari doonno, balse hadda waxaan dareemayaa rajo wanaagsan," ayuu yiri Vance.

    Maamulka Trump ayaa dhowr jeer sheegay in heshiis lagu soo afjarayo dagaalka uu dhow yahay, balse Iraan ayaa marar badan beenisay ama ku tilmaamtay kuwo aan cago badan ku taagneyn

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  11. War deg deg ah, Netanyahu oo ciidamada Israa’iil ku amray inay kordhiyaan gacan-ku-haynta Qasa ilaa 70%

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ku amray inay kordhiyaan gacan-ku-haynta Gaza ilaa 70%.

    Isagoo ka hadlayay shir maalintii Khamiista, ayuu yidhi: “Waxaan hadda cadaadis ku haynaa Xamaas; hadda waxaan gacanta ku haynaa 60 boqolkiiba dhulka Marinka Qasa waad ogtihiin taas. Waxaan joogney 50 boqolkiiba, waxaan u gudubnay 60. Amarkayguna waa inaan gaadhno…” ayuu yiri ka hor inta uusan hakad gelin markii qof dadkii ka mid ahaa uu yiri, “100”.

    “Aan tallaabo tallaabo u soconno. Marka hore 70. Halkaas aan ka bilowno. Dhinac kasta ayaan ka cadaadineynaa, wixii soo harana waan la tacaali doonnaa.”

    Ballaarinta gacan-ku-haynta Israa’iil waxay ka hor imaanaysaa qodobbada heshiiskii xabbad-joojinta ee uu hoggaaminayay Donald Trump, kaas oo Israa’iil iyo Xamaas ku heshiiyeen bishii Oktoobar 2025.

    Hadalkan Netanyahu wuxuu imaanayaa iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha Qasa inkastoo xabbad-joojintu jirto, halka Israa’iil iyo Xamaas ay weli isku mari la’yihiin wada-hadallo dadban oo uu Mareykanku dhexdhexaadinayo si loo hormariyo qorshaha nabadeed ee Madaxweyne Donald Trump.

    Ugu yaraan 738 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay bishii Oktoobar, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas, tirooyinka ay Qaramada Midoobay u aragto kuwo lagu kalsoonaan karo.

    Netanyahu wuxuu dhowr jeer si cad u sheegay in ciidamada Israa’iil ay gacanta ku hayaan in ka badan 60% Marinka Gaza, taas oo ka badan 53% lagu heshiiyay xilligii heshiiska xabbad-joojinta ee uu Mareykanku dhexdhexaadiyay bishii Oktoobar 2025.

    Sida ku cad heshiiskaas, ciidamada Israa’iil waxay dib ugu gurteen xariiq xuduudeed loo yaqaan “xariiqda jaallaha ah”, taas oo Israa’iil uga tagtay inay maamusho qiyaastii 53% Gaza.

    Tallaabooyinka xiga ee qorshaha nabadeed ee ka koobnaa 20 qodob waxay ahayd in Xamaas ay hubka dhigto isla markaana ciidamada Israa’iil ay baxaan, balse wada-hadalladii dadbanaa ee u dhexeeyay Israa’iil iyo kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ayaa hakad galay.

  12. Xisbulaah oo qorshe cusub oo la yaableh kusoo kordhisay dagaalka ay kula jirto Israel

  13. War deg deg ah, Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo ka hadlay heshiiska Iiraan ay la galayaan

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Vance

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mareykanka iyo Iran weli waxay u baahan yihiin inay xalliyaan dhowr arrimood oo adag ka hor inta aan heshiis laga gaadhin dagaalka, siduu sheegay yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance.

    Markii BBC-du ay weydiisay haddii Madaxweyne Donald Trump uu ku dhow yahay inuu saxiixo heshiis, Vance wuxuu sheegay inay aad u horeyso in la yiraahdo “goorma” labada dhinac ayay dhammaystiri doonaan heshiis.

    Heshiiska ayaa la sheegay inuu kordhin doono xabbad-joojinta 60 maalmood ah, isla markaana uu bilaabi doono wada-hadallo ku saabsan mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka Iran.

    Horaantii Khamiistii, saraakiil Mareykan ah ayaa BBC-da u sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen qaab-dhismeed heshiis, balse uu sugayo oggolaanshaha Trump iyo hoggaanka Iran.

    Si kastaba ha ahaatee, wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iran, oo ah mid aan rasmi ahayn balse u dhow dowladda, ayaa sheegtay in heshiiska aan weli la dhammaystirin ama la xaqiijin.

    Vance wuxuu sheegay in dhexdhexaadiyaashu ay “isku celcelinayeen dhowr qodob oo ku saabsan luqadda heshiiska”, kuwaas oo ay ka mid yihiin “su’aasha kobcinta uranium-ka”.

    “Wali meesha ma aanan gaadhin, laakiin aad ayaan ugu dhow nahay, waana sii wadaynaa inaan ka shaqeyno,” ayuu u sheegay wariyeyaasha.

    Vance wuxuu muujiyay rejo wanaagsan isagoo kula hadlayay wariyeyaasha Washington DC, ayuu sheegay in Mareykanku uu rumeysan yahay in Iran ay wada-hadallada u waddo “si daacad ah”.

    Tan iyo markii xabbad-joojintii hore ee u dhexeysay Mareykanka iyo Iran ay dhaqan gashay 8-dii Abriil, Trump ayaa si joogto ah u sheegay in labada dhinac ay aad ugu dhow yihiin heshiis isla markaana wada-hadalladu ay horumar samaynayaan, hase yeeshee illaa hadda ma jiraan natiijooyin la taaban karo.

    Madaxweynaha ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya oo ku aaddan joojinta dagaalka, oo ay ku jiraan xulafada dalalka Khaliijka, xisbiga Dimuqraadiga ee ka soo horjeeda, iyo qaar ka mid ah Jamhuuriyiinta Kongareeska oo muujiyay walaac ku saabsan muddada dagaalka.

  14. War deg deg ah, Sarkaal Maraykan ah oo beeniyey sheegashada ah in diyaarad Maraykan ah lagu burburiyey Iran.

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Howlgal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sarkaal Maraykan ah ayaa beeniyey sheegashada in diyaarado Maraykan ah lagu burburiyey Bushehr, Iran.

    Ma jirto diyaarad Maraykanku leeyahay oo lagu riday meel u dhow Bushehr, Iran, Sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah oo codsaday in aan in aan la magacaabin lana hadlay wakaalada wararka ee Reuters. Waloow telefishinka dawladda Iran uu tabiyay arrintaas.

    Telefishinka dawladda Iran ayaa sheegay goor hore Jimcihii in diyaarad Maraykan ah lagu burburiyey gobolka Jam ee Bushehr, isaga oo soo xiganaya guddoomiyaha gobolkaas, Masoud Tangestani.

  15. War deg deg ah, Nin lagu xukumay 15 sano kadib markii uu qirtay weerar lagu beegsan lahaa heesaaga Taylor Swift

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Taylor

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Nin 21 jir ah oo u dhashay Austria, oo qirtay inuu qorsheynayay weerar lagu beegsan lahaa bandhig faneed Taylor Swift ah oo ka dhacaysay Vienna intii ayku jirtay safarkeeda Eras Tour bishii Ogosto 2024, ayaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.

    Ninkan, oo magaciisa lagu sheegay Beran A si waafaqsan shuruucda asturnaanta Austria, ayaa sidoo kale qirtay dambiyo kale oo la xiriira argagixisanimo, oo ay ka mid yihiin weerar uu ku lug lahaa oo ka dhacay Maka, Sacuudi Carabiya.

    Waxa uu maxkamadda u sheegay horraantii Khamiistii inuu ka xun yahay falalkiisa, ka hor inta aysan xeer-beegtida maxkamadda ku taal Wiener Neustadt ka fariisan saacado si ay go’aan uga gaadhaan xukunka.

    Beran A waxaa la xiray kadib xog ay bixisay CIA, wax yar ka hor bandhigii ugu horreeyay ee saddex bandhig faneed oo Taylor Swift ah oo dhammaantood la iibiyay, kuwaas oo lagu waday inay ka dhacaan garoonka Ernst Happel ee Vienna.

    Dhammaan saddexdii bandhig ee Austria si degdeg ah ayaa loo baajiyay, taas oo niyad-jab weyn ku noqotay ku dhowaad 200,000 oo taageerayaal ah, iyo sidoo kale fanaanadda lafteeda.

    Taylor Swift ayaa hore u sheegtay in safarkeeda Eras Tour ee jabiyay diiwaannada uu si dirqi ah uga badbaaday “xaalad xasuuq ah.” Dukumentari ku saabsan safarka ayaa muujiyay in fanaanaddu ay ogaatay qorshaha bamka intii ay u safraysay Austria.

    Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Beran A uu noqday qof xagjir ah isla markaana uu ballanqaaday daacadnimo ku aadan kooxda Daacish (IS). Waxay sheegeen inuu isku dayay, balse uusan ku guuleysan, inuu si sharci-darro ah u iibsado hub, oo ay ku jiraan qori nooca darandooriga u dhaca ah iyo bam-gacmeed.

    Dhakhtarka cilmi-nafsiga ee maxkamadda Peter Hoffmann ayaa sheegay in Beran A uusan muujin wax calaamado ah oo cudur maskaxeed ah, isagoo intaa ku daray in “aysan jirin sharraxaad cilmi-nafsi” oo lagu fasiri karo xagjirnimadiisa. Beran A, iyo nin kale oo 21 jir ah oo lagu magacaabay Arda K oo ka yimid Slovakia, ayaa maxkamad ka socota Wiener Neustadt, oo ku taal koonfurta Vienna, lagu soo oogay inay ka tirsanaayeen unug xiriir la leh kooxda Daacish (IS). Arda K kuma lug lahayn qorshaha Taylor Swift.

    Horey Khamiistii, dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in labadan nin sidoo kale lagu eedeeyay inay ka qaybqaateen qorsheyn weerarro ka dhacay Maka iyo magaalooyin kale dhowr bilood ka hor.

  16. War deg deg ah, Heshiisku ma qaadi doonaa xannibaadaha saaran Marinka Hormus?

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Haweeneey

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Maraykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaadhay heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta laguna qaadayayo xannibaadaha maraakiibta ee marinka Hormus, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen wakaalada wararka Reuters, inkasta oo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump aanu weli ansixin, warbaahinta dowladda Iiraan-na ay sheegtay in aan weli la dhammeystirin.

    Sida ay sheegeen afar ilo oo arrintan xog-ogaal u ah, heshiiskan ayaa kordhinaya xabbad-joojinta 60 maalmood oo kale, isla markaana u oggolaanaya isu-socodka maraakiibta marinka biyaha istiraatiijiga ah, iyadoo wada-xaajoodyo lagu xallinayo arrimo adag sida barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ay sii socdaan. Haddii ay ansixiyaan hoggaanka Washington iyo Tehran, tani waxay noqon doontaa tallaabadii ugu weyneyd ee loo qaaday dhanka nabadda tan iyo markii colaaddu bilaabatay 28-kii Febraayo.

    Wararka ku saabsan heshiiskan suurtagalka ah ayaa yimid kadib is-weydaarsi weerarro ah oo ay labada dal is-dhaafsadeen, taas oo ah dhacdadii ugu dambeysay tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay horraantii Abriil.

    Siday qortay Reuters Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Trump aanu weli ansixin heshiiska. Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo bixiyo, halka Iiraan ay sidoo kale aanay weli ka hadlin wararka ku saabsan heshiiska la soo jeediyay, kaas oo markii ugu horreysay ay baahisay Axios.

  17. War deg deg ah, Iiraan iyo Maraykanka oo gaadhay heshiis hordhac ah

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Iraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ilo Maraykan ah ayaa BBC-da u sheegay in heshiiska cusub ee xabbad-joojinta aanu weli ansixin hoggaanka labada dal midna.

    Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo weerarro cusub ay ka socdaan gobolka, kadib markii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ay sheegeen inay bartilmaameedsadeen saldhig ciidan oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla gobolka, kaddib duqeymo cusub oo Maraykanku habeenkii ka fuliyay koonfurta Iiraan.

    Labada dal ee Iiraan iyo Maraykanka ayaa maalmihii u dambeeyay midba midka kale ku eedeeyay inuu jebiyay xabbad-joojinta jilicsan.

    Arbacadii, warbaahinta dowladda Iiraan ayaa baahisay qaybo ka mid ah waxa ay ku tilmaantay qabyo-qoraal aan rasmi ahayn oo ka kooban heshiis is-afgarad ah oo leh 14 qodob.

    Warbixinta ayaa waxaa ku jiray qaadista xannibaadda badeed ee Washington ku haysay dekedaha Iiraan, bixitaanka ciidamada Maraykanka ee “agagaarka Iiraan”, iyo dib u soo celinta isu-socodka maraakiibta aan milatariga ahayn ee marinka Hormuz, iyadoo maamulka iyo hagidda maraakiibta ay gacanta ku hayaan Iiraan iyo Cumaan.

    Aqalka Cad ayaa soo saaray war kooban oo uu ku sheegay in qabyo-qoraalka heshiiska la sheegay uu yahay “been-abuur buuxa.”

    Labada dhinac ayaa muujiyay in horumar laga sameeyay heshiiska dabayaaqadii toddobaadkii hore, taas oo dhalisay mala-awaal sheegaya in dhawaan lagu dhawaaqi karo heshiis.

    Tan iyo markii xabbad-joojintii ugu horreysay ee u dhexeysay Maraykanka iyo Iiraan ay dhaqan gashay 8-dii Abriil, Trump ayaa marar badan sheegay in labada dhinac ay ku dhow yihiin heshiis isla markaana wada-xaajoodyadu ay horumarayaan, balse rajadii laga qabay in colaadda lagu soo afjaro wada-hadal ayaa mar kasta burburtay.

    Warbaahinta Axios, oo markii ugu horreysay Khamiistii soo tebisay heshiiska hordhaca ah, ayaa sheegtay in Trump lagu wargeliyay soo jeedinta, balse uusan isla markiiba oggolaan, isla markaana uu qaadan doono dhowr maalmood si uu uga fiirsado.

    Xaqiijinta ay ilo Maraykan ahi ka bixiyeen warbixinta Axios ee aan la shaacin ilaha laga helay ee ku saabsan qaab-dhismeedka heshiiska ayaa ah mid naadir ah, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay laga yaabo inay ka dhow yihiin heshiis sidii ay ahaayeen marxalad kasta oo hore oo ka mid ah xabbad-joojinta socotay in ka badan lix toddobaad.

  18. Halkan ka akhriso warbixino faahfaahsan

  19. Netanyahu: Israa’iil waxay la wareegi doontaa 70 boqolkiiba Gaza

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku dhawaaqay inuu amray ciidanka inay sii ballaariyaan joogitaankooda iyo gacanta ay ku hayaan Marinka Gaza, tallaabo ka hor imanaysa qodobbada heshiiska xabbad-joojinta.

    Isagoo ka hadlayay deegaan ay Israa’iiliyiintu ka degeen Daanta Galbeed ee la haysto, ayuu sheegay in ciidanka Israa’iil ay maamuli doonaan 70 boqolkiiba Gaza, halka markii heshiiska xabbad-joojintu hirgalay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen 53 boqolkiiba.

    Muuqaallo laga baahiyay telefishinnada Israa’iil oo laga duubay munaasabadda ayaa muujinayay dad ka qaybgalayay oo ku dhawaaqaya “boqolkiiba boqol,” halka Mr. Netanyahu uu uga jawaabay: “Marka hore 70 boqolkiiba; aan halkaas ka bilowno.”

    Israa’iil ayaa dishay in ka badan 900 Falastiiniyiin ah tan iyo markii uu dhaqangalay heshiiska xabbad-joojinta ee uu Mareykanku dhexdhexaadiyay. Israa’iil waxay ku eedaynaysaa in heshiiska ay jebisay dhinaca diiday inuu hubka dhigo

  20. Maraykanka iyo Iran ma waxay ku dhow yihiin heshiis nabadeed mise waxay dib u bilaabayaan dagaal?