Haween Soomaaali ah oo lagu soo eedeeyey khiyaano lacageed oo gaareysa $21 Milyan
Maxkamadda sare Kenya oo amar kasoo saartay in la furo xarunta Ebola lagula tacaalayo
Xigashada Sawirka, SNS
Maxkamadda Sare ee Nairobi ayaa soo saartay amarro si ku-meelgaar ah u joojinaya in Kenya laga dhiso xarunta lagula tacalaayo dadka Eba uu kusoo dhaco, taas oo ay dowladda Maraykanka ay sheegtay in laga shaqeenayo maanta.
Xukun la soo saaray 28-kii May, Garsoore Patricia Nyaundi ayaa kiiska ku tilmaamtay mid degdeg ah, waxayna bixisay amarro joojin ah oo hakinaya dhammaan qorshayaasha lagu dhisayo ama lagu hawlgelinayo xaruntaas illaa la helo xog faahfaahsan oo ku saabsan xarunta.
Maxkamaddu waxay si gaar ah u mamnuucday hay'adaha dowladda iyo saraakiisha inay "dhisaan, hawlgelinayaan, fududeeyaan, ansixiyaan ama oggolaadaan" xarun kasta oo karantiil, taas lagu soo daabuli doono dadka Ameerikaanka ah ee uu rito cudurka Ebola ah guud ahaan qaaradda.
Garsooraha ayaa sidoo kale mamnuucay in mas'uuliyiintu ay Kenya keenaan, ama fududeeyaan soo gelitaanka dalka qof kasta oo la sheegay inuu Ebola qabo.
Amarradan ayaa imanaya xilli Kenya ay ka jirto caro dadweyne oo sii kordhaysa kadib warar ku saabsan xarun bio-isolation ah oo Mareykan maamulo oo loogu talagalay muwaadiniin Mareykan ah oo laga yaabo inay Ebola la kulmeen ama ku dhaceen gobolka.
War deg deg ah, Dhakhaatiirta Kenya oo ka soo horjeestay qorshaha lagu furayo xarunta karantiilka Ebola ee Kenya
Xigashada Sawirka, AFP
Xoghayaha Guud ee Ururka Dhakhaatiirta, Farmashiistayaasha iyo Ilkaha Kenya (KMPDU), Davji Bhimji Atellah, ayaa su'aal ka keenay sababta Kenya loogu doortay inay martigeliso xarun karantiil iyo daaweyn Ebola ah oo la sheegay inay ku taallo Saldhigga Ciidanka Cirka ee Laikipia.
War-saxaafadeed uu soo saaray 28-kii May, Atellah ayaa muujiyay caro xooggan oo ku saabsan qorshaha, isagoo ku eedeeyay dowladda inay mudnaanta siineyso danaha shisheeye halkii ay ka ilaalin lahayd badqabka muwaadiniinta Kenya.
"Annaga oo ah ilaalayaasha ugu waaweyn ee nidaamka caafimaadka Kenya, aad ayaan uga walaacsannahay sida ay dowladda ugu muuqato inay halis gelinayso badqabka caafimaadka dalka iyo nolosha muwaadiniinta si loo helo gargaar shisheeye," ayuu yiri ururka.
KMPDU ayaa hadda ugu baaqaysa Wasiirka Caafimaadka, Aden Duale, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay sharaxaan sababta Kenya loo doortay halkii laga dooran lahaa dalal u dhow halka uu ka jiro faafitaanka Ebola.
"Ma fadhiisan doonno anagoo daawanayna Kenya oo loo rogo goob lagu xakameeyo cudur halis ah oo aynaan annagu keenin," ayuu raaciyay.
Atellah ayaa sheegay in faafitaannadii hore Mareykanku uu muwaadiniintiisa dib ugu celin jiray dalkooda si loo daweeyo, halkii lagu wareejin lahaa dalal kale.
KMPDU ayaa sidoo kale ku baaqday in heshiis kasta oo iskaashi ah oo u dhexeeya Kenya iyo Mareykanka ee la xiriira barnaamijkan si degdeg ah loo shaaciyo.
Hadalladiisa ayaa imanaya xilli dood xooggan ay ka socoto Kenya kadib markii ay soo baxayn warar sheegaya in Maraykanka uu doonayo in uu Kenya usoo daabuli doono dadka u dhashay dalkaas ee uu cudurka ku dhaco.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa carrabka ku adkeysay in tallaabooyinka Kenya ay sii hagi doonaan saynis, qaab-dhismeed sharci iyo nidaamyo caafimaad oo adag, iyadoo isku dayaysa in ay dheellitirto iskaashiga caalamiga ah iyo badbaadada muwaadiniinta gudaha.
Muwaadin Mareykan ah oo loo xukumay inuu ka dambeeyey shirqool dil oo Iiraan ay ka dambeysay
Nin hore u ahaa darawal gaari xamuul ah ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah kadib markii uu ka qayb qaatay shirqool lagu doonayay in lagu dilo dhaqdhaqaaqe Iranian-American ah oo ay dowladda Iran bartilmaameedsanaysay, sida ay sheegeen masuuliyiinta.
Jonathan Loadholt, oo 37 jir ah, ayaa qirtay dambiyo la xiriira qorsheyn dabagal sharci-darro ah iyo lacag dhaqid oo ka mid ah shirqoolka lagu beegsanayay Masih Alinejad oo ku sugan gurigeeda Brooklyn sanadkii 2024, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
FBI-da ayaa fashilisay shirqoolka ka hor inta aan weerarku dhicin. Alinejad, oo si weyn u dhaleeceysa nidaamka Iran, ayaa BBC-da u sheegtay inay uga mahadcelinayso hay'adaha ammaanka, balse aysan dareemayn nafis.
Si kastaba ha ahaatee, Alinejad waxay sheegtay inaysan aamusi doonin. "Codkaygu wuu ka xoog badan yahay hubkooda [nidaamka Iran]."
UK oo AI u adeegsan doonta hubinta da'da muhaajiriinta sharci doonka ah
Xigashada Sawirka, PA Media
Dowladda Ingiriiska ayaa bilaabeysa in ay isticmaasho qalab aqoonsan kara da'da qofka, haddii uu been ka sheego magangalyo doonka ah ee dalkaas gaara.
Shirkad samaysa software ayaa la siiyay qandaraas ay ku horumariso soona tijaabiso teknoolojiyadan, taas oo qiyaasi doonta da'da qofka iyadoo falanqaynaysa sawirrada laga qaado marka uu yimaado xadka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee UK ayaa sheegtay in teknoolojiyadani ay fududeyn doonto in la aqoonsado dadka waaweyn ee muhaajiriinta ah ee "isku dayaya inay nidaamka khiyaaneeyaan," kadib markii tijaabooyinkii hore ay muujiyeen "rajo ah in ay fududaan karto in la fahmo qofka ka been sheega da'da uu jiro".
Balse hay'dda u doodda xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqday in dowladda ay joojiso qorshahan, iyadoo ku tilmaantay "teknoolojiyad aan wali la xaqiijin" oo dhaawici doonta ilaalinta xaqa carruurta nugul xaqa leeyihiin.
Muhaajiriinta carruurta ah ee aysan la socon waalidkooda ayaa lagu daraa nidaamka daryeelka carruurta halkii laga marin lahaa nidaamka magangelyo-doonka, taas oo u sahlaysa inay dalka sii joogaan.
Go'aanka lagu adeegsanayo software-kan ayaa yimid kadib sanado ay sare u kaceen dadka doomaha yaryar kaga soo gudba kanaalka English Channel kuna dalbada magangelyo marka ay yimaadaan xadka.
Drone Ruushka laga leeyahay oo ku dhacday dhisme ku yaalla Romania
Xigashada Sawirka, Reuters
Mid kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku dul dhacday guryo dabaq ah oo ku yaallay Romania, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca dalkaasi subaxnimadii saaka, taas oo sababtay dab, isla markaana ay dhaawacmayn laba qof.
Drone-ka ayaa ku dhacay magaalada bari ee Galati xilli Ruushku uu weerarro ka waday gudaha Ukraine meel u dhow xadka, sida lagu sheegay bayaan ay wasaaraddu soo saartay.
Hay'adda Guud ee Gurmadka Degdegga ah ee Romania ayaa sheegtay in dhammaan walxihii qaraxa ahaa ee drone-ka saarnaa ay wada qarxeen, taas oo dab ka dhalisay dabaqa 10-aad ee dhismaha, kaas oo ahaa mid la deganaa.
Drones-ka Ruushka ayaa dhowr jeer uga tallaabay xadka dalka Romania oo xubin ka ah NATO muddadii afarta sano ahayd ee dagaalka Ukraine socday, balse tani waa markii ugu horreysay ee muwaadiniin Romanian ah ay waxyeello kasoo gaarto. Ruushka ayaan weli ka hadlin arrintaan.
Laba diyaaradood oo dagaal nooca F-16 ah ayaa la hawlgeliyay kadib markii drones-ka lagu arkay hawada Romania, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca.
Kooxda maamusha hawada dalkaasi ayaa sheegtay in ay drone-ku kula socdayn raadaarka, "Mid ka mid ah drones-kan ayaa galay hawada Romania, waxaana raadaarku la socday ilaa qaybta koonfureed ee magaalada Galati, kadibna wuxuu ku dhacay saqafka dhisme dabaqyo ah, iyadoo saameynta dhicitaanku ay sababtay dab," ayay wasaaraddu tiri.
Dhacdo bishii Abriil dhacday, drone kale oo Ruush ah ayaa khasaare hantiyeed ka geystay Galati, balse cidna kuma dhaawacmin.
Xarunta karantiilka Ebola oo Maraykanka ka furayey Kenya oo lagu wado in ay shaqo bilowdo
Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Xarun karantiil oo Ebola ah oo leh 50 sariirood, isla markaana ay maamulayaan saraakiil, dhakhaatiir iyo shaqaale caafimaad oo Mareykan ah oo ku sugan Kenya ayaa la qorsheeyay inay maanta bilowdo shaqadeeda, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka Trump.
Bayaan lala wadaagay BBC-da, Mareykanka ayaa sheegay in xaruntaan loogu talo galay in lagu daweeyo dadka maraykan u dhashay haddii xanuun uu so rito, xitaa haddii ay joogo meel ka baxsan Kenya waxa lagu soo qaadi doonaa diyaarado.
Sababta Kenya loo doortay ayaa lagu sheegay in ay tahay waddan garoomadiisu meel la gaari karo ku yaallaan.
Intaa waxaa dheer, saraakiil Mareykan ah oo ka tirsan adeegyada caafimaadka dowladda kuwaas oo hore uga soo shaqeeyay cudurradii Ebola ayaa la filayaa inay Jimcaha yimaadaan Kenya.
Goobta saxda ah ee xarunta bio-isolation-ka ayaan wali la shaacin, balse ujeeddadeedu waxay noqon doontaa xakameynta faafitaanka Ebola iyo bixinta daryeel caafimaad oo heer sare ah oo loogu talagalay muwaadiniinta Mareykanka ay ee sugan qaaradda Afrika
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ilaa hadda aysan jirin cid uu soo ritay cudur oo la geyn doono xarunta.
Mareykanka ayaa sidoo kale ballanqaaday $13.5 milyan oo lagu taageerayo dadaallada Kenya ee u diyaar garowga Ebola, wuxuuna horey u ballanqaaday inuu bixiyo $112 milyan oo gargaar laba geesood ah oo lagu taageerayo jawaabta gobolka.
Tani waxaa la shaaciyay kadib wadahadal telefoon oo dhex maray Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio, halkaas oo ay sidoo kale kaga hadleen dadaallo wadajir ah oo lagu sugayo sahayda caafimaad ee muhiimka u ah Kenya iyo sidii loo xoojin lahaa diyaargarowga iyo awoodda nidaamka caafimaadka Kenya.
Iiraan iyo Mareykanka oo gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta.
Xigashada Sawirka, Reuters
Mareykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojintooda isla markaana lagu qaadayo xayiraadaha maraakiibta ee marinka Hormuz, sida ay Reuters u sheegeen ilo xog-ogaal ah. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wali ma ansixin heshiiska, warbaahinta dowladda Iraan-na waxay sheegtay inaan weli si rasmi ah loo dhammeystirin qodobada heshiiska.
Heshiiskan cusub ayaa kordhinaya muddada xabadda, taas oo lagu daray muddo gaareysa 60 maalmood, wuxuuna oggolaanayaa in dib loo furo isu socodka maraakiibtu marinka hormuz, iyadoo ergadu ay sii wadi doonaan ka shaqeynta arrimaha barnaamijka nukliyeerka Iraan.
Haddii hoggaanka Washington iyo Tehran ay ansixiyaan, tani waxay noqon doontaa tallaabadii ugu weynayd ee nabad lagu gaaro tan iyo markii colaadda ay bilaabatay 28-kii Febraayo.
Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Trump aanu wali ansixin heshiiska, halka dhanka Iiraan weli aysan wax faallo ah ka bixin wararka ku saabsan heshiiska la soo jeediyay, kaas oo markii ugu horreysay ay werisay Axios.
Wakaaladda wararka Iraan ee Tasnim, oo soo xiganaysa ilo ku dhow kooxda u qaabilsan wadaxaajoodka ayaa sheegeysa in qoraalka heshiiska aan wali la dhammeystirin
"Ma dammaanad qaadi karo inaan halkaas gaari doonno, balse hadda waxaan dareemayaa rajo wanaagsan," ayuu yiri Vance.
Maamulka Trump ayaa dhowr jeer sheegay in heshiis lagu soo afjarayo dagaalka uu dhow yahay, balse Iraan ayaa marar badan beenisay ama ku tilmaamtay kuwo aan cago badan ku taagneyn
War deg deg ah, Netanyahu oo ciidamada Israa’iil ku amray inay kordhiyaan gacan-ku-haynta Qasa ilaa 70%
Article Information
Author, Abdishukri Haybe
Role, BBC, Somali
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu ciidamada
difaaca Israa’iil (IDF) ku amray inay kordhiyaan gacan-ku-haynta Gaza ilaa 70%.
Isagoo ka hadlayay shir maalintii Khamiista, ayuu yidhi: “Waxaan hadda
cadaadis ku haynaa Xamaas; hadda waxaan gacanta ku haynaa 60 boqolkiiba dhulka
Marinka Qasa waad ogtihiin taas. Waxaan joogney 50 boqolkiiba, waxaan u
gudubnay 60. Amarkayguna waa inaan gaadhno…” ayuu yiri ka hor inta uusan hakad
gelin markii qof dadkii ka mid ahaa uu yiri, “100”.
“Aan tallaabo tallaabo u soconno. Marka hore 70. Halkaas aan ka bilowno.
Dhinac kasta ayaan ka cadaadineynaa, wixii soo harana waan la tacaali doonnaa.”
Ballaarinta gacan-ku-haynta Israa’iil waxay ka hor imaanaysaa qodobbada
heshiiskii xabbad-joojinta ee uu hoggaaminayay Donald Trump, kaas oo Israa’iil
iyo Xamaas ku heshiiyeen bishii Oktoobar 2025.
Hadalkan Netanyahu wuxuu imaanayaa iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha Qasa
inkastoo xabbad-joojintu jirto, halka Israa’iil iyo Xamaas ay weli isku mari
la’yihiin wada-hadallo dadban oo uu Mareykanku dhexdhexaadinayo si loo
hormariyo qorshaha nabadeed ee Madaxweyne Donald Trump.
Ugu yaraan 738 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii
xabbad-joojintu dhaqan gashay bishii Oktoobar, sida ay sheegtay wasaaradda
caafimaadka ee ay maamusho Xamaas, tirooyinka ay Qaramada Midoobay u aragto
kuwo lagu kalsoonaan karo.
Netanyahu wuxuu dhowr jeer si cad u sheegay in ciidamada Israa’iil ay
gacanta ku hayaan in ka badan 60% Marinka Gaza, taas oo ka badan 53% lagu
heshiiyay xilligii heshiiska xabbad-joojinta ee uu Mareykanku dhexdhexaadiyay
bishii Oktoobar 2025.
Sida ku cad heshiiskaas, ciidamada Israa’iil waxay dib ugu gurteen xariiq
xuduudeed loo yaqaan “xariiqda jaallaha ah”, taas oo Israa’iil uga tagtay inay
maamusho qiyaastii 53% Gaza.
Tallaabooyinka xiga ee qorshaha nabadeed ee ka koobnaa 20 qodob waxay ahayd
in Xamaas ay hubka dhigto isla markaana ciidamada Israa’iil ay baxaan, balse
wada-hadalladii dadbanaa ee u dhexeeyay Israa’iil iyo kooxda hubeysan ee
Falastiiniyiinta ayaa hakad galay.
Xisbulaah oo qorshe cusub oo la yaableh kusoo kordhisay dagaalka ay kula jirto Israel
War deg deg ah, Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo ka hadlay heshiiska Iiraan ay la galayaan
Article Information
Author, Abdishukri Haybe
Role, BBC, Somali
Xigashada Sawirka, Getty Images
Mareykanka iyo Iran weli waxay u baahan yihiin inay xalliyaan dhowr arrimood
oo adag ka hor inta aan heshiis laga gaadhin dagaalka, siduu sheegay yidhi
Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance.
Markii BBC-du ay weydiisay haddii Madaxweyne Donald Trump uu ku dhow yahay
inuu saxiixo heshiis, Vance wuxuu sheegay inay aad u horeyso in la yiraahdo
“goorma” labada dhinac ayay dhammaystiri doonaan heshiis.
Horaantii Khamiistii, saraakiil Mareykan ah ayaa BBC-da u sheegay in labada
dal ay ku heshiiyeen qaab-dhismeed heshiis, balse uu sugayo oggolaanshaha Trump
iyo hoggaanka Iran.
Si kastaba ha ahaatee, wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iran, oo ah mid aan
rasmi ahayn balse u dhow dowladda, ayaa sheegtay in heshiiska aan weli la
dhammaystirin ama la xaqiijin.
Vance wuxuu sheegay in dhexdhexaadiyaashu ay “isku celcelinayeen dhowr qodob
oo ku saabsan luqadda heshiiska”, kuwaas oo ay ka mid yihiin “su’aasha kobcinta
uranium-ka”.
“Wali meesha ma aanan gaadhin, laakiin aad ayaan ugu dhow nahay, waana sii
wadaynaa inaan ka shaqeyno,” ayuu u sheegay wariyeyaasha.
Vance wuxuu muujiyay rejo wanaagsan isagoo kula hadlayay wariyeyaasha
Washington DC, ayuu sheegay in Mareykanku uu rumeysan yahay in Iran ay
wada-hadallada u waddo “si daacad ah”.
Tan iyo markii xabbad-joojintii hore ee u dhexeysay Mareykanka iyo Iran ay
dhaqan gashay 8-dii Abriil, Trump ayaa si joogto ah u sheegay in labada dhinac
ay aad ugu dhow yihiin heshiis isla markaana wada-hadalladu ay horumar
samaynayaan, hase yeeshee illaa hadda ma jiraan natiijooyin la taaban karo.
Madaxweynaha ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya oo ku aaddan joojinta
dagaalka, oo ay ku jiraan xulafada dalalka Khaliijka, xisbiga Dimuqraadiga ee
ka soo horjeeda, iyo qaar ka mid ah Jamhuuriyiinta Kongareeska oo muujiyay
walaac ku saabsan muddada dagaalka.
War deg deg ah, Sarkaal Maraykan ah oo beeniyey sheegashada ah in diyaarad Maraykan ah lagu burburiyey Iran.
Article Information
Author, Abdishukri Haybe
Role, BBC, Somali
Xigashada Sawirka, Getty Images
Sarkaal Maraykan ah ayaa beeniyey sheegashada in diyaarado
Maraykan ah lagu burburiyey Bushehr, Iran.
Ma jirto diyaarad Maraykanku leeyahay oo lagu riday meel u dhow Bushehr,
Iran, Sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah oo codsaday in aan in aan la
magacaabin lana hadlay wakaalada wararka ee Reuters. Waloow telefishinka
dawladda Iran uu tabiyay arrintaas.
Telefishinka dawladda Iran ayaa sheegay goor hore Jimcihii in diyaarad Maraykan
ah lagu burburiyey gobolka Jam ee Bushehr, isaga oo soo
xiganaya guddoomiyaha gobolkaas, Masoud Tangestani.
War deg deg ah, Nin lagu xukumay 15 sano kadib markii uu qirtay weerar lagu beegsan lahaa heesaaga Taylor Swift
Article Information
Author, Abdishukri Haybe
Role, BBC, Somali
Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin 21 jir ah oo u dhashay Austria, oo qirtay inuu qorsheynayay weerar lagu
beegsan lahaa bandhig faneed Taylor Swift ah oo ka dhacaysay Vienna intii ayku jirtay
safarkeeda Eras Tour bishii Ogosto 2024, ayaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.
Ninkan, oo magaciisa lagu sheegay Beran A si waafaqsan shuruucda asturnaanta
Austria, ayaa sidoo kale qirtay dambiyo kale oo la xiriira argagixisanimo, oo
ay ka mid yihiin weerar uu ku lug lahaa oo ka dhacay Maka, Sacuudi Carabiya.
Waxa uu maxkamadda u sheegay horraantii Khamiistii inuu ka xun yahay
falalkiisa, ka hor inta aysan xeer-beegtida maxkamadda ku taal Wiener Neustadt
ka fariisan saacado si ay go’aan uga gaadhaan xukunka.
Beran A waxaa la xiray kadib xog ay bixisay CIA, wax yar ka hor bandhigii
ugu horreeyay ee saddex bandhig faneed oo Taylor Swift ah oo dhammaantood la
iibiyay, kuwaas oo lagu waday inay ka dhacaan garoonka Ernst Happel ee Vienna.
Dhammaan saddexdii bandhig ee Austria si degdeg ah ayaa loo baajiyay, taas
oo niyad-jab weyn ku noqotay ku dhowaad 200,000 oo taageerayaal ah, iyo sidoo
kale fanaanadda lafteeda.
Taylor Swift ayaa hore u sheegtay in safarkeeda Eras Tour ee jabiyay diiwaannada
uu si dirqi ah uga badbaaday “xaalad xasuuq ah.” Dukumentari ku saabsan safarka
ayaa muujiyay in fanaanaddu ay ogaatay qorshaha bamka intii ay u safraysay
Austria.
Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Beran A uu noqday qof xagjir ah isla
markaana uu ballanqaaday daacadnimo ku aadan kooxda Daacish (IS). Waxay
sheegeen inuu isku dayay, balse uusan ku guuleysan, inuu si sharci-darro ah u
iibsado hub, oo ay ku jiraan qori nooca darandooriga u dhaca ah iyo
bam-gacmeed.
Dhakhtarka cilmi-nafsiga ee maxkamadda Peter Hoffmann ayaa sheegay in Beran
A uusan muujin wax calaamado ah oo cudur maskaxeed ah, isagoo intaa ku daray in
“aysan jirin sharraxaad cilmi-nafsi” oo lagu fasiri karo xagjirnimadiisa. Beran
A, iyo nin kale oo 21 jir ah oo lagu magacaabay Arda K oo ka yimid Slovakia,
ayaa maxkamad ka socota Wiener Neustadt, oo ku taal koonfurta Vienna, lagu soo
oogay inay ka tirsanaayeen unug xiriir la leh kooxda Daacish (IS). Arda K kuma
lug lahayn qorshaha Taylor Swift.
Horey Khamiistii, dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in labadan nin sidoo kale
lagu eedeeyay inay ka qaybqaateen qorsheyn weerarro ka dhacay Maka iyo
magaalooyin kale dhowr bilood ka hor.
War deg deg ah, Heshiisku ma qaadi doonaa xannibaadaha saaran Marinka Hormus?
Article Information
Author, Abdishukri Haybe
Role, BBC, Somali
Xigashada Sawirka, Reuters
Maraykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaadhay heshiis lagu kordhinayo
xabbad-joojinta laguna qaadayayo xannibaadaha maraakiibta ee marinka Hormus,
sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen wakaalada wararka Reuters, inkasta oo
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump aanu weli ansixin, warbaahinta dowladda
Iiraan-na ay sheegtay in aan weli la dhammeystirin.
Sida ay sheegeen afar ilo oo arrintan xog-ogaal u ah, heshiiskan ayaa
kordhinaya xabbad-joojinta 60 maalmood oo kale, isla markaana u oggolaanaya
isu-socodka maraakiibta marinka biyaha istiraatiijiga ah, iyadoo wada-xaajoodyo
lagu xallinayo arrimo adag sida barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ay sii
socdaan. Haddii ay ansixiyaan hoggaanka Washington iyo Tehran, tani waxay noqon
doontaa tallaabadii ugu weyneyd ee loo qaaday dhanka nabadda tan iyo markii
colaaddu bilaabatay 28-kii Febraayo.
Wararka ku saabsan heshiiskan suurtagalka ah ayaa yimid kadib is-weydaarsi
weerarro ah oo ay labada dal is-dhaafsadeen, taas oo ah dhacdadii ugu dambeysay
tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay horraantii Abriil.
Siday qortay Reuters Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Trump aanu weli
ansixin heshiiska. Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo bixiyo, halka Iiraan ay
sidoo kale aanay weli ka hadlin wararka ku saabsan heshiiska la soo jeediyay,
kaas oo markii ugu horreysay ay baahisay Axios.
Ilo Maraykan ah ayaa BBC-da u sheegay in heshiiska cusub ee xabbad-joojinta
aanu weli ansixin hoggaanka labada dal midna.
Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo weerarro cusub ay ka socdaan gobolka, kadib
markii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ay sheegeen
inay bartilmaameedsadeen saldhig ciidan oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla
gobolka, kaddib duqeymo cusub oo Maraykanku habeenkii ka fuliyay koonfurta
Iiraan.
Labada dal ee Iiraan iyo Maraykanka ayaa maalmihii u dambeeyay midba midka
kale ku eedeeyay inuu jebiyay xabbad-joojinta jilicsan.
Arbacadii, warbaahinta dowladda Iiraan ayaa baahisay qaybo ka mid ah waxa ay
ku tilmaantay qabyo-qoraal aan rasmi ahayn oo ka kooban heshiis is-afgarad ah
oo leh 14 qodob.
Warbixinta ayaa waxaa ku jiray qaadista xannibaadda badeed ee Washington ku
haysay dekedaha Iiraan, bixitaanka ciidamada Maraykanka ee “agagaarka Iiraan”,
iyo dib u soo celinta isu-socodka maraakiibta aan milatariga ahayn ee marinka
Hormuz, iyadoo maamulka iyo hagidda maraakiibta ay gacanta ku hayaan Iiraan iyo
Cumaan.
Aqalka Cad ayaa soo saaray war kooban oo uu ku sheegay in qabyo-qoraalka
heshiiska la sheegay uu yahay “been-abuur buuxa.”
Labada dhinac ayaa muujiyay in horumar laga sameeyay heshiiska dabayaaqadii
toddobaadkii hore, taas oo dhalisay mala-awaal sheegaya in dhawaan lagu
dhawaaqi karo heshiis.
Tan iyo markii xabbad-joojintii ugu horreysay ee u dhexeysay Maraykanka iyo
Iiraan ay dhaqan gashay 8-dii Abriil, Trump ayaa marar badan sheegay in labada
dhinac ay ku dhow yihiin heshiis isla markaana wada-xaajoodyadu ay
horumarayaan, balse rajadii laga qabay in colaadda lagu soo afjaro wada-hadal
ayaa mar kasta burburtay.
Warbaahinta Axios, oo markii ugu horreysay Khamiistii soo tebisay heshiiska hordhaca ah, ayaa sheegtay in Trump lagu wargeliyay soo jeedinta, balse uusan isla markiiba oggolaan, isla markaana uu qaadan doono dhowr maalmood si uu uga fiirsado.
Xaqiijinta ay ilo Maraykan ahi ka bixiyeen warbixinta Axios ee aan la shaacin ilaha laga helay ee ku saabsan qaab-dhismeedka heshiiska ayaa ah mid naadir ah, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay laga yaabo inay ka dhow yihiin heshiis sidii ay ahaayeen marxalad kasta oo hore oo ka mid ah xabbad-joojinta socotay in ka badan lix toddobaad.
Halkan ka akhriso warbixino faahfaahsan
Netanyahu: Israa’iil waxay la wareegi doontaa 70 boqolkiiba Gaza
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku dhawaaqay inuu amray ciidanka inay sii ballaariyaan joogitaankooda iyo gacanta ay ku hayaan Marinka Gaza, tallaabo ka hor imanaysa qodobbada heshiiska xabbad-joojinta.
Isagoo ka hadlayay deegaan ay Israa’iiliyiintu ka degeen Daanta Galbeed ee la haysto, ayuu sheegay in ciidanka Israa’iil ay maamuli doonaan 70 boqolkiiba Gaza, halka markii heshiiska xabbad-joojintu hirgalay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen 53 boqolkiiba.
Muuqaallo laga baahiyay telefishinnada Israa’iil oo laga duubay munaasabadda ayaa muujinayay dad ka qaybgalayay oo ku dhawaaqaya “boqolkiiba boqol,” halka Mr. Netanyahu uu uga jawaabay: “Marka hore 70 boqolkiiba; aan halkaas ka bilowno.”
Israa’iil ayaa dishay in ka badan 900 Falastiiniyiin ah tan iyo markii uu dhaqangalay heshiiska xabbad-joojinta ee uu Mareykanku dhexdhexaadiyay. Israa’iil waxay ku eedaynaysaa in heshiiska ay jebisay dhinaca diiday inuu hubka dhigo
Maraykanka iyo Iran ma waxay ku dhow yihiin heshiis nabadeed mise waxay dib u bilaabayaan dagaal?