Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Heshiisku ma qaadi doonaa xannibaadaha saaran Marinka Hormus?

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Haweeneey

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Maraykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaadhay heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta laguna qaadayayo xannibaadaha maraakiibta ee marinka Hormus, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen wakaalada wararka Reuters, inkasta oo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump aanu weli ansixin, warbaahinta dowladda Iiraan-na ay sheegtay in aan weli la dhammeystirin.

    Sida ay sheegeen afar ilo oo arrintan xog-ogaal u ah, heshiiskan ayaa kordhinaya xabbad-joojinta 60 maalmood oo kale, isla markaana u oggolaanaya isu-socodka maraakiibta marinka biyaha istiraatiijiga ah, iyadoo wada-xaajoodyo lagu xallinayo arrimo adag sida barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ay sii socdaan. Haddii ay ansixiyaan hoggaanka Washington iyo Tehran, tani waxay noqon doontaa tallaabadii ugu weyneyd ee loo qaaday dhanka nabadda tan iyo markii colaaddu bilaabatay 28-kii Febraayo.

    Wararka ku saabsan heshiiskan suurtagalka ah ayaa yimid kadib is-weydaarsi weerarro ah oo ay labada dal is-dhaafsadeen, taas oo ah dhacdadii ugu dambeysay tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay horraantii Abriil.

    Siday qortay Reuters Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Trump aanu weli ansixin heshiiska. Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo bixiyo, halka Iiraan ay sidoo kale aanay weli ka hadlin wararka ku saabsan heshiiska la soo jeediyay, kaas oo markii ugu horreysay ay baahisay Axios.

  2. War deg deg ah, Iiraan iyo Maraykanka oo gaadhay heshiis hordhac ah

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Iraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ilo Maraykan ah ayaa BBC-da u sheegay in heshiiska cusub ee xabbad-joojinta aanu weli ansixin hoggaanka labada dal midna.

    Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo weerarro cusub ay ka socdaan gobolka, kadib markii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ay sheegeen inay bartilmaameedsadeen saldhig ciidan oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla gobolka, kaddib duqeymo cusub oo Maraykanku habeenkii ka fuliyay koonfurta Iiraan.

    Labada dal ee Iiraan iyo Maraykanka ayaa maalmihii u dambeeyay midba midka kale ku eedeeyay inuu jebiyay xabbad-joojinta jilicsan.

    Arbacadii, warbaahinta dowladda Iiraan ayaa baahisay qaybo ka mid ah waxa ay ku tilmaantay qabyo-qoraal aan rasmi ahayn oo ka kooban heshiis is-afgarad ah oo leh 14 qodob.

    Warbixinta ayaa waxaa ku jiray qaadista xannibaadda badeed ee Washington ku haysay dekedaha Iiraan, bixitaanka ciidamada Maraykanka ee “agagaarka Iiraan”, iyo dib u soo celinta isu-socodka maraakiibta aan milatariga ahayn ee marinka Hormuz, iyadoo maamulka iyo hagidda maraakiibta ay gacanta ku hayaan Iiraan iyo Cumaan.

    Aqalka Cad ayaa soo saaray war kooban oo uu ku sheegay in qabyo-qoraalka heshiiska la sheegay uu yahay “been-abuur buuxa.”

    Labada dhinac ayaa muujiyay in horumar laga sameeyay heshiiska dabayaaqadii toddobaadkii hore, taas oo dhalisay mala-awaal sheegaya in dhawaan lagu dhawaaqi karo heshiis.

    Tan iyo markii xabbad-joojintii ugu horreysay ee u dhexeysay Maraykanka iyo Iiraan ay dhaqan gashay 8-dii Abriil, Trump ayaa marar badan sheegay in labada dhinac ay ku dhow yihiin heshiis isla markaana wada-xaajoodyadu ay horumarayaan, balse rajadii laga qabay in colaadda lagu soo afjaro wada-hadal ayaa mar kasta burburtay.

    Warbaahinta Axios, oo markii ugu horreysay Khamiistii soo tebisay heshiiska hordhaca ah, ayaa sheegtay in Trump lagu wargeliyay soo jeedinta, balse uusan isla markiiba oggolaan, isla markaana uu qaadan doono dhowr maalmood si uu uga fiirsado.

    Xaqiijinta ay ilo Maraykan ahi ka bixiyeen warbixinta Axios ee aan la shaacin ilaha laga helay ee ku saabsan qaab-dhismeedka heshiiska ayaa ah mid naadir ah, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay laga yaabo inay ka dhow yihiin heshiis sidii ay ahaayeen marxalad kasta oo hore oo ka mid ah xabbad-joojinta socotay in ka badan lix toddobaad.

  3. Halkan ka akhriso warbixino faahfaahsan

  4. Netanyahu: Israa’iil waxay la wareegi doontaa 70 boqolkiiba Gaza

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku dhawaaqay inuu amray ciidanka inay sii ballaariyaan joogitaankooda iyo gacanta ay ku hayaan Marinka Gaza, tallaabo ka hor imanaysa qodobbada heshiiska xabbad-joojinta.

    Isagoo ka hadlayay deegaan ay Israa’iiliyiintu ka degeen Daanta Galbeed ee la haysto, ayuu sheegay in ciidanka Israa’iil ay maamuli doonaan 70 boqolkiiba Gaza, halka markii heshiiska xabbad-joojintu hirgalay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen 53 boqolkiiba.

    Muuqaallo laga baahiyay telefishinnada Israa’iil oo laga duubay munaasabadda ayaa muujinayay dad ka qaybgalayay oo ku dhawaaqaya “boqolkiiba boqol,” halka Mr. Netanyahu uu uga jawaabay: “Marka hore 70 boqolkiiba; aan halkaas ka bilowno.”

    Israa’iil ayaa dishay in ka badan 900 Falastiiniyiin ah tan iyo markii uu dhaqangalay heshiiska xabbad-joojinta ee uu Mareykanku dhexdhexaadiyay. Israa’iil waxay ku eedaynaysaa in heshiiska ay jebisay dhinaca diiday inuu hubka dhigo

  5. Maraykanka iyo Iran ma waxay ku dhow yihiin heshiis nabadeed mise waxay dib u bilaabayaan dagaal?

  6. War deg deg ah, Maraykanka oo Iiraan ugu goodiyay cunaqabateeno kale

    Dowladda Maraykanka ayaa isku dayaysa inay kordhiso cadaadiska dhaqaale ee ka dhanka ah Iiraan si loogu khasbo inay furaan marinka Hormuz.

    Wasiirka maaliyada Maraykanka Scott Bessent ayaa sheegay inay ka mamnuucayaan diyaaradaha ay leeyihiin shirkadaha Iiraan inay ku dagaan garoomada si ay shidaal uga qaataan.

    Ku dhawaaqistan ayaa timid maalin uun kadib markii waaxda maaliyada Maraykanka ay sii daysay faahfaahinada qaar kamd ah talaabooyinka ay qorshaynayso inay ka qaado hay’adda cusub ee canshuuraha ka aruurisa maraakiibta maraya marinka Hormuz.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  7. War deg deg ah, Guryo waaweyn, baabuur iyo lacag caddaan ah: Talyaaniga oo la wareegay malaayiin uu lahaa hoggaamiye maafiyo oo dhintay

    Matteo Messina Denaro ayaa la xiray kadib tobanaan sano oo uu baxsad ahaa ilaa 2023, waxaana uu markii dambana ku dhintay xabsiga

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Matteo Messina Denaro ayaa la xiray kadib tobanaan sano oo uu baxsad ahaa ilaa 2023, waxaana uu markii dambana ku dhintay xabsiga

    Baarayaasha la dagaallanka maafiyada ee Talyaaniga ayaa la wareegay lacag caddaan ah, shirkado iyo hanti kale oo qiimaheedu ka badan yahay €200 milyan (£175 milyan) hawlgal ay sheegeen inuu bartilmaameedsaday shabakaddii hoggaamiyihii caanka ahaa ee maafiyada Sicily, Matteo Messina Denaro, oo geeriyooday.

    Lacagahan oo booliiska maaliyadda ee Palermo ku tilmaameen “raasamaal aad u badan”, ayaa la sheegay inay ka yimaadeen in ka badan afartan sano oo ka ganacsiga daroogada ah oo lala xiriirinayo madaxii hore ee kooxda Cosa Nostra.

    Iyaga oo kaga dhawaaqayay natiijooyinka Sicily Khamiistii, baarayaashu waxay sii daayeen muuqaal muujinaya boolis wajiyada duuban, qaarna xiran qalabka ka hortagga rabshadaha, iyagoo albaabada jebinaya kana gudbaya darbiyada si ay u baaraan guryo waaweyn oo raaxo leh oo ay hareereeyeen beero timireed.

    Messina Denaro wuxuu baxsad ku jiray muddo soddon sano ah ilaa laga qabtay sannadkii 2023 isagoo ka baxaya xarun caafimaad oo lagu daweynayay kansar. Wuxuu ku dhintay xabsiga wax yar kadib.

    Intii uu baxsadka ahaa, waxaa lagu xukumay xabsi daa’in dilal badan awgood, oo ay ku jiraan dilkii laba xeer-ilaaliye oo la dagaallami jiray maafiyada sanadkii 1992, kuwaas oo lagu dilay weerarro bambaano oo dhacay toddobaadyo kala duwan.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  8. War deg deg ah, Hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo sheegay Maraykanka iyo Israa’iil ay doonayaan maamulida dalkiisa

    Hoggaamiyaha sare ee Iiraan Ayatollah Mojtaba Khamenei

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha sare ee Iiraan Ayatollah Mojtaba Khamenei

    Hoggaamiyaha sare ee Iiran, Ayatollah Mojtaba Khamenei, ayaa Khamiistii fariin qoraal ah oo laga akhriyey telefishinka dowladda ku sheegay in Mareykanka iyo Israa’iil ay isku dayayaan inay xasillooni darrro ka abuuraan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

    Ayatollah Mojtaba Khamenei, oo aan si rasmi ah dadweynaha uga soo hor muuqan tan iyo markii uu talada qabtay bishii Maarso ee la soo dhaafay, ayaa intaas ku daray: “Qorshaha cadowgu, kadib dagaallo khasab ah, cadaadis dhaqaale iyo go’doomin siyaasadeed iyo mid warbaahineed, waa inuu abuuro kala qaybsanaan iyo burbur si uu uga jaro guuldarrada militari isla markaana u daciifiyo Iran.”

    Tani waxay timid kadib markii Ilaalada Kacaanka Iran ay ku dhawaaqeen inay bartilmaameedsadeen saldhig militari oo Mareykan ah si ay uga jawaabaan weerarro Mareykanku ka geystay koonfurta dalka, sida ay sheegtay Warbaahinta Dowladda Iran.

    Bayaan militari oo ay baahisay telefishinka Iran ayaa lagu yiri: “Kadib weerarkii uu saaka ciidamada Mareykanku ku qaadeen aag u dhow garoonka diyaaradaha Bandar Abbas iyagoo adeegsanaya bambooyin cirka laga soo tuuray, saacaddu markay ahayd 4:50 subaxnimo (01:20 GMT) waxaa la bartilmaameedsaday saldhigga cirka ee Mareykanka oo ahaa meesha laga soo qaaday weerarka.”

    Ma jirin war cad oo ku saabsan halka ay ku taalo xeradaasi, balse Kuwait oo xulafo la ah Mareykanka ayaa subaxnimadii Khamiista sheegay inay si guul leh uga hortageen weerarro gantaallo iyo drones loo adeegsaday.

    Kuwait ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay “weerarrada arxan darrada ah ee Iran” ee lagu beegsaday dhulkeeda, iyadoo sheegtay inay yihiin “koror khatar ah oo xiisadda ah iyo xadgudub cad oo lagu sameeyay madax-bannaanideeda, ammaankeeda iyo wadajirkeeda dhuleed, sidoo kalena ay khatar toos ah ku yihiin nolosha shacabka iyo kaabeyaasha muhiimka ah,” sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait.

    Wasaaraddu waxay bayaanka ku sheegtay in “kororka xiisaddu uu imanayo xilli dadaallo waaweyn lagu bixinayo… si loo yareeyo xiisadda loona dejiyo xaaladda lagana hortago in gobolka galo wareeg cusub oo colaadeed, taas oo sii kordhinaysa halista weerarradan isla markaana dhaawacaysa dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka,” waxayna Iran ugu baaqay “inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u joojiso weerarradan bahalnimada ah isla markaana ay qaadato mas’uuliyadda falalkan.”

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  9. Zaynah ''‘’Waxaan codsaday ku dhowaad 200 oo shaqooyin ah’’

    Zaynah waxaa ay sheegtay inay codsatay ku dhowaad 200 oo shaqooyin ah

    Xigashada Sawirka, Spear

    Qoraalka sawirka, Zaynah waxaa ay sheegtay inay codsatay ku dhowaad 200 oo shaqooyin ah

    Khuburada ayaa hadal haya ‘’jiil lumay’’ iyada oo in ka badan hal milyan oo ka yar da’aada 24 sano looga tagay meel dhexe, iyada oo aysan jirin koorsooyin tababar oo ku jihayn karta inay mid helaan.

    Dhalinyaro xaaladdaasi ku jirta ayaa inagala hadlay sida ay u wajahayaan caqabadan.

    Waxaa kamid ah Zaynah oo 24 jir ah ‘’Anigu ma aqoon sida dadka loola hadlo’’

    Tan iyo ka tagitaankeedii kuleejka ee sannadkii hore, waxa ay sheegtay inay codsatay in ka badan 200 oo shaqo, aysana dib uga maqal wax natiijo ah goobihii ay codsiga u dirtay. Nidaam deeq aruurin oo lagu magacaabo Spear ayaa toddobaadkan ka caawinayay Zaynah inay dhisto kalsoonideeda.

    Waxaa ay sheegtay inay haysato xaalada caafimaad ee Eczema, taasi oo kahor istaagtay inay samayso wixii ay jeclayd oo ahaa samaynta farshaxanka.

    ‘’Waan ogaa mar walba in aan doonayay in aan aado hagaajinta (makeup). Hadda waxaan codsanayay doorar iyo samaynta shaqooyin suuqgaynta’’ ayay tiri.

    Waxaa ay intaasi raacisay ‘’Waligeey horay uma shaqeen.. Ma lahayn kalsooni gabi ahaanba. Waxaan ahaa gabar xishood badan. Hadda waxaan dareemayaa isbeddel sidaan ahaa markii hore. Waxaan dareemayaa in aan wadahadal u samayn karo si wanaagsan hadda’’

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  10. Waa kuwee ciyaartoyda kubbadda cagta adduunka ugu qanisan?

  11. Iran oo beegsatay saldhig Mareykan ah kadib weerarradii cusbaa ee Mareykanka

    Iran ayaa sheegtay inay beegsatay saldhig Mareykan ah kadib weerarro cusub oo uu Mareykanku fuliyay

    Xigashada Sawirka, US Navy via Getty Images

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay inay beegsadeen saldhig cirka oo Mareykan ah oo ku yaalla gobolka, kadib weerarro cusub oo uu Mareykanku habeenkii ka fuliyay koonfurta Iran.

    IRGC ma aysan sheegin halka uu saldhiggu ku yaallo, balse Kuwait oo martigelisa saldhiga Mareykanku leeyihiin ayaa sheegtay inay ka hortagtay "hanjabaadyo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee cadowga"

    Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay gantaal ballistic ah ku ridday dhanka Kuwait, kaas oo ay si guul leh u qabteen ciidamada Kuwait, iyaga oo aan caddeyn in bartilmaameedku ahaa saldhiggooda milatari.

    Ridista gantaalka Iran ayaa timid kadib markii Mareykanku soo riday diyaarado aan duuliye lahayn oo Iran leedahay oo ku sugnaa marinka Hormuz, ayna duqeeyeen goob milatari oo ku taal Bandar Abbas, oo ah magaalo leh deked istiraatiiji ah oo ku taalla koonfurta Iran.

    Colaadaha dib usoo cusboonaaday ayaa halis gelinaya xabbad-joojin jilicsan oo u dhaxaysa Washington iyo Tehran.

    Tani waa markii labaad muddo saddex maalmood gudahood ah oo Mareykanku weeraro ku qaado bartilmaameedyo ku yaalla Iran, isaga oo sheegay in duqeymahaasi loo fuliyay isdifaacid.

    IRGC ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday saldhigga cirka ee Mareykanka uu dhacay saacadihii hore ee subaxnimadii Khamiista, isla markaana la beegsaday goobtaas maadaama ay ahayd "isha" weerarradii hore ee Mareykanku ku qaaday Iran, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee IRIB.

    Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in weerarka Iran ee Kuwait uu ahaa "xadgudub weyn oo lagu sameeyay xabbad-joojinta," kaas oo dhacay "saacado kadib markii ciidamada Iran ay soo direen shan diyaaradood oo ku dagaalka ah oo hal jiho u socda, kuwaas oo khatar cad ku ah gudaha iyo agagaarka marinka Hormuz."

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  12. Ruushka ayaa ugu baaqay Mareykanka iyo Iran inay ka waantoobaan sii wadida dagaalka

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, ayaa ugu baaqday Mareykanka iyo Iran in ay ka fogaadaan in ay dib ugu laabtaan dagaal, isla markaana ay sii wadaan wadahadalka.

    Waxay intaas ku dartay in Ruushku diyaar u yahay inuu ka caawiyo in laga saaro Iran uranium-ta la hodmiyay, balse Moscow “aysan ku qasbi doonin ama soo rogi doonin” soo jeedintan.

    Ms. Zakharova ayaa sidoo kale sheegtay in Washington aysan weli aqbalin soo jeedinta Ruushka ee arrintan ku saabsan, taas oo la soo jeediyay dhowr bilood ka hor.

  13. Waa kuma Saadiq Joon?

  14. Kuwait oo ugu baaqday Iran inay "si degdeg ah oo shuruud la'aan ah u joojiso weerarada gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalkeeda.

    Kuwait waxay ku eedeysay oo ay si adag u cambaareysay weerar drone iyo gantaallo ah oo lagu qaaday dhulkeeda aroornimadii hore ee maanta, iyadoo weerarkaasi ku eedeysay Iran.

    Tani waxay imaanaysaa xilli colaad militari oo cusub oo u dhexeysa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo ciidamada Mareykanka ay sii kordhisay cadaadiska ku yimid xabbad-joojinta jilicsan ee dagaalka Bariga Dhexe.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait ayaa bayaan ay soo saartay si adag ugu cambaareysay weerarrada gantaallada iyo drone-ka ee Iran, waxayna ku tilmaantay “kordhin halis ah oo xiisadda ah iyo xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo amniga qaranka.”

    Wasaaraddu waxay ugu baaqday Iran inay “si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u joojiso weerarradan,” waxayna sheegtay in “Tehran ay si buuxda mas’uul uga tahay falalkan.”

  15. JNIM: Sida kooxdan mitidiinta ah ay u noqdeen mid kamid ah kuwa ugu halista badan kooxaha argagixisada Afrika

    Kicitaanka rabshadaha kooxaha jihaad-doonka ah ee Burkino Faso, Mali iyo Niger ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo, haddii gobolka Saaxil ee Galbeedka Afrika ay kusii xoogaystaan, in taasi ay keeni karta in la xakameyn waayo.

    Kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ayaa sheegatay masuuliyada weeraro badan, laakiin yay yihiin kooxdan, maxayse doonayaan?

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  16. War deg deg ah, Madaxweynihii hore ee Yemen Abdi Rabi Mansuur oo geeriyooday

    Madaxweynihii hore ee Yemen Abdi Rabi Mansuur Hadi

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Yemen Abdi Rabi Mansuur Hadi

    Ilo ka tirsan madaxtooyada Yemen ayaa ayaa u sheegay wakaalada wararkka ee AFP in madaxweynihii hore ee Yemen Abdi Rabi Mansuur Hadi uu ku geeriyooday dalka Sacuudiga.

    Isha warkan laga soo xigtay ayaa sheegtay in uu Hadi ka weynaa 80 sano, uu ‘’ ku dhintay Riyadh kadib markii ay soo daciiftay xaaladdiisa jir ahaaneed.’’

    Cabdi Rabi Mansuur Hadi ayaa u qaxay Sacuudi Carabiya sannadkii 2015, bilowgii dagaalka sokeeye ee Yemen, kadib markii Xuutiyiinta ay taageerayaan mucaaradka Iiraan ay dowladdiisii ka saareen Sanca, isaga oo tan iyo muddadaasi ku noolaa dalkaas.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  17. Muxuu Trump ugu hanjabay in uu burburin doono dalka uu 'Isbahaysiga la ah Maraykanka ee' Cumaan?

  18. Sidee dilaagan sagaal sano baxsadka ahaa uu ugu soo dhacay dabinka lagu qabtay

    Gujurat, Hindiya

    Xigashada Sawirka, Bhargav Parikh

    Qoraalka sawirka, Gujurat, Hindiya

    Dad badan ayaa caado u leh inay buskud ku cunaan shaaha subax kasta, laakiin caadadan ayaa dambiilahan ku keentay dhibaato weyn isaga oo ka baxsanaya booliska Gujarat.

    Dambiilahan ayaa lagu xukumay xabsi daa'in kadib markii uu dilay xaaskiisa, waxaana uu sagaal sano kahor ahaa mid baxsad ah kadib markii la siiyay fasax .

    Intii uu ku guda jiray baxsashada, mar kale ayuu guursaday wuxuuna ku noolaaday guri. Laakiin boorso buskud ah darteed, boolisku waxa ay heleen meesha uu ku sugnaa, waxayna dib u xireen dambiilaha.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  19. War deg deg ah, Xildhibaan ka hor yimid dib u furista Internet-ka Iiraan

    Soo noqoshada Internet-ka Iiraan

    Xigashada Sawirka, APTN

    Qoraalka sawirka, Soo noqoshada Internet-ka Iiraan

    Afhayeenka guddiga dhaqanka baarlamaanka Iiraan Ahmad Rastineh ayaa isaga oo ka jawaabaya go’aanka madaxweyne Masoud Pezzekian ee baaritaanka xaaladda Internet-ka ayaa sheegay in go’aanka maamulka maxkamadda sare ee in la laalo dhaqdhaqaaqa xarumaha ay mid sharci ahaan u ‘’dhab ah oo saxsan’’

    Sida uu qabo Xildhibaanku, dib u furista internet-ka waxa ay ‘’kasoo horjeedaa sharciga’’.

    Xilli uu internet-ku dansanaa tan iyo dagaalkii Iiraan ee bishii Maarso sannadkii hore, Masoud Pezzekian ayaa dhisay ‘’Xarunta istaraatiijiyada iyo hay’adda Internet-ka’’ inay daraaseeyaan soo laabashada internet-ka caalamiga ah.

    Go’aanka xarunta ee dib u furista Internetka ayaa la kulmay falcelino xooggan oo ka imaanaya mucaaradka.

    Kadib arrintaasi, Maxkamadda maamulka ee Garsoorka ayaa ku dhawaaqay ‘’Kadib codsiyo cabasho oo dalbanaya in meesha laga saaro domkumintiga dhismaha xarunta, guddiga ganacsiga iyo warshadaha gaarka iyaga oo qirsan baahida degdega ah ee xaaladdan ay soo saareen amar lagu laalayo fulinta xalka tan iyo dhammaadka gar-maqalka’’.

    Iyada oo uu jiro cadaadiskan, Internet-ka caalamiga ah ayaa loo soo daayay adeegsadayaasha ilaa laba maalin kahor, kadib 80 maalmood oo uu xirnaa.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  20. Dowladda Bangladesh oo soo faragalisay gowraca dibigii "Trump u ekaa"