Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Israa'iil oo amarro cusub oo digniino ah kusoo rogtay koonfurta Lubnaan

    Qiiq ayaa cirka isku shareeray kadib weerar ay Israel ka fulisay meel u dhow magaalada koonfureed ee Tyre maalintii Arbacada.

    Xigashada Sawirka, AFP

    Milatariga Israel ayaa soo saaray amarro daadgureyn ah oo ku saabsan qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta Lubnaan, iyaga oo ku dhawaaqay in goobahaasi yihiin "aagag dagaal" ka hor weerarro cusub oo ka dhan ah Xisbullaah.

    Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa ku boorriyay dadka deegaanka inay u guuraan waqooyiga webiga Zahrani, oo qiyaastii 40km (25 mayl) u jira xadka. IDF ayaa sheegtay inay ku dhaqaaqi doonto "hawl-gallo ballaaran oo dhan ah kooxda Xisbullaah.

    Tani waa amarkii daadgureynta ee ugu weynaa tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay 17-kii Abriil, wuxuuna saameenayaa 14% dhulka Lubnaan.

    Horaantii Arbacadii, Israea'iil waxay weerarro ka fulisay magaalada koonfureed ee Tyre, Xisbullaah oo Israa'iil ku eedeysay inay jebisay xabbad-joojinta, ayaa sheegtay in dagaalyahannadeedu ay isku dhaceen ciidamada Israel.

    Weerarradii Arbacada ayaa yimid kadib markii Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay ballaarinta howlgalka dhulka kadib weerarro diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo ay Hezbollah ku qaaday ciidamada haysta qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan iyo sidoo kale shacabka ku nool waqooyiga Israa'iil

    Sii akhri qormooyinkaan:

  2. Ciidanka Kuwait ayaa sheegay inay ka hortageen weerarro gantaallo iyo diyaarado drone ah

    Ciidamada militariga ee Kuwait ayaa ku dhawaaqay in nidaamyada difaaca cirka ee dalka ay qabteen weerarro gantaallo iyo diyaarado drone ah, balse ma aysan sheegin halka ay gantaalladani ka yimaadeen.

    Ciidanka Kuwait ayaa bayaan ay soo saareyn ku sheegay in dhawaaqyada qaraxyada laga maqlay dalka ay ka dhasheen nidaamyada difaaca cirka oo burburiyay weerradaan

    Muwaadiniinta ayaa lagu wargeliyey in ay raacaan tilmaamaha ammaanka iyo badbaadada ee ay soo saaraan hay’adaha ciidanka

    Bayaankan ayaa yimid kadib weerarro uu Mareykanku qaaday subaxnimadii Khamiista, kuwaas oo Washington ay sheegtay in lagu bartilmaameedsaday hawlgal xarun iiraan leedahay oo laga soo qaadayey weerarada diyaaraha aan duuliyaha lahayn, kaas oo khatar ku ahaa ciidamada Mareykanka iyo maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodka Hormuz Strait.

    Iran ayaa sidoo kale xaqiijisay weerarka Mareykanka, iyadoo sheegtay inay saaka weerartay saldhig ciidan oo Mareykanku leeyahay. Tehran waxay sheegtay in tallaabadan ay jawaab u ahayd duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka fuliyay meel u dhow garoonka diyaaradaha Bandar Abbas horaantii isla maalintaas. Si kastaba ha ahaatee, Iran ma aysan shaacin goobta saldhigga la weeraray.

    Kuwait, oo martigelisa saldhig ciidan oo Mareykanku leeyahay, bayaankeeda kuma aysan sheegin in hanjabaadahani ay ka yimaadeen Iran.

    Sii akhri qormooyinkaan

  3. Maraykanka oo hay'ado hor leh ku daray liiska ururuada cunaqabtaynta la saaray

    Maraykanka oo hay'ado hor leh ku daray liiska ururuada cunaqabtaynta la saaray

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa cunaqabatayn saartay Hay’adda Maareynta Marin-biyoodka Gacanka Faaris.

    Bayaan ay soo saartay, Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka waxay ku sheegtay in samaynta hay’addan ay ahayd isku day ay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iraan ku doonayeen inay “dakhliga uga helaan maraakiibta ka gudbaysa Marinka Hormuz,” waxayna hay’addan iyo “dhammaan kuwa la shaqeeya” ku dartay liiska cunaqabataynta.

    Kadib xiritaanka Marinka Hormuz iyo go’doominta dekedaha Iraan ee uu sameeyay Mareykanku, Iraan waxay dhistay hay’addan si ay ula socoto una isku dubbariddo maraakiibta ka gudbaysa Marinka Hormuz.

    Akoonka rasmiga ah ee ururkan ee Twitter-ka ayaa hore u daabacay khariidad muujinaysa “aagga kormeerka” ee Marinka Hormuz, isagoo sheegay in isu socodka maraakiibta ee aaggan “u baahan yahay isku dubbarid” lala sameeyo ururkan.

    Sida lagu sheegay bostigaan, aaggan waxaa lagu qeexay “xariiqda isku xiraysa Buurta Mubarak ee Iraan iyo koonfurta Fujairah ee Imaaraadka Carabta dhanka bari ee marinka” ilaa “xariiqda isku xiraysa dhammaadka Jasiiradda Qeshm ee Iran iyo Umm Al Quwain ee Imaaraadka Carabta dhanka galbeed ee marinka.” Sida ay sheegtay hay’addani, dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee maraya Marinka Hormuz gudaha aaggan wuxuu u baahan yahay in xiriir ka haleyn kooxda qaaablisan “Maareynta Marin-biyoodka Gacanka Faaris” iyo in oggolaansho laga helo hay’addan.

    Maalmihii u dambeeyay, waxaa soo baxay warbixino sheegaya in Iraan ay galbinaysay ama joojinaysay maraakiibta maraya aaggan.

  4. Shirkada sameeya baabuurta dunida oo la daaladhacaya in ay Shiinaha la tartamaan

  5. Xanta suuqa kala iibsiga ciyaartooyda kooxaha Yurub

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali
    Jesus

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Arsenal ayaa dalbaneysa ilaa £20 milyan si ay u iibiso weeraryahanka reer Brazil Gabriel Jesus, oo 29 jir ah, xagaagan.
    • Manchester City ayaa mudnaan siinaysa inay la soo saxiixato khadka dhexe ee Nottingham Forest iyo xulka England Elliot Anderson, oo 23 jir ah, iyadoo kooxda ay doonayso inay bilowdo xilli cusub kadib waayihii Pep Guardiola.
    • Laakiin City wax dan ah kama laha inay la soo wareegto khadka dhexe ee reer Argentina Enzo Fernandez, oo 25 jir ah, kaas oo doonaya inuu ka tago Chelsea.
    • RB Leipzig ayaa si adag u sheegtay in garabka reer Ivory Coast Yan Diomande, oo 19 jir ah kana mid ah bartilmaameedyada Liverpool, uusan meelna u socon xagaagan kadib markii kooxda Jarmalku u soo baxday Champions League-ka xilli ciyaareedka dambe.
    • Bayer Leverkusen ayaa rejeynaysa inay ku qanciso tababaraha ka tagaya Bournemouth, Andoni Iraola, inuu noqdo tababarahooda cusub.
    • Arsenal ayaa diyaargarow ballaadhan u sameysay heshiis ay kula soo saxiixanayso khadka dhexe ee England Morgan Rogers, oo 23 jir ah, kana tirsan Aston Villa.
    • Liverpool waxay doonaysaa inay sii haysato goolhayaha reer Brazil Alisson Becker hal xilli ciyaareed oo kale, taasoo shaki gelinaysa heshiis xagaagan uu 33 jirkan ugu wareegi lahaa Juventus.
    • Mas’uuliyiin ka socota Liverpool iyo Inter Milan ayaa kulmay si ay uga wada hadlaan suurta-galnimada uu khadka dhexe ee England Curtis Jones, oo 25 jir ah, ugu wareegi karo Talyaaniga.
    • Garabka reer Brazil Savinho, oo 22 jir ah, ayaa diyaar u ah fikradda ah inuu ka tago Manchester City iyadoo Tottenham Hotspur ay xiiseyneyso.
    • Difaaca reer Spain Oscar Mingueza, oo 27 jir ah, ayaa doonaya inuu u wareego Premier League xagaagan, iyadoo Aston Villa iyo Newcastle United ay ka mid yihiin kooxaha la socda ciyaaryahanka Celta Vigo, kaas oo noqon doona ciyaaryahan xor ah.
  6. War deg deg ah, Maraykanka oo weeraray saldhigyo ciidamada Iiraan ah

    iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidamada militariga Maraykanka ayaa weerarro cusub ku qaaday Iran, iyagoo bartilmaameedsaday saldhig militari oo ku yaalla Bandar Abbas, oo ah magaalo deked istiraatiiji ah.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (Centcom) ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu sidoo kale soo rideen afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Iran leedahay, kuwaas oo ahaa nooca isqarxiya ee hal-mar la adeegsado, kuwaas oo “khatar ku ahaa agagaarka Marinka Hormuz”.

    Waxay sheegeen inay bartilmaameedsadeen xarunta laga hago diyaaradahaas ee Bandar Abbas xilli ay isu diyaarinaysay inay hawada u dirto diyaarad shanaad. Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay dhinaca bari ee magaalada.

    Weerarradan ayaa imanaya iyadoo uu jiro xabbad-joojin jilicsan oo u dhexeysa Maraykanka iyo Iran, iyo wadaxaajoodyo dheer oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka socday saddexda bilood, kaas oo hakad geliyay isu socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz isla markaana sare u qaaday qiimaha tamarta caalamka.

    Centcom ayaa tallaabooyinkooda ku tilmaamay “kuwa miisaaman, si buuxda u difaac ah, looguna talagalay ilaalinta xabbad-joojinta”.

    Intii lagu jiray shir golaha wasiirrada ah Arbacadii, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay “wadaxaajood ku waddo xaalad tabar-darro ah”, isagoo ku adkaystay in istiraatiijiyaddiisa dagaal aysan saameyn ku yeelan doonin doorashooyinka dhexe ee Maraykanka ee bisha Nofeembar.

    “Waxaa laga yaabaa inaan dib ugu noqono oo aan soo afjarno, ama laga yaabaaba inaanan sidaas yeelin,” ayuu yidhi.

    Intii uu socday shirkaas, madaxweynaha ayaa sidoo kale ku boorriyay waddamada Khaliijka inay ku biiraan Heshiisyada Abraham si loo caadiyeeyo xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil, taas oo dagaalka la gashay Maraykanka 28-kii Febraayo, isla markaana ku lug leh dagaal ay kula jirto ururka Hezbollah ee Lubnaan oo ay Iran taageerto.

  7. War deg deg ah, Taariikh: Crystal Palace oo kuu guuleystay koobkii ugu horeeyay ee horyaal Yurub ah

    Galaydhyada

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Jean-Philippe Mateta ayaa Crystal Palace ku hogaamiyay koobkoodii ugu horreeyay ee Yurub, iyadoo Galaydhyada ay si dirqi ah uga adkaadeen Rayo Vallecano final-ka Conference League.

    Weeraryahanka Faransiiska ah ayaa shabaqa ku hubsaday goolka guusha oo ka yimid meel dhow, kadib kubbad ka soo noqotay (rebound) oo ka dhalatay toogasho uu sameeyay Adam Wharton bilowgii qeybta labaad ee Leipzig.

    Tababaraha ka tagaya Palace Oliver Glasner ayaa ka tagaya kooxda isagoo u horseeday FA Cup, Community Shield iyo hadda Conference League, muddadii cajiibka ahayd ee laba sano iyo bar ee uu ku sugnaa Selhurst Park.

    Labada kooxood waxay ciyaarayeen finalkoodii ugu horreeyay ee Yurub, sidaas darteed bilowga taxaddarka leh ee ciyaarta ee Red Bull Arena oo ah garoonka RB Leipzig ma ahayn wax lala yaabo.

  8. War deg deg ah, Israa’iil ayaa soo saartay amar ah in laga baxo dhul ballaaran oo ka tirsan koonfurta Lubnaan.

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Milatariga Israa’iil ayaa soo saaray amarro daadgureyn ah oo ku wajahan qaybo badan oo ka tirsan koonfurta Lubnaan, isagoo ku dhawaaqay in deegaannadaasi yihiin “goobo dagaal” ka hor weerarro cusub oo lala beegsanayo Xisbullah.

    Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa dadka deegaanka ugu baaqay inay u guuraan woqooyiga Webiga Zahrani, oo qiyaastii 40km (25 mayl) u jira xadka. IDF ayaa sheegtay inay u dhaqaaqi doonto si “xoog aad u daran,” iyadoo ku eedeysay Xisbullah inay si isdaba joog ah u jebisay heshiiska xabbad-joojinta.

    Tani waa amarkii ugu weynaa ee daadgureyn ah tan iyo markii heshiiska xabbad-joojintu dhaqan galay 17-kii Abriil, waxaana uu daboolayaa qiyaastii 14% dhulka Lubnaan.

    Arbacadii hore, Israa’iil waxay duqeymo ka fulisay magaalada koonfureed ee Tuur. Xisbullah, oo iyaduna Israa’iil ku eedeysay jebinta heshiiska xabbad-joojinta, ayaa sheegtay in dagaalyahannadeedu ay iska horimaad la galeen ciidamada Israa’iil.

    Duqeymihii Arbacada ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay ballaadhinta howlgalka dhulka ah, kaddib weerarro diyaarado aan duuliye lahayn oo ay Xisbullah ku qaaday ciidamada haysta qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan iyo sidoo kale dad rayid ah oo ku nool waqooyiga Israa’iil.

    Rida, oo 52 jir ah, wuxuu lahaa maqaaxi u dhow xeebta oo lagu burburiyay duqeyn cirka ah, iyadoo gurigiisana la dumiyay daqiiqado ka hor inta aan xabbad-joojintu bilaaban bishii hore. Wuxuu hore BBC-da ugu sheegay inuusan waligiis ka tegi doonin Tuur.

    Hadda, dareenka ayaa is beddelay. “Waxaan aaday dekedda ku dhow xeebta, dad badan ayaana halkaas jooga,” ayuu Rida ku yiri taleefan Arbacadii. “Dadku waxay xirxiranayaan alaabtooda. Qof walba wuu cabsi qabaa.”

    Amarka dambe ee daadgureynta ee ku saabsan deegaannada ka kooban koonfurta Webiga Zahrani wuxuu saameynayaa ku dhowaad 300 magaalo iyo tuulooyin. Dad badan oo deegaanka ah, oo ay ku jiraan kuwii hore uga soo barakacay qaybo kale oo koonfurta Lubnaan ah, ma haystaan meel cad oo ay u qaxaan.

  9. War deg deg ah, Heshiiska Iran iyo Maraykanka dhex maraya dib ma u furi doonaa Hormus? TV-ga dowladda Iraan oo war ku saabsan baahiyay

    Telefishinka dowladda Iran ayaa sheegay inuu helay nuqul qabyo ah oo hordhac ah, aan rasmi ahayn, oo ah qaab-dhismeed heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Iran iyo Maraykanka si loo soo afjaro colaadda u dhaxaysa labada dal.

    Sida ku cad qaab-dhismeedkaas, Iran waxay dib u soo celin doontaa maraakiibta ganacsiga ee mara marin-biyoodka Hormuz heerarkii uu joogay dagaalka ka hor muddo hal bil gudaheed ah, halka Maraykankuna uu ciidamadiisa militari kala bixi doono agagaarka Iran isla markaana uu qaadi doono go’doominta dhinaca badda.

    Telefishinka dowladda ayaa sheegay in qaab-dhismeedkan, oo aan ku jirin maraakiibta militari isla markaana dhigaya in Iran ay maamusho isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka iyadoo la kaashanaysa Cumaan, aanu weli dhamaystirnayn, ayna Tehran qaadi doonin wax tallaabo ah iyada oo aan helin “xaqiijin dhab ah oo muuqata.”

    Waxa kale oo uu sheegay in haddii heshiis kama dambays ah lagu gaaro 60 maalmood gudahood, loo ansixin karo qaraar waajib ku noqda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    Heshiiska is-afgaradka ee u soo baxaya Maraykanka iyo Iran wuxuu ka dhashay wada-hadallo dadban oo billowday kadib dagaalkii qarxay bishii Febraayo, iyadoo Pakistan ay door dhexe ka ciyaarayso dhexdhexaadinta Tehran iyo Washington.

    Warbixintaan waxaa daabacday wakaalada wararka ee Reuters oo xiganaysa TV-ga dowladda Iran.

  10. War deg deg ah, Ukraine oo caawinaad degdeg ah weydiisanaysa Maraykanka

    ukraine

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump inuu ka caawiyo Ukraine nidaamyada difaaca cirka iyo gantaallada looga hortago weerarrada cirka, iyadoo Ruushku ku hanjabayo duqeymo cusub. Wuxuu sheegay in gantaallada ballistic-ga ah ay weli yihiin “faa’iidada ugu dambeysa ee weyn ee Moscow ku leedahay goobta dagaalka.”

    Warqad uu u diray Trump iyo Kongareeska Maraykanka, oo Reuters aragtay, ayuu Zelenskiy ku yiri: “Waxaan kaa codsanayaa inaad naga caawiso ilaalinta hawada Ukraine ee gantaallada Ruushka. Waxaan horey u soo jeedinnay in Ukraine diyaar u tahay inay iibsato tirada nidaamyada Patriot iyo gantaallada qabta weerarrada ee aan u baahan nahay.”

    Habka keliya ee Ukraine ay ku soo ridi karto gantaallada ballistic-ga ah ee Ruushka waa gantaallada ka hortaga weerarrada ee uu Maraykanku sameeyo. Muddo afar sano ah oo dagaal socday, Kyiv waxay la daalaa dhacaysay yaraanta gantaalladan, balse dagaalka Iran ayaa sababay geliyay in agabku sii yaraado.

    Tan iyo markii Trump xilka qabtay, Ukraine waxay gantaallada Patriot ku iibsanaysay barnaamijka NATO ee loo yaqaan Prioritised Ukraine Requirements List (PURL), kaas oo ay maalgelinayaan xulafadeeda Yurub.

    “Laakiin xawaaraha hadda ee keenista qalabka ee barnaamijka PURL ma la jaanqaadayo xaqiiqada halista aan wajahayno,” ayuu Zelenskiy ku yidhi warqaddiisa.

    “Annaga — ka qaran ahaan annagoo u dagaallamaya jiritaankanaga, ma jirto wax ka xanuun badan in la arko baytariyada Patriot oo aan wax gantaallo ah lagu rakibin,” ayuu raaciyay.

  11. War deg deg ah, Trump: Qofna ma maamulayo marinka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay marinka in aysan cidna haggeynin, uuna Hormuz ahaan doono mid ‘’cid walba u furan’’.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay ‘’Qofna ma kaantarooli doonto isaga. Anaga ayaa la soconayna, weynu ilaalin doonaa laakiin cidna ma maamulayso. Taasi waa qayb kamid ah heshiiska aynu kula jirno’’.

    Trump ayaa intaasi ku daray ‘’jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan waxa ay doonaysaa kaantaroolida marinka Hormuz,’’ waxa uu sii raaciyay, ‘’Cidna ma kaantarooli karto, maxaa yeelay waxa ay ku taalaa biyaha caalamiga ah, Cumaana waxa ay u dhaqmaysaa sida cid walba.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  12. War deg deg ah, Trump oo ka hadlay wadaxaajoodka ay kula jiraan Iiraan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay wadaxaajoodka ay kula jiraan Iiraan uu yahay ‘’mid aan weli miro dhalin’’ sidoo kalana ‘’aysan ku faraxsanayn weli, laakiin ay ku farxi doonaan.

    Trump ayaa intaa ku daray ‘’In midkeed waddadaas ay noqon doonto ama ay qaadi doonaan talaabo dhammaystir ah’’

    Isaga oo u duurxulaya hoggaamiyayaasha Iiraan waxa uu yiri ‘’Wadaxaajoodka waxa ay uga jiraan boos liita, laakiin waynu arki doonaa wixii dhici doona. Laga yaabee in aan dagaalka ku laabano oo shaqada dhammaystirno ama laga yaabee in aysan sidaas noqon’’.

    Waxa uu mar kale ku celiyay inuu rumaysan yahay in hoggaamiyayaasha jamhuuriyadda Iiraan ay ‘’Si aad ah u doonayaan inay heshiis gaaraan’’’

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  13. War deg deg ah, Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir oo digniin diray

    Xildhibaan Saadiq Joon

    Xigashada Sawirka, Brig Gen Sadak Omar

    Qoraalka sawirka, Xildhibaan Saadiq Joon

    Taliyihii hore ee ciidamada booliska gobolka Banaadir, haddana ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Saadiq Joon ayaa qoraal uu soo dhigay barta bulshada ku diray digniin uu u dirayo qof uu ugu magac daray 'duq Xasan' oo loo fasiranayo madaxweyne Xasan gaar ahaana inay isku xiran yihiin nabadda dhuusamareeb iyo deegaanka ay ku taalo Madaxtooyada Soomaaliya ee Caasimada Muqdisho.

    Saadiq Joon ayaa qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri ''Duq Xasanow nabadda Dhuusamareeb iyo nabadda wardhiigleey waa isku xiran yihiin ogoow''

    Saadiq Joon ayaa dhowaan booqday magaalada Dhuusomareeb, halkaasi oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug oo dhowaan sheegay inay jiraan dad dhibaato ku ah siyaasadda maamulkiisa.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  14. War deg deg ah, Ciidamada badda Iiraan: 23 Markab ayaa ka gudbay marinka Hormuz 24-saac gudahood

    Marinka Hormuz

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Marinka Hormuz

    Ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee IRGC ayaa ku dhawaaqay in 23 markab ay ka gudbeen marinka Hormuz 24-tii saac ee lasoo dhaafay, iyaga oo haysta oggolaanshaha ciidamadooda, sida ay sheegeen.

    Ciidamada badda IRGC ayaa sheegay maalin sii horaysay 25 markab inay ka gudbeen marinka Hormuz oo oggolaanshahooda haysta.

    Waxaynu goor sii horaysay tabinay in warbaahinta Iiraan ay ku dhawaaqadat in Tehran ‘’ay heshay qabyo qoraal bilow ah oo aan rasmi ahayn oo muujinaya qaabka heshiis is-faham ah oo la qaateen Maraykanka’’.

    Sida ku xusan qabyo qoraalka, Iiraan waxaa ay dib u bilaabaysaa in gaadiidka ganacsiga ay marinka maraan, iyada oo taa beddelkeeda Maraykanka ay kala baxayaan milatarigooda inta ku hareeraysan Iiraan ayna qaadayaan xanibadda ciidamada badda Iiraan saaran.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  15. 10 ka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan aduunka 2026

  16. War deg deg ah, Heshiis laga gaaro colaada Iiraan oo hoos u dhigtay qiimaha shidaalka

    Gaari shidaal lagu shubayo

    Xigashada Sawirka, Hindustan Times via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gaari shidaal lagu shubayo

    Qiimaha shidaalka caalamiga ah ayaa hoos u dhacay kadib rajada laga qabo in heshiis lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran la gaaro.

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in heshiis qabyo ah uu horseedi doono in dib loo furo marin-biyoodka Hormuz.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  17. Ciidamada Muqtada al-Sadr oo ku biiraya kuwa dowladda Ciraaq

    Hoggaamiyaha diimeed ee Ciraaq Moqtada al-Sadr

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha diimeed ee Ciraaq Moqtada al-Sadr

    Hoggaamiyaha diimeed ee Ciraaq, Moqtada al-Sadr, ayaa ku dhawaaqay in garabka militariga ee dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ee Shiicada lagu biirin doono ciidamada ammaanka dowladda Ciraaq.

    Tallaabadan ayaa timid iyadoo cadaadis sii kordhaya uga imanayo Maraykanka dowladda Baghdad si loo yareeyo saameynta kooxaha hubeysan ee Iran taageerto.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  18. Mareykanka oo dalalka qaar waajib uga dhigaya inay fiisaha ku bixiyaan dammaanad $15,000 ah

    Muwaadiniinta ka imaanaya ilaa 50 dal ayaa maamulka Madaxweyne Donald Trump u uku waajibinayaa inay dhigaan dammaanad lacageed oo gaaraysa $15,000 si ay u codsadaan gelitaanka Mareykanka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Arbacadii.

    Sarkaalka diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in 12 dal lagu darayo liis horey uga koobnaa 38 dal oo kale, kuwaas oo intooda badan ku yaalla Afrika.

    Barnaamijka dammaanadda fiisaha ee la ballaariyay ayaa ku khasbaya ajaanibta inay bixiyaan $15,000 si ay u helaan fiisaha nooca B1 ama B2 oo kala ah (ganacsiga iyo dalxiiska), ayaa dhaqan galaya 2-da Abriil. Ujeeddadu waa in laga hortago in dadka booqanaya dalkaasi ay ka badsadaan joogitaanka muddada fiisahooda, ayuu yiri sarkaalka.

  19. Sidee buu "Xisbiga baranbarada" caan uga noqday Hindiya?

    Waxaa siyaasadda Hindiya kasoo ifbaxay astaan xisbi oo layaab leh: Baranbaro.

    Ma aha ubax sida xisbiga ugu weyn dalka (BJP), ama calaamad gaar ah oo xisbiga mucaaradka ah, balse waa baranbaro adag, dhib badan, isla markaana aan si fudud loo baabi'in karin—taas oo dhowaan noqotay astaan caan ah oo lala xiriiriyo dhalinyarada siyaasadda Hindiya.

    Baranbaro ayaa si weyn looga hadlayaa Hindiya tan iyo usbuucii hore kadib hadal uu jeediyay Wasiirka Sharciga ee dalka, Surya Kant.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  20. Dhawr arrimood oo kaa xumayn kara hilibka ciiddul adxaha