Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
War deg deg ah, Iskuul magdhow $27 milyan ah uga helay shirkada Meta
Iskuul degmo oo ku yaala Mareykanka ayaa helay magdhow dhan ilaa 27 milyan oo doolar, kaddib markii ay ku eedeysay shirkadaha waaweyn ee baraha bulshada inay door ku lahaayeen sii xumeynta dhibaatada caafimaadka maskaxda ee ardayda.
Degmada Breathitt County ee gobolka Kentucky ayaa la filayaa inay noqoto degmadii ugu horreysay ee iskuulkeeda dacwad maxkamadeed ku raadsato magdhow ka dhan ah shirkada Meta.
Ilo xog-ogaal u ah heshiiska oo lagu dhawaaqay toddobaadkii hore, ayaa sheegay in Meta ay bixisay 9 milyan oo doolar si loo soo afjaro dacwadda.
Meta, Tiktok, iyo Youtube ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay, iyaga oo sheegay inay qaadeen tallaabooyin lagu ilaalinayo badbaadada isticmaalayaasha da’da yar.
Qareennada degmada Breathitt County ayaa sheegay inay hadda sii wadi doonaan dacwooyin lamid ah kuwaas oo ay soo gudbiyeen in ka badan 1,200 degmo dugsiyeed oo ku kala yaala daafaha Mareykanka.
War deg deg ah, Ukraine oo u adeegsanaysa AI weerarka gaadiidka sahayda u wada ciidamada Ruushka

Xigashada Sawirka, Department of Defense
Qoraalka sawirka, Diyaarada aan duuliye lahayn hornet oo ay tijaabiyeen milatariga Maraykanka bishii Maarso Sida ay ogaatay BBC Ukraine ayaa isticmaalaysa jiilka cusub ee garaadka macmalka AI ee ay ku shaqaynayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay u kordhiso weeraradeeda bartilmaameedyada Ruushka.
Howlgalka ayaa la kulmay koror duqaymaha ah oo ka dhan ah gaadiidka iyo xarumaha lojistikada ee dhulka ay haystaan ee Koonfurta Ukraine, taasi oo Khalkhal galinaysa sahayda ku wajahan furinta.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa beegsanayay gaadiidka u kala safraya magaalooyinka Ukraine oo uu ku jiro marinka ku xiraya Ruushka gobolka Crimea.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya AI-da Ukraine ee ay taageerayso diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Hornet loo tababaray iyada oo adeegsanaysa kumanaan saacadood oo muuqaal ay ku aqoonsanayso bartilmaameedyada milatariga Ruushka.
Sababta korista Jaranjarada ay faa'iido ugu leedahay jirkaaga iyo maskaxdaada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Korista jaranjarada In kasta oo aan isku dayno inaan qaadano wiishka, beddelka jaranjarooyinka, koritaanka dhowr dabaq maalintii waxa ay kor u qaadi kartaa caafimaadka maskaxda iyo awoodda. Inta badan oo aad socotid, waa inta ay sii badato in aad daal badan dareento.
Bishii Sebtembar 3, 2021, Sean Greasley waxa uu koray oo uu ka soo degay 8,849 mitir in ka yar 23 saacadood, masaafo geyn lahayd meesha ugu sarreysa buurta ugu sarreysa adduunka. Dhamaadkii, wuu dhididsanaa oo si dhib leh ayuu u socon karay. Wuxuuna ku sameeyay dhiirigelinta qoyskiisa.
Greasley waxa uu haystaa rikoorka adduunka ee wakhtiga ugu dhakhsaha badan ee la koro ama looga soo dego masaafada la mid ah kan Mount Everest ee jaranjarada oo ah 22 saacadood, 57 daqiiqo iyo 2 ilbiriqsi.
Inteena badan suurtagal ahaan ma gaari karaan dhererkaas, laakiin fuulista dhawr jaranjaro ee nolol maalmeedkeena waxa ay noqon kartaa yool qiimo leh oo la hiigsado.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay inuu qabanayo kulan si loo gaaro “go’aanka kama dambaysta ah” ee ku saabsan heshiiska iran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Trump Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu qabanayo kulan lagu gaarayo “go’aanka kama dambaysta ah” ee ku saabsan heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta lala galay Iran.
Wuxuu sheegay in Iran “ay tahay inay oggolaato inaysan waligeed yeelan doonin hub nukliyeer ama bam nukliyeer,” sidoo kalena marin-biyoodka Hormuz dib loogu furo “isu-socodka maraakiibta si xor ah oo aan xannibaad lahayn, labada jiho.”
Waxa uu sidoo kale sheegay in miinooyinka lagu aasay marin-biyoodka “la burburiyo.”
“Waxaan hadda ku kulmaynaa Qolka Xaaladaha Degdegga ahsi aan u gaaro go’aanka ugu dambeeya,” ayuu ku qoray bartiisa Truth Social. Iran weli kama aysan hadlin arrintan.
Tani waxay timid kadib markii saraakiil Mareykan ah ay u sheegeen BBC-da in labada dal ay ku heshiiyeen qaab-dhismeed heshiis — oo ama is af-garad— kaas oo sugaya ansixinta Trump iyo hoggaanka Iran.
Sida la sheegay, heshiisku wuxuu kordhinayaa xabbad-joojinta muddo 60 maalmood ah, isla markaana wuxuu bilaabayaa wada-hadallo ku saabsan mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
Qoraalkiisa, Trump wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu qaado xayiraadda Mareykanka ee marin-biyoodka Hormuz, isla markaana maraakiibta ku xanniban halkaas “ay bilaabi karaan safarkooda,
Wuxuu sidoo kale ku adkaystay in Iran ay u oggolaato Mareykanka inuu qaado oo burburiyo uranium-ka la beekhaamiyay ee ay haysato.
“Wax lacag ah lama kala wareejin doono ilaa amar dambe,” ayuu yiri. “Waxyaabo kale oo muhiimaddoodu aad uga yar tahay ayaa lagu heshiiyey.”
Gabadhii ugu horeysay ee reer Afgaanistaan oo fuusha buurta aduunka ugu dheer ee Everest oo fariin dirty
War deg deg ah, Jose Mourinho oo la saxiixday heshiis saddex sano ah kooxda Real Madrid

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Tababare Jose Mourinho Si rasmi ah looma soo bandhigi doono ilaa marka ay dhacdo doorashada madaxweynaha kooxda Real Madrid, taas oo la filayo inay qabsoonto 7-da Juun.
Mourinho oo 63 jir ah, ayaa ka tagaya shaqadiisa tababarenimo ee Benfica, halkaas oo uu xilka qabtay bishii Sebtembar kuna hoggaamiyay kooxda inay kaalinta saddexaad ka gasho horyaalka Primiera Liga xilli ciyaareedkan.
Markii hore ee uu maamulayay Real Madrid intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2013, tababaraha reer Portugal wuxuu ku guuleystay La Liga, Copa del Rey iyo Spanish Super Cup.
Mourinho wuxuu beddeli doonaa Alvaro Arbeloa, kaas oo xilka qabtay bishii Janaayo kadib bixitaankii Xabi Alonso.
Real Madrid ayaa ku dhammeysatay xilli ciyaareedka 2025–26 iyaga oo aan wax koob ah qaadin, halka kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona ay hanatay horyaalka La Liga kadib guul 2-0 oo ay ku guulaysatay ciyaarta El Clasico.
Socdaalkii Champions League ee Los Blancos ayaa sidoo kale kusoo dhammaaday markii ay guud ahaan 6-4 kaga adkaadeen kooxda horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich wareegga sideed dhammaadka.
Kadib markii uu ka tagay Real Madrid sanadkii 2013, Mourinho wuxuu dib ugu laabtay Ingiriiska si uu mar labaad u tababaro Chelsea, halkaas oo uu ku guuleystay horyaalkiisii saddexaad ee Premier League iyo EFL Cup xilli ciyaareedkii 2014–15.
Kadib markii uu ka tagay Chelsea sanadkii 2015, Mourinho wuxuu ku biiray Manchester United heshiis saddex sano ah sanadkii 2016.
Wuxuu kula guuleystay Europa League, EFL Cup iyo Community Shield xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Old Trafford, balse waxaa shaqada laga eryay Diseembar 2018 kadib natiijo xumo.
Mourinho sidoo kale wuxuu tababare kasoo noqday Tottenham Hotspur, kooxda Talyaaniga ee Roma oo uu kula guuleystay Europa Conference League sanadkii 2022, iyo kooxda Turkiga ee Fenerbahce, ka hor inta uusan la wareegin Benfica.
Sheeka-xariirada ay ciidanka Botswana ka sheegaan Janaraal Caydiid
War deg deg ah, Turkiga oo ka digay dagaal ka qarxa gobolka Badda Madow

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Ciidamada badda Ruushka oo ku sugan halka laga galo Dekeda magaalada Sevasopol 2014 Dowladda Turkiga ayaa ka digtay khataraha ka dhalan kara dagaal aan la xakamayn karin oo ka qarxa gobolka badda Madow, kadib markii Markab Turki ah ay ku dhacday duqaynta diyaarad aan duuliye lahayn.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ma sheegin dalka masuulka ka ahaa weerarkaasi.
Labadaba Ruushka iyo Ukraine waxaa ay beegsadeen maraakiib gooshaya Badda Madow intii lagu guda jiray dagaalka dhex maray labada dhinac.
SII AKHRI WARBIXINO KALE
Qaramada Midoobay: Israa'iil iyo Ruushka oo ka mid ah dalalka galay dambiyada dagaalka - UN

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres Qaramada Midoobay ayaa Israa’iil iyo Ruushka ku dartay liiska dalalka lagu eedeeyay inay geystaan xadgudubyo galmo oo la xiriira dagaallada.
Warbixin sannadle ah oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres, sanadkii 2025, ayaa lagu xaqiijiyay in saraakiil ka tirsan ciidamada Israa’iil, booliis ama ciidamada asluubta ee xabsiyada ay geysteen noocyo kala duwan oo xadgudubyo ah oo ka dhan ah 31 qof oo ka kala yimid Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto iyo deegaanka Webiga Urdun, kuwaas oo ay ku jireen carruur.
Warbixinta ayaa sheegtay in mararka qaar dhowr askari ay isku urursan jireen oo ay si wadajir ah kufsi ugu geysan jireen dad rayid ah, sidoo kale waxaa la sheegay in hal nin si ula kac ah xabbad looga dhuftay laabta.
Israa’iil, oo lagu daray liiska iyadoo ay weheliso Hamas, ayaa muujisay caro ku aaddan tallaabadan waxayna beenisay eedeymahaas.
Horaantii, safiirka Israa’iil ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalkiisu uu joojin doono dhammaan xiriirka uu la leeyahay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Dhanka Ruushka, warbixintu waxay sheegtay in ciidamadiisu ay geysteen boqolaal xadgudub oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha gudaha Ukraine, kuwaas oo ay ku jiraan kufsi iyo isticmaalka koronto lagu jirdilo dadka.
Moscow weli kama aysan hadlin warbixinta.
Qalibaf: Tanaasul kuma helin wadahadal ee waxaynu ku helnay gantaalo

Xigashada Sawirka, Tasnim News Agency via Reuters
Qoraalka sawirka, Mohammad Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamanka Iiraan Guddoomiyaha Baarlamanka Iiraan iyo madaxa wada-xaajoodka jamhuuriyada Iiran Mohammad Baqer Qalibaf ayaa farriin uu ku daabacay barta X ku yiri: ‘’Wax tanaasul ah kuma aynaan helin wadahadal, laakiin waxaynu ku helnay wadada gantaalada, wadahadalka waynu ku sharaxnaa oo kali ah’’
Wuxuu ka hadlay arrinta kalsoonida ee u dhexeysa labada dhinac ee wada-xaajoodka socda ee Mareykanka, isaga oo yiri: “Ma aaminsanin dammaanado iyo hadallo; hab-dhaqanka keli ah ayaa lagu qiimeeynayaa. Wax tallaabo ah lama qaadayo ka hor inta dhinaca kale uusan tallaabo qaadin.”
Qalibaf ayaa sii raaciyay fariintiisa isaga oo leh: “Guuleystaha heshiis kasta waa kan si fiican ugu diyaarsan dagaal maalinta xigta.”
Maxamed Baqer Qalibaf ayaa Isniintii tagay Qatar.
Ujeeddada safarkaasi waxay ahayd wada-xaajood ku saabsan qaar ka mid ah hantida Iran ee la xayiray sababo la xiriira cunaqabateynta Mareykanka.
SII AKHRI WARBIXINO KALE
Wasiirka Difaaca Afqaanistaan Mullah Yaqoob oo booqasho ku tagay Ruushka lana saxiixday Ruushka heshiis 'nidaamka difaaca hawada'
War deg deg ah, Iiraan oo cambaaraysay weerarada Israa’iil

Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, . Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Esmail Baghai ayaa cambaareeyay weerarada Israa’iil ay ku qaaday dhowr aag oo ku yaala Lubnaan, oo ay ku jirto Beirut, caasimada dalkaasi.
Baghaei ayaa sheegay in ‘’aamuska iyo danayn la’aanta dowladaha caalamka’’ ay ku sababi doonto Israa’iil inay ‘’sii kordhiso’’
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale ku qeexay Maraykanka ‘’mid caawinaya oo bahwadaag kala dambiyada ay Israa’iil ka gaysanayso, Lubnaan, dhulka Falastiiniyiinta iyo guud ahaan gobolka.
Dad aad u badan ayaa lagu dilay gudaha Lubnaan iyada oo milatariga Israa’iil weerarada ay qaadayaan ay kordhiyeen maalmihii u dambeeyay.
Israa’iil ayaa sheegtay in bartilmaameedka weeraradan uu yahay Xizbullaahiga Lubnaan.
Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale weydiistay dadka deegaanka in sideedii meelood meel oo Lubnaan ah ay isaga tagaan guryahooda iyaga oo u jihaysanaya Waqooyiga.
SII AKHRI WARBIXINO KALE
War deg deg ah, Putin ‘’Waa ogyahay’ shilka drone ee Romania, ayuu yiri afhayeenka Kremlin

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la sheegay inuu ka ‘’war qabo’’ shilka diyaarada aan duuliyaha lahayn ee drone-ka, warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sheegtay inuu sidaasi yiri afhayeenka madaxweynaha Dmitry Peskov.
TASS ayaa sidoo kale ku warantay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka uu ‘’jawaab dhakhso ah’’ ka bixin doono go’aanka Romania ay ka qaadatay qunsuliyadooda iyaga oo ka jawaabaya burburka.
SII AKHRI WARBIXINO KALE
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran: Aamusnaanta hay’adaha caalamiga ah waxay sii dhiirrigelinaysaa Israa’iil.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baghai, ayaa cambaareeyay kordhinta weerarrada ay Israa’iil ku qaaday meelo kala duwan oo ka tirsan Lubnaan, oo ay ku jirto caasimadda dalka ee Beirut.
Mr. Baghai ayaa sheegay in “aamusnaanta iyo inaysan dan ka lahayn hay’adaha caalamiga ah” ay sabab u noqon doonto in Israa’iil ay “sii kordhiso gardarradeeda.”
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sidoo kale ku tilmaamay Maraykanka “mid gacan saar iyo lammaane kula ah dhammaan dambiyada Israa’iil” ee ka socda Lubnaan, dhulka Falastiiniyiinta, iyo guud ahaan gobolka.
Tobannaan qof ayaa lagu dilay Lubnaan iyadoo weerarrada milatari ee Israa’iil ay sii xoogeysteen maalmahan dambe.
Israa’iil ayaa sheegtay in bartilmaameedka weerarradan uu yahay ururka Hezbollah ee Lubnaan.
Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale dadka deggan ku dhowaad siddeed meelood meel dhulka Lubnaan ka codsaday inay ka baxaan guryahooda una guuraan dhanka waqooyi.
Fiisaha $1 milyan ee kuu saamaxaya deganaansho iyo in aad hesho dhalashada Maraykanka

Xigashada Sawirka, @realDonaldTrump/Truth Socia
Qoraalka sawirka, . Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bilaabay qorshaha kaarka dahabiga ah ee bixinta fiisooyinka deganaanshaha Maraykanka sida degdega ah loo helayo, kuwaas oo loogu talagalay ajaanibka dadka hodonka ah ee awoodda inay bixiyaan ugu yaraan $1 milyan oo u dhiganta (£750,000).
Kaarka ayaa siin doona iibsadayaasha ''waddo toos ah oo ay ku helayaan dhalashada Maraykanka, gaar ahaan dhammaan dadka u qalma ee la baaray. ''Waa wax lagu farxo! Shirkadaha weyn ee Maraykanku ugu dambayn waxa ay sii haysan doonaan kartidooda aan la beddeli karin,'' ayuu ka yiri Trumo baraha bulshada Arbacadii.
Kaarka dahabka Trump oo markii u horaysay la shaaciyay horraantii sanadkan ayaa ah dalkugal Maraykan ah oo la siinayo kuwa muujin kara inay iibsan karaan ayna ''faa'iido weyn'' u tahay dalka, sida laga soo xigtay bogga rasmiga ah ee qorshahan
SII AKHRI WARBIXINO KALE
Jeebka maku qaadan lahayd lacag uu ku sawiran yahay wajiga Trump?
Baraha Bulshada: Saddex qaab oo lacag looga sameeyo TikTok

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Tiktok Kaamiradu waxay ahaan jirtay mid ay ku soo caan-baxaan xiddigaha caanka ah ee filimada iyo wariyeyaasha telefishinnada, kuwaas oo heystay fursad khaas u ah oo ay qaabkaas lacag ugu sameeyaan, balse Baraha Bulshada oo uu hoggaamiyo TikTok ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday arrintaas.
Lifaaqa hoose ku dhufo si aad faahfaahinta u akhriso
Iskuulkii dabku ka kacay ee Kenya oo ardaydiisii qaar la xiray

Waaxda Dembi-baarista ee Kenya ayaa bilowday baaritaan faahfaahsan oo ku saabsan musiibadii dabka ee ka dhacday Dugsiga Sare ee Gabdhaha Utumishi ee degmada Gilgil, gobolka Nakuru.
Koox baaritaan oo isku dhafan ayaa la sameeyay si ay u baaraan dhacdada dabka ka kacay hoyga ardayda, iyo sidoo kale in la sameeyo baaritaanno hidde-side (DNA) ah si loo aqoonsado meydadka 16 arday oo ku geeriyooday musiibada.
Booliska ayaa wareystay arday, macallimiin iyo shaqaalaha dugsiga, sidoo kalena baaray kamaradaha CCTV-ga.
Sideed arday ayaa loo qabtay tuhmaneyaal ku lug leh dhacdada, waxaana hadda lagu hayaa xabsiga saldhigga booliiska.
Muxuu yahay heshiiska Abraham, oo saxiixiisa Trump uu u arko inuu shuruud u yahay heshiis lala galo Iran?
