Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Iiraan oo aas qaran u samaynaysa Cali Khamenei
Sida uu sheegay ku-xigeenka madaxa arrimaha dhaqanka iyo bulshada ee dawladda hoose ee Tehraa ayaa sheegay in aaska Cali Khamenei oo ahaa hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah "laga yaabo in la qabto dhammaadka bisha Dul-Xijjah iyo billowga bisha Muxarram," taas oo ka dhigan qiyaastii laba toddobaad kaddib.
Mohammad Amin Tavakolizadeh ayaa ka sheegay guddiga 52-aad ee Arrimaha Bulshada iyo Hiddaha ee Magaalooyinka Waaweyn ee Iiraan in uu isagu mas'uul ka yahay agaasinka munaasabadda ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka (IRGC), islamarkaana loo qorsheeyay saddex maalmood oo ay socon doonto "gaaddo-ka-ciyaarka shacabka".
Itoobiya: Masuuliyiin doorasho oo la sheegay in ay waraaqaha codeynta ku tagri-faleen oo baaritaan lagu wado
Israel Katz: Maraykanka ayaan fasax ka heli doonnaa in aan weerarno Bayruut
Wasiirka Gaashaandhigga ee Israa'iil ayaa sheegay in haddii Xisbullaah ay weerarto waqooyiga Israa'iil, Washington ay taageeri doonto weerar lagu qaado agagaarka magaalada Beyruut.
Sida ku cad bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Israa'iil, Israel Katz ayaa yidhi: "Aniga iyo raysalwasaaraha, oo ay na weheliyaan ciidanka Israa'iil, waxaan horseednay tallaabo la iskugu duway si loo abuuro isla 'eg cusub... Haddii magaalooyinka Israa'iil lagu si wado weerrrada, waxaan amraynaa in dadka laga raro xaafadda Dahiyeh ee Beyruut oo ah difaaca adag ee Xisbullaah, waana weerari doonnaa."
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Trump iyo Netanyahu
Baxrayn oo muwaadiniinteeda ka mamnuucday in u safraan Iiraan
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa muwaadiniinteeda ka mamnuucday in ay u safraan Iiraan iyo Ciraaq ilaa amar dambe, sababo la xidhiidha xiisadaha amniga.
Kaddib markii uu dagaalku billowday, Baxrayn waxay ka codsatay muwaadiniinteeda in ay si degdeg ah uga baxaan Iiraan. Intii uu dagaalku socday, Iiraan waxay beegsatay saldhigga ciidanka badda ee Mareykanka ee ku yaalla Baxrayn, iyadoo u adeegsatay weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo.
Tan iyo billowgii dagaalka, Baxrayn waxay xidhay boqolaal qof, waxayna maxkamad saartay toban kale oo loo haysto in ay taageereen, la shaqeeyeen, u basaaseen ama xidhiidh la lahaayeen Iiraan iyo Ciidanka Ilaalada Kacaanka. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa lagu xukumay xabsi daaim, halka tiro kale laga la noqday dhalashadooda.
Afhayeen u hadlay dawladda Baxrayn ayaa u sheegay BBC-da in dadkan loo xidhay si looga hortago cawaaqibka ka dhalan kara "gardarrada muuqata ee Iiraan" iyo si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida.
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Iiraan iyo Israa'iil oo midba kan kale u saadaaliyay in uu burburi doono
Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in khasaaraha Iiraan ka soo gaadhay dagaalku uu yahay "mid aad u culus", wuxuuna saadaaliyay in maamulka Iiraan uu aakhirka "dumi doono".
Israa'iil ayaa weerartay Iiraan laba jeer muddo ka yar sannad gudihiis, waxaana la ay la kulantay kulmay jawaab-celis oo rogaal-celis ah oo kaga timid Iiraan.
Haddalka Mr. Netanyahu ayaa ku soo beegmaya xilli hoggaamiyaha saddexaad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah uu sidan oo kale u saadaaliyay Israa'iil.
Sidee Tehran iyo Netanyahu u hor istaageen hamiga Trump?
Mas'uuliyiinta Iran oo sheegay in awoodaha militari la xoojiyay intii lagu jiray xabbad-joojinta
Wararkii ugu dambeeyay ee Iran Afhayeenka ciidamada ilaalada Kacaanka Iran, Hossein Mohebbi, ayaa sheegay in muddadii xabbad-joojinta ay kordheen awoodaha militari iyo kuwa hawlgal ee Iran.
Wuxuu yiri:"Intii lagu jiray muddada xabbad-joojinta, awoodahayaga militari iyo hawlgal way sii xoogaysteen. Fursadda la helay waxaa loo adeegsaday kor u qaadista awoodda dagaal, xoojinta heeganka, iyo dib u hagaajinta waxyeelladii soo gaartay".
"Maanta ciidamada qalabka sida waxay ku sugan yihiin xaalad ka wanaagsan tii hore." ayuu intaa ku daray
Dhanka kale wasiirka Waxbarashada Iran, Alireza Kazemi, ayaa sheegay in laba qorshe loo diyaariyay imtixaannada ugu dambeeya ee ardayda:
In imtixaannada si toos ah loo qabto laga bilaabo 4-ta July, haddii oggolaansho laga helo golaha sae ee amniga qaranka.
In imtixaannada la qabto 15 maalmood kadib marka xaaladda dalka ay caadi ku soo noqoto.Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidamada Badda ee Islamic Revolutionary Guard Corps Navy ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay 24 markab ka gudbeen Strait of Hormuz kadib markii ay heleen oggolaansho, iyadoo la raacayo isku-duwid iyo sugidda amniga ee ciidamada badda ee IRGC.
Agaasimaha hay'adda quwada Atoomikada oo ku baaqay in Iran lala galo heshiis cusub
Agaasimaha hay'adda quwada atoomikada ee IAEA: Waxaa hadda loo baahan yahay heshiis cusub oo ka duwan JCPOA
Agaasimaha Guud eehay'adda quwada Atoomikada, Rafael Grossi, ayaa sheegay in marka laga hadlayo Iran, loo baahan yahay heshiis cusub oo la jaanqaadaya xaaladaha cusub ee hadda jira.
Wareysi uu siiyay Al Jazeera, Grossi wuxuu yiri:"Haddii heshiis la gaarayo, wuxuu noqon doonaa heshiis ka dambeeya dagaalka, waana inaan taas maskaxda ku haynaa."
Wuxuu intaas ku daray in inkastoo xarumaha nukliyeerka Iran ay soo gaareen dhaawacyo intii uu socday dagaalku, haddana farsamada iyo awoodaha dalkaasi ay si weyn u horumareen.
Grossi ayaa sheegay:"Dhammaan qodobbadii iyo xaaladihii jiray xilligii heshiiskii Niyukleerka ee ay Iran la galeen Quwadaha waawayn way is beddeleen."
Grossi wuxuu ku adkeystay in:"Heshiiskii Niyukleerka ee lala glay 2015 Iran wuxuu ku habboonaa xaaladihii waqtigaas jiray,hadda waxaa loo baahan yahay heshiis kale oo cusub oo ku habboon duruufaha maanta jira."
Dhanka kale, Iran ayaa sheegtay in mudnaanteeda ugu weyn ee wada-hadallada hadda ay la leedahay Mareykanka ay tahay in la soo afjaro dagaalka, islamarkaana aysan hadda diiradda saareyn wadahadallada ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.
Wasiirka Arimaha Dibada ee Faransiiska: Ma jiraan qiil loo heli karo joogitaanka ciidamada Israel ee ciidda Lubnaan
Xigashada Sawirka, Jeff Overs / BBC
Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Fransiiska, Jean-Noël Barrot
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Fransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa sheegay in aysan jirin wax sabab ah oo lagu cudurdaari karo sii joogitaanka ciidamada Israel gudaha dhulka Lebanon.
Wareysi uu siiyay telefishin, Barrot wuxuu yiri:"Ma jirto wax cudurdaar u noqon kara sii socoshada hawlgallada militari ee Israa'iil iyo joogitaanka muddada dheer ee ciidamada Israa'iil gudaha dhulka Lubnaan."
Ciidamada Israa'iil ayaa Axaddii la wareegay qalcadda Beaufort Castle.Qalcaddan ayaa horey loogu isticmaali jiray saldhig ciidan oo ay Israa'iil ku lahayd intii lagu jiray qabsashadii koonfurta Lubnaan ee socotay ku dhowaad labaatan sano, taas oo dhammaatay sanadkii 2000.
Dhanka kale, Iran ayaa sheegtay in xabbad-joojin laga hirgeliyo Lubnaan ay tahay shuruud muhiim ah oo looga baahan yahay heshiis kasta oo ay la gaarto Mareykanka si loo soo afjaro dagaallada iyo xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe.
Kororka duulimaadyada mara hawada Suuriya ayaa noqday il dhaqaale oo cusub
Kadib xidritaankii hawada ee qaybo ka mid ah Bariga Dhexe, shirkado badan oo diyaaradeed ayaa beddelay jidadkoodii duulimaadka, iyagoo bilaabay inay isticmaalaan hawada dalal ay ka fogaan jireen in ka badan toban sano.
Wakaaladda wararka Reuters, oo soo xiganaysa tirakoobka Hay’adda Guud ee Duulista Rayidka ee Suuriya, ayaa sheegtay in 11,801 duulimaad ay mareen hawada Suuriya bishii May.
Tiradani waxay ka badan tahay laba jibbaar tiradii 4,267 duulimaad ee la diiwaangeliyay bishii Febraayo, taas oo ahayd bishii ugu dambeysay ee buuxda ka hor carqaladihii duulimaadyada gobolka ee la xiriiray dagaalka Iran.
Duulimaadyada maray hawada Suuriya bishii May ayaa sidoo kale kor u kacay qiyaastii 375% marka loo eego isla muddadaas sanadkii hore.
Muddo 14 sano ah oo uu socday dagaalkii sokeeye ee Suuriya, hawada dalkaasi waxaa loo arkayay meel khatar ah oo ay shirkadaha diyaaradaha badankoodu ka fogaayeen. Dagaalkaas ayaa dhammaaday kadib markii la riday xukunkii Bashar al-Assad dabayaaqadii 2024.
Isbeddelkan cusub ayaa faa’iido dhaqaale u leh Suuriya, maadaama dowladda cusub ay kordhisay khidmadaha laga qaado shirkadaha diyaaradaha horaantii sanadkan.
Marka loo eego xogta Reuters, iyadoo la tixgelinayo lacagta joogtada ah ee $499 laga qaado duulimaad kasta oo mara hawada Suuriya, duulimaadyadii bishii hore waxay soo saari kareen ilaa $9.5 milyan oo dakhli ah oo ka yimid duulimaadyada transit-ka ah.
Hay’adda Guud ee Duulista Rayidka ee Suuriya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin inta dakhli ee dhab ahaan dalka ka soo gasha marinka hawadaasi.
Guddiga Doorashooyinka Itoobiya oo shaaciyay xogta ka qaybgalka codbixinta
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, Doorashada Itoobiya
Guddiga qaran ee doorashooyiinka dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay 1-da Jun 2026 in ilaa 8:00 fiidnimo waqtiga maxalliga ah, 40 milyan oo ka mid ah 54 milyan oo codbixiyeyaal diiwaangashan ay codkooda dhiibteen.
Guddoomiyaha guddiga, Melatework Hailu, ayaa saqdii dhexe sheegtay in tiradan lagu saleeyay xog ay khadka taleefanka ku uruuriyeen khubarada guddiga.
Waxay tilmaantay in xogta qaar ka mid ah deegaannada wali maqan tahay sababo la xiriira cilado dhanka isgaarsiinta ah. Waxa kale oo ay sheegtay in deegaano gaar ah ay codbixintu sii socotay ilaa saqdii dhexe, taasoo lix saacadood ka dambeysay waqtigii caadiga ahaa ee xiritaanka goobaha codbixinta.
Melatework ayaa tiri:“Hannaanka codbixinta ee degmooyin iyo xarumo badan ayaa ku dhammaaday waqtigii loogu talagalay. Meelo qaar waxay ku dhammaatay 6:00 fiidnimo, kuwo kalena 8:00 fiidnimo, halka degmooyin qaarkood ay sii socotay ilaa saqdii dhexe.”
Waxay sidoo kale sheegtay in khaladaad iyo waxyaabo aan habboonayn laga diiwaangeliyay qaar ka mid ah goobaha codbixinta. Xarun codbixin oo ku taal Burji ayaa la xiray kadib markii la ogaaday in saraakiil goobta joogtay ay iyagu calaamadeynayeen waraaqaha codbixinta.
Guddoomiyuhu waxay xaqiijisay in tallaabooyin dheeraad ah laga qaadi doono dadka arrintaas ku lugta lahaa.
Horaantii maalintaas, waxay warbaahinta u sheegtay in 143 goobood oo codbixin ah aan la furin sababo amni awgeed.
Caqabadaha kale ee la soo sheegay waxaa ka mid ahaa safaf dhaadheer oo ka jiray goobaha isticmaalayay diiwaangelinta dijitaalka ah iyo dhibaatooyin isgaarsiineed oo ka dhashay shabakado isgaarsiin oo liita.
Qiimaha shidaalka ayaa bilaabay inuu hoos u dhaco Subaxii hore ee maanta suuqyada caalamka.
Suuqyada ayaa weli si taxaddar leh ula socda horumarka wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.
Shidaalka nooca ceyriin ee Brent ayaa hoos u dhacay 75 senti, ama 0.79%, isagoo gaaray $94.23 halkii foosto. Sidoo kale, shidaalka nooca tayada sareysa leh ee (WTI) ayaa hoos u dhacay 85 senti, ama 0.92%, isagoo gaaray $91.31 halkii foosto.
Wareysi uu siiyay ABC, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in heshiiska lala gelayo Iran, oo faahfaahintiisa la dhammeystirayo, la soo gabagabeyn doono “usbuuca soo socda.”
Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu wada-hadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo ururka Xisbullah, isagoo ugu baaqay inay joojiyaan weerarrada.
Dhanka kale, Safaaradda Lubnan ee Maraykanka ayaa xaqiijisay in Xisbullah ay oggolaatay in la joojiyo colaadda kala dhexeysa Israa’iil.
Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay inay hawada ku qabteen laba gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan
Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay in subaxnimadii Talaadada ay hawada ku qabteen laba gantaal oo laga soo ganay dhanka Lebanon.
Ciidanku wuxuu sheegay in la ogaaday "shay duulaya oo laga shakiyay" kaas oo markii dambe ku dhacay gudaha dhulka Israel meel u dhow xadka Lubnaan. Waxa kale oo ay sheegeen in aan wax dhaawac ah la soo sheegin kadib weerarka.
Dhacdadan ugu dambeysay ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in Israa'iil iyo ururka Hezbollah ay u ballanqaadeen inay joojinayaan dagaalka.
Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social ku qoray:"Waxaan wada hadal aad u wanaagsan la yeeshay Hezbollah anigoo adeegsanaya wakiillo heer sare ah, waxayna oggolaadeen xabbad-joojin; Israa'iil ma weerari doonto iyaga, iyaguna ma weerari doonaan Israa'iil."
Horey, Guddoomiyaha baarlamaanka Iran, Maxammad Baqer Qalibaf, ayaa yiri:"Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaan si dhab ah uga shaqaynaynay joojinta weerarrada Israa'iil, haddii dambiyadaasi sii socdaanna ma aha oo keliya inaan joojin doono geeddi-socodka wada hadallada, balse sidoo kale waxaan ka hor iman doonnaa maamulka Sahyuuniyadda."
Taliska Dhexe ee Maraykanka oo sheegay inay qabteen laba gantaal oo ballistic ah oo Iran ay soo ridday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Gantaal
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in saacaddu markay ahayd 11:00 habeenimo xalay, ciidamada Maraykanku ay si guul leh u qabteen laba gantaal oo ballistic ah oo ay Iran ku beegsatay ciidamada Maraykanka ee ku sugan Kuwait.
Bayaan lagu daabacay barta X, CENTCOM waxay ku sheegeeny in gantaallada si degdeg ah loo qabtay, isla markaana aanu jirin wax waxyeelo ah oo soo gaaray askarta Maraykanka.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanku uu weli feejigan yahay, isla markaana uu sii wadi doono wada-shaqaynta lagu ilaalinayo xabbad-joojinta, iyadoo sidoo kale la difaacayo ciidamada Maraykanka ee ka hortagaya weerarrada ama gardarrada ay Iran sameyso.
Trump oo mar kale dhaleeceeyay Warbaahinta Mareykanka
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Trump
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay waxa warbaahinta dalkaasi ka qoreyso baaxadda iyo cawaaqibta dagaalka Iran, isagoo si jees-jees ah ugu qoray bartiisa bulshada ee Truth Social:
“Haddii Iran is dhiibto, qirato in ciidamadeeda badda la burburiyay oo ay ku hafteen gunta badda, isla markaana ciidamadeeda cirka aysan jirin; haddii dhammaan ciidamadeeda milatari ay ka baxaan Tehran, hubkana dhigaan iyagoo gacmaha kor u taagaya kuna dhawaaqaya ‘waan is dhiibnay, waan is dhiibnay,’ isla markaana calan cad kor u taagaan;, ayuu yiri Trump
Waxaa uu intaa ku daray in warbaahinta xitaa haddii la dilo dhamaan hogaanka Iiraan ay waxyaabo kale qori lahaayeen.
"Haddii dhammaan hoggaamiyeyaasha harsan ay saxiixaan dhammaan dukumentiyada lagama maarmaanka u ah is-dhiibidda oo ay qirtaan guuldarradooda ka soo gaartay awoodda weyn ee Maraykanka, haddana New York Times-ka qarka u saaran burburka, Wall Street Journal-ka, CNN-ta musuqmaasuqa iyo aan muhiimadda lahayn, iyo inta kale ee warbaahinta been-abuurka ah waxay cinwaanadooda ku qori doonaan in Iran ay gaartay guul cajiib ah oo heer sare ah oo ay ka gaartay Maraykanka, isla markaana tartanku uusan xitaa dhowayn.”
Trump wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo sheegay: “Xisbiga Dimuqraadiga iyo warbaahintuba gebi ahaanba way lumeen.”