IRGC waxay u adeegsatay gantaalada Khyber-Shakan iyo "Droni aan horey loo aqoon" weeraro cusub
Saacad kadib mowjadihii gantaallada oo Iran ay ku weerartay waqooyiga Israa’iil, wakaaladda wararka Tasnim, oo ku dhow Ciidanka Ilaalada Kacaanka, ayaa ku warrantay falanqayn iyo faallo ku saabsan Weerarka.
Wakaalada ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada Kacaanka ee (IRGC) ay adeegsadeen “diyaarad aan duuliye lahayn oo aan hore loo aqoon” oo ku shaqaysa matoorka diyaaradaha dagaalka, taas oo lagu adeegsaday weerarradii gantaallada iyo drone-yada ee habeenkii xalay.
Khabiir milatari oo la shaqeeya wakaaladda Tasnim ayaa sidoo kale sheegay in weerarradaas lagu riday gantaallada Khyber-Shakan, kuwaas oo sida la sheegay ay wateen madaxyo kala firdhiya.
Warar dheeraad ah



