Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Wasiirka arimaha dibadda Iran oo u jawaabay madaxweynaha Lubnaan

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araqchi, oo ka jawaabayay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, ayaa sheegay in haddii Lubnaan ay ahaan lahayd "kaar gorgortan" ee Iran ee wada xaajoodka Mareykanka, Tehran ay heshiis la gaari lahayd Washington waqti hore.

    Waxa kale oo uu ku qoray boggiisa X: "Sida ku cad hadalka Aoun, sida muuqata waa Iran cidda qabsatay shan meelood meel ka mid ah dhulka Lubnaan, barakicisay rubuc ka mid ah Lubnaan, oo ay duqeyso dalkiisa maalin kasta. Lubnaan ka badbaadi cadowgeeda dhabta ah, Mudane Madaxweyne."

    Joseph Aoun ayaa wareysi uu siiyay CNN ku sheegay in Iran iyo xulafadeeda Hezbollah ay Lubnaan u isticmaalayaan "qalab gorgortan" oo ay kula xaajoodaan Mareykanka.

    Waxa uu ku nuux-nuux saday: “Shacabka Lubnaan waxa ay xaaladdan ku bixinayaan qiimaha ugu badan, sababtoo ah danaha Iran oo ay ka daaleen dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah”.

  2. Kuwayt: Nidaamyada difaaca ayaa dhexda ka qabtay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Kuwayt oo soo xiganaysa taliska guud ee ciidanka dalkaas, ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca hawada ee Kuwayt ay Sabtidii maanta dhexda ka qabteen gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo weerar ku ahaa dalkaasi.

    Taliska Guud ee Ciidanka Kuwayt ayaa intaas ku daray in qaraxyada la maqlayay ay ahaayeen kuwo ka dhashay markii dhexda laga qabtay bartilmaameedyadaas oo ay gubeen nidaamyada difaaca.

    Hoggaanka ciidanka Kuwayt ayaa ku boorriyay muwaadiniinta inay raacaan habraacyada badbaadada iyo amniga ee ay soo saareen hay'adaha mas'uulka ka ah.

  3. Iiraan oo ka hadashay 'weerar ay ku qaadday maraakiibta Maraykanka'

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in "laba xero oo ciidammada cirka Maraykanka ay ku leeyihiin Kuwayt oo magacyadooda lagu sheegay Cali Al-Saalim, iyo tashiilaadkii muhiimka ahaa ee u hadhay Guutada Shanaad ee Ciidanka Badda Maraykanka ee Baxrayn, lagu beegsaday gantaallada balastikada ah oo ay rideen Ciidammada Cirka IRGC."

    Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in saaka, afar markab oo nooca shidaalka qaada ah oo ay "kiciyeen isla markaana horkacayeen milatariga Maraykanku oo baal maray digniinaha loo hore loo soo saaray ee ka soo baxay Ciidanka Badda ee IRGC, ay damceen in ay si sharci-darro ah uga baxaan Marinka Hormuz.

    Digniinta kaddib, mid ka mid ah maraakiibta shidaalka ayaa la beegsaday oo la joojiyay, halka maraakiibtii kalena ay dib u laabteen."

    Bayaanka IRGC ayaa lagu sheegay in dhacdadan kaddib, "diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ay laba gantaal ku dhufteen goob isgaadhsiineed oo ku taal Qeshm.

  4. Maraykanka oo sheegay in ay qabteen gantaallo ay Iiraan ku ridday dalalka ku yaalla Gacanka Beershiya

    Milatariga dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidammadoodu ay ka hortageen dhowr gantaal oo nooca balastikada ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Iiraan u gantay dhanka Marinka Hormuz iyo waddamada dariska ah ee Gacanka Beershiya.

    Taliska Dhexe ee Ciidanka Maraykanka ayaa barta X ku qoray in Iran ay toddoba gantaal oo balastiko ah ku riday dhanka Kuwayt iyo Baxrayn, saacado yar ka dib markii ciidammada Maraykanku ay soo rideen afar diyaaradood oo nooca is-qarxiya ah oo loo soo ganay dhanka Marinka Hormuz.

    Sida uu sheegay CENTCOM, weerarradan ayaa yimid kaddib markii ciidammada Maraykanku ay beegsadeen fadhiisimaha raadaarka ee ilaalinta xeebaha Iiraan ee ku yaalla Goruk iyo Jasiiradda Qeshm, si ay uga hortagaan wax ay ku tilmaameen “Khatar soo fool leh oo ku wajahan isu-socodka badda.”

    CENTCOM ayaa ku dhawaaqay in qiimayntii ugu horraysay ay muujinayso in lix ka mid ah gantaaladii la riday laga hortagay, halka gantaalkii toddobaadna aanu gaadhin bartilmaameedkii loogu talagalay.

    Milatariga Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin wax warar ah oo sheegaya waxyeelo soo gaadhay ciidammada Maraykanka, islamarkaana sheegashada Iran ee ku aaddan waxyeello loo gaystay xarunta Taliska Guutada Shanaad ee Maraykanka ee Baxrayn ay tahay "mid khaldan."

    Dhinaca kale, dalka Kuwayt ayaa ku dhawaaqay in uu hawlgaliyay nidaamkiisa difaaca cirka, halka Baxraynna ay sheegtay in ay dardargeliyeen siidhiga digniinta.

  5. Eedaysane maxkamad dhexdeeda ku dilay garsoorahii xukumay iyo sidii ay wax u dhaceen

  6. Reuters, iyadoo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan Aqalka Cad: Ciyaartoyda xulka qaranka kubadda cagta ayaa la siiyay fiisaha ay ku galaan Mareykanka

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo sheegay in ciyaartoyda xulka kubbadda cagta qaranka Iiraan la siiyay fiisooyin ay ku galaan Mareykanka si ay uga qayb galaan Koobka Adduunka.

    Xulka qaranka Iiraan ayaa lagu wadaa inuu kulankiisa ugu horreeya ee Group G la ciyaaro New Zealand magaalada Los Angeles 15-ka Juun, kadibna ay la ciyaaraan Belgium iyo Masar.

    Danjiraha Iiraan ee Mexico, Abolfazl Pasandideh, ayaa hore u sheegay in iyadoo ay toban maalmood oo keliya ka harsan yihiin kulanka ugu horreeya ee xulka Iiraan ee Koobka Adduunka, ciyaartoydu aysan weli helin fiisooyinkii ay ku geli lahaayeen Mareykanka.

    Wuxuu sheegay in dhibaatooyinka la xiriira fiisooyinka ay sabab u noqdeen in kooxda laga raro gobolka Arizona loona wareejiyo magaalada Tijuana ee Mexico.

    Xulka qaranka ayaa lagu wadaa inuu yimaado Tijuana subaxda Axadda.

  7. Safiirrada Iran, Shiinaha iyo Ruushka oo la kulmay Agaasimaha Guud ee IAEA

    Wakiillada joogtada ah ee dalalka Iran, shiinaha, iyo Ruushka u fadhiya hayadda quwadda atoomikada ayaa kulan wadajir ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee hay’adda, Rafael Grossi.

    Kulankan ayaa dhacay ka hor shirka Golaha Guddoomiyeyaasha ee IAEA, kaas oo la qorsheeyay inuu toddobaadka soo socda ka qabsoomo Vienna.

    Ergada joogtada ah ee Iran u joogta Qaramada Midoobay ee Vienna ayaa muuqaal ka baahisay barta X, iyadoo sheegtay in dhinacyadu ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha ku jira ajandaha shirka soo socda ee Golaha Guddoomiyeyaasha.

    Saacado ka hor kulankan, IAEA waxay xubnaha Golaha Guddoomiyeyaasha u gudbisay warbixinteedii ugu dambeysay ee ku saabsan xaaladda barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

    Warbixintan qarsoodiga ah, oo ay qaar ka mid ah wakaaladaha wararku arkeen nuqulkeeda, hay’addu waxay mar kale ku celisay digniinteedii ahayd in awood la’aanta ay u leedahay inay gasho xarumaha nukliyeerka ee Iran si ay u xaqiijiso xaaladda kaydka uranium-ka la hodmiyay ay weli tahay arrin dhalinaysa “walaac ku saabsan faafitaanka nukliyeerka”.

    Warbixintu waxay ugu baaqday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran inay “si wax-ku-ool ah ula shaqeyso oo ula falgasho” hay’adda.

    Shirka Golaha Guddoomiyeyaasha ee toddobaadka soo socda ayaa noqon doona kii ugu horreeyay tan iyo weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran 29-kii Maarso iyo dagaalkii afartan maalmood socday.

  8. Boqolkiiba intee uga dhiman Iran inay sameysato Bam Niyukleer ah?

  9. Hoos u dhaca tirada rasmiga ah ee Ebola waa war wanaagsan, laakiin khatarta ayaa weli ah

    Ebola

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Ebola

    Xogta ugu dambeysay ee Ebola ee ka timid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Democratic Congo waxay u muuqataa mid rajo leh kadib markii tirada kiisaska ay si weyn hoos ugu dhacday.

    Markii hore, masuuliyiintu waxay ka hadlayeen in ay jiraan in ka badan 1,000 kiis oo la tuhunsan yahay iyo ku dhowaad 250 dhimasho ah.

    Hadda waxay soo sheegayaan in ay jiraan ku dhowaad 380 kiis oo la xaqiijiyay gudaha DRC, oo ay ku jiraan 60 dhimasho, iyo sidoo kale 15 kiis oo kale oo la xaqiijiyay iyo hal dhimasho oo ka dhacay dalka Uganda.

    Si kastaba ha ahaatee, farqi muhiim ah ayaa jira: hadda xogtu waxay ka hadlaysaa kiisas la xaqiijiyay, halkii hore laga ahaa kiisas la tuhunsan yahay.

    Sidaas darteed, waa khalad in loo maleeyo in hoos u dhaca tiradu uu si toos ah uga dhigan yahay in faafitaanku uu noqday mid khatar yar.

    Hoos u dhaca ayaa ka dhashay xog ka wanaagsan, kadib markii shaybaarro ay awood u yeesheen inay ka saaraan bukaanno badan oo qandho qaba laakiin qaba cudurro kale sida duumada, oo aad ugu badan Congo.

    Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in faafitaanku uu “si aad u degdeg ah u bilaabmay,” balse kooxaha ka jawaabaya ay hadda “bilaabayaan inay la qabsadaan xaaladda.”

    Si kastaba ha ahaatee, caqabadda ugu weyn ayaa weli ah dabagalka dadka lala xiriiray bukaannada.

    Kaliya qiyaastii 45% dadka si toos ah ula xiriiray qof Ebola qaba ayaa hadda la raadraacayaa, taas oo qayb ahaan sababteedu tahay in meesha uu ka bilowday cudurku ay ku taallo gobol ay ka jiraan colaado.

  10. Jarmalka oo ku booriyay muwaadiniinta inaysan u safrin Baxrayn iyo Kuwait

    Jarmalka ayaa uga digay muwaadiniintiisa inay u safraan dalalka Baxrayn iyo Kuwait.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa si gaar ah ugu talisay in laga fogaado safarrada loo aado Baxrain.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in xaaladda amniga ee gobolka ay weli tahay “mid aad u aan degganayn.

    Jarmalku wuxuu intaas ku daray in aan meesha laga saari karin xaalad sii xumaan karta oo ay ku jiri karto xayiraado waaweyn oo xagga duulimaadyada ah.

    Bartamihii toddobaadkan, Iran ayaa sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku beegsatay bartilmaameedyo ku yaalla Bahrain iyo Kuwait, iyada oo sheegtay in weerarradaasi ay jawaab u ahaayeen weerar ay Maraykanku ku qaadeen xarun isgaarsiineed oo ku taalla Jasiiradda Qeshm Island.

    Cinwaan: Jarmalka oo digniin safar ka soo saaray Bahrain iyo Kuwait sababo la xiriira xaalad amni oo kacsan.

  11. Hogaamiyaha Xuutiyiinta Yemen oo soo saaray hanjabaad cusub

  12. Milatariga Maraykanka: Sheegashada Iran ee ah in ay rasaas digniin ah ku rideen maraakiibteena waa mid aan sal lahayn

    Ciidamada Maraykanka ayaa beeniyay in Iran ay rasaas digniin ah ku ridday maraakiibtooda dagaalka, iyagoo sheegay in fal noocaas ah uu noqon lahaa jebin culus oo heshiis xabbad-joojinta aan cagaha adag ku taagnayn ah ee u dhexeeya labada dal.

    Taliska Dhexe ee Maraykanka ee gobolka ayaa ku qoray barta bulshada ee X: “Ciidamada Iran ma aysan fulin wax weerar ah oo ka dhan ah maraakiibta badda ee Maraykanka, mana aysan ridin rasaas. Tallaabadaas waxay noqon lahayd jebin cad oo xabbad-joojin ah.”

    Ciidamada Iran ayaa horay u sheegay in ciidankooda badda ay rasaas digniin ah ku rideen maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee ku sugnaa badda Cumaan.

    Telefishinka dowladda Iran ayaa sidoo kale baahiyay muuqaallo uu sheegay inay muujinayaan xilligii rasaasta digniinta la riday.

    Warar dheeraad ah:

  13. Ciidamada Iran oo sheegay in ay rasaas digniin ah ku rideen Markab dagaal oo Mareykan ah

    Ciidamada Iran ayaa saacad ka hor sheegay in ay rasaas digniin ah ku rideen Markab Mareykan ah

    Xigashada Sawirka, IRIB

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Iran ayaa saacad ka hor sheegay in ay rasaas digniin ah ku rideen Markab Mareykan ah

    Waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidamada Iran ayaa ku dhawaaqday in ciidanka badda ee dalkaasi ay rideen rasaas digniin ah oo ku wajahnay maraakiibta dagaalka ee Maraykanka nooca wax-burburiya ee ku sugnaa badda Cuman.

    Telefishinka dowladda Iran ayaa sidoo kale baahiyay muuqaallo uu sheegay inay muujinayaan xilligii digniinta la bixiyay.

    Muuqaalladaas waxaa ka muuqda qalab oo gantaal ridaya iyo sidoo kale daqiiqadda la diray diyaarad aan duuliye lahayn .

    Bayaan ay ciidamada Iran soo saareen, oo lagu daabacay warbaahinta dowladda, ayaa lagu yiri:“Kadib digniino lagu bixiyay gantaalka Qadeer iyo diyaaradaha cusub ee weerarka qaada ee aan duuliyaha lahayn,maraakiibtii dagaalka ee soo galay aagga waxay ka baxeen Badda Cumaan iyagoo u jihaystay bad-weynta Hindiya”

    Sida bayaanka lagu sheegay, tallaabadan ayaa lagu qaaday iyadoo lagu sheegay inay qayb ka tahay hawlgallada lagula dagaallamayo waxa Iran ku tilmaantay “qalalaasaha badda, dhibaateynta maraakiibta, iyo afduubka maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka qaada” ee ay ku eedeysay ciidanka badda ee Mareykanka

    Ilaa hadda, Maraykanku kama uusan jawaabin warbixintan.

    Warar dheeraad ah:

  14. Maxay dareemaan ragga iyo dumarku marka ay Timuhu ka daataan?

  15. Qaramada Midoobey oo soo saartay digniin ku saabsan halis gaajo

    Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa ka digay in dagaalka Bariga Dhexe uu malaayiin qof oo dheeraad ah geliyey halis gaajo.

    Hay’addu waxay sheegtay in,dhinac ahaan, kororka qiimaha shidaalka iyo gaadiidku uu cuntada ka dhigay mid qaali ah, halka dhinaca kale yaraanta dhaqaalaha ay ku qasabtay hay’adaha gargaarka inay yareeyaan taageeradooda.

    Weeraradii wadajirka ahaa ee Maraykana iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan bishii Febraayo ayaa sababay dagaal goboleed ku fiday Gacanka Faaris, kaas oo gaaray Lubnaan isla markaana carqaladeeyay marinno muhiim ah oo maraakiibta, oo ay ku jirto Marinka Hormuz.

    Xaaladdan ayaa ku qasabtay maraakiibta inay beddelaan waddooyinkooda, waxayna si weyn u xaddiday socodka caalamiga ah ee tamarta iyo silsiladaha sahayda.

    Qoysaska ku nool Afgaanistaan, Soomaaliya iyo Sri Lanka ayaa ka mid ah dhinacyada ugu daran ee ay saameysay xaaladdu; waxay wajahayaan cadaadis sii kordhaya oo ka dhashay kororka qiimaha shidaalka, qiimaha cuntada oo sare u kacay, dakhliga oo hoos u dhacay iyo ganacsiga oo carqaladoobay.

    Barnaamijka Cunnada Adduunka ayaa sheegay in qiyaastii 6.5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya — taas oo u dhiganta ku dhawaad saddex meelood meel dadka dalka — ay wajihi doonaan gaajo daran marka la gaaro sannadka 2026.

    Afgaanistaan gudaheeda, 17.4 milyan oo qof ayaa sidoo kale laga yaabaa inay saameeyaan yaraanta cuntada.

    Warar dheeraad ah:

  16. Iran oo ku adkaysanaysa in 50% hantideeda la xanibay la sii daayo marka la saxiixo heshiiska

    Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran iyo xubin ka tirsan kooxda wadaxaajoodka dalkaas, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay ku adkaysanayso in 50% hantideeda la xanibay si degdeg ah loogu sii daayo marka la saxiixo heshiis is-afgarad.”

    Gharibabadi ayaa u sheegay Mehr News Agency in qaybta kale ee hantida la xanibay ee Iran “loo sii daayo Iran muddo macquul ah gudaheed, taas oo sida ay nala tahay aan ka badnaan doonin hal ama laba bilood.”

    Ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa ku tilmaamay sii deynta hantida la xanibay ee dalkaas inay tahay “mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan uguna aasaasisan ” ee wadaxaajoodyada ay la leeyihiin Maraykanka.

    Wuxuu sheegay in, “Inta lacagta ah ee marka hore la sii daynayo iyo inta dib loo sii daynayo ka dib muddo wadaxaajood ah ay tahay arrin laga wada hadli karo.”

    Dhanka kale, Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inuusan Iran siin doonin wax lacag ah marxaladda hore ee heshiis kasta oo suurtagal ah.

    Warar dheeraad ah:

  17. Yaa dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka iyo kii ugu dambeeyay?

  18. Ruushka oo soo bandhigay qorsha cusub oo ay ku heshiin karaan dalalka Carabta iyo Iran

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegay in “heshiis aan la isku soo gardarroneyn ama la isku xad-gudbayn” uu noqon karo tallaabo muhiim ah oo ugu horreysa oo lagu caadiyeeyo xiriirka u dhexeeya Iran iyo dalalka Carabta.

    Wareysi uu siiyay RT A qeybta afka Carbiga, Sergei Lavrov ayaa sidoo kale sheegay in marka laga soo tago heshiiskan, “tallaabooyin kale oo dheeraad ah la qaadi karo.”

    Isagoo sharaxaya tallaabooyinka dheeraadka ah ee uu soo jeediyay, Lavrov wuxuu sheegay in kuwaas ay ka mid noqon karaan heshiisyo ku saabsan hufnaanta hawlaha milatari iyo xaddididda dhaqdhaqaaqyada milatari, iyo arrimo kale oo si wadajir ah uga qayb qaadan kara xoojinta kalsoonida iyo is-aaminaadda ka dhexaysa Iran iyo dalalka Carabta ee gobolka.

  19. Israa'iil oo digniin u dirtay dadka deggan koofurta Lubnaan

    Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay weerari doonaan saddex tuulo oo dhanka waqooyi kaga beegan wabiga Litani ee koonfurta Lubnaan, waxaana ay uga digeen dadka ku dhaqan deegaankaasi in ay isaga guuraan.

    Saraakiisha Lubnaan ayaa sheegay in ugu yaraan toddobo qof lagu dilay dhowr weerar oo habeennimo ah oo Israa’iil ay ka geysatay koonfurta magaalada Tyre.

    Israa’iil ayaa ku nuuxnuuxsatay inay sii wadi doonto weerarrada ay ku qaadayso goobaha ay ku sugan yihiin Xisbullah inkastoo xabbad joojin ay ka dhacday Lubnaan.

    Mar sii horeysay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu si toos ah ugala hadlay Xisbullah suurtagalnimada in la soo afjaro dagaalka.

    Mr.Trump ayaa intaa ku daray in kooxda ay Iran taageerto aysan diidin soo jeedinta Maraykanka ee nabadda.

    Si kastaba ha ahaatee, hadalka Madaxweynaha Maraykanka ka hor, Xisbullah waxa ay diidday heshiiska xabbad joojinta ee ay dawladda Lubnaan la gashay Israa’iil, taas oo ay taageertay Washington, si ay isu dhiibaan.

    Sidoo kale akhriso:

  20. Dad oon ugu dhintay saxaraha Niger

    Saxaraha

    Xigashada Sawirka, Agadez governorate/Facebook

    Ugu yaraan 49 qof ayaa harraad ugu dhintay meel ka durugsan saxaraha waqooyiga Niger ka dib markii gaarigii ay la socdeen uu cilladoobay, sida ay mas'uuliyiintu sheegeen.

    Kooxdan ayaa ka soo laabatay dalka Mali oo ay kaga soo qayb galeen xaflad ay Muslimiintu ku damaashaadayeen markii ay ka dhamaadeen biyo ay siteen, waxayna ku xayirmeen in ka badan 80 km dhanka galbeed ee magaalada Assamaka oo ah meel xudduud u ah oo u dhaxaysa Niger iyo Algeria.

    "Musaafuriinta waxay isku arkeen inay ku xayiran yihiin wadnaha jawi colaadeed halkaas oo heerkulka aadka u daran iyo la'aanta sahayda ay ka dhigayso badbaadada mid aad u adag," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay guddoomiyaha Agadez.

    Kaliya labo ayaa ka badbaaday, iyaga oo u socdaalay saxaraha ilaa Assamaka, halkaas oo ay ku wargaliyeen maamulka.

    Gaariga xamuulka ah ayaa ka soo ambabaxay magaalada Telhandek ee dalka Maali balse waxa uu ka weecday waddadii loogu tala galay, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha.

    Dhowr maalmood, darawalka iyo rakaabku waxay sameeyeen isku dayo isdaba joog ah oo lagu hagaajinayo gaariga, laakiin dadaalkooda ayaa ugu dambeyntii ku guuldarreystay.

    “Diyaar la’aan iyo dayactir la’aan baabuurka ah inkastoo ay dadaal badan sameeyeen darawalkii, tababarihiisii ​​iyo dadkii rakaabka ahaa, dadka safarka ahaa waxay isku arkeen inay ku go’doonsan yihiin xuddunta jawi colaadeed,” ayaa lagu daray war-saxaafadeedka.

    "Tobaneeyo maydad ah oo aan naf lahayn ayaa laga helay gaadhiga hoostiisa iyo agagaarkiisa," ayay sidoo kale la raaciyay.

    Warar dheeraad ah: