Faa'idada Somaliland ugu jirta aqoonsiga Israa'iil
Jimcihii ay bisha Disembar 26ka 2025-kii ahayd ayaa lagu baraarugay ictiraafkii ugu horreeyey ee Somalland ay ka heshay dal awood iyo miisaan kuleh fagaarayaasha caalamka.
Waxaa baraha bulshada ka soo muuqday ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, oo saxiixaya sharci uu dalkiisu ku aqoonsanayo Somaliland. Waxaa kale oo isla xilligaas Khadka ku jiray madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo dhoollo-caddaynaya.
Wixii intaas ka dambeeyey waxaa iska soo daba dhacayey diidmada iyo aqoonsigaas, mana jirin dal taageero u muujiyey, marka laga reebo Taiwan oo iyada qudheeda sheegata in ay ka go'day Shiinaha, sidaa darteed Israa'iil waxay noqonaysaa dalkii ugu horreeyey ee dal madax banaan u aqoonsada Somaliland.
Somaliland iyo Israa'iil si furan oo toos ah uma aysan soo bandhigin waxa uu midba kan kale ka doonayo ee xiriirkan iyo aqoonsigan uu ku helayo. Dadka wax indha indheeya waxay aad isha ugu hayaan laba qodob oo Israa'iil dan u ah. Midi waa in ay saldhig ku yeelato badda cas si ay isaga ilaaliso khaatarta kaga imaanaysa Xuutiyiinta. Qodobka labaad oo ah mid aysan Somaliland ilaa hadda ogolaan ah, hase yeeshee jaamacadda carabtu ay sheegtay inuu ku jiro qorshaha Israa'iil ayaa ah in ay hesho dhul la dejiyo falastiiniyiinta ka dib marka la soo musaafuriyo.
Dhanka Somaliland kama aysan hadlin waxa danta u ah ee ay ku helayaan heshiiskan marka laga reebo in ay Israa'iil aqoonsatay.