Astaamaha cudurka Ebola
Bilawga astaamuhu waxay caadi ahaan bilaabmi karaan inta u dhaxaysa siddeed ilaa 10 maalmood ka dib caabuqa.
Calaamadaha ugu horreeya ee Ebola waxaa ka mid ah si lama filaan ah:
- Qandho
- Calool xanuun
- Murqo xanuun
- Madax xanuun
- Riiraxyo.
Kuwaas waxaa ku xiga:
- Matag
- Shuban
- Nabarro caloosha gudaheeda ku dhasha
- Shaqada kelyaha iyo beerka oo daciifta.
Inkasta oo la aaminsan yahay in dhiig-baxa uu yahay calaamad caadi ah, haddana tani waa mid aad u yar oo waxay ku dhici kartaa goor dambe marka uu gaaro cudurka.
Bukaan-jiifka qaarkood waxaa laga yaabaa inay yeeshaan dhiigbax gudaha iyo dibadda ah, oo ay ku jiraan dhiig la matago iyo mid ku soo raaca saxarada, wuxu kaloo dhigaas ka soo baxaa cirridka, sanka iyo makaanka dumarka.
Sidoo kale akhri