You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Iiraan: Haddii aad dagaalka dib ugu laabataan, waxaad la kulmi doontaan layaab badan

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa isagoo ka jawaabaya hadalladii hanjabaadda ahaa ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ku saabsanaa suuragalnimada dib loo bilaabo weerar militari oo lagu qaado Iran, yiri: “Hubiya in ku noqoshada goobta dagaalka la socon doonto layaab badan.”

    Araghchi ayaa qoraal cusub oo uu ku daabacay barta X ku yiri: “Bilooyin kadib markii dagaalka Iran lagu qaaday uu billowday, Kongareeska Maraykanka wuxuu qiray burburka tobannaan diyaaradood oo qiimahoodu gaarayo balaayiin doollar. Hadda waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in ciidamadeenna xooggan ay noqdeen ciidankii ugu horreeyay dunida ee soo rida diyaaradda dagaalka ee casriga ah ee caanka ah F-35.”

    Dhammaadka qoraalkiisa ayuu ku sheegay: “Casharrada aan barannay iyo aqoonta aan kasbannay darteed, hubiya in ku noqoshada goobta dagaalka ay keeni doonto yaabab badan.”

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shalay ku andacooday inuu amray in la joojiyo weerar militari oo weyn oo lagu qaadi lahaa Iran, xilli uu sheegay in hoggaamiyeyaal gobolka ka tirsan ay codsadeen in weerarka la baajiyo.

    WARBIXINO KALE

  2. CIA oo ka hadashay muddada Iiraan u adkaysan karto cunaqabataynada

    Iyada oo ay socdaan dadaalada lagu dhammayo dagaalka u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan, waxaa weli socda iskudhacyda aan ballaarnayn ee labada dhinac. Waxayna ahayd tii ugu dambaysay ee ay rasaasta isku weydaarsadeen marinka Hormuz Jimcihii.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in cunaqabataynada saaran Tehran ay tahay mid daciifin doonta Maraykanka.

    Laanta sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa iyaga oo taxliilinaya arrintan sheegay in Tehran ay weli awood u leedahay inay sii adkaysato muddo bilooyin ah cunaqabaynada ciidamada badda ee saaran dalkaasi.

    WARBIXINO KALE

  3. Amiin Cabdullaahi halyeygii lagu dilay weerarkii masjidka San Diego

    Geesinimada askari ilaalo ah oo la toogtay isaga iyo laba qof oo kale oo masaajid ku yaala San Diego ayaa ka hortagay in qasaaraha weerarku uu ka sii xumaado inta uu hadda yahay, sida ay booliisku sheegeen.

    Ninkaan ayaa ahaa Amin Abdullah, oo ah aabbe siddeed carruur ah dhalay, afhayeenka golaha xiriirka Maraykanka iyo Islaamka-San Diego (Cair-SD), Tazheen Nizam, ayaa u sheegtay BBC.

    "Waa cadaalad in la yiraahdo ficilladiisu waxay ahaayeen geesinimo," ayuu taliyaha booliiska San Diego Scott Wahl ku sheegay shir jaraa'id. "Shaki la'aan, wuxuu badbaadiyey nolosha dad badan maanta."

    Abdullah iyo laba qof oo kale - oo Cair-SD ay magacyadooda ku kala sheegeen Mansour Kaziha iyo Nader Awad - ayaa waxaa dilay laba dhalinyaro ah oo weerarka soo qaaday oo aan weli la aqoonsan, ka dibna naftooda dilay, sida ay booliisku sheegeen.

    WARBIXINO KALE

  4. War deg deg ah, Milatariga Iran oo ku hanjabay inay furi doonaan jihooyin dagaal oo cusub

    Iyaga oo ka jawaabaya hadallada Trump, militariga Iran ayaa Talaadadii ku hanjabay inay furi doonaan “jihooyin cusub” oo dagaal haddii Maraykanku dib u bilaabo weerarrada uu ku hayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

    Wakaaladda Wararka (ISNA) ayaa soo xigatay afhayeenka ciidanka, Mohammad Akrami Nia, isagoo yiri: “Haddii cadowgu si aan ka fiirsasho lahayn mar kale ugu dhaco dabinka Sahyuuniyadda oo uu bilaabo gardarro cusub oo ka dhan ah dalkeenna qaaliga ah, waxaan ka furi doonnaa jihooyin cusub, waxaana adeegsan doonnaa qalab iyo xeelado cusub.”

    Akrami Nia wuxuu carrabka ku adkeeyay in “ciidanka Iran ay muddada xabbad-joojinta ula dhaqmayaan sidii marxalad dagaal, isla markaana ay ka faa’iideysteen fursaddan si ay u xoojiyaan awooddooda dagaal.”

    Dhankiisa, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa dhaleeceeyay hadallada Trump qoraal uu Talaadadii ku daabacay barta X, isagoo sheegay in Trump “uu hanjabaadda u soo bandhigayo sidii fursad nabadeed.”

    WARBIXINO KALE

  5. War deg deg ah, Trump oo maalmo yar mar kale u qabtay Iiraan inay heshiis ku gaarto

    Trump ayaa carrabka ku adkeeyay in hoggaamiyeyaasha Iran ay “si baryo ah u doonayaan heshiis,” balse waxaa uu sheegay in weerar cusub oo Maraykanku qaado uu dhici karo maalmaha soo socda haddii aan heshiis la gaarin.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa yiri: “Waxaan ka hadlayaa laba ama saddex maalmood, laga yaabee Jimce ama Sabti ama Axad, wax la mid ah taas, ama bilowga toddobaadka dambe, muddo kooban gudaheed, sababtoo ah ma oggolaan karno inay yeeshaan hub nukliyeer.”

    Trump wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu intii lagu jiray kulankoodii laba geesoodka ahaa ee toddobaadkii hore ballan qaaday in Beijing aysan Iran u diri doonin hub ama qalab militari.

    WARBIXINO KALE

  6. Arsenal oo 22 sano kadib u dabaal degtay qaaditaanka horyaalka Premier Leage

    Kadib markii kooxda Bournemouth oo ku martigalinaysay gurigeeda kooxda Macnhester City ay isku barbar dhaceen kooxda city, waxaa ay taasi dhalisay in Arsenal oo aan caawa ciyaarayn ayba u dabaal degto horyaalka Premier League.

    Ciyaarta caawa guuldaro ama barbardhac ay gasho City ayaa guul u ahayd Arsenal, maadaama hal ciyaar oo u harsan ay haysato 82 dhibcood, halka City barbardhaca uu ku khasbay inay 78 dhibcood ku wareejiso dhammaadka horyaalka.

    Kooxdii Arsenal ee 2003-04 u qaaday horyaalka Premier League ayaa ahayd wakhtigii ugu dambeeyay ee kooxdu ay qaado horyaalkaasi, iyada oo 22 sano ay ku qaadatay inay dib u qaado horyaalka ugu caansan Ingiriiska.

    WARBIXINO KALE

  7. Gudaha guushii horyaalka Arsenal – Hees Tiktok, doonyo iyo dab

  8. Ciyaaryahanada Arsenal oo dabaal degaya

    Ciyaaryahanada kooxda hanatay horyaalka Ingiriiska 2025-26 ee Arsenal ayaa ku dabaal degay xerada tababarkooda, iyada oo la baahiyay sawirada kooxda oo dabaal degaysa.

    Sidoo kale waxaan weli kooxda soo gaarin koobka rasmiga ah ee horyaalka Premier League, iyada oo hadda sawir uun ay kusii dabaal degayaan.

    WARBIXINO KALE

  9. War deg deg ah, Kooxaha weli wax uun hiigsanaya maalinta ugu dambeysa ee Premier League

    Usoo bixitaanka UEFA Champions League – Waxaa u tartamaya Liverpool ama Bournemouth. Haddii Aston Villa ay berri ku guuleysato finalka UEFA Europa League oo ay ku dhammaysato kaalinta shanaad ee horyaalka, markaas kaalinta lixaadna ee kooxaha Ingiriiska waxa ay heli doonaan booska Champions League, taas oo siinaysa Brighton & Hove Albion fursad.

    Boosaska kale ee Yurub (laba boos oo wali la go’aaminayo) – Waxaa ku tartamaya:

    • Brighton & Hove Albion
    • Chelsea
    • Brentford
    • Sunderland
    • Newcastle United
    • Everton
    • Fulham

    Ka badbaadista heerka labaad – Waxaa u dagaallamaya:

    • Tottenham Hotspur
    • West Ham United

    Waxyaabaha horey loo xaqiijiyay:

    • Horyaalka waxaa qaaday – Arsenal
    • U soo bixitaanka Champions League –

    - Macchester City - Manchester Unite - Aston Villa

    • Kooxaha Heerka labaad u dhacaya – Burnley -Wolverhampton Wanderers
  10. Bournemouth oo u dabaal degaysa inay Yurub ka ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub

    Kooxda Bournemouth oo caawa go'aamisay in Arsenal usii dabaal degto horyaalka, kadib barbar dhicii ay la galeen Manchester City ayaa sidoo kale dhankooda guul weyn uga ahaa inay markii ugu horaysay ka ciyaari doonto Yuru.

    Muddo 127 sano ah oo kooxdu jirtay waa markii ugu horaysay ee ay ka ciyaari doonto Yurub, iyada oo Axada ay kala ogaan doonto inay Champions League ka ciyaari doonaan ama Europe League.

  11. War deg deg ah, Chealse oo kahor istaagtay Spurs rajadii ay kaga badbaadi lahayd booska dhicitaanka

    Kooxda Chealse ayaa kaga adkaatay kooxda Tottenham Hotspur 2:1, taasi oo maalinta ugu dambaysa ee horyaalka ka dhigtay marka ay ay labada kooxdoo Spurs iyo West ham uu midkood u dhici doono horyaalka labaad ee Ingiriiska ee Championship.

    WARBIXINO KALE

  12. War deg deg ah, Arsenal oo 22 sano kadib u dabaal degaysa hanashada horyaalka Premier League

    Kooxdii Arsenal ee 2003-04 u qaaday horyaalka Premier League ayaa ahayd wakhtigii ugu dambeeyay ee kooxdu ay qaado horyaalkaasi, iyada oo 22 sano ay ku qaadatay inay dib u qaado horyaalka ugu caansan Ingiriiska.

    WARBIXINO KALE

  13. War deg deg ah, Arsenal oo qaaday koobka horyaalka Ingiriiska ee Premier League

    Kadib markii kooxda Bournemouth oo ku martigalinaysay gurigeeda kooxda Macnhester City ay isku barbar dhaceen kooxda city, waxaa ay taasi dhalisay in Arsenal oo aan caawa ciyaarayn ayba u dabaal degto horyaalka Premier League.

    Ciyaarta caawa guuldaro ama barbardhac ay gasho City ayaa guul u ahayd Arsenal, maadaama hal ciyaar oo u harsan ay haysato 82 dhibcood, halka City barbardhaca uu ku khasbay inay 78 dhibcood ku wareejiso dhammaadka horyaalka.

    WARBIXINO KALE

  14. War deg deg ah, JD Vance : Iiraaniyiintu waxay doonayaan in heshiis la gaaro

    Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa mar kale ka hadlay arrinta Iiraan, kadib markii la weydiiyay inuu sharaxo sababta uu u aaminsan yahay in Iiraan ay si daacadnimo leh uga wada xaajoonayso heshiis nabadeed.

    Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku ammaanay Iiraan inay tahay “ilbaxnimo sharaf leh” oo leh “dad cajiib ah”, balse sidoo kale wuxuu ku tilmaamay “waddan kala qaybsan”.

    Wuxuu sheegay in tani ay ka dhigan tahay in mararka qaar “aan si buuxda loo fahmin” mowqifka kooxda wada xaajoodka, maadaama ay jiraan saraakiil badan oo ka hooseeya hoggaamiyaha sare kuwaas oo saameyn ku leh wada xaajoodyada.

    Ma cadda in jahawareerkan uu ka dhashay daacadnimo la’aan ama isfaham xumo dhinaca xiriirka ah, ayuu yiri, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in Iiraaniyiintu ay doonayaan heshiis.

    Vance wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in Iiraan ay ogtahay in “khadka cas” uu yahay hubka nukliyeerka, balse wuxuu yiri inuusan si buuxda u hubin doonin ilaa heshiiska si rasmi ah loo saxiixo.

    WARBIXINO KALE

  15. Trump oo soo saaray war cusub oo ku saabsab Iiraan

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay saacad kaliya u dhiman lahayd inuu amar ku bixiyo weerar cusub oo lagu qaado Iiraan ka hor inta uusan go'aankaas ka laaban, isagoo ka jawaabayay codsi uga yimid dowlado ka tirsan Khaliijka, wuxuuna uga digay in dalkiisu uu weerar qaadi karo maalmaha soo socda.

    Trump ayaa shalay ku dhawaaqay in hoggaamiyeyaasha Qatar, Saudi Arabia iyo Imaaraadka Carabta ay ka codsadeen inuu dib u dhigo weerar la qorsheeyay inuu maanta bilowdo.

    Trump ayaa maanta war-saxaafadeedyo uu bixiyay ku sheegay in hoggaamiyeyaasha Iran ay “baryayaan in heshiis la gaaro,” balse wuxuu intaas ku daray in weerar cusub oo Maraykanka qaado uu dhici karo maalmaha soo socda haddii aan heshiis la gaarin.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa yiri: “Waxaan leeyahay laba ama saddex maalmood, laga yaabee Jimce ama Sabti ama Axad, ama bilowga toddobaadka soo socda, muddo kooban, sababtoo ah ma oggolaan karno inay helaan hub nukliyeer cusub.”

  16. Tartanka hubka: 10-ka dal ee ugu badan hubka soo dejista Afrika

    Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.

    Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.

    10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.

  17. Waa kuma Amiin Cabdullaahi, halyeygii lagu dilay weerarkii maanta ee masjidka San Diego

  18. Ingiriiska oo ka digay cawaaqibka xumada ka dhalanaysa xirnaanshaha marinka Hormuz

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain ayaa ka digay in tobannaan milyan oo qof ay wajahayaan gaajo sababo la xiriira xirnaanshaha sii socda ee marin-biyoodka Hormuz.

    Yvette Cooper ayaa shir gargaar oo ka dhacay London ka sheegtay in loo baahan yahay cadaadis caalami ah oo degdeg ah si bacriminta iyo shidaalka dib loogu dhaqaajiyo marinka laga galo Gacanka. Waxay sheegtay in haddii taasi dhici weydo, ay jirto khatar ah qalalaase cunto oo caalami ah, iyadoo dalalka soo koraya ay bixin doonaan qiimaha ugu sarreeya.

    Midowga Yurub ayaa ballan qaaday waxa uu ugu yeeray “taageero aan caadi ahayn” oo la siinayo beeraleyda ay saameeyeen kororka weyn ee qiimaha bacriminta.

    Wasiirrada maaliyadda ee G7, oo ku shiraya Paris, ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo soo celiyo marin ammaan ah oo loo maro marinka-ka si dib loogu soo nooleeyo silsiladaha sahayda tamarta, cuntada iyo bacriminta.

    Barnaamijka Cuntada Adduunka ayaa ka digay in 45 milyan oo qof lagu riixi karo gaajo daran sanadkan.