You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Hadalkii uu yiri wiilka Soomaaliya ee soo jiitay madaxweynaha Turkiga ka dibna uu sheegay

    Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta ka hadlay shidaalka lagu wado in dalka Soomaaliya dhawaan qodidiisa laga bilaabo.

    Madxwaynaha oo maanta la hadlayay baarlaamnka Turkiga ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qorshaha shidaal qodista ee ay Turkiga ka wdaan dalka Soomaaliya.

    Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa tusaale u soo qaatay wiil yar oo Soomaali ah oo oo sida uu sheeg ka falceliyay markii uu dhawaan arkay markabka Turkiga ee Shidaal qodista oo taagan xeebaha Soomaaliya.

    "waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dareenka walaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo meel dhow ka arkay markabka Çağrı Bey,wuxuu si toos ah u yiri: "Weli kama soo kaban saamaynta markabka Çağrı Bey. Inaan si dhow u arko waxay ii ahayd waayo-aragnimo aan la ashqaraaray. Sababtoo ah Çağrı Bey wuxuu u ekaa magaalo weyn oo socota. Aad u weyn, aad u cusub, si qurux badanna loo dhisay. Maashaa Allaah. Runtii waa farshaxan la yaab leh." ayuu yiri mr Erdogan.

    Madaxwayne Erdogan ayaa ereyadaas ku tilmaamay sawir qurux badan oo muujinaya awoodda Turkiga.

  2. WHO oo ka walaacsan xaaladda xanuunka Ebola iyo wararkii ugu dembeeyey ee la xiriira

    Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa lix tan oo agab caafimaad ah u diray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, xilli uu sii wadayo qaylo-dhaanta ku aaddan baaxadda dillaaca cudurka Ebola ee bartamaha Afrika. Agabkan ayaa waxaa ka mid ah qalabka difaaca ee shaqaalaha caafimaadka, iyadoo la kordhinayo baaritaannada, la-socodka, iyo daba-galka dadka la kulmay kuwa cudurka qaba.

    Waxaa la rumeysan yahay in feyrusku ay u dhinteen in badan 130 qof, uuna ku dhacay 500 kale kale.

    Madaxa WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesu, ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda iyadoo kiisas hadda laga soo sheegay meelo magaalooyin waaweyn ah. Ururka ayaa mar dambe yeelan doona kulan degdeg ah si uu u soo jeediyo waxqabadyada caafimaad ee mudnaanta leh.

  3. Waxay yaraanteedii ka baxsatay 'oday qallafsan' oo lagu dari lahaa haddana waa marwada koowaad ee madaxweynaha

    Waxa ay qaadatay daqiiqad kooban in Fatima Bio ay ka jawaabto markii aan weydiinnay sida ay ahayd nolosha qof magangalyo doon ah oo ku nool London.

    "Way ka fiicnayd in la igu daro oday aan akhlaaq wanaagsan lahayn," ayay si kaftan u tiri, ka dibna way qososhay iyadoo tixraacaysa qorshihii aabbaheed uu rabay inuu ku siiyo nin mar ay da' yarayd.

    Wax badan ayaa isbeddelay tan iyo markaas. Sanadihii xigay, waxay noqotay jilaa, kadibna London ayay ku baratay nin iyadoo wareysi ka qaadaysay dadka reer Sierra Leone ee saameynta leh ee ku nool qurbaha, wayna guursatay. Ninkaasi wuxuu ahaa Julius Bio kaasoo hadda ah madaxweynaha Sierra Leone.

    Iyada oo ah haweeneyda koowaad ee dalka, Fatima Bio waxaa loo arkaa qof saameyn leh balse muran dhaliya qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa u arka cod cusub oo siyaasadda ku soo kordhay, isla markaana u dooda haweenka iyo gabdhaha, halka kuwa kale ay ku eedeeyaan inay ka tallaabsatay xadka doorkeeda, isla markaana aad ugu lug leedahay arrimaha xisbiga ninkeeda.

    Waxaa lagula qayliyay laguna jees-jeesay baarlamaanka dhexdiisa, sidoo kale waxaa lala xiriiriyay dhaleeceyn ku saabsan muuqaal ay ku daabacday baraha bulshada, kaas oo uu ku jiray nin caan ku ah ka ganacsiga daroogada, inkastoo ay beenisay inay garaneyso.

  4. Ebola oo u fidiya si ka dhaqsiyo badan intii la filayay

  5. Ireland oo cambaaraysay tallaabo ay Israa’iil qaaday oo ay ku tilmaameen ‘mid an la aqbali karin’

    Ra’iisul wasaaraha Ireland ayaa cambaareeyay Israel kadib markii ay xirtay walaasha madaxweynaha Ireland iyo dhaqdhaqaaqayaal kale oo sheegay inay gargaar u wadeen Gaza Strip.

    Margaret Connolly, oo ah walaasha Madaxweyne Catherine Connolly, ayaa laga qabtay doon ku jirtay kolonyo dhaqdhaqaaqayaal taageersan Gaza ah, taas oo ciidamada Israa’iil ay dhexda ka qabteen meel u dhow Cyprus Isniintii.

    Ra’iisul wasaaraha Ireland, Micheál Martin, ayaa ku tilmaamay tallaabada Israel “mid gebi ahaanba aan la aqbali karin oo khaldan,” isagoo ku eedeeyay inay “si dhab ah dad u afduubanayaan.” Israa’iil ayaa isku daygan cusub ee lagu jebinayay go’doominta Qasa ku tilmaantay “kicin iyo daandaansi.”

    Madaxweyne Connolly ayaa sheegtay inay “aad uga welwelsan tahay” walaasheed.

  6. Waa kuma Buurmadoow, boqorka marar badan hadal haynta dhaliyay?

    Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa marar badan hadal hayn dhaliyay, kadib markii uu ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xariira, siyaasad iyo Bulsho.

    Dad badan ayaa is weydiinaya qofka uu yahay Buurmadoow.

    Waxaa uu horaantii lixdameeyadii ku dhashay deeganka lebiga- Caanood oo ka tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool.

    Waxbarashadii diiniga iyo maadiga ilaa heer dugsi hoose dhexe ayuu ku qaatay degmada Sheekh ee gobolka Togdheer. Dugsiga sarena wuxuu kaga baxay dugsiga sare ee Waabari ee magaalada Muqdisho horaantii todobaatameeyadii ayuu kaga baxay Muqdisho.

    Jaamacad ku taal dalka Sudan ayuu bilowgii siddeetanaadkii ka qaatay heerkiisa kowaad ee jaamacada isagoo bartay qaynuunka, sida uu u sheegay BBC da.

  7. Waa kee tababaraha la filayo inuu baddeli karo Pep Guardiola

    Enzo Maresca ayaa la filayaa inuu beddelo Pep Guardiola isagoo noqonaya tababaraha cusub ee Manchester City ka hor xilli ciyaareedka dambe.

    Sida ay Isniintii sheegtay BBC Sport, tababaraha caanka ah ee City, Guardiola, ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda kadib ciyaarta Axadda ay la leeyihiin Aston Villa ee ka dhacaysa garoonka Etihad Stadium, taasoo noqon doonta kulankoodii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

    Maresca, oo hore u soo noqday tababarihii Chelsea, ayaa loo aqoonsaday musharraxa ugu cadcad ee beddeli doona Guardiola xilli ciyaareedka 2026–27.

    Iyadoo City ay muddo ka badan lix bilood isu diyaarinaysay bixitaanka Guardiola xagaagan, wada-hadallada lala leeyahay Maresca ayaa maraya heer aad u horumarsan.

    Tababaraha Talyaaniga ah ee 46 jirka ah ayaa doonaya shaqada, waxaana la filayaa in dhawaan si rasmi ah loogu dhawaaqo inuu yahay beddelka Guardiola.

    Maresca ayaaku guuleystay FIFA Club World Cup iyo UEFA Europa Conference League isagoo sidoo kale Chelsea u xaqiijiyay u soo bixitaanka UEFA Champions League intii lagu jiray xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay oo buuxa ee Stamford Bridge.

    Waxa uu hore uga soo shaqeeyay Manchester City isagoo ahaa kaaliyaha Guardiola xilligii ay kooxda ku guuleysatay saddexleyda taariikhiga ah ee 2022–23, sidoo kalena door weyn ayuu ku lahaa akadeemiyadda kooxda kahor inta uusan ku biirin kooxda koowaad.

    Laacibkii hore ee West Bromwich Albion iyo Juventus ayaa ka tagay City sanadkii 2023 si uu u maamulo Leicester City, kuwaas oo uu ku hoggaamiyay inay dib ugu soo laabtaan Premier League xilli ciyaareedkiisii keliya.

    Guardiola oo mar sii horreysay ka hadlayey ayaa yiri:

    “Mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka, Enzo Maresca, si fiican ayaan u garanayaa, laakiin shaqada uu ka qabtay Chelsea looma qaddariyo sida ay mudan tahay.

    “Ku guuleysiga Club World Cup, Conference League, iyo xaqiijinta Champions League iyadoo kooxdu tahay mid dhalinyaro ah oo horyaal adag ku ciyaareysa waa wax aan caadi ahayn.”

  8. Wax ka baro cuntooyinka jirkaaga ka dhigaya mid aan soo shiirin

    Toonta, alkolka, hilibka iyo soonka ayaa ka mid ah waxybaaha badalikara uduga iyo urka jirkaaga.

    Dadku way kala duwan yihiin. Wax kasta laga soo bilaabo shaqsiyadaada, sida aad u dhaqanto, welwelka, xaaladaada iyo caafimaadkaaga ayaa saameyn ku leh sida aan u soo shiirno.

    Tobankii sano ee u dambeeyay waxay noqotay wax iska cad in shiirka jirkeena uu ku xiran yahay hiddo-sidaheena, hormonadeena iyo nadaafada sida uu sheegay Prof. Craig Roberts oo ka tirsan jaamacadda University of Stirling ee Scotland.

    "Kuma xirno rag iyo dumar, yaraan iyo weynaan, jiro iyo fiyoowi" ayuu yiri Prof Craig oo sheegay in aysan ku xirneyn waxyaabo badan oo ka baxsan awoodeena.

    Mid ka mid ah waxybaaha saameynta ku leh sida jirkeena u soo shiiro ayaa ah cuntada aan cuno. Sida lagu sheegay cilmibaaris yar, waxa aan cuno ayaa saameyn ku leh sida guud ee jirkeena u soo shiiro iyo sida dadka kale u arkaan.

  9. Shiinaha oo beeniyey war la baahiyey oo ku saaabsan madaxweynaha Ruushka

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa beenisay wararka sheegaya in Madaxweyne Xi Jinping uu todobaadkii hore u sheegay Donald Trump in Vladimir Putin uu weli ka shallayn karo duulaankii uu ku qaaday Ukraine saacado yar ka hor int aanu hoggaamiyaha Ruushka tagin magaalada Beijing.

    Af-hayeen u hadlay wasaaradda ayaa ku sifeeyey warka ay qortay jariidada Financial Times mid gabi ahaanba la dhoodhoobay . Kahor booqashada toddobaadkan, Kremlin-ka ayaa baahiyey khudbad muuqaal ah oo uu soo saaray Mr. Putin oo uu ku ammaanayo madaxweynaha Shiinaha, kaas oo uu ku tilmaamay saaxiibkiisii dhow ee muddada dheer. Waxa uu sheegay in xiriirka Shiinaha iyo Ruushka uu gaaray 'heer runtii aan horay loo arag.'

  10. Iiraan oo si adag uga jawaabtay eedeyn uga timi hoggaamiye reer Yurub ah

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa beeniyay eedayntii ka timid Kansalarka Jarmalka ee ahayd in Iiraan ay ku lug lahayd weerar ka dhacay meel ku dhow warshad laga dhaliyo tamarta nukliyeerka oo ku taal Isutagga Imaaraadka Carabta.

    Esmail Baghaei, oo qoraal u usoo dhiigay bartiisa X, ku soo qoray luuqada Jarmalka ayaa ku eedeeyay Friedrich Mertz “munaafaqnimo”:

    “Weerarada cad ee ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen xarumaha nukliyeerka ee amniga leh ee Iran lama cambaareeyo, balse waxaa loo raadiyaa marmarsiinyo lagu difaaco. Laakiin marka la fuliyo hawlgal calan been-abuur ah oo xitaa Imaaraadku si rasmi ah ugu nisbayn Iran, codadkii isla kuwii ahaa ayaa si kedis ah u bilaaba isticmaalka erayada ‘sharciga caalamiga ah’ iyo ‘ammaanka gobolka.’”

    Isagoo sii hadlayey Baghaei ayaa yiri :“Haddii weerarka lagu qaado xarumaha nukliyeerka loo arko khatar ku wajahan shacabka gobolka, mabda’ani waa inuu si isku mid ah ugu dhaqmaa dhammaan dalalka, ee aan lagu dabaqin oo keliya marka ay danaha siyaasadeed ee reer Galbeedku sidaas u baahan yihiin.”

    Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa shalay cambaareeyay “weerarrada cirka ee cusub ee Iran ku qaaday Imaaraadka Carabta iyo xulafada kale,” isagoo sheegay in weerarrada lagu qaado “xarumaha nukliyeerka” ay khatar ku yihiin amniga dadka ku nool guud ahaan gobolka.

  11. War cusub oo ka soo kordhay dibad-baxii Nairobi iyo guud ahaan Kenya

    Shaqaalaha gaadiidka dadweynaha ee Kenya ayaa joojiyay shaqo-joojintii guud ee ay dalka oo dhan ka wadeen ka dib wadahadallo ay dowladda la yeesheen oo ku saabsanaa korodhka qiimaha shidaalka.

    Shaqaalaha ayaa sheegay inay shaqo-joojinta u hakiyeen muddo 7 maalmood ah ilaa Talaadada toddobaadka soo socda si fursad loogu siiyo wadahadallo dheeraad ah oo ay la galaan dowladda.

  12. Dil toogasho oo ka dhacay masjid ku yaalla San Diego Maraykanka

  13. Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar cusub oo lagu qaadi lahaa Iran kadib codsi uga yimid dalalka Khaliijka

  14. 11-ka waddan ee ugu qanisan Afrika

    Wax-soo-saarka guud ee dakhliga gudaha (GDP) waa tilmaame muhim ah oo loo isticmaalo in lagu cabbiro xajmiga iyo awoodda dhaqaalaha dalalka.

    Waxay ka dhigan tahay wadarta qiimaha lacageed ee dhammaan badeecadaha iyo adeegyada laga soo saaro gudaha muddo ciyiman inta badan hal sano.

    Maqaalkani waxa uu muujinayaa qiimayn tafatiran oo lagu sameeyay 30-ka waddan ee ugu dhaqaalaha badan Afrika sannadka 2025-ka, iyadoo lagu salaynayo qiyaasihii ugu dambeeyay ee Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF), oo la sii daayay Abriil 2025.

    Koonfur Afrika

    Sida laga soo xigtay IMF, Koonfur Afrika ayaa la saadaalinayaa in ay sii ahaan doonto waddanka dhaqaale ahaan ugu tunka weyn Afrika sanadka 2025 iyada oo wax soo saarkeedu dhan yahay $ 410.34 bilyan, lana filayo in ay sii ahaato dalka haya hoggaanka qaaradda ilaa ugu yaraan 2027 sida lagu sheegay warbixinta Xaqiiqooyinka ee Africa.

    Dhaqaalaha Koonfur Afrika waa dhaqaale isku dhafan iyo suuq cusub, iyo dhaqaale dhexdhexaad ah, oo ka mid ah siddeed waddan oo keliya oo Afrikaan ah.

    Dhaqaalaha Koonfur Afrika waa dhaqaale u badan dhanka warshadaha, wuxuu isticmalaa tignoolajiyada ugu horumarsan qaaradda.

  15. Shaqa joojinta gaadiidka dadweynaha Kenya oo galay maalinkii labaad

    Shaqo joojinta gaadiidka ee Kenya, ayaa galay maalinkii labaad, kaas oo looga soo horjeedo qiimaha shidaalka batroolka iyo naaftada.

    Shaqo joojintan ayaa horseeday in xarumo badan la xiro sida iskuulada iyo magaalooyinka oo ah cidlo.

    Booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa loo daadgureeyay meelo qaar.

    Bartamaha Nairobi iyo magaalooyin kale, dukaamada intooda badan way xiran yihiin, maadaama milkiilayaashoodu ay ka cabsi qabaan saameynta rabshadahaas.

    Rabshadihii Isniintii dhacay waxay sababay dhimashada afar qof.

    Wadahadallo lala yeeshay darawallada ayaa ku soo dhammaaday isfaham la’aan.

  16. Ictiraaf Doon: Saddexda magaalo ee UK ee laga aqoonsan yahay Somaliland - warbixin hore

    Xildhibaannada baarlamaanka UK ayaa maanta billaabay dhageysiga dood ku saabsan aqoonsi raadinta Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, hase ahaatee waxaa jiray dhowr magaalo oo horayba usii aqoonsanaa Somaliland.

    Wasiirkii hore ee gaashaandhigga UK, haddana ah mudane ka tirsan baarlamaanka, Gavin Williamson, ayaa gadaal ka riixaya mooshinka oo aan la fileynin in isla maantaba go'aan laga soo saaro.

    Mr Williamson ayaa horay u booqday Hargeysa intii uu wasiirka ahaa, dhawaana waxa uu qaabilay wasiirka arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr Ciise Kayd Maxamuud oo booqasho ku tagay Ingiriiska.

    Inkastoo UK aysan si rasmi ah u aqoonsaneyn Somaliland, haddana waxay xafiis ku leedahay Hargeysa, waxayna maamulka Somaliland siisaa caawinaad.

    Laakiin dhanka aqoonsiga, waxaa jira maamullo ka jira gudaha UK oo si toos ah u aqoonsan madaxbannaanida Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taagga.

    Saddex magaalo oo ka mid ah ismaamullada hoose ee dalka Ingiriiska.

  17. Cilmi baaris: lawska ma wuxuu u fiican yahay ragga?

    Isticmaalka joogtada ah ee lawska waxay hagaajin kartaa caafimaadka shahwada. Cilmi baaris ayaa muujisay.

    Saynis yahano ayaa ogaaday in ka dib markii ay tijaabo ku sameeyeen rag cunay cantoobo lawska noocyada almonds, Hazelnuts iyo Jozi (walnuts) maalin kasta muddo 14 maalmood ah waxaa badatay shahwadooda oo safiican u shaqeeysay.

    Cilmi baaristan ayaa ka danbaysay ka dib markii ay wadamada reer galbeedka laga shaaciyay in ay ka jirto dhibaato ka haysata waxtarka shahwada ragga, dhibaatadaas oo ay keento wasakhowga deegaanka, sigaarka iyo noocyada cuntada.

    Cilmi-baarayaashu waxay yiraahdeen waxaa jira caddayn ah in cunista cunto caafimaad leh ay caawin karto arrimaha taranka.

    Toddobadii lammaane mid ka mid ah ayaa la kulma dhibaato xagga uurka ah, qiyaastii 40-50 boqolkiiba dhibaatada waxaa sababa ragga.

    Saynis yahanadu waxay 119 nin u qaybiyeen laba kooxood oo da'doodu u dhaxayso 18 iyo 35 jir:

    oox ayaa cuntay 60 garaam oo laws ah maalintii halka kooxda kale aysan cunin lawska.

    Kuwii cunay lawska ayaa waxaa isbedel ku yimid shahwadooda.

  18. Muuqaal uu duubay Putin kahor safarkiisa Shiinaha oo la siidaayay

    Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka ayaa sii daayay farriin muuqaal ah oo uu Madaxweyne Putin kula hadlayo shacabka Shiinaha, ka hor booqashadiisa Beijing oo bilaabanaysa Talaadada.

    Tani waxay timid maalmo yar kadib markii Xi Jinping uu dalkiisa ku martigeliyay Madaxweyne Trump.

    Khudbad ammaan ah oo uu u jeedinayo hoggaamiyaha Shiinaha, Putin wuxuu muujinayaa qaddarinta uu u hayo ninka uu ugu yeero saaxiibkiisa wanaagsan ee muddada dheer.

    Wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu gaaray “heer dhab ahaan aan hore loo arag.”

    Isagoo ka hadlaya guulaha ay wada gaareen, madaxweynePutin wuxuu xusay iskaashigooda istiraatiijiyadeed ee dhow, kaas oo uu ku ammaanay inuu door muhiim ah oo xasillooni keenaya ka ciyaaro masraxa caalamka.

    Sidoo kale akhri

  19. Somaliland oo guddi u saartay ololahooda aqoonsi-raadinta

  20. Gabar Soomaali ah oo ina adeerkeed Kellideeda u bixisay iyo Jeceyl ka dhashay

    Abwaan Cawaale Ismaaciil Saleebaan oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa gabay ku cabbiray sheeko jacayl oo nooceeda oo kale ay ku yartahay bulshada Soomaalida.

    Gabaygan oo uu ugu magac daray "naf jacayl maloo huray" ayuu abwaanku kaga warramayaa sida ay u soo jiidatay sheekada gabadh ina adeerkeed ugu deeqday killideeda, kaddibna taas ay sababtay inay is jeclaadaan ayna is guursadaan.

    Wiilka iyo gabadha ayaa waxay ahayeen ilma adeer, mana jirin xirriir horay uga dhaxeeyey ama damac guur oo ka horreeyey ka hor inta aan dhakhtarka loo qaadin wiilka.

    Ka dib ayaa wiilka Isbataal loo qaaday, waxayna dhakhaatiirta sheegeen in loo baahanyahay qof kelli ugu deeqa wiilka xanuunsan, ilaa lix qof oo ka mid ah qoyskiisa ayaa isku dayey inay killiyahooda mid ka mid ah ku badbaadiyaan, balse sababo lala xirriiriyey dhanka islahaanshaha dhiigooda darteed ma aysan suuragelin.

    Xaaska ay hadda wada joogan ayaa noqotay qofka looga saaray killida, waxayna u hurtay mid ka mid ah kelliyaheeda si uu u sii noolaado, naxariista walaalnnimo ee ay samaysay gabadhan ayaa abuurtay jacayl mira dhalay oo ay ku noqdeen lammaane.