Maxaa lagu sheegay ujeedada socdaalka wasiirka arrimaha gudaha Pakistan uu ku gaaray Iiraan
Pakistan ayaa sii wada dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu fududeeyo wada-xaajoodyada hakadka galay ee u dhexeeya Iran iyo Maraykanka , iyadoo wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan Mohsin Naqvi uu Sabtidii gaaray Tehran, sida ay sheegtay warbaahinta Iiraan.
Wakaaladda Tasnim News Agency ayaa soo warisay in Naqvi uu “u yimid Jamhuuriyadda Islaamiga ah qayb ka mid ah booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah, taas oo ka mid ah dadaallada Pakistan ee fududeynta wada-hadallada iyo horumarinta nabadda gobolka.”
Wasiirka arrimaha gudaha ee Iiraan Eskandar Momeni ayaa qaabilay dhiggiisa Pakistan, iyadoo booqashadan ay timid maalmo kaddib booqasho uu sameeyay Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir, sida ay sheegtay AFP.
Pakistan ayaa sii wada dadaallada dhexdhexaadinta ee u dhexeeya Maraykanak iyo Iran, kaddib markii ay martigelisay kulamo heer sare ah oo u dhexeeyay wafdiyo ka kala socda labada dal bishii hore.
Xabbad-joojinta lagu tilmaamay inay tahay “mid jilicsan,” oo bilaabatay 8-da Abriil, ayaa gacan ka geysatay in la xakameeyo xiisaddii ka dhalatay weerarradii ay Maraykanka iyo Israa’iil oo isku dhana ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo.
Warbixinnada la xaqiijiyay ayaa muujinaya in Pakistan ay sii wado doorkeeda dhexdhexaadinta, iyadoo wada-hadallada u dhexeeya Washington iyo Tehran ay weli yihiin kuwo adag oo aan si buuxda loo heshiin.