Nin gaari ku jiirsiiyay dad lugeynayay dalka Talyaaniga oo dhaawacay siddeed qof
Nin ayaa gaarigiisa ku jiirsiiyay dad lugeynayay magaalada Modena ee waqooyiga Talyaaniga Sabtidii, isagoo dhaawacay siddeed qof, afar qof ayaa halis ah, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu.
Dadka dhibaatad soo gaartay waxa ka mid mah haweeney labada lugood laga jaray.
Ka dib markii gaarigu uu istaagay dukaan daaqadiis , darawalkii ayaa soo baxay isagoo middi wata oo dhaawacay qof jidka marayay oo eryaday, ka hor inta aan la qaban tuhmanaha.
Eedeysanaha, oo 31 jir ah, ayay mas'uuliyiintu ku sheegeen inuu yahay muwaadin Talyaani ah oo asal ahaan kasoo jeeda Morocco.
Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni oo baajisay safar ay ku tagi lahayd Qubrus isla markaana ku tilmaantay dhacdada "mid aad u daran", ayaa maantay booqatay dadkii dhaawacmay iyadoo ay la socdaan Madaxweyne Sergio Mattarella.
Waxay sidoo kale la kulantay Luca Signorelli, oo ahaa qofkii soo farageliyay dhacdadaas , waxayna uga mahadcelisay ficilladiisa.
"Waxa ka dhigaya qofka caadiga ah geesinimo waa waqtiga uu wadnuhu doorto inuu sameeyo wanaag, xitaa marka ay taasi ku lug leedahay khatar," ayay ku qortay X, waxayna baahisay sawir ay is marxabeynayaan Luca Signorelli,
Dhacdadu waxay dhacday abbaare 16:30 (14:30 GMT), markii gaariga oo xawaare sare ku socday uu ku dhacay dadkii lugeynayay ee ku sugnaa Via Emilia oo ku taal meel u dhow kaniisadda caanka ah ee Modena, koonfur-bari ee Milan.