Aabe ayaa ku tilmaamay inuu dareemay "murugo aan la qaadan karin" ka dib markii
saddexdiisii gabdhood
ee uu jeclaa ay ku dhinteen badda xeebta Brighton ee UK.
Booliiska
Sussex ayaa sheegay in haweenka dhintay ay ahaayeen Jane Adetoro, oo 36 jir ah,
Christina Walter, oo 32 jir ah, iyo Rebecca Walter, oo 31 jir ah, oo kasoo
jeeda aagga Uxbridge ee London.
Laamaha
gurmadka degdegga ah ayaa la soo wacay abbaare 05:45 BST 13-kii May si loogu sheego
qof ku jira biyaha u dhow Black Rock baarkinka baabuurta ee Madeira Drive.
Markii ay yimaadeen, laba meyd oo kale ayaa laga soo saaray badda u dhow.
Isagoo geerida la
murugoonaya aabahood, Joseph, ayaa hadal uu soo saaray ku yiri: "Eray run
ah laguma qeexi karo xanuunka ka dhashay in ay kaa dhintaan saddex gabdhood
iyagoo ku jira heerka ugu sarreeya noloshooda."
Wuxuu sii
raaciyay: "Jane, Christina, iyo Becky waxay ii ahaayeen wax ka badan gabdho;
waxay ahaayeen farxaddayda, xooggayga, iyo iftiinka quruxda badan ee qoyskayaga
ka buuxiyay farxad iyo jacayl."
Isagoo la
hadlaya gabdhihiisa, ayuu yiri: "Mid kasta oo idinka mid ah wuxuu ahaa shaqsiyad gaar ah oo qiimo
leh si gaar ah.
"Dhoola
cadeyntiinu waxay iftiimisay maalmaha mugdiga ah, qosolkiinu wuxuu keenay
raaxo, joogitaankiinuna wuxuu nolosha ka dhigay mid macno badan leh.
"In
kasta oo waqtigiina adduunku uu gaabnaa, saameynta aad samayseen waxay ku sii
jiri doontaa quluubteenna weligeed...
"Waxa
jira maalmo ay murugadu u muuqato mid aan la qaadan karin, haddana si adag
ayaan u hayaa xusuusta aan wadaagnay."
Booliisku
waxay sheegeen in baaritaan lagu sameynayo sida saddexdan qof ay biyaha u soo
galeen uu socdo.
"Ma
jirto wax caddayn ah oo muujinaya in dhinac saddexaad uu ku lug lahaa ama uu
dambiga galay," ayay raaciyeen.
Ciidanku
waxay sheegeen inay si adag uga shaqeynayaan sidii ay u soo ururin lahaayeen
"xaqiiqooyinka iyo duruufaha" dhimashada.
Waxay intaasi ku
dareen in qaraabada haweenka ay taageerayaan saraakiil takhasus leh
"xilligan aadka u adag".
Hogaamiyaha
Golaha Deegaanka Brighton & Hove Bella Sankey ayaa hore u sheegtay inay
tahay "warkii ugu naxdinta badnaa" ee magaaladu heshay "muddo
aad u dheer".
"Ma
qiyaasi karo wax ka murugo badan ama ka naxdin badan," ayay u sheegtay BBC
Radio Sussex.