Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Ruushka oo "ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay" inuu dib u dhiso kaabayaasha ku burburay dagaalka ee Iran
Madaxa Xarunta Arrimaha Caalamiga ah ee Wasaaradda Tamarta ayaa ku dhawaaqay in Ruushka uu diyaar u yahay in uu kaalmeeyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Iran ee ku waxyeeloobay dagaalka.
Mohammad Vali Alaedini ayaa yiri: "Kadib dhaawaca soo gaaray kaabayaasha muhiimka ah ee dalka intii uu socday dagaalka, ku xigeenka wasiirka tamarta ee Ruushka Marshavin ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu diyaar u yahay ka qayb qaadashada dib u dhiska kaabayaashan." Waxa uu sheegay in marka la eego awoodda farsamo iyo awoodda sare ee shirkadaha Ruushka ee tamarta, ay muhiim tahay in Moscow ay ku dhawaaqdo inay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato dib u dhiska iyo dayactirka kaabayaasha burburay iyo bixinta qalabka lagama maarmaanka ah.
Alaedini ayaa rajo ka muujiyay in iskaashigan uu dhabaha u xaari karo xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga farsamo iyo fulinta ee labada dal ee dhinacyada biyaha iyo korontada.
Saddex askari oo Lubnaan u dhashay oo ay Israa'iil dishay

Xigashada Sawirka, Lebanese Army
Ciidamada Israel ee IDF, ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan, kadib markii ay qirteen in ay fuliyeen weerar la sheegay in lagu dilay saddex askari oo Lubnaan ah aroornimadii hore ee saakay.
Ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in labo askari oo booliis ah iyo askari lagu dilay weerar lala beegsaday gaari ay saarnaayeen.
Lubnaan ayaa weerarka ku tilmaantay mid waxashnimo ah.
IDF ayaa sheegtay in gaariga loo waday dhanka ciidamada Israel oo ay ka shakiyeen, taasoo keentay in ciidamada ay rasaas furaan.
Israa'iil iyo kooxda Hezbollah ayaa tan iyo bishii March ku dagaallamayay koonfurta Lubnaan.
Baadari Leo oo ku amaanay Spain inaysan taageerin dagaalada Gaza, Iran, iyo Ukraine

Xigashada Sawirka, EPA
Baadari Leo, oo ah hogaamiyaha Catholics-ka adduunka, ayaa Sabtidii ku amaanay Spain “sida ay uga go’an tahay nabadda iyo midnimada ummadaha” mar uu booqasho rasmi ah ku yimid dalka.
Dowladda Spain ayaa ka soo horjeesatay dagaalada Gaza,Iran, iyo Ukraine sanadihii u dambeeyay.
“Waxaan aad ugu mahad-celinayaa dalkiina oo ah waddan had iyo jeer u hoggaansama shuruucda caalamiga ah iyo is-dhexgalka dhinacyada badan leh, qaabkanina wuxuu si cad u muujinayaa sida ay uga go’an tahay nabadda iyo wadajirka ummaddaha dhexdooda,” ayuu Pope-ka ka yiri xaflad soo dhaweyn ah oo lagu qabtay qasriga boqortooyada ee Madrid.
Xiriirka Kubadda Cagta Iiraan oo ku eedeeyay dowladda Mareykanka in ay si takoor ah ula dhaqmeen xulka qaranka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xiriirka Kubadda Cagta Iiraan ayaa dhaleeceeyay ku guuldareysiga in fiisaha la siiyo qaar ka mid ah xulka qaranka ee loo diray Koobka Adduunka, iyagoo ku eedeeyay dowladda Mareykanka inay ku kacday habdhaqan takoor ah.
Xiriirku waxa uu ku eedeeyay Maraykanka “in uu hab-dhaqankiisa naceybka ah ee ka dhanka ah qaranka Iran uu ku fidinayo dhanka ciyaaraha, isaga oo si wax ku ool ah u diidaya xulka qaranka Iran fursad uu ku helo xaalad siman oo uu ku tartamo takoor la’aan”.
Xiriirka Kubadda Cagta ayaa sheegay in fiisaha aan la siinin "Maamulka iyo xubnaha muhiimka ah ee xulka qaranka Iran" iyo in ay daba gal ku sameyn doonaan arrinta FIFA.
Bayaanka ayaa lagu yiri: "Martigeliyahu wuxuu abuuray jawi takoorid iyo sinaan la'aan iyadoo loo marayo takoorid iyo habdhaqan bartilmaameed ah oo ka dhan ah xulka qaranka kubada cagta Iran, taas oo ah faragelinta siyaasadeed ee isboortiga sida ugu xun."
Hadda ka hor, Safaaradda Iran ee Turkiga oo tixraacaysa hadalladii Tom Barrack, Safiirka Maraykanka ee Turkiga, ee ku saabsanaa bixinta fiisaha ee ciyaartoyda Iran, ayaa qoray. "Maxaad u oran weyday fiisaha lama siinin qayb badan oo ka mid ah maamulka iyo shaqaalaha fulinta, la-taliyayaasha farsamada, iyo dadka kale ee qayb ka ah koox kasta oo kubbadda cagta ah?"
"Hadda waxaad si ula kac ah oo takoorid ah ula dhaqanteen xulka qaranka kubadda cagta Iran heerkii ugu sarreeyay."
Imaaraatka Carabta oo mamnuucay dadka safarka ah ee ka imaanaya Uganda, Congo iyo Koonfurta Sudan cabsi laga qabo Ebola

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida lagu sheegay war-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Hay’adda Gurmadka Qaran iyo Maareynta Musiibooyinka ee Imaaraatka Carabta (NCEMA) iyo Hay’adda Federaalka ee Aqoonsiga, Jinsiyadaha, Kastamka iyo Amniga Dekedda (ICP), awaamiirtan ayaa dhaqan galaysa maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 6-da Juun 2026.
Mamnuucidda safarku waxay saamaynaysaa dhammaan fiisooyinka cusub, oo ay ku jiraan fiisaha booqashada, waxayna saamayn doontaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Koonfurta Suudaan, iyo Uganda.
Talaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Imaaraadka ay ku xoojinayaan diyaargarowga qaran ee looga hortagayo cudurka Ebola,” ayuu yiraahdeen mas’uuliyiinta Imaaraadka oo intaas ku daray in go'aanka la kordhin karo.
Sida ku cad tilmaamaha cusub, dadka safarka ah ee si toos ah uga imanaya saddexda waddan ee liiska ku jira, ama kuwa ku soo gudbay, waa loo diidi doonaa inay galaan Imaaraadka.
Dadka loo ogolaan doono in ay galaan Imaaraadka ayaa ah kuwa in ka badan 21 maalmood ka maqnaa dalalka ay dhibaatadu saameysey ka hor inta aysan imaan.
Si kastaba ha ahaatee, hawlaha socdaalka hawada ee UAE iyo duulimaadyada xamuulka ayaa sii socon doona iyada oo aan hakad lahayn.
Maamulka Imaaraatka Carabta ayaa xusay in ay la shaqeynayaan saaxiibada caalamiga ah si ay ula socdaan xaaladda ayna wax ka beddeli doonaan xannibaadaha ku saleysan qiimeynta halista ee socota.
Sidee aabbe iyo wiilkiisu u badbaadiyeen Soomaali iyo dad kale oo ku jiray huteelkii gubtay ee Delhi?
Garaadka Macmalka ah oo markii ugu horraysay loo adeegsaday in uu sameeyo tallaal
Bahrain oo cambaareysay gantaalada Iran ay ku dhufatay Kuwait
Wasaaradda arrimaha dibadda Baxrayn "si adag" u cambaaraysay weerarrada Iran ay ku qaaday "dhulkeeda" iyo Kuwait.
Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in weerarrada cusub ee Iran ay ku qaaday Bahrain iyo Kuwait ay yihiin “cadaawad cad” iyo “xadgudub weyn” oo ka dhan ah madax-banaanida labadan dal.
Ilaalada Kacaanku waxay hore u sheegeen in iyaga oo ka jawaabaya weerarka Maraykanku ku qaaday munaaradaha isgaarsiinta ee jasiiradaha Qeshm iyo Sirik.
“laba saldhig oo ciidamada cirka Maraykanku ku leeyihiin Kuwait, oo lagu magacaabo Ali al-Salem, iyo tas-hiilaadka muhiimka ah ee haray ee qaybta shanaad ee ciidamada badda Maraykanka ee Baxrayn, ayaa lala beegsaday gantaalaha ballistic-ga ah ee ciidamada cirka ee IRGC.
Taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sidoo kale ku dhawaaqay weerar lagu qaaday "goobaha radar-ka ilaalada xeebaha Iran ee Goruk iyo Jaziiradda Qeshm" si looga hortago "khatar degdeg ah oo ku wajahan isu socodka badda."
War ka soo baxay militariga Mareykanka oo lagu soo daabacay shabakadda X-ayaa lagu sheegay in Iran ay todobo gantaal oo ballistic ah ku ridday dhanka Kuwait iyo Baxreyn saacado kadib markii ciidamada Mareykanka ay soo rideen afar diyaaradood oo is-miidaamin ah oo loo soo riday marinka Hormuz.
Xiddigaha caanka ah ee Afrika ee ciyaari doona Koobka Adduunka 2026
Baasaboor Soomaaliga oo mar kale isbeddel ka sameeyay liiska baasaboorrada caalamka
Hay’adda Passport Index ee qiimeysa baasaboorrada caalamka ayaa cusbooneysiisay liiska ay kusoo bandhigto kala sarreynta aqoonsiga lagu safro ee waddamada adduunka.
Sida muuqata waxba iskama beddelin qeybta ugu sarreysa ee liiska, balse waxaa la arki karaa in boos kala qaadasho cusub ay ka dhacay meesha ugu hooseysa.
Baasaboorka Soomaaliya oo billowgii sanadkan u muuqday inuu sii xoogeysanayay ayaa dhowr jeer sameeyay isbeddel isugu jiray sare u kac iyo hoos u dhac.
Hadda waxa uu baasaboorka Soomaaliya mar kale sameeyay soo rogaal celin uu ugu siqayo xagga sare.
Dalalka Yemen iyo Pakistan oo baasaboorradooda uu horay uga sarreeyay midka Soomaaliya ayaa dhawaan sare u kacay, iyagoo hoos u riixay dal ku galka Soomaaliga.
Colombia oo ku eedeeysay Mareykanka inuu faragelin ku sameeyay doorashadii dalkaasi

Xigashada Sawirka, cbs
Madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Colombia Gustavo Petro ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu faragelin ku hayo doorashada dalkaasi ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu taageeray musharaxa garabka midig ee Abelardo de la Espriella.
Isagoo la hadlayay CBS News, Petro ayaa sheegay in taageerada Trump ay tahay faragelin lagu hayo arrimaha gudaha ee Colombia, iyadoo dalku isku diyaarinayo wareegga labaad ee doorashada madaxtinimo, kaasoo la qaban doono labada toddobaad ee soo socda.
Trump ayaa baraha bulshada ku muujiyay taageerada uu u hayo Abelardo de la Espriella wuxuuna sheegay in natiijada doorashada ay muhiim u tahay mustaqbalka Colombia iyo xiriirka ay la leedahay Mareykanka.
Petro ayaa sheegay in kala duwanaanshaha dowladiisa iyo Washington uu salka ku hayo mowqifyo siyaasadeed, isagoo ku andacoonaya in Mareykanka uu kasoo horjeeday dowladdiisa maadaama ay tahay garabka bidix.
Hadalladan ayaa imaanaya iyadoo uu weli socdo tartan xooggan oo u dhexeeya musharraxa garabka midig iyo senetarka garabka bidix, Iván Cepeda, xilli ay isku diyaarinayaan dib-u-doorashada Colombia.
Kooxda kubada cagta ee Iran ayaa heshay fiisaha ay ku galayaan Mareykanka

Xigashada Sawirka, Reuters
Xulka qaranka Iran ayaa helay fiisaha ay ku galayaan dalka Maraykanka ka hor tartanka koobka aduunka ee bilaabmi doona todobaadka soo socda.
Ogolaanshaha ayaa la bixiyay kaliya 10 maalmood ka hor kulankooda ugu horreeya ee New Zealand, oo loo qorsheeyay in lagu ciyaaro Los Angeles 15ka Juun.
War qoraal ah oo ay soo saareen saraakiishu ayaa lagu sheegay in la siiyay fiisaha Iran si ay uga qaybgasho koobka aduunka oo ay ku jiraan ciyaartoyda iyo shaqaalahooda taageera.
War saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in “Maraykanku aanu ogolaan doonin in kooxda Iran ay nidaamkan u adeegsadaan in ay argagixisada ku soo galiyaan Maraykanka si been abuur ah”.
Xiriirka Kubadda Cagta Iiraan ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin qaadashada fiisaha.
Koobka Adduunka 2026 ayaa lagu wadaa inuu furmo 11-ka June, iyadoo Mareykanka, Canada iyo Mexico ay martigelinayaan ciyaaraha.
Falastiini lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ku garaacday teendhooyin qaxooti oo ku yaalla Khan Yunis
Telefishinka Aljazeera ee Qatar ayaa sheegay in Israa’iil ay duqeysay teendhooyin ay degan yihiin Qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku yaalla magaalada Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hal qof uu ku dhintay weerarka, halka hal qof uu ku dhaawacmay.
Shabakadda Telefishinka ayaa sheegtay in weerarka uu dhacay xalay.
Wasiirka arimaha dibadda Iran oo u jawaabay madaxweynaha Lubnaan

Xigashada Sawirka, .
Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araqchi, oo ka jawaabayay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, ayaa sheegay in haddii Lubnaan ay ahaan lahayd "kaar gorgortan" ee Iran ee wada xaajoodka Mareykanka, Tehran ay heshiis la gaari lahayd Washington waqti hore.
Waxa kale oo uu ku qoray boggiisa X: "Sida ku cad hadalka Aoun, sida muuqata waa Iran cidda qabsatay shan meelood meel ka mid ah dhulka Lubnaan, barakicisay rubuc ka mid ah Lubnaan, oo ay duqeyso dalkiisa maalin kasta. Lubnaan ka badbaadi cadowgeeda dhabta ah, Mudane Madaxweyne."
Joseph Aoun ayaa wareysi uu siiyay CNN ku sheegay in Iran iyo xulafadeeda Hezbollah ay Lubnaan u isticmaalayaan "qalab gorgortan" oo ay kula xaajoodaan Mareykanka.
Waxa uu ku nuux-nuux saday: “Shacabka Lubnaan waxa ay xaaladdan ku bixinayaan qiimaha ugu badan, sababtoo ah danaha Iran oo ay ka daaleen dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah”.
Kuwayt: Nidaamyada difaaca ayaa dhexda ka qabtay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Kuwayt oo soo xiganaysa taliska guud ee ciidanka dalkaas, ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca hawada ee Kuwayt ay Sabtidii maanta dhexda ka qabteen gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo weerar ku ahaa dalkaasi.
Taliska Guud ee Ciidanka Kuwayt ayaa intaas ku daray in qaraxyada la maqlayay ay ahaayeen kuwo ka dhashay markii dhexda laga qabtay bartilmaameedyadaas oo ay gubeen nidaamyada difaaca.
Hoggaanka ciidanka Kuwayt ayaa ku boorriyay muwaadiniinta inay raacaan habraacyada badbaadada iyo amniga ee ay soo saareen hay'adaha mas'uulka ka ah.
Iiraan oo ka hadashay 'weerar ay ku qaadday maraakiibta Maraykanka'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in "laba xero oo ciidammada cirka Maraykanka ay ku leeyihiin Kuwayt oo magacyadooda lagu sheegay Cali Al-Saalim, iyo tashiilaadkii muhiimka ahaa ee u hadhay Guutada Shanaad ee Ciidanka Badda Maraykanka ee Baxrayn, lagu beegsaday gantaallada balastikada ah oo ay rideen Ciidammada Cirka IRGC."
Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in saaka, afar markab oo nooca shidaalka qaada ah oo ay "kiciyeen isla markaana horkacayeen milatariga Maraykanku oo baal maray digniinaha loo hore loo soo saaray ee ka soo baxay Ciidanka Badda ee IRGC, ay damceen in ay si sharci-darro ah uga baxaan Marinka Hormuz.
Digniinta kaddib, mid ka mid ah maraakiibta shidaalka ayaa la beegsaday oo la joojiyay, halka maraakiibtii kalena ay dib u laabteen."
Bayaanka IRGC ayaa lagu sheegay in dhacdadan kaddib, "diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ay laba gantaal ku dhufteen goob isgaadhsiineed oo ku taal Qeshm.
Maraykanka oo sheegay in ay qabteen gantaallo ay Iiraan ku ridday dalalka ku yaalla Gacanka Beershiya
Milatariga dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidammadoodu ay ka hortageen dhowr gantaal oo nooca balastikada ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Iiraan u gantay dhanka Marinka Hormuz iyo waddamada dariska ah ee Gacanka Beershiya.
Taliska Dhexe ee Ciidanka Maraykanka ayaa barta X ku qoray in Iran ay toddoba gantaal oo balastiko ah ku riday dhanka Kuwayt iyo Baxrayn, saacado yar ka dib markii ciidammada Maraykanku ay soo rideen afar diyaaradood oo nooca is-qarxiya ah oo loo soo ganay dhanka Marinka Hormuz.
Sida uu sheegay CENTCOM, weerarradan ayaa yimid kaddib markii ciidammada Maraykanku ay beegsadeen fadhiisimaha raadaarka ee ilaalinta xeebaha Iiraan ee ku yaalla Goruk iyo Jasiiradda Qeshm, si ay uga hortagaan wax ay ku tilmaameen “Khatar soo fool leh oo ku wajahan isu-socodka badda.”
CENTCOM ayaa ku dhawaaqay in qiimayntii ugu horraysay ay muujinayso in lix ka mid ah gantaaladii la riday laga hortagay, halka gantaalkii toddobaadna aanu gaadhin bartilmaameedkii loogu talagalay.
Milatariga Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin wax warar ah oo sheegaya waxyeelo soo gaadhay ciidammada Maraykanka, islamarkaana sheegashada Iran ee ku aaddan waxyeello loo gaystay xarunta Taliska Guutada Shanaad ee Maraykanka ee Baxrayn ay tahay "mid khaldan."
Dhinaca kale, dalka Kuwayt ayaa ku dhawaaqay in uu hawlgaliyay nidaamkiisa difaaca cirka, halka Baxraynna ay sheegtay in ay dardargeliyeen siidhiga digniinta.
Eedaysane maxkamad dhexdeeda ku dilay garsoorahii xukumay iyo sidii ay wax u dhaceen
Reuters, iyadoo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan Aqalka Cad: Ciyaartoyda xulka qaranka kubadda cagta ayaa la siiyay fiisaha ay ku galaan Mareykanka
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo sheegay in ciyaartoyda xulka kubbadda cagta qaranka Iiraan la siiyay fiisooyin ay ku galaan Mareykanka si ay uga qayb galaan Koobka Adduunka.
Xulka qaranka Iiraan ayaa lagu wadaa inuu kulankiisa ugu horreeya ee Group G la ciyaaro New Zealand magaalada Los Angeles 15-ka Juun, kadibna ay la ciyaaraan Belgium iyo Masar.
Danjiraha Iiraan ee Mexico, Abolfazl Pasandideh, ayaa hore u sheegay in iyadoo ay toban maalmood oo keliya ka harsan yihiin kulanka ugu horreeya ee xulka Iiraan ee Koobka Adduunka, ciyaartoydu aysan weli helin fiisooyinkii ay ku geli lahaayeen Mareykanka.
Wuxuu sheegay in dhibaatooyinka la xiriira fiisooyinka ay sabab u noqdeen in kooxda laga raro gobolka Arizona loona wareejiyo magaalada Tijuana ee Mexico.
Xulka qaranka ayaa lagu wadaa inuu yimaado Tijuana subaxda Axadda.
