Netanyahu oo Mamdani eedeyn cusub u jeediyay kadib markii loogu hanjabay in la xiri doono

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
- Author, Kayla Epstein
- Reporting from, New York
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu tago shirka Isu-imaatinka Guud ee Qaramada Midoobay oo la filayo in uu dayrtaan ka dhaco magaalada New Yirk, xilli uu duqa magaaladaas Zohran Mamdani ugu hanjabay in uu xiri doono.
Mamdani ayaa ka noqday hanjabaadahaas todobadkii la soo dhaafay, isaga oo sheegay in uusan fahan buuxa ka haysan awoodahiisa sharci ee uu ku xiri karo Netanyahu isaga oo adeegsanaya waaran ay bixisay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, oo ah maxkmadda ugu saraysa dunida ee dambiyada dagaalka.
Hugaamiyaha Israa'iil ayaa u sheegay Fox News maalinkii Axadda in uusan 'ka walwal sanayn' hadaladii Mamdani, balse waxa uu ku eedeeyay in uu 'hurinayo nacayb'.
"Waxay ahayd in uu ahaado duq magaalo oo dhex u ah dhammaan dadka reer New York, Yuhuudda, Kirishtanka, Muslimka, cida walba, balse waxa uu isku dayayaa in uu iska hor keeno dadka," ayuu yiri Netenyahu.
Netanyahu wuxuu soo hadal qaaday laba dhacdo oo mindi ah oo ka dhacay New York Khamiistii, kaas oo tuhmane uu mindi ku dhuftay nin Yuhuudi ah iyo nin Aasiyaan ah oo isku dheggan.
Tuhmane ayaa la sheegay inuu ku qaylinayay oraahda aj "Allahu akbar" isagoo mindiyeynta sii wada, sida ay sheegeen booliisku. Waxaa lagu soo oogay dacwado nacayb ah oo la xiriira dhibbane kasta.
Labada ninba way ka badbaadeen weerarrada, taas oo keentay cambaarayn ka timid hoggaamiyeyaasha Yuhuudda iyo Aasiyaanka Ameerika.
Netanyahu wuxuu sheegay in Yuhuudda New York ay "basi ku jiraan hadda."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xafiiska duqa magaalada si degdeg ah ugama jawaabin codsi ah in uu ka jawaabo arrinkaan.
Mamdani, oo ah taageere xooggan oo xuquuqda Falastiin, ayaa ka soo horjeeday hawlgalkii militariga Israa'iil ee Gaza taa oo uu ka dhigay mid ka mid ah arimaha ololihiisii sanadkii hore. Khudbad uu usbuucii hore jeediyay, wuxuu ugu yeeray Netanyahu "dambiile dagaal."
Isagoo qayb ka ah barnaamijkaas intii uu ololaha ku jiray, Mamdani wuxuu ballanqaaday inuu dhaqan gelin doono amar lagu xirayo Netanyahu 2024 oo ka yimid Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC), oo ku eedaysay ra'iisul wasaaraha inuu galay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza.
Israa'iil ayaa beenisay eedeymaha ah in ay dambiyo dagaal ka geysatay Gaza, Netanyahu ayaa eedeymahaas ku tilmaamay kuwa been abuur ah.
Milateriga Israa'iil ayaa galay Qaza kadib weerarkii Xamaas ay weerar ku qaadeen Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023. Ilaa 1,200 oo qof ayaa la dilay, 251 kalena waa la qafaashay xilligaas.
In ka badan 73,000 oo qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil ee Gaza tan iyo markaas, oo ay ku jiraan in ka badan 21,000 oo carruur ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, kuwaas oo tirooyinkooda ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay.
Toddobaadkii hore, ka dib markii New York Times ay su'aalo ka waydiisay Mamdani ballanqaadkiisii ahaa in uu xiro doono Netanyahu, Mamdani wuxuu sheegay in maamulkiisu uu dib u eegay sharciga oo uu ogaaday: "Ma lihin awood sharci oo madax-bannaan si aan u dhaqangelino waarankan".
Mamdani ayaa ku booriyay dowladda federaalka in ay xirto ra'iisul wasaaraha, wuxuuna yiri: "Benjamin Netanyahu kuma soo dhaweynayo magaalada New York".













