Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Madaxa Qaramada Midoobay oo 'aad uga walaacsan' weerarrada Mareykanka iyo Iran

    Antonio Guterres

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa "aad uga walaacsan" sii socoshada xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan weerarrada Mareykanka iyo Iran, ayuu yiri afhayeenkiisa.

    Guterres waxa uu ku boorrinayaa dhinacyada inay ku soo laabtaan "dhammaan fulinta xabbad joojinta" oo ay ilaaliyaan waajibaadka hoos yimaada sharciga caalamiga ah ee ilaalinta rayidka.

    Afhayeenkiisu wuxuu intaas ku daray inuu ugu baaqayo Mareykanka iyo Iran inay "laba jibbaaraan dadaallada ku aaddan heshiis nabadeed, dhammaystiran oo waara" ee nabadda gobolka iyo tan caalamiga ah.

    Warar dheeraad ah:

  2. War deg deg ah, Iran oo uga digtay Mareykanka 'gariir aan dhammaad lahayn'

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Iranian Parliament Speaker Office/Reuters

    Sarkaal sare oo Iiraani ah oo uga digay Maraykanka in la gelin doono "qariir aan dhammaanayn".

    Mohammad Bagher Ghalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iran ahna madaxa gorgortanka, ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta X in "xeeladaha khaldan iyo go'aamada degdegga ah ay dib u dejin doonaan dhammaan guddiga oo dhan si ka xun sidii hore".

    Waxa uu sheegay in go'aamadan ay "qarxi karaan kaabayaasha tamarta iyo suuqyada", abuurista "gariir aan dhammaad lahayn oo aad ku xayirnaan doonto sannado badan".

    "Waxaad arki doontaa Iran oo sidii hore ka ka duwan," ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

    Waxay timid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay in Mareykanka uu Iran u weerari doono si "aad u adag caawa" uuna qabsan doono jasiiradda Kharg.

    Warar dheeraad ah:

  3. Mareykanka: Iiraan way gudi doontaa waxyeellada ay u geysatay xulafadeenna

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Waxyeello kasta oo Iran ay u geysato xulafada Mareykanka waxaa lagu bixin doonaa dhaqaale "laga soo saaro akoonnada Iran", ayuu yiri xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka Scott Bessent.

    Qoraal uu soo dhigay X, Bessent waxa uu ku sheegay in lacag kasta oo la siiyo Maamulka Gacanka Faaris – oo ah hay’ad cusub oo ay Iran u dejisay in ay maamusho marin biyoodka Hormuz – “waxaa laga jari doonaa dhaqaalaha [Iran]”.

    Isagoo hadalka sii wada wuxuu yiri: "Weerar kasta oo Iran ay qaaddo wuxuu sii kordhin doonaa cawaaqibka dhaqaale iyo maaliyadeed ee ay la kulanto."

    Horraantii maanta, Iran waxay bogaadisay weerarro isdaba joog ah oo ka dhan ah hantida Mareykanka ee Jordan, Bahrain iyo Kuwait. Arintaan ayaa timid kadib weerarro isdaba joog ah oo uu Mareykanku ka geystay koonfurta Iran.

    Warar dheeraad ah:

  4. Kooxda wada-xaajoodka Qadar oo ka soo laabatay Tehran

    Koox wada-xaajood ah oo ka socotay Qadar ayaa kulamo ku qabatay caasimadda Iran ee Tehran ilaa saacadaha hore ee subaxnimadan, sida ay sheegayaan warar soo baxay.

    Mas’uul ka tirsan Qdtar ayaa u sheegay CBS News, in kooxda wada-xaajoodka ay tan iyo markaas ku laabteen Dooxa, iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ay sii socdaan.

    Qadar ayaa cambaareysay weerarrada Iran ee ka dhanka ah Jordan, Bahrain iyo Kuwait, kuwaas oo yimid kadib duqeymo Mareykanku ka fuliyay Iran. Qadar waxay dhexdhexaadiye ka ahayd xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, waxayna ku baaqday in la sii wado dadaallada lagu dejinayo xiisadda.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistan ayaa sidoo kale saxaafadda u sheegay horraantii maanta in wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaas uu toddobaadkan Tehran kula yeeshay “kulamo muhiim ah” hoggaamiyeyaal sare oo Iran ka tirsan.

    Warar dheeraad ah:

  5. Trump oo yiri 'Waan jeclahay sicir-bararka' iyadoo qiimaha badecadaha Maraykanku uu aad sare ugu kacay saddex sano gudahood

  6. Trump oo aan hubin in Mareykanku “u adkaysan karo” qabashada Jasiiradda Kharg

    Waxaan hadda idiin soo gudbinaynaa faallooyin dheeraad ah oo ka yimid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo la hadlayay warbaahinta Mareykanka kuna saabsanaa dagaalka Iran.

    Wuxuu u sheegay Fox & Friends in Mareykanku “xalay ku tuuray Iran bambooyin qiimahoodu gaarayo $250 milyan (£187 milyan)” wuxuuna ku celiyay hanjabaaddiisa ku aaddan inuu la wareegayo Jasiiradda Kharg.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu muujiyay shaki ku saabsan in Mareykanku “u adkaysan karo” fulinta hawlgal milatari oo noocaas ah.

    “Ma hubo in waddanku uu leeyahay rabitaanka taas, inkastoo ay aad u wanaagsan tahay,” ayuu ku yiri wicitaan telefoon.

    Sidoo kale akhri:

  7. Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan oo loo xushay inuu dhexdhexaadiyo kulan dhex mari doona PSG iyo Aston Villa

  8. War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay meel u dhow Marinka Hormuz – warbaahinta Iran

    Qaraxyo ayaa laga maqlay agagaarka magaalada Sirik ee Iran, oo ku taalla xadka Marinka Hormuz, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Iran ee Mehr.

    BBC ma aysan si madax-bannaan ah u xaqiijin warbixintan, sidoo kalena Maraykanka iyo Iran midkoodna si toos ah ugama hadlin in weerarro la fuliyay iyo in kale.

    Warar dheeraad ah:

  9. War deg deg ah, Trump oo sheegay in Maraykanku uu Iran “si aad u daran u garaaci doono caawa.”

    Donald Trump wuxuu sheegay in Maraykanku Iran “si aad u daran u weerari doono caawa” qoraal cusub oo uu ku qoray Truth Social.

    Wuxuu madaxweynuhu yiri:

    “Maraykanku wuxuu garaaci doonaa Iran (oo Ciidamadeeda Badda, Ciidanka Cirka, radaar-keeda, difaaca lidka diyaaradaha, iyo dhammaan awooddeeda difaac, iyo sidoo kale inta badan awooddeeda weerar ay GABEEN!), si aad iyo aad u daran caawa.

    “Waqti aan aad u fogayn, waxaan la wareegi doonnaa Jasiiradda Kharg, iyo goobo kale oo ka tirsan kaabayaasha shidaalka, waxaanan si buuxda u maamuli doonnaa suuqyada shidaalka iyo gaaska, si la mid ah sida aan ku sameynay Venezuela, taasoo si aad u fiican uga shaqeyneysa Venezuela iyo Maraykanka.”

    Tan iyo bilowgii dagaalka, Trump wuxuu marar badan hanjabaad ku sameeyay inuu la wareegi doono Jasiiradda Kharg, oo ah jasiirad yar oo ku taal xeebaha Iran, halkaas oo ay ku taallo xarun weyn oo shidaal lagu dhoofiyo.

    Trump

    Xigashada Sawirka, Truth Social

    Warar dheeraad ah:

  10. Yaa ku guuleysan doonka Koobka Adduunka? Maqaawiirta BBC-da iyo saadaashooda

  11. Maraykanka oo xaqiijiyey in weerar lagu qaaday markabkii saddexaad oo marayay Gacanka Cumaan

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, US Centcom

    Maraykanka ayaa xaqiijiyey inuu weerar ku qaaday markabka Jalveer, oo ku diiwaangashan calanka dalka Guinea-Bissau.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in markabku uu “jebiyey xannibaadda” isagoo isku dayayey inuu saliid Iiraan ka timid ka gudbiyo marinka Gacanka Cummaan.

    Sida ay sheegtay CENTCOM, kani waa markabkii saddexaad ee ay ciidamada Maraykanku ku weeraraan toddobaadkan gudaha Gacanka kadib weerarro lagu qaaday maraakiibta Marivex iyo Settebello.

    Warar dheeraad ah:

  12. 1,655 Itoobiyaan oo ku xirnaa Sacuudiga oo loo fidiyey cafis

    Sacuudiga

    Xigashada Sawirka, SOCIAL

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in 1,655 muwaadiniin Itoobiyaan ah oo ku xirnaa dalka Sacuudiga la hakiyey dacwadahoodii, isla markaana loo fidiyey cafis.

    Waxay wasaaraddu sharraxday in cafiska loo fidiyey Itoobiyaanka uu ka dhashay dadaallo diblomaasiyadeed oo ay hormuud ka ahayd wasaaraddu, iyadoo iskaashi la samaynaysay Safaaradda Itoobiya ee Riyadh iyo Qunsuliyadda Guud ee Jeddah.

    Wasaaraddu waxay sidoo kale tilmaantay in natiijadan lagu gaaray iyadoo dowladda ay mudnaan gaar ah siisay diblomaasiyadda ku salaysan danaha iyo daryeelka muwaadiniinta ee xiriirrada arrimaha dibadda.

    Sidoo kale waxaa la sheegay in, marka laga hadlayo diblomaasiyadda ku wajahan muwaadiniinta, arrimaha weli u baahan dadaallo diblomaasiyadeed oo dheeraad ah gudaha Sacuudiga si dhow loola socdo.

    Dowladdu waxay shacabka ugu baaqday inay ka feejignaadaan xogaha been abuurka ah iyo kuwa marin-habaabinta ah ee ay faafinayaan dadka ka ganacsada tahriibinta dadka, kuwaas oo lagu baahiyo baraha bulshada iyo kanaallo kale, kuna saabsan safarrada dibadda.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in la sii xoojin doono dadaallada lagu horkeenayo sharciga dadka ku lugta leh tahriibinta sharci darrada ah.

    Sii akhri:

  13. Dadka ay tahay in aysan u dhawaan oo ay cunin Canbaha

  14. Rabshado dheeraad ah ayaa ka dhacay Waqooyiga Ireland inkastoo qoyska dhibbanaha uu ku baaqay in la dejiyo

    Rabshado dheeraad ah ayaa ka dhacay Waqooyiga Ireland inkastoo qoyska dhibbanaha uu ku baaqay in la dejiyo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ka dib qalalaasihii habeenimadii Talaadada ee Waqooyiga Ireland, qoyska dhibbanaha toorida Stephen Ogilvie Arbacadii ayaa ku baaqay in la xakameeyo.

    "Waxaan rabnaa inaan si buuxda u cadeyno in rabshado dhaca xilliga habeenimo ah aan la soo dhaweynayn, mudaaharaad nabadeedna uu yahay dariiqa kaliya ee loo mari karo," ayya ku yiraahdeen qoyska dhibanayaasha.

    "Waxaan haynaa muhaajiriin badan oo si qoto dheer wax ugu soo kordhinaya waddankeena, oo ay ku jiraan nidaamkayaga daryeelka caafimaadka iyo qaybta martigelinta waxaanan ku tiirsanahay iyaga si aan waddankeena uga dhigno mid shaqeeya."

    Waxay sheegeen in aanay doonayn in "musiibadan foosha xun loo adeegsado in dadka lagu kala qaybiyo ama lagu huriyo colaad".

    Ogilvie oo 40-sano jir ah ayaa waxaa waxyeelo ka soo gaartay isha bidix, iyadoo ay wehliyaan dhaawacyo ka soo gaaray qoorta iyo dhabarka.

    Haadi Alodiid, oo 30 jir ah asal ahaan ka soo jeeda Sudaan, ayaa Arbacadii ka soo muuqday maxkamad, isaga oo lagu eedeeyay isku day dil.

    Sii akhri:

  15. Maamulka gobolka Tigree oo soo saaray Qoraal cusub oo qabyo ah oo muran badan dhaliya

  16. Madaxwaynaha Colombia oo ka hadlay kiiska Cumar Cartan

    Madaxwaynaha Colombia Gustavo Petro

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha Colombia Gustavo Petro

    Madaxwaynaha dalka Colombia ayaa ka fal-celiyay talaabada dowladda Maeykanka ay ugu diiday garsoore Cumar Cartan in uu galo dalkooda.

    Madaxwayne Gustavo Petro ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay X waxaa uu ku sheegay in amrka ay timaado ciyaaraha Koobka aduunka ay tahay in cidna ana la midib-takoorin.

    Waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay kiiska Cumar Cartan iyo go'aanka Mareykanka.

    "Marka ay timaado koobka aduunka ee kubadda cagta, waa in aan qofna looga reebin sababtoo ah midibka jirkiisa sida ku dhacday garsoore Cumar Cartan oo kale" ayuu ku yiri qoraakiisa madaxwayanah Colombia Gustavo Petro.

    Sii akhri:

  17. Saddex badmaax oo Hindi ah ayaa la la'yahay ka dib markii Maraykanku sheegay inuu weeraray Markab

    Saddex badmaax oo Hindi ah ayaa la la'yahay ka dib markii Maraykanku sheegay in uu ku dhacay booyad

    Xigashada Sawirka, Centcom

    Saddex badmaax oo u dhashay dalka Hindiya ayaa la la'yahay ka dib markii Maraykanku sheegay in ay ku dhufteen markab nooca shidaalka qaada ah ah oo marayey gacanka Cumaan

    Milatariga Maraykanka ayaa curyaamiyay markab shidaal oo marayay gacanka Cumaan oo ay ku eedeeyeen in uu ku xad gudbay go'doominta Mareykanka isagoo isku dayay inuu Shidaal ka soo qaado Iran.

    Qoraal ay soo dhigeen X, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in diyaarad ay ku gantay qolka matoorka ee Settebello oo ka babanayay calanka Palau "ka dib markii shaqaaluhu ay si isdaba joog ah u fulin waayeen awaamiirta ciidamada Mareykanka".

    Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in saddex badmaax oo u dhashay dalka Hindiya la la'yahay 21-shaqaale ah oo u dhashay dalka Hindiyana la soo badbaadiyay kadib weerarkii lagu qaaday xeebta Settebello ee xeebaha dalka Cumaan.

    Waxay tiri "bartilmaameedka maraakiibta ganacsiga iyo kaabayaasha rayidka ee gobolka waa in la soo afjaraa".

    Milateriga Maraykanka ayaa xannibay gelitaanka dekedaha Iran ka dib markii Tehran ay xirtay marin biyoodka Hormuz, kaas oo 20% ka mid ah shidaalka iyo gaaska adduunka ay maraan.

    Ciidamada Mareykanka ayaa waxyeeleeyay siddeed markab waxayna hor-istaageen134 kale tan iyo markii ay billaabeen xannibaadda 13-kii April, sida ay sheegtay Centcom.

    Ka dib dhacdadii u dambeysay, dowladda Hindiya ayaa u yeertay ku xigeenka madaxa howlgalka Mareykanka ee Delhi, sida ay saraakiisha u sheegeen BBC.

    Sii akhri:

  18. Maraykanka iyo Iran oo maalinti labaad oo isku xigta weeraro is-waydaarsaday

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Bahrain Interior Ministry/X

    Mareykanka iyo Iran ayaa duqeymo isku weydaarsaday bariga dhexe maalin labaad oo xiriir ah, taasoo sii xumaynaysa xabad joojintii awalba ruxneyd ee ay labada dal ku heshiiyeen bishii April.

    Taliska dhexe ee Mareykanka (Centcom) ayaa sheegay in ay soo afjareen mowjado "weerar ah oo is-difaac ah" oo lagu bartilmaameedsaday xarumaha militariga, ilaalada iyo raadaarka ee koonfurta Iran.

    Weerarkan ayaa yimid saacado ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu wacad ku maray in ciidamada Mareykanka ay Iran u garaaci doonaan "aad u adag", iyo in Tehran ay qaadatay waqti aad u dheer in ay heshiis la gasho si ay si joogto ah u soo afjarto dagaalka.

    Iyada oo ka jawaabaysa, Iran ayaa qaaday weerarro duqaymo ah oo lagu bartilmaameedsanayo hantida millatariga Maraykanka ee dalalka gobolka.

    Saldhigyada ciidamada Maraykanka ee Baxrayn iyo Kuwait ayaa maalintii labaad oo xiriir ah duqeymo ay ka fulinayaan ciidamada Iran, halka ciidamada ilaalada kacaanka Iran ee IRGC ay sheegeen in ay gantaallo balaastik ah ku garaaceen xarunta taliska Mareykanka ee Urdun, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

    IRGC waxay sheegtay inay burburisay "tiro badan" oo ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo "xarumo" ka dib markii ay 12 gantaal oo ballistic ah ku dhufteen garoonka ciidanka cirka ee Muwaffaq Salti ee Urudun, inkastoo sheegashada aan si madax banaan loo xaqiijin.

    Sii akhri:

  19. Baxreyn: khasaaro ka dhashay diyaarad aan duuliye lahayn oo ay Iran soo tuurtay

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxreyn ayaa Khamiistii sheegtay in haraadiga diyaarado aan duuliye lahayn oo ay Iran soo tuurtay islamarka la qabtay ay waxyeelo ka dhalatay.

    Haraadiga aaya la sheegay, inuu ku dhacay deegaanno la deggan yahay oo ku yaalla magaalada Hamad iyo caasimadda Manama.

    Haraadiga ayaa sababay in dhowr baabuur ay gubtaan, sidoo kalena uu waxyeello soo gaarsiiyay qaar ka mid ah guryaha. Sidoo kale, gabadh 11 jir ah ayaa dhaawac fudud uu soo gaaray.

    Wasaaraddu waxay soo bandhigtay sawirro muujinaya gawarida dab-damiska oo ku hawlan daminta dab ka kacay dhowr guri.

    Sii akhri:

  20. Kuwait oo dib u furtay hawadeeda ka dib hakad hore ugu yimid

    Kuwait ayaa ku dhawaaqday inay dib u furtay hawadeeda kadib mowjad weerarro ah oo laga soo sheegay Iran, kuwaas oo si ku-meel-gaar ah u hakiyay isu socodka hawada ee dalka.

    Maamulka Duulista Rayidka ee Kuwait ayaa bayaan ku sheegay:“Isu socodka hawada ee hawada Kuwait wuxuu dib ugu soo laabtay xaaladdiisii caadiga ahayd.”

    Iiraan ayaa xalay weerar ku qaaday qaar ka mid ah saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay dalalka Khaliijka.

    Sii akhri: