Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Maalin wanaagsan akhyaarta, ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC-da. Halkan waxaad kala socon doonaan wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamkaba!

  2. Siyaasiyiin ka tirsan xukuumadda Israa'iil oo si adag uga falceliyay heshiiskii Iran iyo Maraykanka

  3. 'Heshiiska waa la saxiixay” ayuu yiri Trump

    Trump iyo shirka G7

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay in la saxiixay heshiiska Mareykanka iyo Iran. Hadalkan ayuu ka sheegay Trump intii uu socday kulanka uu layeeshay madaxweynaha Faransiiska Macron.

    “Aad ayaan ugu faraxsannahay in aan sheego, waa la saxiixay,heshiiska waa la saxiixay” ayuu Trump yiri.

    Xaflad rasmi ah oo heshiiska lagu saxiixayo ayaa lagu qaban doonaa toddobaadkan magaalada Geneva.

    Dhanka kale, Sarkaal sare oo joogo Washington ayaa BBC-da u sheegay in qodobada lagula heshiiyay Iran in aysan ku jirin arrinta Lubnaan. Sarkaalka wuxuu sheegay in ay socdaan wadahadallo toos ah oo u dhexeeya Israel iyo Lubnaan.

    “Hadii aysan Iran xakameyn karin Xisbullah iyo weerarada ka dhanka ah Israel, markaas Israel xaq ayey u leedahay in ay is difaacdo oo ka jawaabto” ayuu sarkaalkaas yiri.

    Iran iyo isbahaysigeeda iyo Mareykanka iyo isbahaysigiisa waxay doonayaan in la soo afjaro dagaalka, lana gaaro heshiis nabadeed kaas oo la rajeynayo in ay ku jiraan “kooxaha gacan saarka la leh” ayuu yiri sarkaalka.

    Sidoo kale akhri:

  4. Trump: Maraakiibtu waa bilaabeen in ay ka gudbaan marinka Hormuz

    Trump iyo heshiiska Iran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Maalin kaddib markii uu ku dhawaaqay in la dhammaystiray heshiiska u dhexeeya Iran iyo Maraykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka, ayuu Donald Trump ku dhawaaqay in maraakiibtu mari karaan Hormuz.

    Madaxweyne Trump ayaa hadalkan soo dhigay bartiisa bulsho markii uu yimid magaalada Evian ee Faransiiska halkaas uu kaga qeybgalayo shirka G7.

    “Maraakiibtu waxay bilaabeen in ay ka gudbaan marinka Hormuz, qaar badan oo ka mid ahna waxay sidaan shidaal. Waxay marayaan qeybta koonfureed ee marinka oo gabi ahaanba ammaan ah. Waxaa jira waddooyin kale oo lagu gudbi karo.”

    Hadallada Mr. Trump ayaa ku soo aaday kaddib markii uu shalay ku dhawaaqay in marinka Hormuz dib loo furi doono Jimcaha kaddib saxiixa heshiiska iyo “ka saarista miinooyinka,” isla markaana dib loo soo celin doono “isu socodka gaadiidka badda “.

    Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran, “Ilaa amar dambe, marinka Hormuz waxaa laga xiray dhammaan maraakiibta galeysa iyo kuwa ka baxaya”.

    Sidoo kale akhri:

  5. Iran waxay sheegtay, “Aniga iyo Cumaan ayaa si badqab ah u galbin doona maraakiibta Hormuz mareysa”

    Iran iyo Mareykan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in Cuman iyo Iran ay qaadanayaan “tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” ee lagu xaqiijinayo in si badqab ah u maraan maraakiibta marinka Hormuz.

    Wuxuu sheegay in tani lagala tashan doono qeybaha kale ee ku lugta leh arrimahan.

    Baghaei wuxuu kaloo sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay in uu tallaabo qaado marka ay timaado dib u dhiska Iran kaddib waxyeeladii ka soo gaartay dagaalka iyo sidoo kale in laga qaado cunaqabateynta saaran Iran.

    Wuxuu sheegay Baghaei in Mareykanka ay ka go’an tahay in uu labada arrin uu ka qaado tallaabo.

    Sidoo kale akhri:

  6. Imaaraatka oo badalaya guud ahaan siyaasadiisii xiriirka wadamo uu Sacuudigu ka mid yahay Dagaalka Iran awgiis

  7. Madaxweyne Cirro ayaa safar qarsoodi ah ku tagay Israel ka hor inta aysan aqoonsan Somaliland

    Kulanka Cirro iyo Israel

    Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Somaliland

    Wasiirka arrimaha dibadda Israel, Gideon Sa'ar, ayaa sheegay in aysan cidi u yeerin karin Israel ama Somaliland cidda ay xiriir diblomaasi la yeelanayaan.

    Gideon Sa’ar oo kula kulmay madaxweyne Cabadiraxmaan Cirro wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa sheegay in labadooda ay si qarsoodi ah bishii Oktoobar u kulmeen. Kulankaas ayaa dhacay labo bilood ka hor inta aysan Israel aqonsan Somaliland.

    Sa’ar ayaa qiray in “ay jiraan caqabado la xiriira dhismaha xiriirka u dhexeeya Israel iyo Somaliland”.

    Aqoonsiga ay Qudus Somaliland ugu aqoonsatay caasimadda Israel ayaa si weyn loogu cambaareeyay caalamka, waxaana ka mid ahaa Midowga Afrika iyo in ka badan toban dal oo Muslimiin u badan yihiin. Dalalkaas ayaa sidoo kale soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku cambaareynayaan go’aanka Somaliland ay safaarad uga furatay Qudus.

    Sidoo kale akhri:

  8. Israa'iil iyo Somaliland oo markii ugu horeysay ka hadlay kulan qarsoodi ah oo yeesheen aqoonsiga ka hor

  9. Mareykanka iyo Israel isku mowqif kama taagna heshiiska lala galay Iran

    Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Cinwaanada wargeysyada ka soo baxa Isreal sida Yedioth Ahronoth waxay saakay ahaayeen kuwa ku saabsan dagaal.

    Dagaalka ay qoreen wargeysyada ma aheyn mid u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ee wuxuu ahaa mid u dhexeeya madaxweyne Donald Trump iyo raysalwasaare Benjamin Netanyahu. Mareykanka iyo Israel isku mowqif kama taagna heshiiskan.

    Israel lagalama tashan. Wareysi uu xalay siiyay wargeyska New York Times, Madaxweyne Trump, wuxuu Netanyahu ku tilmaamay “nin madax adag”.

    Iyadoo Trump uu wajahayo cadaadis kaga imaanaya ra’yi ururrin gudaha dalka iyo doorashooyinka dhexe ee Kongareeska ee la qabanayo bisha Nofeembar, wuxuu si cad u danaynayay in uu soo afjaro dagaalkan aan shacabka badankoodu taageersanayn isla markaana qaaliga ku noqday.

    Netanyahu isna waxaa haysta cadaadis. Dhowr bilood gudahood waxaa ku soo socda doorashooyinka taas oo muujineysa hadii looga adkaado in dacwad musuqmaasuq lagu soo oogi doono, lana xiri doono, inkastoo uu isagu beeniyo eedahaas.

    Sidoo kale akhri:

  10. Iran iyo Mareykanka ayaa heshiiska gaaray

    Dagaalka Iran

    Maraykanka iyo Iran ayaa ku heshiiyay in la soo afjaro dagaalka, iyadoo Pakistan oo dhexdhexaadinaysa ay sheegtay in heshiiska si rasmi ah loogu saxiixi doono Switzerland maalinta Jimcaha.

    Donald Trump ayaa sheegay in marinka Hormuz dib loo furi doono, isla markaana la joojin doono cunaqabataynta badda ee Maraykanku ku hayay Iran.

    Qiimaha shidaalka ayaa hoos u dhacay tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiska, waxaana hadda jirta “fursad weyn oo looga baaqsan karo qalalaase tamareed oo muddo dheer socda,” sida uu qoray wariyaha dhaqaalaha ee BBC-da, Faisal Islam.

    Raysalwasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, oo dhexdhexaadiye ka ahaa wada-hadallada, ayaa sheegay in Maraykanka iyo Iran ay “ku dhawaaqeen in degdeg loo joojiyo dhammaan hawlgallada milatari oo ay ku jirto Lubnaan”.

    Weli lama oga in Israel iyo kooxda hubaysan ee Xisbullah ee Iran taageerto ay aqbali doonaan heshiiskan.

    Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in ciidamada Isreal ee IDF ay doonayaan in ay sii joogaan Lubnaan, halka Iran ay ku baaqday in si buuxda loo joojiyo dhammaan tallaabooyinka milatari ee Israel ka waddo Lubnaan.

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in qodobada ku jira heshiiska is-afgaradka ay ka mid tahay in muddo 30 maalmood gudahood ah laga qaado cunaqabataynta badda ee Maraykanku ku hayay dekedaha Iran.

    Sidoo kale akhri:

  11. Jawaabo laga bixiyay mamnuucdda isticmaalka baraha bulshada carruurta ka yar 16 sano

    Keir Starmer

    Raysalwasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa sheegay in carruurta ka yar 16 sano laga mamnuuci doono isticmaalka baraha bulshada laga bilaabo gu’ga sanadka soo socda ee 2027.

    Baraha bulsho ee ay arrintani saameyn doonto waxaa ka mid ah Snapchat, TikTok, YouTube, Instagram, Facebook iyo X, balse WhatsApp iyo Signal laguma darin mamnuucistan, sida ay dowladdu sheegtay.

    “In la wada mamnuuco ayaa ah tan ugu saxan…diyaar uma ihi in aan wax ka dhimo badbaadada iyo farxadda carruurteenna,” ayuu Starmer ku sheegay hadal uu telefishanka ka jeediyay.

    Arday dhigata fasalada 8-aad iyo 9-aad oo daawanayay hadalka raysalwasaaraha ayaa la weydiiyay dareenkooda. Qaar way ku farxeen in la mamnuuco baraha bulshada halka kuwa kalena ay madaxa qabsadeen.

    Afhayeen u hadlay Snapchat ayaa sheegay in mamnuucidda bartooda bulsho ay dhalinyarada ku riixi karto in ay u wareegaan “baro kale oo ammaankoodu hooseeyo”.

    Lynn Perry, oo ah madaxa fulinta ee hay’adda samafalka carruurta ee Barnardos, ayaa sheegtay in “shirkadaha baraha bulshada ay ku fashilmeen ilaalinta carruurta”, iyadoo intaa ku dartay in ay maalin kasta maqasho saameynta ay carruurtu ku leedahay”.

    Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka muxaafidka, Kemi Badenoch, ayaa soo dhaweysay qorshaha looga mamnuucayo carruurta ka yar 16 jirka in ay isticmaalaan baraha bulshada.

    Sii akhri

  12. Immisa bilyan oo doollar ayuu Maraykanku ku bixiyay dagaalkii uu ku qaaday Iiraan?

  13. Maxay tahay maadada sunta ah ee ku jirta kalluunkaan aad ka ay u isticmaasho Soomaalidu?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Saynisyahanno ayaa sheegay in wali meerkuriug uu ku jiro kalluunka nooca Tuunaha loo yaqaanno tobanaan sanno kadib markii la iclaamiyay xakamaynta wasakhowga iyo qiiqa hawada.

    Noocan Tuunada ee lagu sheegay in uu leeyahay suntan ayaa ah mid soomaalidu aad isticamasho, badaha Soomaaliyana si badan looga helo

    Maadadaan kiimikaada ah waxay ka dhalataa qodista iyo gubista dhuxusha, waxayna ugu danbayn ku dhammaataa badda, halkaasoo uu kalluunku ka qaato. Cadadkeeda ayaa hoos u dhacay muddooyinkii danbe, laakiin wali waxay ku hartay kalluunka Tuna tan iyo 1971 kii.

    Khuburo ayaa sheegay meerkuriga qadiimiga ahi in uu yaalo gunta hoose ee badda isagoo ku dhex qulqula biyaha, halkaas oo tunahu dabaasho.

    Meerkuriga gala badda wuxuu isu beddelaa maadada loo yaqaanno methylmercury oo ah nooca ugu halista badan ee kiimikadan.

    Maadadaan waxaa qaata Tuunaha isagoo aan badqabin ayayna aadanahu dabtaan taasoo suntaan ay quutaan markay cunaan tuunaha oo ah mid kamida kalluunada adduunka loogu isticmaalka badanyahay. Tunaha ayaana la iibiyaa in ka badan 3 milyan oo doolar sanadkii.

    Meerkuriga ayaa sidoo kale halis ku ah kalluunka ugxaanta ah ee aan dhallan wali; wuxuuna xanuuno ku sababaa dhanka wadnaha kalluunka noociisa koray.

    Walaac laga muujiyay suntaan ayay dowladdaha caalamku go’aansadeen in ay yareeyaan howlaha kimikooyinka washakhaysan sii daaya.

  14. Goorma ayaa la aasayaa hogaamiyihii sare ee Iiraan, Ayatollah Khamanei?

    .

    Xigashada Sawirka, getty

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa la shaaciyay in hoggaamiyihii hore ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei la aasi doono bisha Luulyo 8, 2026, saddex bilood ka dib markii lagu dilay ​​​​duqeymihii cirka ee Mareykanka iyo Israa'iil ay ka geysteen Iiraan bilowgii dagaalka.

    Sida ku cad war-saxaafadeed uu soo saaray xafiiskiisa daabacaadda, aaskiisa ayaa ka bilaaban doona 4-ta Luulyo magaalada Tehran, ka hor inta aan lagu aasin 8-da Luulyo barxadda Masjidka Imam Reza ee Mashhad.

    Waxaa sidoo kale la sheegay in aas loo sameyn doono qaar ka mid ah ehelkiisa oo sidoo kale ku dhintay weeraradii lagu qaaday, kuwaas oo ka dhici doona magaalooyin kala duwan oo ay ku jiraan Tehran, Qom iyo Mashhad.

    Mas'uuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen in munaasabadda la filayo inay soo jiidato malaayiin qof, iyadoo la qorsheeyay munaasabado gaar ah, oo ay ku jiraan isu soo bax dadweyne oo saddex maalmood socon doona.

    Wuxuu ahaa shakhsiga ugu awooda badan Iran ee Ayatollah Ali Khamenei, isla markaana ahaa hoggaamiyaha ugu sareeya dalka tan iyo 1989-kii.

    Wuxuu ahaa madaxa qaranka iyo taliyaha guud. Wuxuuna lahaa awooda amarka booliiska qaranka iyo booliiska anshaxa.

    Ayatollah Khamenei wuxuu sidoo kale oo uu gacanta ku hayey Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo qaabilsan amniga gudaha, iyo garabkeeda iskaa wax u qabso, Ciidanka iska caabbinta Basij.

    Sidoo kale akhri:

  15. Kim ma soo hadal qaadin hooyadiis muddo 15 sano ah, maxay tahay sababta?

    Siraha badan ee ku hareereysan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, waxaa ka mid ah tan hooyadii oo ah mid gooni u taagan.

    Kim waligiis hal marna meel fagaare ah kuma uusan sheegin magaceeda 15-kii sano ee uu xukunka hayay.

    Si ka duwan labadii hooyo ee hore ee taliska - Kang Pan Sok, hooyada aabbihii oo aasaasay waddanka Kim Il Sung iyo Kim Jong Suk, hooyada Kim Jong Il - oo labadaba loo qaddariyo inay yihiin "hooyooyinka Kuuriya", Ko Yong Hui waa qof daahsoon, iyada oo aan waxba lagu magacaabin si loo sharfo.

    Habkan af-duuban ee lagu hayo Ko Yong Hui ayaa laga yaabaa inuu ka yimid wax loo arko inay tahay dabaqad bulsho oo wasakhaysan iyo maqaamkeeda oo laga dhigay mid ku ekaa marwanimo, xaqiiqooyinay falanqeeyayaashu sheegeen inay khatar gelin karaan nidaamka.

    Laga soo bilaabo waxa dadka taariikh-nololeedyada qora ay isku soo ururiyeen, Ko waxay ku dhalatay Osaka, Japan 1952 waalidkeed ayaana asal ahaan ka soo jeeda jasiiradda Jeju ee Kuuriyada Koonfureed ee casriga ah - kaa oo ay u tix galiyaan dhul cadaw.

  16. War deg deg ah, Degdeg: Carruurta 16 sano ka yar ee UK oo laga mamnuucay baraha bulshada.

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Raysal wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa ku dhawaaqay in carruurta a yar da’ada 16 sano jir laga manuuci doono isticmaalka baraha bulshada.

    Waxaa uu sheegay in baraha bulshada aysan wax faa’iido ah ugu jiran carruurta ka yar da’adaas, iyo in sidoo kale aysan goob amaan ah u ahayn.

    "Baraha bulshadu waxay carruurta ka dhigayaan kuwo aan faraxsanayn", ayuu sii raaciyay.

    Waxaa uu rumeysan yahay in waalidiin badan ay soo dhoweyn doonaan tallaabadan.

    Markii wax laga weydiiyay goorta uu si rasmi ah u dhaqan gali doono sharcigan, Stermer waxaa uu sheegay inuu dhaqan galo kahor fasaxa Chrismas-ka.

  17. Dilal, silic iyo arxan-darro: Shan maamul oo taariikh dhiig badan ku reebay Afrika

  18. Maxay iska kaashan karaan Somaliland iyo Israa'iil?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Somaliland Cabadiraxmaan Cirro ayaa booqashadii ugu horeysay ee rasmi ah ku tagay Israa'iil sida uu ku daabacay barahiisa bulshada.

    Dhawaan ayay ahayd markii uu soo shaac baxay warkaan ku saabsan booqashada Cirro ee Isra'iil, taa oo hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada.

    Madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog, oo qaabilay Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku tilmaamay boqashadiisa "mid taariikhi ah".

    Dhanka kale, sida ay horaanti sanadkan sheegtay warbaahinta Israa'iil, labo shirkadood oo Israa'iili ah, VisiRight iyo Amore Capital, ayaa Axaddii ku dhawaaqay iskaashi istaraatiiji ah oo lagu taageerayo ganacsiyada Israa'iil ayna ku doonayaan inay galaan suuqa Somaliland.

    Hindisahan ayaa imaanaya kaddib aqoonsigii dhowaan ay Israa'iil siisay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, taasoo noqotay tallaabo diblomaasiyadeed oo soo jiidatay indhaha caalamka, dhalisayna xiisad.

    Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay sheegtayna inay tahay "xadgudub lagu sameeyay gayigeeda".

    Sidoo kale dalal badan iyo ururro caalami ah ayaa garab istaagay Soomaaliya.

    Haddaba, Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe) waa wasiirkii hore ee qorsheynta Somaliland iyo khabiir ku takhasusay sharciga ganacsiga, wuxuu BBC-da uga warramay sida ay Somaliland uga faa'ideysan karto aqoonsiga iyo shirkadaha Israa'iil. Lifaaqa kore ka dhegeyso:

    Halkan ka dhageyso waxa ay kala faa'iidi karaan labada dhinac.

  19. Dalalka soo dhoweeyay heshiiska ay gaareen Iiraan iyo Mareykanka

    Hoggaamiyeyaasha Britain, Faransiiska, Jarmalka, iyo Talyaaniga ayaa bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ku sheegay, in heshiiska u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka inay "ka faa'iidaysanayaan fursadda" ayna si dhow ula shaqeyn doonaan Mareykanka, Iiraan, iyo la-hawlgalayaasha gobolka.

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guteres, ayaa kamid ah mas'uuliyiinta soo dhoweeyay heshiiskan la gaaray.

    Kooxda E4 ayaa bayaankeeda ku tiri: "Waxaan u hambalyeyneynaa Mareykanka, dowladda Iiraan, iyo dhammaan kuwa ku lugta leh, oo ay ku jiraan Pakistan, Qatar, iyo dhexdhexaadiyayaal kale, guushan muhiimka ah ee diblomaasiyadeed"

    "Hadda waa fursad lagu soo celin karo xasilloonida gobolka laguna xasilin karo dhaqaalaha adduunka, ayaa lagu yiri.

    Hoggaamiyeyaashan Yurub waxay ku baaqeen "in heshiiska Iiraan iyo Mareykanka si dhakhso leh oo dhammaystiran loo hirgeliyo intii suurtagal ah".

    Waxay sidoo kale sheegeen in "dib u furista degdegga ah ee Gacanka Hormuz iyada oo la adeegsanayo xorriyadda marin-haweedka oo aan shuruud lahayn oo aan xaddidnayn ay muhiim tahay.

    Kooxda E4 waxay ku nuuxnuuxsatay in Iiraan ay tahay in aysan waligood yeelan hub nukliyeer ah, waxayna sheegtay inay "diyaar u yihiin inay qaadaan cunaqabataynta khuseysa si ay Iiraan u hesho tallaabooyin la taaban karo oo la xaqiijin karo oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeer.Waxay ku celiyeen taageeradooda "xasiloonida, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Lubnaan”.

    La wadaag, Trump oo dhalashadiisa u dabaal dagaya

  20. Faa’idooyinka caafimaad ee shaaha sanjabiisha leh

    .

    Xigashada Sawirka, getty

    Qoraalka sawirka, .

    Shaaha sanjabiisha leh waxaa lagu diyaariyaa iyadoo lagu kariyaa sinjabiil laa qalajiyey ama mid qoyan, caleenta shaaha iyo biyo kulul, dhowr daqiiqo kadib shaahi waa diyaar, taasoo u oggolaanaysa in saliidda sinjabiilku ay ku dhex karto biyaha ka hor inta aan la cabbin shaaha.

    Shaaha sanjabiilka leh wuxuu leeyahay dhadhan diirran, oo xoogaa kuleyl leh, qofka xitaa wuxuu adeegsan karaan sanjabiisha qoyan midda budada ah, waxaa wanaagsan in qofka uu isticmaalo subixii hore.

    Taariikhda shaaha sanjabiilku waxa uu soo jiray ilaa 5,000 oo sano ka hor ilaa Shiinaha, halkaas oo dhaqan ahaan looga isticmaali jiray dawo ahaan . markii dambana Sanjabiishu waxaa la geeyay qaaradda Yurub oo lagu darsan jiray cuntada.

    Shaaha sanjabiilka wuxuu caan ku yahay awoodda uu u leeyahay inuu dejiyo dhibaatooyinka dheefshiidka, iyo gaar ahaan, wuxuu qofka ka caawiyaa yaraynta lallabada.

    Mid ka mid ah daraasadaha lagu sameeyay waxtarka shaaha sanjabiisha leh ayaa xitaa soo jeedinaysaa in laga yaabo in uu leehay waxtarka dawooyinka qaar, laakiin qofka xooggaa wuxuu kala kulmi karaa saameyn xun sida in qofka uu dareemo qandho subixii hore.