Xabsiga caanka ku ah sumcad-xumada ee ay kasoo shaax-baxeen fannaaniin heesahooda la jecel yahay

Xigashada Sawirka, Artists Equity
- Author, Wedaeli Chibelushi
- Author, Tom Brook
- Role, Talking Movies
- Published
- Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo
New Bell – oo ah xabsi sumcad xun ku leh magaalada Douala, dalka Kaameruun – waa sida magaalo ku dhex taalla magaalo kale.
Xabsigu wuxuu leeyahay "taksiyo" u gaar ah (maxaabiis lug ku orda barxadaha ciriiriga ah si ay farriimo dadka u gaarsiiyaan), ciidan amni u gaar ah (maxaabiis xooggan oo ka caawiya ilaalada tiradoodu yar tahay ilaalinta xabsiga), iyo suuq u gaar ah (saf dukaamo ah oo ay maxaabiistu ku kala iibsadaan cuntooyin iyo macmacaan).
Si guud, dadka ku jira New Bell waxay la qabsadeen nidaamka dabacsan ee xabsiga, iyaga oo uga faa'iideystay noloshooda maalinlaha ah. Tusaalaha ugu cad ee arrintan waa Jail Time Records, oo ah istuudiyo iyo shirkad duubista muusigga oo ku dhex taalla xabsiga, kana dhigaysa maxaabiista hibada leh kuwo caan ka noqda gudaha iyo dibaddaba.
Empereur, oo ah hoggaamiyaha laga cabsado ee kooxaha burcadda ee ka hawlgala gudaha iyo dibadda xabsiga, ayaa 24,000 oo daawasho YouTube ah wuxuu ku helay muuqaal muusig oo gebi ahaanba lagu duubay gudaha xabsiga.
Heesaha ay sameeyaan maxaabiistu waxay taageerayaal ka heleen dalal fog sida Koonfur Afrika, Maraykanka, iyo Argentina. Horraantii sannadkan, Jail Time Records waxay sidoo kale ku qabatay riwaayad weyn barxadda New Bell oo loogu talagalay maxaabiista.
"Waa aalad aan ku muujinno iska caabbinta… halkaas oo aan si dhab ah ugu wadaagi karno saaxiibtinnimada, jacaylka iyo codkeennana loo maqlo," ayuu Steve Happi, oo hore uga tirsanaa maxaabiista isla markaana ka mid ah aasaasayaashii Jail Time Records, u sheegay barnaamijka Talking Movies ee BBC.
"Mar dambe kama fikirno afarta darbi ee nagu hareeraysan – waxaan helnaa xorriyad."
Istuudiyaha Jail Time Records waa mid aad u fudud; wuxuu ka kooban yahay qol yar oo kulul oo lagu duubo codadka, kaas oo ku xiran qol kale oo uu yaallo hal kombiyuutar.
Si kastaba ha ahaatee, waa meel ay ka dhalato nafis shucuureed iyo hal-abuur weyn, sida lagu muujiyey dukumeenti caan noqday oo isla magaca istuudiyaha wata.
Filimkaas waxaa wada agaasimay Steve Happi iyo farshaxanka Talyaaniga ah Dione Roach, oo isaguna ka mid ahaa aasaasayaasha Jail Time Records. Waxaa lagu duubayay gudaha New Bell muddo lix sano ah.
Bishii hore, dukumeentigu wuxuu ku guuleystay saddex abaalmarin oo ka mid ahayd tan loogu talagalay dukumeentiga ugu wanaagsan, intii lagu jiray Bandhigga Filimada Tribeca ee magaalada New York.
Filimka dhexdiisa, maxbuus lagu magacaabo Stone ayaa makarafoonka istuudiyaha ku qaadaya hees uu leeyahay: "Qalbigaygu waa dhagax, waa dagaal. Dareenkaygu wuxuu u jajabaa sida muraayad burburtay.
Waxaan u xiranahay oo u adkaysanayaa sida albaabka qol xabsi. Ma lihi dhul adag oo aan ku istaago; waxaan u simbiriirixdaa sida kalluun."

Xigashada Sawirka, Artists Equity
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Stone, oo hore uga tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada ee Kaameruun, ayaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah oo uu ku qaadanayo New Bell, kaddib markii lagu helay eedeymo la xiriira dhac iyo haysashada hub sharci-darro ah. Isagu wuxuu ku adkaysanayaa inuusan wax dembi ah gelin.
Filimku wuxuu muujinayaa dadaalkiisa joogtada ah—oo inta badan guul-darro ku dhammaada—ee uu ku doonayo inuu taleefan kula xiriiro gabadhiisa yar ee Maira.
"Waqti dheer ayaa laga joogaa. Waxay u baahan tahay inay codkayga maqasho mararka qaarkood, si aysan u illoobin aabbaheed," ayuu ku yiri farriin cod ah oo uu u diray xubin qoyskiisa ka mid ah, kaddib markii uu mar kale ku guul-darraystay inuu la hadlo Maira.
Muuqaalka heesta Heart of Stone wuxuu ka tarjumayaa qaabka caadiga ah ee ay u shaqeyso Jail Time Records. Tayada soo saaristu waa heer sare, sheekadu waa mid soo jiidasho leh, waxaana jilayaasha iyo kooxda farsamada intooda badan ka qeyb qaata maxaabiista kale ee xabsiga.
"Muusigga halkaas ka soo baxa waa mid cajiib ah," ayuu yiri Taika Waititi, oo ah agaasimaha reer New Zealand ee ku guuleystay Abaalmarinta Oscar. Isaga iyo xaaskiisa, fannaanadda Rita Ora, waxay ahaayeen soo-saarayaal fulineed oo ka qeyb qaatay dukumeentiga Jail Time Records.
"Marka laga eego awoodda farshaxanka ee la xiriirta isbeddelka iyo dib-u-habaynta nolosha, waxay wax weyn uga dhigan tahay dadka qaarkood oo xabsi daa'in ku jira. In qofku helo meel uu ku cabbiro dareenkiisa waa arrin aad u awood badan, isla markaana bani'aadamnimo leh," ayuu yiri.
Jail Time Records waxaa la aasaasay sannadkii 2018, markii Dione Roach ay iskaa wax u qabso ula shaqaynaysay hay'ad samafal oo qabanqaabin jirtay barnaamijyo lagu qabto gudaha New Bell.
Intii lagu jiray fasal qoob-ka-ciyaar oo loo qabtay maxaabiista, koox fannaaniin raabka caan ku ah ayaa qabsatay makarafoonka waxayna bilaabeen inay si kedis ah u qaadaan heeso. Waxqabadkooda oo ay aad ula dhacday awgeed, Roach waxay maamulka xabsiga ka codsatay oggolaansho ay ku furto istuudiyo muusig.
Mas'uuliyiinta xabsigu way soo dhaweeyeen fikraddaas, waxaana Roach ay u yeertay Steve Happi si uu u maamulo istuudiyaha isagoo ah soo-saare muusig iyo injineer cod.

Xigashada Sawirka, Artists Equity
Sida uu sheegay Steve Happi, wuxuu ku dambeeyay xabsiga New Bell kaddib muran qoys oo ka dhashay sida loo maareyn lahaa meydka aabbihii oo geeriyooday.
Intii uu murankaasi socday, Happi wuxuu ku eedeeyay eeddadiis, oo ahayd garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare, inay sababtay in xabsiga loo taxaabo iyadoo lagu soo oogay dacwad ku saabsan dilka aabbihii. Laba sano kaddib ayay maxkamaddu wax dembi ah ku weyday oo waa la sii daayay, sida ay sheegtay Jail Time Records.
Sannadkii 2022, Happi, Dione Roach, iyo maxaabiistii fannaaniinta ahayd waxay soo saareen albam la yiraahdo Jail Time Vol. 1. Sida caadiga u ah habka ay u shaqeyso Jail Time Records, kala bar dakhliga ka soo xarooda iibka albamka waxaa la siiyaa fannaaniinta, halka kala barka kalena dib loogu maalgeliyo shirkadda duubista muusigga.
Badbaadada iyo sii jiritaanka istuudiyuhu waxay muhiimad weyn u leedahay fanaaniinta badan ee ku jira xabsiga, gaar ahaan marka la eego xaaladaha adag ee New Bell.
Sannadkii 2022, Human Rights Watch waxay sheegtay in New Bell ay ku jireen qiyaastii 4,700 oo maxbuus, inkasta oo awoodda rasmiga ah ee xabsigu ay ahayd rubuc keliya tiradaas. Darbiyada xabsiga oo burburaya iyo ciriiriga ba'an ayaa sii adkeeyay xaaladda.
Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale sheegay in ciriiriga iyo nadaafad-xumada xabsigu ay fududeeyeen inuu si degdeg ah u faafo cudurka daacuunka intii lagu jiray cudur dillaacay afar sano ka hor. Ugu yaraan lix maxbuus ayaa cudurkaas u geeriyooday.
New Bell waxay sidoo kale caan ku tahay rabshadaha. Sannadkii 2008, ilaalada xabsigu waxay toogasho ku dileen 16 maxbuus xilli ay isku dayayeen inay ka baxsadaan xabsiga.
Maxaabiistu sidoo kale way is weeraraan oo is cabsi geliyaan. Dukumeentiga ayaa muujinaya Empereur, oo xabsi 10 sano ah ku qaadanaya dambiyo kala duwan, isagoo ka qaadanaya maxbuus da'yar oo argagaxsan silsilad qoorta ah iyo dacas uu watay.
Markii BBC ay weydiisay haddii mashruuca Jail Time Records uu halis ugu jiro inuu kor u qaado sumcadda Empereur—oo ah wiilka caaqil dhaqameed ka tirsan qabiilka Douala—iyo dambiilayaal kale oo galay dambiyo rabshado wata, Dione Roach waxay tiri: "Waxa aan sameyneyno asal ahaan waa geeddi-socod dib-u-habeyn iyo dhaqan-celin.
Waxaan xabsiga u galnaa annaga oo aan qofna xukumin ama eedayn, waana sida keliya ee aan shaqadan ugu qaban karno si sax ah.
Muusiggu, sida nooc kasta oo hal-abuur ah, waa hab uu qofku isku ogaado, ula heshiiyo wixii uu sameeyay, isla markaana rajaynayo inuu isu beddelo qof ka wanaagsan sidii hore."

Xigashada Sawirka, Getty Images for Tribeca Festival
Waxay u muuqataa in maamulka xabsiguna ay aragtidan la qabaan.
"Si weyn ayay u soo dhaweeyeen mashruucan. Kaameruun waa dal muusiggu aad muhiim uga yahay, qof walbana wuu jecel yahay muusigga," ayuu yiri Steve Happi. Wuxuu intaas ku daray in madaxa xabsigu uu ka qayb galay bandhiggii sanadkan, isla markaana uu la dheelay fannaaniintii bandhigga sameynaysay.
Taageerada maamulka awgeed, Jail Time Records waxay ku guuleysatay inay si wanaagsan u kobocdo, iyadoo fursado siisay maxaabiis badan, oo ay ku jiraan haweenka ku jira qaybta dumarka ee New Bell.
Jeje, oo ah fannaanaddii ugu horreysay ee dumar ah ee ku biirta Jail Time Records, ayaa sanadkii 2022 soo saartay heesteedii ugu horreysay oo ah hees Afrobeats ah oo murugo iyo milicsi xanbaarsan, lana yiraahdo Show Me The Way.
Heesta gudaheeda waxay ku luuqaynaysaa: "Qofna iima muujin jidka, qofna iima muujin jidka, wax walba anigaa kaligay sameeyay."
Jeje waxaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inay lacag xadday, dabadeedna ay ka baxsatay adeerkeed, oo ay ku eedeysay inuu si joogto ah ula dhaqmi jiray si xun.

Xigashada Sawirka, Jail Time Records
Marka laga soo tago shaqada ay ka wadaan qaybta haweenka ee New Bell, Jail Time Records waxay ballaarisay mashruuceeda meel ka baxsan xabsiga iyo xitaa dalka Kaameruun.
Sannadkii 2023, Dione Roach iyo Steve Happi waxay dhiseen istuudiyo cusub oo qiyaastii 1,600 kiiloomitir u jira New Bell, kana dhex yaalla xabsiga dhexe ee magaalada Ouagadougou, caasimadda Burkina Faso.
Jail Time Records waxay rajaynaysaa inay ku celiso guushii istuudiyihii New Bell, iyadoo ay la socdaan shirkadda duubista muusigga, qaybta soo saarista muuqaallada heesaha, iyo hadda dukumeentigii ku guuleystay abaalmarinnada caalamiga ah.
Dhamaadka filimka waxaa ku jira qayb xusuus iyo tacsi ah (in memoriam), oo lagu maamuusayo lix maxbuus oo geeriyooday intii uu socday mashruuca Jail Time Records.
Inkasta oo New Bell ay u muuqato meel ay ka buuxaan rajo-beel iyo duruufo adag, Steve Happi wuxuu aaminsan yahay in muusiggu uu maxaabiista u yahay "faynuus iftiiminaya mustaqbal ka wanaagsan."
"Ka hor intaas, waxay lahaayeen maskax adag oo ahayd: annaga iyo adduunka oo dhan ayaa is hayna," ayuu yiri.
"Hadda waxay dareemayaan inay muhiim yihiin, waxayna dareemayaan inay meel ku leeyihiin bulshada."













