Warbixin: Washington ma aysan xaqiijin digniinno Israa'iil ka soo baxay oo ku saabsanaa qorsheyaal Iran ay ku doonaysay inay ku khaarajiso Trump

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Mareykanka ayaa muddo sannad ah ilaa hadda helayay digniinno dhowr ah oo ka yimid Israa'iil, kuwaas oo sheegayay in Iran ay damacsan tahay inay khaarijiso Madaxweyne Donald Trump. Digniinahaas waxaa ka mid ahaa kuwo la bixiyay ka hor khiyaanadii qarsoodiga ahayd ee la xiriirtay diyaaradda madaxtooyada "Air Force One" intii uu Trump booqanayay Turkiga. Mas'uul Mareykan ah oo xil haya iyo labo mas'uul oo hore ayaa sheegay in saraakiisha sirdoonka Mareykanka aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin digniinahaas, sida ay qortay wakaaladda Reuters.

Inkasta oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin saxnaanta digniinaha Israa'iil, haddana saraakiisha Aqalka Cad iyo kuwa sirdoonka Mareykanka ayaa qaaday tallaabooyin ka hortag ah, kuwaas oo ay ku jirtay hawlgal khiyaano ah oo aan caadi ahayn intii uu Trump ku guda jiray booqashadii Turkiga.

Warbixintu waxay, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, sheegtay in digniinaha loo gudbiyay hay'adaha sirdoonka Mareykanka, mararka qaarna ay saraakiil Israa'iili ah si toos ah ugu gudbiyeen saraakiisha sare ee Aqalka Cad. Digniinahaas waxaa ka mid ahaa qorsheyaal suuragal ah oo Trump loogu toogan lahaa qori uu adeegsanayo nin wax toogta, ama in qof loo qoro si uu madaxweynaha Mareykanka mindi ugu weeraro munaasabad dadweyne oo weyn.

Laba mas'uul oo hore oo Mareykan ah ayaa xaqiijiyay in xogta sirdoonka Israa'iil ee ku saabsan Iran ay si rasmi ah ugu gudubto Hay'adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka (CIA) ama Hay'adda Amniga Qaranka (NSA), ka hor inta aan la falanqayn.

Ilaha xog-ogaalka ah ayaa sheegay in gudbinta xogtan ay bilaabatay xilligii ka horreeyay dagaalkii socday 12-ka maalmood ee bishii Juun 2025, isla markaana ay sii xoogaysatay ka hor go'aankii Mareykanka uu ku galay dagaal uu la galo Iran bishii Febraayo 2026.

Reuters ayaa ilo xog-ogaal ah ka soo xigatay in digniintii ugu faahfaahsanayd la bixiyay ka hor shirkii NATO ee Ankara bishii Luulyo. Waxaa la sheegay in saraakiil Israa'iili ah ay Aqalka Cad la wadaageen xog sirdoon oo tilmaamaysay in Iran ay isku dayi karto inay Trump khaarajiso, iyadoo laga yaabo in loo adeegsado gantaal laga soo rido hub garabka lagu qaado, kaddib markii uu madaxweynaha ku safro diyaaradda madaxtooyada si uu uga qaybgalo shirka.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan sirdoonka Israa'iil, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ku jiraa liiska dadka Iran ay doonayso inay khaarajiso.

Qiimayno ay muddo dheer sameeyeen hay'adaha sirdoonka Mareykanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Iran ay doonayso inay ka aargoosato dilka taliyihii ciidamada Iran Qaasim Sulaymaani, kaas oo Trump amray sannadkii 2020, iyo sidoo kale inay ka aargoosato khaarajintii hoggaamiyihii sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, taas oo dhacday maalmihii ugu horreeyay ee dagaalkii ugu dambeeyay.

"Sugidda qiimaha shidaalka ka hor heshiiska nukliyeerka"

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, J.D. Vance, ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee Mareykanka ee dagaalka uu kula jiro Iran ay tahay in qiimaha saliidda iyo shidaalka loo ilaaliyo heer hoose si ay uga faa'iidaystaan dadka Mareykanka, halka ka hortagga in Tehran ay hesho hub nukliyeer ah uu yahay mudnaanta labaad.

Hadallada Vance ayaa yimid xilli Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, uu ku dhawaaqay cunaqabateyn dhaqaale oo dhawaan lagu soo rogi doono Tehran.

Bessent ayaa Khamiistii sheegay in Mareykanku uu Iran ku soo rogi doono tallaabooyin aan horay loo arag, isagoo wareysi telefishan ku sheegay: "Waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin aan horey looga qaadin taariikhda go'doonka dhaqaale ee lagu soo rogo waddan kasta."

Wuxuu intaas ku daray: "Waxay noqon doontaa isku-dar go'doon dhaqaale oo aan dunidu horey u arag, iyo sii wadidda xannibaadda marin-biyoodka Gacanka Hormuz, taas oo ka hor istaagaysa wax kasta inay galaan ama ka baxaan dekedaha Iran."

Hadallada Vance iyo Bessent waxay muujinayaan saameynta iyo awoodda ay Tehran ka kasbatay xiritaanka Marin-biyoodka Hormuz, kaas oo hadda noqday arrin udub-dhexaad u ah sida dagaalku u socdo.

Hadallada Vance ayaa ka duwan hadallada uu Trump marar badan ku celceliyay ee ahaa in ujeeddada keliya ee Mareykanku dagaalka u galay ay tahay in Iran laga hor istaago inay hesho hub nukliyeer ah, xitaa haddii arrintaasi ay keento in shacabka Mareykanka ay muddo gaaban la kulmaan dhibaatooyin dhaqaale.

Vance ayaa wareysi uu siiyay shabakadda Fox News ku sheegay: "Waan ogahay in qiimaha saliiddu maalmahan hooseeyo, isla markaana uu ka hooseeyo heerarkii sare ee uu gaaray maalmihii ugu horreeyay ee colaadda." Wuxuu intaas ku daray: "Taasi waa yoolka koowaad: in qiimaha saliidda iyo gaaska loo ilaaliyo heer jaban si ay awood ugu yeeshaan dadka Mareykanka ee dalka oo dhan."

Wuxuu sii raaciyay: "Kadibna, dabcan, yoolka labaad waa in la hubiyo in Iran aysan waligeed helin hub nukliyeer ah."

Vance wuxuu ka mid ahaa xubnihii ugu shaki badnaa ee maamulka Mareykanka marka laga hadlayay waxtarka weerarka Iran dabayaaqadii Febraayo 2026. Hase yeeshee, hadalladiisii ugu dambeeyay waxay u muuqdaan inay xaqiijinayaan habka taxaddarka badan ee Trump uu hadda doorbidayo, kaas oo ku salaysan in cadaadis dhaqaale oo xooggan lagu sii hayo Iran, iyadoo iska horimaadka milatari uu ka sii socdo Marin-biyoodka Hormuz.

Vance ayaa sidoo kale yiri: "Mararka qaar waxaan xoogga saarnaa dhinaca tamarta, sababtoo ah waxaan rabnaa in dadka Mareykanku awoodaan inay iska bixiyaan qiimaha saliidda iyo gaaska. Mararka kalena waxaan si cad xoogga u saarnaa dhinaca milatariga iyo barnaamijka nukliyeerka."

Vance wuxuu xaqiijiyay in Trump "ku jiro heerkii ugu sarreeyay ee awooddiisa, isla markaana uu haysto qalabyo badan oo diblomaasiyadeed, milatari iyo dhaqaale ah." Hadalladan ayaa yimid xilli warbaahinta Mareykanka ay soo sheegaysay in Trump uu wajahayo caqabadda ah in si degdeg ah ay u sii yaraanayaan kaydka noocyo gaar ah oo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah.

Go'aanka lagu xoojinayo cadaadiska dhaqaale ayaa sidoo kale yimid xilli waddadii diblomaasiyadeed ay u muuqato mid xanniban, iyadoo Washington iyo Tehran labaduba ku adkaysanayaan shuruudahooda u gaarka ah ee ku saabsan dib-u-furista Marin-biyoodka Hormuz.