You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaad kala socotaa heshiiska difaac ee seddex-geesoodka Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga
Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif, Taliyaha Ciidamada Asim Munir, iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga kula kulmaya Dhaxal-sugaha Boqortooyada ahna Ra'iisul Wasaaraha, Amiir Maxamed bin Salmaan; halkaas oo sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee AFP iyo Reuters lagu saxiixayo heshiis difaac oo saddex geesood ah oo u dhexeeya Pakistan, Turkiga, iyo Sacuudiga.
Wakaaladda wararka ee Faransiiska (AFP) ayaa la hadashay laba il wareed oo ka tirsan dowladda Sacuudiga.
Il wareed ku dhow dowladda Sacuudiga, oo xogta siiyay AFP, ayaa xaqiijiyay in heshiiska lagu saxiixi doono maalinta Jimcaha ee magaalada Jeddah oo ku taal xeebta Badda Cas.
Il-wareed kale oo ku dhow ciidamada Sacuudiga ayaa yiri: "Heshiiskan waxaa laga wada hadlayay muddo dheer, balse dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee gobolka ayaa dardargeliyay".
Sidoo kale, wakaaladda wararka (Reuters) ayaa xaqiijisay warkan iyadoo adeegsanaysa il-wareedyo kala duwan.
Inkastoo aan si rasmi ah looga hadlin arrintan, haddana Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa xaqiijiyay booqashada rasmiga ah ee Ra'iisul Wasaare Shehbaz Sharif uu ku tagayo Sacuudi Carabiya laga bilaabo 6 ilaa 8 Agoosto, isagoo sheegay in ay la socon doonaan wafdi heer sare ah, oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Field Marshal Asim Munir, Taliyaha Ciidamada Difaaca, iyo wasiirro kale oo federaal ah.
Sida laga soo xigtay Xafiiska Arrimaha Dibadda, kulanka Ra'iisul Wasaaraha uu la yeelan doono Amiirka Boqortooyada Sacuudiga iyo Ra'iisul Wasaaraha Amiir Maxamed bin Salman ayaa looga hadli doonaa arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danaha labada dhinac, marka lagu daro horumarinta xiriirka labada dhinac.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in inkastoo booqashadu ay dhacayso iyadoo la eegayo xiisadaha sii kordhaya ee gobolka Khaliijka, misna ay higsaneyso in la sii xoojiyo xiriirka labada dhinac, iskaashiga istaraatiijiyadeed, iyo isku-dubaridka arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Waxaa xusid mudan in Ra'iisul Wasaare Shehbaz Sharif iyo Field Marshal Asim Munir ay horey u joogeen Sacuudi Carabiya, iyadoo dhanka kalena Turkigu uu ku dhawaaqay booqasho hal maalin ah oo uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku tagayo Sacuudi Carabiya, taas oo ku cad jadwalkiisa rasmiga ah ee 7-da Agoosto.
Muddo dheer ayaa la hadal-hayay heshiiskan, waxaana bishii Janaayo ee sanadkan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, uu sheegay in wadahadallo ay u socdeen Pakistan, Turkiga, iyo Sacuudi Carabiya kuwaasoo ku saabsan iskaashiga dhanka difaaca, inkastoo aanu xilligaas jirin heshiis rasmi ah.
Fidan ayaa xilligaas sheegay in ujeeddada Madaxweyne Erdogan ay tahay "in la dhiso aasaaska madal ballaaran oo dhinacyo badan taabanaysa."
Kadib, bishii Janaayo, Wasiirka Dawladda u qaabilsan Wax-soo-saarka Difaaca ee Pakistan, Raza Hayat Haraj, ayaa xaqiijiyay in la diyaariyay qabyo-qoraalka heshiis difaac ah kadib sannad ay socdeen wadahadallo u dhexeeyay Pakistan, Sacuudi Carabiya, iyo Turkiga.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan wuu ka duwanaan doonaa heshiiskii amniga ee jiray ee u dhexeeyay Pakistan iyo Sacuudi Carabiya.
Waxaa la xasuusan karaa in bishii Sebtembar ee sannadkii hore, Pakistan iyo Sacuudi Carabiya ay saxiixeen 'Heshiis Istaraatiiji ah oo ku saabsan Difaaca Wadajirka ah' oo ku saabsan iskaashiga arrimaha difaaca iyo amniga, kaas oo 'gardarrada dibadda ee ka dhanka ah labada waddan loo tixgelin doono gardarro ka dhan ah labada waddan'.
Wararka ku saabsan saxiixa heshiis difaac oo saddex geesood ah ayaa imanaya xilli dheelitirka amniga iyo diblomaasiyadeed ee Bariga Dhexe uu si degdeg ah isu beddelayo oo ay samaysmayaan isbahaysiyo cusub.
Bakistaan ayaa dhawaan ku lug lahayd dadaallo diblomaasiyadeed si loo yareeyo xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, halka Turkigu uu door diblomaasiyadeed oo firfircoon ka ciyaarayay soo afjaridda dagaalka Gaza.
Heshiiskan la soo jeediyay ayaa sidoo kale loo arkaa mid muhiim ah marka la eego in Bakistaan ay tahay dawladda kaliya ee hubka nukliyeerka ku hubaysan adduunka Muslimiinta.
Sanadihii u dambeeyay, xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ayaa xoogaa soo hagaagay ka dib sanado uu xiriirku qaboobaa.
Xiriirka labada dal ayaa xumaaday ka dib dilkii weriyaha Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi, kaas oo ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul sannadkii 2018-kii. Waqtigaas, Erdogan ayaa arrintaas dusha ka saaray eedda dhaxal-sugaha Sacuudiga.
Mudadaas dhexdeeda, dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale isku dayday inay muwaadiniinteeda ka hor-istaagto inay u safraan Turkiga iyo inay isticmaalaan badeecadaha halkaas lagu soo saaro.
Dibad wax u hoofinta Turkiga ee loo diro Sacuudi Carabiya ayaa hoos uga dhacday 1.02 bilyan oo Riyaal ilaa 506 milyan oo Riyaal bishii Disembar ee 2019-kii. Hase yeeshee, laba sano ka hor, xiriirka labada dal ayaa si tartiib-tartiib ah u soo hagaagay.
Maxay Turkigu u doonayaan inuu isbahaysi dhanka difaaca ah la sameysto Pakistan iyo Sacuudi Carabiya?
Sida ay sheegeen khubarada dhanka difaaca, Turkiga iyo Pakistan ayaa horeyba isaga kaashanayay arrimaha difaaca.
Khabiirka dhanka difaaca Dr. Hassan Askari Rizvi, oo bishii Janaayo ee sanadkan la hadlayay BBC News Urdu, ayaa sheegay in Turkigu, inkastoo uu ku yaallo Yurub, uu sidoo kale dano ku leeyahay Bariga Dhexe iyo waddamada Carabta.
Isagoo la hadlayay BBC-da, ayuu Dr. Rizvi sheegay in Sacuudi Carabiya ay tahay awood weyn oo ka jirta Bariga Dhexe, inkastoo aysan Pakistan ku oollin gobolkan, haddana heshiiska difaac ee ay la gashay Sacuudi Carabiya ayaa kor u qaaday muhiimadda ay Pakistan ku leedahay gobolkaas.
Sida uu sheegay, Turkigu wuxuu sidoo kale doonayaa inuu "la shaqeeyo Pakistan iyo Sacuudi Carabiya xilliga ay jiraan qalalaasaha Bariga Dhexe iyo dhibaatooyinka gobolka".
Sida uu sheegay Mehmet Çelik, oo ah weriye ka tirsan wargeyska Turkiga ee 'Daily Sabah', Turkigu wuxuu danaynayaa inuu ku biiro ama ballaariyo heshiiska difaaca ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Pakistan.
Mehmet Çelik wuxuu goobjoog ka ahaa shirka jaraa'id ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga.
Isagoo la hadlayay BBC News Urdu bishii Janaayo ee sannadkan, wuxuu yiri: "Turkigu wuxuu aaminsan yahay in haddii Pakistan, Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Masar ay isugu yimaadaan hal madal, dhibaatooyin badan oo gobolka ka jira la xallin karo."
Wuxuu yiri: "Turkigu wuxuu aaminsan yahay in inta badan dhibaatooyinka gobolka ay sabab u tahay kalsooni-darro ka dhex jirta awoodaha gobolka, haddii kalsooni-darradaasna la meesha ka saarona, boqolkiiba 80 dhibaatooyinka gobolka la xallin karo".
Mehmet Çelik wuxuu sheegay in "isku-darka awoodda nukliyeerka ee Pakistan, awoodda dhaqaale ee Sacuudi Carabiya, iyo saameynta milateri iyo diblomaasiyadeed ee Turkiga uu ku leeyahay gobolka ay noqon karaan arrin wax ka hortagta khataraha (deterrent factor) isla markaana horseedi karta xasillooni ka dhalata gobolka."
Sidee buu Turkigu uga dhigi karaa heshiiskan mid aad u waxtar badan?
Waxaa jirtay xilli Turkiga loo arkayay mid ka mid ah waddamada ugu waaweyn ee hubka ka iibsada caalamka, balse hadda, iyadoo ay horumar sameeyeen warshadaha qalabka difaaca ee Turkiga, waddanku wuxuu u soo baxayaa inuu noqdo iibiye hub.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, qalabka difaaca ee Turkiga lagu sameeyay ayaa door muhiim ah oo wax ka beddelaya xaaladda dagaalka ka qaatay iska-horimaadyo kala duwan, taas oo soo jiidatay dareen caalami ah oo xooggan.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka (drones-ka) ee Turkiga lagu sameeyay ayaa door muhiim ah ka qaatay dagaallada ka socda Ukraine, Suuriya, Liibiya, iyo waddamo kale.
Mas'uuliyiinta Turkiga ayaa sheegaya inay 80 boqolkiiba baahidooda dhanka difaaca ka daboolaan gudaha dalka, taas oo ah sababta uu Turkigu u iibsado hub ka yar kan ay iibsadaan waddamada kale ee caalamku.
Shan shirkadood oo Turkiga laga leeyahay oo soo saara qalabka difaaca ayaa ka mid ah 100-ka shirkadood ee ugu waaweyn caalamka ee soo saara hubka iyo adeegyada milatariga.
Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SPRI) ayaa soo saaray liis kala-sarreysiin ah oo lagu soo bandhigayo 100-ka shirkadood ee ugu sarreeya dhanka bixinta qalabka difaaca iyo adeegyada milatariga sanadka 2024-ka.
Liiskan oo lagu saleeyay dakhliga ay shirkaduhu helaan, shirkadda Turkiga ee Esselsen ayaa ku jirta kaalinta 52-aad, Baykar ayaa ku jirta kaalinta 66-aad, halka Turkish Aerospace Industries ay ku jirto kaalinta 75-aad.
Shirkadda Machinery and Chemical Industry Corporation ayaa liiskan kaga jirta kaalinta 93-aad.
Ku darista shirkadaha Turkiga liiskan ugu dambeeyay ee SPRI waxay muujinaysaa in warshadaha difaaca ee Turkigu ay sii ballaaranayaan, isla markaana ay sii kordhayso saameynta Turkiga ee ganacsiga hubka caalamiga ah.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isku dayaya inuu ra'yiga dadweynaha u soo jiito dhankiisa isagoo ku doodaya in dalku uu gaaray heer uu isku filnaansho ka gaaro qaybta difaaca.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegaysa in horumarka qaybta difaacu uu ka turjumayo koritaanka Turkiga.