You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xaaladda Shaqaalaha Markabka diyaaradaha qaada ee Maraykanka ee sugan xeebaha Iiraan oo laga deyrinayo
- Author, Ana Faguy
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Kumannaan askarta Maraykanka ah oo in ka badan 250 maalmood ku sugan markabka diyaaradaha qaada ee USS Abraham Lincoln ayaa la sheegaya inay la tacaalayaan cunto yari, musqulaha oo kasii xumaanaya iyo daal faro badan, arrintan ayaa keentay in xildhibaanno Maraykan ah Pentagon-ka ka dalbadaan jawaabo ku aaddan, isla markaana ay maamulka Trump cadaadis ku saaraan joojinta dagaalka Iiraan.
Warbaahinta milatariga ayaa sheegtay in qaar ka mid ah askarta markabka ay isku dayeen inay badda isku tuuraan, iyadoo qoysaskuna ay walaac ka muujiyeen caafimaadka maskaxda ee askarta saaran markabka.
Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa Khamiistii sheegay in wararka laga sheegayo xaaladda markabka ay yihiin kuwo "marin habaabin iyo been abuur."
Markabkan ayaa California ka baxay bishii Nofeembar, isagoo markii hore ku wajahnaa Badda Koonfurta Shiinaha, balse markii dambe loo diray Bariga Dhexe ka hor weerarradii lagu qaaday Iiraan bishii Febraayo.
Hawlgalka markabka oo markii hore qorshuhu ahaa inuu dhammaado bishii May ayaa marar badan la kordhiyay. Weli lama shaacin taariikhda uu dib ugu laabanayo Maraykanka, balse warbaahinno kala duwan ayaa Khamiistii sheegay in Maraykanku qorsheynayo inuu markabka USS Abraham Lincoln ku beddelo USS George Washington.
Senator Richard Blumenthal oo laga soo doorto Connecticut ayaa warqad uu u diray Hegseth ku sheegay in markabka oo ay saaran yihiin ku dhowaad 5,000 qof, laga soo sheegay inay ka jiraan sahay yari, biyo wasakhaysan, dhibaatooyin tuubooyin, caafimaadka maskaxda shaqaalaha oo sii xumaanaya iyo nidaamka isgaarsiinta boostada oo ciladoobay.
Senator Ruben Gallego ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ku dalbaday in wafdi ka socda Congress-ka loo oggolaado inuu markabka booqdo si uu baaritaan ugu sameeyo xaaladda, isaga oo intaas raaciyey "ma jirto sabab loo diidi karo in la sameeyo arrintaas".
Warbaahinta CBS News oo BBC-da bah-wadaag la ah ayaa iyada oo xiganeysa laba ilo-wareed oo aan la shaacin soo werisay in horaantii bishan askari uu badda uga dhacay markabka, balse diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay soo badbaadisay. Waxaa loo qaaday qaybta caafimaadka, kadibna markabka ayaa laga dejiyay si uu u helo daryeel dheeraad ah. Xaaladda dhacdada ayaa weli baaritaan lagu wadaa.
Warbaahinta Military Times iyo Stars and Stripes ayaa iyaguna sheegay in qoysaska askarta ay sheegeen in dhowr askari ay ka fikirayeen inay badda isku tuuraan, sababo la xiriira muddada dheer ee ay badda ku jireen iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin oo sii adkaaneysa.
Qaraabada mid ka mid ah askarta ayaa BBC u sheegtay in askarigu uu ka dhacay miisaan gaaraya 65 rodol, oo u dhiganta 29 kiilo, tan iyo markii uu bilaabay hawlgalka. Qaraabadu waxay sidoo kale sheegtay in askarigu uu ogaaday in qaar ka mid ah askartu isku dayeen inay markabka ka boodaan.
Askari kale ayaa ka cabtay sawaxanka iyo gariirka joogtada ah ee ka dhasha matoorrada markabka iyo diyaaradaha kacaya iyo kuwa soo degaya. Qaraabadu waxay sheegtay in askartu aysan helin waqti ay dhulka ku tagaan ama ay maskax ahaan uga nastaan shaqada.
Xildhibaan Mike Levin oo kaso baxay California ayaa sheegay in xaaladaha laga soo sheegayo ay ka mid yihiin in aanu helin shaqaalaha qubeys ku filan, musqulo jaban, dharka oo aysan toddobaadyo iska beddelin iyo cunto aad u yar. Waxa kale oo la sheegay in mararka qaar aysan jirin saabuun, caday ama waxyaabo kale oo nadaafadeed.
Si kastaba, sarkaal ka tirsan ciidamada badda ayaa BBC u sheegay in aysan arkin koror ku yimid warbixinnada ku saabsan fikradaha isdilka ama isku dayga isdilka ee markabka. Wuxuu sheegay in xarumihii caadiga ahaa ee sahayda ay carqaladeeyeen dagaalladu, ayna ciidamada mudnaanta siinayaan gaarsiinta sahayda muhiimka u ah hawlgalka.
Sarkaalka ayaa sheegay in markabka hadda si joogto ah looga heli karo biyo nadiif ah, qaboojiye shaqeynaya iyo cunto caafimaad leh.
Hegseth ayaa isna sheegay in dowladda Maraykanku ay hubiso in markab kasta, shaqaalihiisa iyo taliyihiisuba ay helaan wax kasta oo ay awoodaan inay siiyaan.
Markii wax laga weydiiyay xaaladda ka jirta markabka Olivia Wales oo ah afhayeenad u hadasha Trump, ayaa wariyeyaasha u sheegtay in Hegseth iyo Trump labaduba ay ka go'an tahay in ciidamada Maraykanka la siiyo "agabka iyo khayraadka lagama maarmaanka u ah inay ka hortagaan khatar kasta oo Maraykanka soo wajahda".
Daraasad laga sameeyay 956 askari oo ciidamada badda Maraykanka ah, lana daabacay Janaayo 2025 ayaa muujisay in askarta ku jira maraakiibta ciidamada badda ay la kulmaan xaaladaha ugu daran caafimaad darrada dhanka maskaxda marka loo eego qaybaha kale ee ciidamada Maraykanka. Daraasaddu waxay sababaha ku sheegtay buuqa, xaaladaha nololeed ee adag iyo jadwallada shaqo ee culus, taas oo keeneysa in askartu aysan heleyn waqti ku filan oo ay ku nastaan.