Liibaan Cabdirisaaq: Calan-wadaha caalmiga ah ee reer Jabuuti oo BBC la hadlay

    • Author, Fatuma Maalim
    • Role, BBC Somali
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Calan-wade Liibaan Cabdirisaaq Axmed oo kasoo jeeda Jabuuti ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay dalka Jabuuti, xilli uu kasoo laabtay magaalada Salzburg ee dalka Austria oo Arbacadii isaga iyo garsoore Cumar Cartan iyo calan-wade kale oo Kenya ka socday ay taariikh ka dhigeen.

Ciyaartaas kama dambeysta ayaa ka tirsaneyd Super Cup-ka Uefa waxayna u dhexaysay Kooxaha PSG iyo Aston Villa, iyadoo guusha ay

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa markii labaad oo xiriir ah ku guuleystay UEFA Super Cup, kaddib markii ay 2-1 kaga adkaadeen Aston Villa.

Ciyaartaas waxaa garsoore ka ahaa garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdiqaadir Cartan, halka ay calan-wadeyaal ka ahaayeen Liibaan Cabdirisaaq oo Jabuuti kasoo jeeda, iyo Eliezer Stephen Yiembe oo isna Kenya kasoo jeeda.

Garsoore Cartan oo 34-jir ah ayaa noqday garsoorihii ugu Horreeyay ee aan Yurub u dhalan ee dhexdhexaadiya UEFA Super Cup.

Cartan waxaa horay logu diiday fursad uu kaga mid noqon lahaa garsooreyaasha Koobka Adduunka ee FIFA 2026.

Liibaan ayaa hore wuxuu uga qaybgalay Koobka Qaramada Afrika (AFCON), Ciyaaraha Olombikada Paris 2024, iyo Champions League-ga CAF.

Liibaan oo ah aabbe labo carruur ah leh, wuxuu ku dhashay dalka Jabuuti sanadkii 1992, halkaas oo uu waxbarashadiisa ku dhammeystay.

Inuu heerkan gaaro ma ahayn wax fudud. Mar uu la hadlayay BBC ayuu sheegay in markuu yaraa uu ku dadaali jiray waxbarashada, isla markaana uu ciyaaraha kubadda cag ee xaafadaha uu ka qeybeli jiray.

"Waan jeclaa garsoorka. Ciyaaraha xaafadaha iyo dugsiyada ayaan garsoor ka noqon jiray,"

Wuxuu sheegay in markii uu jaamacadda dhiganayay ay ku adkaatay nolosha, kadibna wiil saaxiibkiisa ah uu u sheegay inuu jiro tababare dhanka garsoorenimada cayaaraha, sidaasna uu uga faa'iideystay kana qeyb galay.

Sida uu heerkan caalamiga ah ku gaaray

"Warqad ayaan ku qortay dhammaanba heerarka garsoorenimada ee la maro. Maalin walna waan daawan jiray warqaddaas, si aan u xaqiijiyo dhammaanba heerarkaas," ayuu yiri Liibaan mar uu BBC uga warramayay sida uu heerkan kusoo gaaray.

Wuxuu sheegay inaysan fududeyn inuu ciyaaro heer caalami ah ka qeyb galo, balse uu muujiyay dadaal aad u badan.

"Waxaa igu adkaatay dhanka kharashka jaamacadda iyo tan qoyska, waxayna igu kalliftay inaad dhankaas garsoorenimada u weecdo oo aan jaamacadda isaga baxo. Waxaan isku dayay inaan dadaal dheer sameeyo si aan mustaqbalka heer uga gaaro," ayuu yiri.

Sanadkii 2014 ayuu sheegay inuu garsoorenimada cayaaraha uu aad usii dhex-galay, gaar ahaanna cayaaraha ka dhacayay Jabuuti, taasna ay aad u caawisay xirfaddiisa.

"Waqtigeygoo dhan oo aan geliyay, iyo inaan Ilaahay talo saartay ayaa ii suurto-geliyay inaan heerkan gaaro,".

Liibaan ayaa sheegay in sanadkii 2018 uu noqday garsoore heer caalami ah, uuna ka qeyb galay cayaaro ka dhacay Afrika.

Liibaan Cabdirisaaq ayaa sanadkii 2025 noqday calan-wadaha ugu fiican Afrika, kadib munaasabad ka dhacday Morooko halka Cumar Cabdulqaadir Artan la guddoonsiiyay abaalmarinta Garsooraha Ragga ee Sannadka 2025-ka ee CAF.

Wuxuu sheegay inuu rajeynayay inuu ka qeyb-galo cayaarihii Koobka Adduunka, balse aysan u suurto-gelin.

Liibaan ayaa aad ugu faraxsan inuu ka mid noqday garsooreyaashii dhexdhexaadinayay Super Cup-ka Uefa.

"Horta ciyaar waa ii ciyaar, oo meel walboo lagu qabanayo isku xeer baa loogu dhaqmaa. Balse tan waxay ii noqotay wax aan fileyn. Niyadda ma gelin inaan Yurub ciyaar ka dhexdhexaadinayo, laakiin Ilaahay ayaa qaddaray," ayuu yiri.

Wuxuu xusay inay u ahayd shucuur uusan qiyaasi karin markii uu dhex taagnaa garoonka Salzburg.

"Waxaan helnay akhbaar ah in aad loogu qancay cayaartii aan Arbacadii qabannay, wayna na dhiirri-gelinayeen waxayna inoo sheegeen inaan leennahay mustaqbal wanaagsan oo aan heer fiican gaari doonno,"

Wuxuu rajeynayaa inuu heer fiican ka gaari doono mustaqbalka cayaaraha. "Mustaqbalkeyga keliya kuma koobna halkan. Hadafkeyga ugu sarreeya waa halka ugu sarreysa oo ah Koobka Adduunka. Haddii uu Mareykanku inoo diido, maxaa inoo diidaya kan 2030 inaan ka qeyb-galno." Ayuu Liibaan hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.