You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Warar sheegaya in Trump uu ku dhex dhuuntay gaariga cuntada ee gudaha diyaarad sir ah cabsi laga qabay hanjabaadda Iiraan
- Author, Jessica Rawnsley
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Donald Trump ayaa si qarsoodi ah u beddelay diyaaraddii uu ku safrayay xilli uu ka soo ambabaxayay shir-madaxeedkii NATO ee ka dhacay Turkiga bishii hore, taas oo looga jawaabayay khatar suuragal ah oo kaga imaanaysay Iran, sida ay warbaahinta Maraykanku sheegtay.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa fuulay diyaaradda Air Force One iyadoo ay kamaradaha telefishinnadu duubayeen, ka hor inta aan si qarsoodi ah loogu gelin gaari weyn oo adeegga cuntada diyaaradaha ah oo kor loo qaaday, laguna qaadin diyaarad militari, iyadoo wariyeyaasha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad aysan ogeyn, sida uu sheegay wargeyska Washington Post.
Saraakiil ayaa u sheegay CBS News, oo ah bahwadaagta BBC-da ee Maraykanka, in Maraykanku uu helay xog muujinaysa khatar la rumaysan karo oo Iran ay gantaal ugu riddo diyaaradda. Aqalka Cad ma xaqiijin in diyaaradda si qarsoodi ah loo beddelay.
Trump ayaa horay u sheegay intii uu shirku ka socday Ankara in uu yahay "bartilmaameedka koowaad" ee Iran.
Tallaabadan qarsoodiga ah ayaa dhacday maalin kadib markii Maraykanku dib u cusboonaysiiyay duqeymaha milatari ee uu ka waday Iran, kaddib burburkii wadaxaajoodyadii u dhexeeyay Washington iyo Tehran ee lagu soo afjari lahaa dagaalka.
Trump ayaa Turkiga ku yimid diyaarad cusub oo Boeing 747-8 ah oo Qadar ugu deeqday Maraykanka, balse wuxuu ku dhawaaqay inuu dalka uga dhoofi doono Air Force One-kii hore "waqtiyadii hore awgood".
8-dii July, muuqaallo ayaa muujiyay isaga oo ka fuulaya diyaaradda madaxweynaha ee garoonka diyaaradaha Ankara. Balse sida uu sheegay Washington Post, waxaa markaas si qarsoodi ah loogu qaaday diyaarad militari oo ka yar nooca C-32A ah — oo ah Boeing 757 wax laga beddelay oo inta badan loo isticmaalo madaxweyne ku-xigeenka — iyadoo loo marayo gaari adeegga cuntada ah oo kor loo qaaday ilaa heerka diyaaradda, kana jiray dhinaca ka soo horjeeda meeshii uu ka fuulay.
Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa si gooni ah uga fuulay C-32A isagoo isticmaalaya jaranjarooyinka dibadda, si loo muujiyo in duulimaadku u socday sidii caadiga ahayd, sida uu wargeysku sheegay.
Weriyeyaasha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad ayaa fuulay Air Force One, waxaana la sheegay in loo sheegay inay xiraan daahyada daaqadaha. Ma aysan ogeyn in madaxweynuhu uusan mar dambe diyaaradda saarnayn.
Trump ayaa markaas u duulay UK isagoo ku sii jeeda Maraykanka, halkaas oo uu mar kale ka fuulay Air Force One-kii hore, waxaana la arkay isagoo diyaaradda ka soo degaya kaddib markii ay ku degtay RAF Mildenhall. Lama oga sida uu uga soo wareegay C-32A una raacay diyaaraddii hore.
Madaxweynuhu wuxuu markaas u wareegay Air Force One-ka cusub ee Qadar ugu deeqday Maraykanka, si uu ugu safro Washington.
Intii uu ku jiray duullimaadkaas, Trump ayaa la hadlay wariyeyaasha saarnaa diyaaradda, isagoo xusay khataraha ka imaanaya Iran, balse ma uusan sheegin in diyaaraddii hore si qarsoodi ah loo beddelay.
Markii la weydiiyay sababta wariyeyaasha loogu sheegay inay hoos u dhigaan daahyada daaqadaha diyaaraddii Turkiga ka soo duushay, Trump wuxuu yiri: "Sababtoo ah waxaad u badan tahay inaad ku jirto duullimaad khatar ah, sababtoo ah waxaan la macaamilaynaa dad aan wanaagsanayn."
Wuxuu sheegay in noloshiisa ay "mar walba khatar ku jirto", isla markaana uu yahay "lambarka koowaad" ee ku jira "liiska" Iran.
"Laakiin haddii aan anigu tago, idinkuna waad tagaysaan, sax?", ayuu yiri, isagoo raaciyay: "Waxaa laga yaabaa in maalin uun aad rabtaan inaad xirfaddiinna beddeshaan."
Agaasimaha isgaarsiinta Aqalka Cad Steven Cheung si toos ah uma xaqiijin, mana beenin wararka, balse wuxuu sheegay in Air Force One-ka cusub uu yahay "diyaarad casri ah oo heerkii ugu dambeeyay ah", oo lagu rakibay tallaabooyin amni oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo madaxweynaha iyo shaqaalihiisa.
Sirdoonka Maraykanka ayaa horay uga digay khatar gaar ah oo ah weerar lagu qaado Trump ama diyaaraddiisa, sida ay horey u werisay CBS News.
New York Times ayaa horay u sheegtay walaacyo amni oo la xiriira diyaaradda Qadar ugu deeqday, oo ay ku jiraan in Secret Service-ku uu Trump kula taliyay inuu beddelo diyaaradda markii uu ka soo laabanayay shir-madaxeedka NATO.
Dhowr wariye oo ka tirsan wargeyska ayaa loogu yeeray inay dhaartaan oo ay markhaati ka noqdaan arrintan. Wasaaradda Caddaaladda ayaa markii dambe BBC-da u sheegtay inay baarayso xog si sharci-darro ah loo dusiyay.
Maraykanku wuxuu bilo badan ku bixiyay inuu wax ka beddelo Boeing 747-8 oo qiimaheedu yahay $400 milyan, si loogu diyaariyo in madaxweynuhu isticmaalo. Diyaaradihii hore ee Air Force One waxaa ku rakiban tiknoolajiyad laser ah oo lagu indho-tiro gantaallada soo socda, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen CBS News. Lama oga nidaamyada amni ee diyaaradda Qatar ay ugu deeqday Maraykanka.
"Air Force One-ka cusub wuxuu si buuxda ammaan ugu yahay safarrada Madaxweynaha, balse dayrta waxaa lagu samayn doonaa casriyeyn iyo horumarin dheeraad ah, kuwaas oo qaadan doona qiyaastii hal bil," ayay Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad Karoline Leavitt ku sheegtay bayaan ay siisay CBS News.