Itoobiya: Muxuu yahay moos u ekaha la leeyahay gaajada ayaa looga bixi karaa?

Xigashada Sawirka, RBG Kew
Saynisyahannada ayaa sheegay in geedka enset, oo ah cunto aad looga isticmaalo Itoobiya, uu cunto heer sare ah u noqon karo loogana gudbi karo isbeddelka cimilada.
Geedkan mooska u ek ayaa quudin kara in ka badan 100 milyan oo qof oo ku nool dalalka cimiladoodu ay kulushahay, sida lagu ogaaday daraasad cusub.
Dhirtan ayaa inta badan laga aqoon gudaha Itoobiya, halkaas oo looga isticmaalo in laga sameeyo shurbad ama mishaari iyo rooti.
Baaritaankan ayaa waxaa lagu ogaaday in geedkan uu ka bixi karo meelo badan oo Afrika ka mid ah.
"Kani waa dalag runtii door muhiim ah ka cayaari kara wax ka qabashada haqab-beelka cuntada iyo horumarka la joogteyn karo," ayuu yiri Dr Wendawek Abebe oo ka tirsan Jaamacadda Hawassa ee ku taalla Awasa, Itoobiya.
Enset amaba "mooska bugta ah" waxay isu dhow yihiin mooska, balse waxaa keliya laga cunaa Itoobiya.
Dalaggan u ek mooska waa la cuni karaa, balse laamihiisa burka dheg dhegga leh iyo xididdadiisa ayaa la khamiirin karaa waxaana loo isticmaali karaa in laga sameeyo mishaari iyo rooti.

Xigashada Sawirka, RBG Kew
Enset waa cunto joogto looga isticmaalo Itoobiya, halkaas oo qiyaastii 20 milyan oo qof ay cunto ahaan ugu tiirsan yihiin, balse meelaha kale lagama beerto, inkastoo dalagyo ay isu dhow yihiin oo duurka ka baxa - oo aan la cuni karin - ay ka baxaan bariga fog sida Koofur Afrika.
Iyadoo la adeegsanayo daraasad beeraha ah ayaa waxay saynisyahannadu saadaaliyeen muhiimadda uu enset leeyahay afartanka sano ee soo socda. Waxay ogaadeen in dalaggan uu quudin karo ilaa 100 milyan oo qof uuna sare u qaadi karo haqab-beelka cuntada Itoobiya iyo dalal kale oo Afrikaan ah, sida Kenya, Uganda iyo Rwanda.
Dr James Borrell, oo ah baare ka tirsan Royal Botanic Gardens, Kew, ayaa sheegay in beeridda enset oo loo baxsado xilliyada adag ay sare u qaadi karto haqab-beelka cuntada.
"Wuxuu leeyahay waxyaabo runtii aan caadi ahayn oo u gaar ah oo ka dhigi kara dalag," ayuu yiri. "Xilli walba ayaad abuuri kartaa, xilli walba ayaadna guran kartaa waana mid xilliyadoo dhan la beeran karo. Taasina waa sababta ay ugu yeeraan geedka ka hortaga gaajada."
Itoobiya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee ay dalagyada badan ka baxaan, waxayna hoy u tahay qaxwaha iyo dalagyo kale oo badan.

Xigashada Sawirka, RBG Kew
Isbeddelka cimilada ayaa la sheegay inay si daran u saameyn karto tacabka iyo dalagyada quutul daruuriga ah ee Afrika iyo dalal kale.
Waxaa jira baahi badan oo loo qabo dalagyo cusub oo adduunku quudan karo, maaddaama aan ku tiirsannahay dalagyo kooban. Ku dhowaad kala bar dhammaan cuntada aan cunno waxaa laga sameeyaa saddex dalag - bariis, qamadi iyo galley.
"Waxaan u baahannahay inaan kuwo kala duwan ka dhigno dalagyada aan guud ahaan caalamka isticmaalno sababtoo ah ukumaheenna waxay haatan ku jiraan sallad aad u yar," ayuu yiri Dr Borrell.
Baaritaankan ayaa waxaa lagu daabacay barta Waraaqaha Baaritaanka Deegaanka.











