Sacdiyo Bajaaj oo xabsi 3 sano ah lagu xukumay, maxaa lagu sababeeyey

Xigashada Sawirka, Radio Risaala
Maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho ayaa xukun ku ridday gabar loo aro inay ka mid tahay dadka dhaqdhaqaaqa.
Sacdiyo Macallin Cali oo ku magac dheer Sacdiyo Bajaaj ayey maxkamadda gobolka Banadir ku xukuntay 3 sano oo xarig ah, ka dib markii dhegeysiga dacwadeeda la soo gabagabeeyey, ayadoo maxkamaddu ay sheegtay inay ku heshay dambiyadii ay xeer ilaalintu ku soo oogtay.
Sacdiyo oo muddo 70 maalmood ka badan ku xirnayd magaalada Muqdisho ayaa lagu eedeeyey kicin dadweyne, abaabul banaanbaxyo aan la fasaxin oo ka dhan ah xukuumadda iyo aflagaadeyn madaxda dalka.
Inkastoo qodobadaas lagu so oogay haddana waxaa lagu helay qodobka ku saabsan aflagaadada madaxda.
Qareennada difaacayey ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan. "Waxaan racfaan ka qaadaneynaa xukunka ka soo baxay maxkamadda gobolka Banaadir ee ka dhanka ah Sacdiyo Bajaaj" ayuu yiri Maxamed Sheekh Cusmaan oo ah qareenkii u doodayey. "Maxkamaddu waxay soo saartay xukun adag oo laga maarmi karay" ayuu sii raaciyey.
Bishii Abriil ayaa waxaa qabtay ciidamo ka tirsan nabad sugidda, waxayna inta badan ku xirnayd xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey inay baraha bulshada soo dhigtay macluumaad uu ka mid yahay sida xilalka maamulka gobolka Banaadir loogu qaybiyey qabaa'ilka, iyo inay abaabulaysay banaanbaxyo dadweyne oo ka dhan ah xukuumadda.
Qareennadeeda ayaa ku dooday in labadaas arrimood uusan midkoodna noqon karin fal dambiyeed marka la eego dastuurka Soomaaliya.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Dambi ma aha in laga hadlo xilalka ay dadku hayaan iyo jufooyinka ay ka soo jeedaan" ayuu yiri Maxamed Sheekh.
Qareenka labaad ee difaacayey Sacdiya oo la yiraahdo Cal Xalane ayaa isna ku dooday in dacwad oogeyaashu aysan keenin markhaatiyaal, ayadoo kiiska dhamaantiisna lagu saleeyey muuqaallo fiidiyow. "Qof walba oo la tuso fiidiyowyadaas fasiraad u gaar ah ayuu samaynayaa" ayuu yiri.
Dacwaddu intii ay socotay, sacdiya waxay ka hadashay xaalado adag oo soo food saaray muddadii ay xirnayd. Waxay sheegtay in markii ay warbaahinta u sheegatay in aysan cunto cunin la galiyey xabsi kaligeed ahmuddo 3 maalmood ah.loona diiday xaqa ay u leedahay inay tukato ama soo xaajooto.
"Markii aan weydiiyey sababta kaligey meel gooni ah la iigu xiray waxa la ii sheegay in sababtu tahay in aan warbaahinta la hadlay" ayey tiri.
Waxaa kale oo ay ku sheegtay fiidiyow ay duubtay ka hor intii aan la xirin in ay ka baqayso in la beegsado. Is difaacid awgeed inay u duubtay fiidiyowga ayey sheegtay, oo aysan ula jeedin wax hay'ad ah.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in macluumaadkaas ay soo dhigaysay baraha bulshada ay ahaayeen kuwo dhaawacaya sumcadda hay'adaha dawladda, ayna soo jiidatay warbaahinta caalamiga ah, kuwaasoo uu ku jiro wargayska The Guardian.
Qareennada u doodaya ayaa taa diiday. "Sacdiyo waxba uma qorto The Guardian, kamana mid aha tifaftirayaashiisa, sidaa darteed laguma eedeyn karo qoraalkaas" ayey qareennadu u sheegeen maxkamadda.
Go'aanka maxkamadda ayaa soo jiitay dad badan oo reer Muqdisho ah. Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey inay baraha bulshada soo dhigtay macluumaad uu ka mid yahay sida xilalka maamulka gobolka Banaadir loogu qaybiyey qabaa'ilka, iyo inay abaabulaysay banaanbaxyo dadweyne oo ka dhan ah xukuumadda.
Sacdiyo Macallin Cali ayaa ah gabar ku shaqaysata mootada Bajaajka oo lagu yaqaanno inay ka hadasho cabashada ay qabaan dawallada Bajaajayada .














