Georgia Mellon iyo Trump: Khilaaf furan oo ay adag tahay in la xalliyo

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock
Dalka Talyaaniga, dhowr qoraal ayaa laga sameeyay taasoo salka ku haysa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweyne Trump iyo ra'iisul wasaare Georgia Meloni.
Sawirrada, waxay u ekaayeen in Georgia Meloni ay tahay mid cusub. Waxaa la arkayey iyagoo ku maadsanaya waxa ay sameyn karto haweeney la furay.
Sawirada, Georgia Meloni waxaa lagu arkay iyadoo timaha usoo sameeysatay qaab cususb, oo qorsheyneysa fasax, tababar u qaadaneysa orodka marathon-ka iyo ku biirista barnaamij shukaansi.
Dabcan, mid ka mid ah sawirradaas run ma aha. Si kastaba ha ahaatee, kaftanku wuxuu soo jiitay daawadayaasha sababtoo ah wuxuu ka tarjumayay khilaafka siyaasadeed ee caanka ah ee u dhexeeya ra'iisul wasaaraha Talyaaniga iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Xiriirkoodu wuxuu kasii daray ka dib weerar afka ah oo furan ilaa aflagaado shaqsiyeed iyo dood bilihii la soo dhaafay.
Georgia waxaa loogu yeeray "saaxiibka Trump. Georgia waxay ahayd hogaamiyaha kaliya ee Yurub ee la siiyay kursiga hore ee xafladda dhaarinta Trump ka dib markii uu kusoo laabtay Aqalka Cad muddo xileedkiisii labaad.
Bishii May ee la soo dhaafay, waxay sidoo kale ahayd hogaamiyaha Midowga Yurub ee loo doortay inay booqato Aqalka Cad si ay u dejiso xiisadda ka dhalatay kordhinta canshuuraha Mareykanka ee alaabada macaamiisha ee Yurub.
Xiriirka dhow ee ay la leedahay Trump waxaa loo arkay inuu yahay xiriir diblomaasiyadeed oo waxtar leh - Midowga Yurub.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddana, Georgia waxa ku adkaatay inay maareyso dhaqanka aan la saadaalin karin ee Trump.
Xiriirkoodu wuxuu markii ugu horreysay u muuqday mid xun dabayaaqadii Maarso markii Wasaaradda Difaaca Talyaanigu ay ka mamnuucday diyaaradaha militariga Mareykanka inay isticmaalaan saldhig NATO ku leedahay Sicily.
Go'aankan wuxuu ka yimid Dastuurka Talyaaniga iyo diidmada qotoda dheer ee dadku u qabaan dagaalka.
Dhowr toddobaad ka dib, khilaafku wuu sii xoogeystay.
Trump wuxuu ku tilmaamay Baadari Leo XIV inuu yahay "mid daciif ah oo ku tah wax qabshada dambiyada oo aad ugu xun siyaasadda arrimaha dibadda.
Georgia, oo hoggaamisa waddan aad Katoolig u ah, ayaa weerarka afka ah ku tilmaamay "mid aan la aqbali karin.
Trump si fiican uma uusan qaadan arrintan; "Aad ayaan ula yaabay," ayuu u sheegay wargeyska maalinlaha ah ee Talyaaniga ee Corriere della Sera. "Waxaan u maleynayay inay geesiyad tahay, laakiin waan qaldanaa. ayuu yiri isagoo intaas raaciyay: "Lama soo dhaweynayo."
Si kastaba ha ahaatee, bishii Juun, arimuhu waxa y u muuqdeen inay soo hagaagayaan. Shir madaxeedka G7 ee Faransiiska, waxaa la sii daayay sawirro muujinaya Trump iyo Georgia oo ku fadhiya kursi.
Georgia waxay wariyeyaasha u sheegtay in jawigu "aad u wanaagsan yahay" oo uusan jirin "isku dhac".
Si kastaba ha ahaatee, ka hor inta aysan wariyayaashu dhammeyn qorista sheekada, wax walba way qaldameen mar kale.
Wareysi taleefan oo uu la yeeshay telefishinka fadhigiisu yahay Talyaaniga ee La7, Trump wuxuu ku yiri waa ay "I barisay. hadalkiisa lama maqleeyn, waxaa daboolay turjumaadda Talyaani ah."
"Waxay si quus ah u rabtay in ay sawir ila gasho," ayuu yiri, isagoo intaas raaciyay, "Sawiri lama geli lahayn, laakiin waan u naxariistay."
Georgia ma aysan sugin waqti dheer inay ka jawaabto. Wareysi muuqaal ah, waxay ku sheegtay in sheekada Trump ay "gebi ahaanba ay been abuur tahay."
"Ma garanayo sababta madaxweynaha Mareykanka uu sidan ula dhaqmayo xulafada," ayey tii Meloni, iyada oo intaas raacisay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee ay tani dhacdo.
"Waxa kaliya ee aan dhihi karo waa nasiib darro in Madaxweynaha Mareykanka uusan muujin go'aankiisa ay hayd in uu ka muujiyo cadowga reer Galbeedka iyo cadowga Mareykanka - laakiin taas bedelkeeda waxa uu ka shakisanayahay hoggaamiyeyaashooda, ."
"Laakiin waxa jira hal shay oo uu xasuusan doono, aniga iyo Talyaaniguba weligay ma baryi doonno.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga Antonio Tayani ayaa baajiyay safar la qorsheeyay oo uu ku tagi lahaa Washington.
Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella ayaa taleefanka kula hadlay Georgia si ugu u muujiyo taageeradiisa. La-hawlgalayaasha dowladda Mellon iyo sharci-dejiyeyaasha ayaa ku tilmaamay hadalladaas kuwo meel ka dhac ah oo mudan in raaligelin laga bixiyo, halka xubnaha mucaaradka ay ku cambaareeyeen inay yihiin kuwo aan la aqbali karin oo meel ka dhac ku ah dalka oo dhan.
Trump ayaa taageeray hadalkiisii Camp David, isagoo ku qoray barta Truth Social in ra'iisul wasaaruhu ay weydiisatay in isaga ay isla sawirto "si isdaba joog ah." Waxa kale oo uu ku eedeeyay Mareykanka inay isku dayayaan inay mar kale "asxaan u u falaan" Georgia ka dib markii ay "ka adkaadeen Iiraan militari ahaan."
In kasta oo khilaafku u muuqday inuu sii yaraanayo, haddana muran kale oo ku saabsan saldhigyada militariga ayaa dib u soo ifbaxay.












