Ma laga soo gudbay casrigii lagu dagaallami jiray taangiyada, maxaase beddelay?

Taangi

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Taangiyada iyo gaadiidka gaashaaman ee si culus u hubaysan ayaa si degdeg ah u luminaya muhiimaddoodii goobaha dagaalka ee u dhexeeya Ruushkaiyo Ukraine.

Arrintan waxaa sabab u ah isticmaalka baahsan ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee jaban balse aad u wax ku ool ah, gaar ahaan kuwa isticmaala fiilooyinka fiber-optic-ka, kuwaas oo ka hortaga in taangiyada iyo gaadiidka gaashaaman ay gaaraan jiidaha hore ee dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaanka Ciidanka Ukraine ayaa go'aansaday inay xaaladdan loo yaqaan "tabar-darrada taangiyada" wax ka beddelaan mustaqbalka dhow.

Colaadaha casriga ah ee dunida ka socda ayaa si isa soo taraysa isu beddelaya waxa loo yaqaan "dagaallada drones-ka." Drones-kan oo ah kuwo qiimo jaban isla markaana waxqabad sare leh, ayaa ka dhigaya hubka culus ee qaaliga ah sida taangiyada iyo gaadiidka gaashaaman kuwo sii luminaya waxtarkoodii hawlgallada dagaalka.

Qaar ka mid ah khubarada militariga ayaa xitaa ka hadlaya "dhammaadka xilligii taangiyada," iyagoo ku doodaya in taangiyadu yihiin hub ku habboonaa dagaalladii hore, halka colaadaha casriga ah ay ka bilaabeen inay ka beddelaan hanti militari una rogaan culays iyo khatar ku timaadda ciidamada isticmaala.

Hase yeeshee, aragtidan ma wadaagaan janaraallada Ukraine. Waxay aaminsan yihiin in taangiyadu wali door muhiim ah ku leeyihiin dagaallada casriga ah haddii la beddelo xeeladahooda dagaal, lana waafajiyo teknoolojiyada cusub ee dagaalka, gaar ahaan nidaamyada drones-ka iyo hababka casriga ah ee isku-dhafka ciidanka.

Isbeddelka nidaamka difaaca

In ka badan afar sano oo dagaal ah oo ka socday Ukraine ayaa si weyn u dhimay tirada taangiyada iyo gaadiidka gaashaaman ee labada dhinac.

Tusaale ahaan, qiyaasaha Taliska Ciidanka Ukraine ayaa muujinaya in ilaa 3-dii June, Rushka ay lumiyeen ku dhowaad 37,000 oo gaadiid gaashaaman. Tiradaas waxaa ku jira qiyaastii 12,000 taangi iyo 24,700 gaari dagaal.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhinaca kale, sida ay sheegayaan qiyaasaha mashruuca caalamiga ah ee falanqaynta militariga ee Oryx, Ukraine waxay lumisay ku dhowaad 6,000 oo gaadiid gaashaaman tan iyo markii dagaalku bilaabmay, kuwaas oo qiyaastii 1,400 ka mid ahi ay yihiin taangiyo.

Tirooyinkani waxay muujinayaan khasaaraha weyn ee gaadiidka gaashaaman ee labada dhinac soo gaaray muddadii dagaalku socday, inkasta oo qiyaasaha saxda ah ay kala duwanaan karaan iyadoo lagu salaynayo ilaha xogta iyo hababka loo ururiyo macluumaadka.

Kuwani waa tirooyin aad u waaweyn, kuwaas oo marar badan ka badan tirada guud ee taangiyada iyo gaadiidka gaashaaman ee ay leeyihiin qaar ka mid ah dalalka waaweyn ee Yurub sida Fransiiska iyo Jarmalka.

Hadda, si ay isaga difaacaan weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), ciidamada Russia iyo Ukraine ayaa lagu qasbay inay taangiyadooda iyo gaadiidkooda gaashaaman ku rakibaan dhismayaal bir ah oo waaweyn oo loo yaqaan "braziers" ama saqafka difaac.

Qaab-dhismeedkan birta ah waxaa lagu dhejiyaa korka iyo hareeraha gaadiidka gaashaaman si loo yareeyo suurtagalnimada in ay waxyeello ka soo gaarto drones-ka kor ka duula kuwaas oo bambaanooyin soo daadiya ama si toos ah ugu dhaca bartilmaameedka.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo difaacyadan ay caawin karaan ilaa xad, haddana waxay inta badan kordhiyaan miisaanka gaadhiga,yareeyaan dhaq-dhaqaaqiisa iyo awooddiisa maneuver-ka, mararka qaarkoodna hoos u dhigaan waxtarkiisa iyo awooddiisa dagaal.

Sidaas darteed, ciidamada labada dhinac waxay isku dayayaan inay helaan dheelitirnaan u dhexeysa ilaalinta ka dhanka ah drones-ka iyo ilaalinta awoodda dagaal ee taangiyada iyo gaadiidka gaashaaman.

taangi la saaray saqaf kore

Xigashada Sawirka, "Military Informant"

Gaadiidkan gaashaaman ayaa inta badan ah kuwo waaweyn, culus, isla markaana ay adag tahay in la dhaqaajiyo. Si kastaba ha ahaatee, ugu yaraan waxay kordhiyaan fursadda in ciidamada si nabad ah loogu gaarsiiyo goobaha dagaalka, xitaa ka dib marka ay ka badbaadaan weerarro badan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Laakiin tani waxay si weyn u saameysaa awoodda taangiyada iyo gaadiidka kale ee gaashaaman inay maraan dhulalka adag isla markaana ay si wax ku ool ah uga shaqeeyaan goobaha dagaalka.

Xaaladdan waxay dhacaysaa inkastoo taangiyada aan hadda si weyn loogu isticmaalin weerarro toos ah oo lagu qaado jiidaha hore ee dagaalka. Beddelkeeda, waxaa si badan loogu adeegsadaa difaac ama door la mid ah madaafiicda culus.

Habkan, taangigu wuxuu gantaallo ama madaafiic ka ridaa meelo qarsoon halkii uu si toos ah u beegsan lahaa cadowga. Taas macnaheedu waa in rasaasta lagu hago isku-duwayaasha (coordinates) khariidadda iyadoo gaadhigu uu ku sii jiro meel daboolan ama difaac leh.

Farsamadan ayaa yaraynaysa khatarta ah in gaariga la ogaado oo si degdeg ah loo weeraro, gaar ahaan dagaalka casriga ah ee u dhexeeya Russka iyo Ukraine, halkaas oo diyaaradaha drones-ka, raadaarrada iyo nidaamyada kale ee sahanka iyo sirdoonku ay si dhakhso leh u ogaan karaan meesha ay rasaasta ama gantaalku ka soo baxeen, kadibna ay hagaan weerarro.

Khubarada militariga iyo taliyeyaasha ciidamada ayaa aaminsan in la joogo waqtigii dib loo habayn lahaa nidaamyada difaaca taangiyada iyo qaabka loo isticmaalo dagaallada casriga ah.

Halkii lagu sii tiirsanaan lahaa hababkii hore, waxay soo jeedinayaan in la adeegsado teknoolojiyado cusub oo difaac, xeelado cusub oo dhaqdhaqaaqa ciidamada ah, iyo la-qabsi degdeg ah oo la jaanqaadaya dagaallada ay hoggaaminayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo nidaamyada casriga ah ee kormeerka iyo sahank