TOOS, Dhulgariirro xooggan oo isdaba joog ah oo ku dhuftay Venezuela

Laba dhulgariir oo waaweyn ayaa ku dhuftay caasimadda Venezuela ee Caracas kii koowaad wuxuu ahaa cabbirkiisu 7.2, kii labaadna 7.5.

Tebin toos ah

  1. Soomaalida iyo muwaadiniinta dalal kale oo laga mamnuucay inay galaan dal Afrikaan ah

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Dawladda saldhiggeedu yahay bariga dalka Libya ayaa soo saartay amar cusub oo mamnuucaya muwaadiniinta Soomaaliya, Suudaan, Eritrea, iyo Itoobiya inay galaan dalkaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Warbixin ay Reuters ka soo xigatay ilo dowladeed ayaa lagu sheegay in go'aankan looga gol leeyahay "in lagu xakameeyo gelitaanka ajaanibta ee Libya."

    Amarka ay soo saartay dowladda Libya ee fadhigeedu yahay magaalada Benghazi, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka, ayaa sheegay in "muwaadiniinta Soomaaliya, Suudaan, Eritrea, iyo Itoobiya laga mamnuucay inay soo galaan dhulka Libya iyagoo adeegsanaya dhammaan marinnada berriga, badda iyo hawada."

    Si kastaba ha ahaatee, amarku wuxuu ka reebayaa xubnaha safaaradaha iyo qunsuliyadaha iyo qoysaskooda, sidoo kale shaqaalaha ka shaqeeya waxbarashada iyo caafimaadka, haddii ay soo bandhigaan heshiis shaqo iyo rukhsad sharci ah oo ay bixiyeen hay'adaha ay khusayso.

    Dowladda Benghazi ee uu hoggaamiyo Osama Hammad ayaa xulufo la ah taliyaha militariga Khalifa Haftar, kaas oo maamula bariga Libya iyo qaybo badan oo ka mid ah koonfurta dalka.

  2. War deg deg ah, Madaxweynaha ku-meelgaadh ka ah ee Venezuela Delcy Rodríguez oo dhawaaqday xaalad degdeg ah

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali
    Delcy Rodríguez

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Delcy Rodríguez

    Iyadoo ay garab taagan yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Diosdado Cabello iyo walaalkeed Jorge Rodríguez oo ah madaxa Golaha Qaranka, waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah.

    Waxay sidoo kale magacawday jeneraal si uu u kormeero howlaha gurmadka degdegga ah.

    Rodríguez ayaa dalka si ku-meelgaadh ah u haysay tan iyo markii madaxweynihii ka horreeyay, Nicolás Maduro, ay ciidamada Mareykanka qabteen Janaayo, loona qaaday New York si loogu maxkamadeeyo eedeymo la xiriira ka ganacsiga daroogada.

    Khudbadeeda waxay si gaar ah ugu baaqday midnimo shacabka Venezuela.

    Waxay sidoo kale tacsi u dirtay dadka ay ehelkoodu ku dhinteen dhulgariirka, iyadoo aan sheegin tirada dhimashada.

    Garoonka diyaaradaha ee Maiquetía, oo ah kan ugu weyn ee caalamiga ah ee Venezuela, ayaa la xiray kadib markii uu soo gaaray “burbur culus” oo ka dhashay dhulgariirka, sida ay sheegtay Rodríguez.

  3. War deg deg ah, Natiijooyinka kulamadii ugu danbeeyay ee la ciyaaray Koobka Adduunka

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Ciyaartii ka dhacday BOSTON, MASSACHUSETTS

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciyaaraha heerka group-yada ee ugu dambeeyay, Brazil waxay si raaxo leh 3-0 ugu garaacday Scotland, taasoo ka dhigtay hoggaamiyaha group-ka iyadoo leh 7 dhibcood. Morocco, oo goolkii ugu horreeyay ciyaarta ay Haiti ka dhalisay isla markaana ilaa bartamaha qaybta labaad ku ku jirtay barbaro 2-2 ah, ayaa ugu dambayn 4-2 ku badisay, isla markaana sida Brazil oo kale waxay heshay 7 dhibcood.

    Brazil, Vinícius Jr. ayaa laba gool dhaliyay, halka Neymar uu ugu dambayn ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay ee wareega sideedda.

    Laba tartan ayaa isla mar la qabtay.

    Saacad ka hor, laba ciyaarood oo isku mar ah ayaa lagu ciyaaray Group B, Switzerland ayaa hoggaanka group-ka qabatay kadib markii ay ka badisay Canada, halka Bosnia ay kaalinta saddexaad gashay kadib markii ay ka adkaatay Qatar.

  4. War deg deg ah, “Waxaan mooday in dhismuhu dushayda kusoo dhacayo” weriye ka hadashay xaaladda dhulgariirka

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Caracas dhismayaal burburay iyo hooyo ilmo haysa oo murugsan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    “Waa dhulgariirkii ugu xoogga badnaa ee aan nolosheyda ku dareemo,” ayay tidhi weriye la shaqeysa BBC Mundo ah, Nicole Kolster.

    Waxay ku jirtay dabaqa 7-aad ee dhisme dabaqyo ah oo ku yaalla Palos Grandes, bartamaha caasimadda Caracas, markii dhulgariirku billowday.

    “Waxaan arkay daaqadaha oo dhaqaaqaya, waxa keliya ee maskaxdayda ku soo dhacayna waxay ahayd inaan istaago inta u dhexeysa albaabka hore iyo gidaar dhagax ah, kaas oo aan u arkayay inuu aad u adag yahay, si aan isugu dayo inaan is ilaaliyo,” ayay Kolster sheegtay

    Waxay halkaas ku sii nagaatay “muddo fiican,” ilaa ay maqashay deriska oo ku qaylinaya in qof walba uu u dego waddada.

    “Waxaan mooday in dhismuhu igu soo dumayo,” ayay tidhi.

  5. War deg deg ah, Wasiirka arrimaha gudaha ayaa dadka Venezuela ka codsaday inay guryahooda ka baxaan

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    caasimadda Venezuela

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Caasimadda Venezuela

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Venezuela, Diosdado Cabello, ayaa dadka ka codsaday inay guryahooda ka baxaan, sida ay AFP sheegtay. Cabello wuxuu sheegay in shidaalka/gaaska loo gudbiyo dhowr dhisme si taxaddar ahaan hore looga jaray.

    “Waxaan haynaa dhismayaal waxyeello soo gaadhay, mana doonayno in nooc kasta oo shil ah oo la xidhiidha gaas uu dhaco,” ayuu yidhi Cabello.

    Tani ma aha markii ugu horreysay ee caasimadda Venezuela ay ku dhacaan dhulgariirro waaweyn.

    Sannadkii 1967, in ka badan 200 oo qof ayaa ku dhintay markii dhulgariir cabbirkiisu ahaa 6.6 uu ku dhuftay Caracas, isagoo burburiyay dhismayaal ku yaallay xaafadda dabaqadda dhexe ee Palos Grandes iyo deegaanka dabaqadda sare ee Altamira.

  6. War deg deg ah, Dhul gariiro xoogan oo ku dhuftay dalka Venezuela iyadoo dhimanashada la saadaalinayo kumanaan in ay gaadho

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Venezuela

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Laba dhulgariir oo waaweyn oo ilbiriqsiyo gudahood isku xigay ayaa ku dhuftay caasimadda Venezuela ee Caracas kii hore wuxuu ahaa xooggiisu 7.2, kii labaadna 7.5.

    Dhismayaal ayaa dumay iyadoo dadka degganaa ay waddooyinka u soo baxeen, waxaana wasiirka arrimaha gudaha uu dadka ka codsaday inay guryahooda ka baxaan.

    Waxaa la filayaa khasaaro naf badan iyo burbur ballaadhan, iyadoo Hay’adda Sahanka Juqraafiyeed ee Mareykanka (USGS) ay sheegtay in ay jirto fursad 44% ah oo dhimashadu uga badnaan karto 10,000.

    Venezuela waxay u dabaaldegaysay fasax qaran, waxaana suuragal ah in dad badan ay guryahooda joogeen markii dhulgariirradu dhaceen saacadda 18:04 waqtiga maxalliga ah.

    Dhulgariirradu waxay ku dhufteen aagga Montalbán, galbeedka Caracas, waxaana laga dareemay ilaa Bogotá, Colombia.

  7. War deg deg ah, Esmail Baghaei: Iiraaniyiintu waxay og yihiin in nacaybka cadowgu uusan ku dhammaan doonin saxiixa is-afgaradka.

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei,

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa ka falceliyay isbeddellada la xidhiidha isfahamka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

    Sida uu sheegay Mr. Baghaei, “Maraykanku waligiis daacadnimo kama muujin hab-dhaqankiisa uu ku wajahayo shacabka Iiraan.”

    Qoraal uu ku daabacay shabakadda X, wuxuu ku yidhi: “Inkasta oo Iiraan ay sabab u lahayd shakigan, haddana waxay si niyad-sami leh u gashay habka diblomaasiyadda, waxayna saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu soo afjarayo dagaalka lagu soo rogay.”

    Baghaei wuxuu intaas ku daray: “Iiraaniyiintu waxay og yihiin in cadaawadda cadowgu aysan ku dhammaan doonin saxiixa is-afgarad, waxayna tallaabo kasta ku qaadi doonaan feejignaan, iyagoo tixgelinaya waayo-aragnimada 50-kii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan isbeddelladii dhacay sanad iyo badh-kii ugu dambeeyay.”

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale ku eedeeyay Maraykanka “hadallo is khilaafsan oo ku saabsan is-afgaradka lagu soo afjarayo dagaalka,” isagoo sheegay in hadalladani aysan wax ka tari doonin yareynta shakiga Iiraan, balse ay “kaliya xusuusinayaan jebinta ballanqaadyadii hore.”

  8. War deg deg ah, Trump: Iiraan waa inay ogolaato wax kasta oo aan rabo

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay habka isfahamka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

    Isagoo kula hadlayay warbaahinta Aqalka Cad, Trump wuxuu yirdhi: “Yaa filan lahaa in tani dhacdo? Waa xilli dagaal, Iiraanna si wanaagsan ayay u dhaqmeysaa. Waxay ogolaadeen wax kasta oo aan ka codsado, waana inay sidaas sameeyaan. Haddii kale, waxaan dib ugu laaban doonnaa oo aan samayn doonnaa waxa loo baahan yahay,” isagoo tixraacaya qiimaha saliidda oo ku dhow 70 doollar halkii foosto.

    Maalmihii ugu dambeeyay, kaddib kulankii ay Switzerland ku yeesheen kooxaha wada-xaajoodka ee Maraykanka iyo Iiraan, oo ay Pakistan dhexdhexaadisay, saraakiil ka kala socday labada dhinac ayaa soo saaray hadallo adag oo is khilaafsan.

  9. War deg deg ah, Maraykanka oo Turkiga ka iibinaya matoorro diyaaradeed oo qiimahoodu gaarayo boqolaal milyan oo doollar

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    KAAN

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sida ay Reuters sheegtay, maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa damacsan inuu hore u sii wado qorshe looga iibinayo Turkiga matoorro diyaaradeed ah oo qiimahoodu yahay boqolaal milyan oo doollar.

    Inkastoo ay jiraan xubno Kongareeska Maraykanka oo ka hor yimid, waxaa haddana loo arkaa talaabadan horumar weyn oo Ankara u soo hoyatay ka hor shir madaxeedka NATO ee bisha soo socota, sida ay Reuters u sheegeen afar ilo oo arrintan xog ogaal u ah.

    Matoorradan, oo ay soo saartay shirkadda General Electric, ayaa loo adeegsan doonaa diyaaraddaha KAAN, oo ah diyaaraddii dagaal ee ugu horraysay ee Turkigu sameeyo.

    Turkiga, oo xubin ka ah NATO, ayaa mashruucan weyn bilaabay sannadkii 2016 si uu iskaga filnaado dhinaca difaaca.

    Mid ka mid ah ilaha xogta bixiyay ayaa sheegay in heshiiskani uu ka badan yahay 700 milyan oo doollar, isla markaana la filayo in la soo gabagabeeyo maalmaha soo socda gudahood.

  10. War deg deg ah, Qarax ka dhacay Iraan iyo khasaare ka dhashay

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali
    Iraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shan qof ayaa ku dhaawacmay kadib qarax gaas oo ka dhacay deegaanka Pulur ee gobolka Mazandaran.

    Sida ay warbaahinta Iiraan sheegtay, Mojtaba Bandad Kermani oo ah madaxa shabakadda caafimaadka iyo daaweynta ee degmada Damavand, ayaa ka hadlay dhacdadan oo fiidnimadii Arbacada dhacday, isagoo sheegay in dhaawacyada soo gaadhay dadkaasi ay ahaayeen kuwo aad u daran, sidaas darteedna loo baahday in daaweyntooda lagu fuliyo Xarunta Takhasuska Gubashada ee Tehran, waxayna ciidamada gurmadku u qaadeen Tehran.

    Wuxuu intaas ku daray in xaaladda laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay aad u liidato, isla markaana ay dhakhaatiirtu wadaan dadaallo lagu xasillinayo xaaladdooda.