Sawirkii sababay in uu dhintay gabadhan ninkeeda

Xigashada Sawirka, Anne Sharon Hegnhof
Sannadkan Anne Sharon Hegnhof iyo ninkeeda oo u dhashay Denmark waxay u dabaal dagi lahaayeen toban sano guuradii midawgooda oo ay ku tilmaanay in uu ahaa xaalad jacayl, laakiin dhacdada 2018 ayaa soo xidhay riyooyinkii xafladdaas ka dib markii shil naxdin leh ay kula kulmeen fasaxii ay ku joogaan Spain.
Julaay 21, 2018, Anne iyo ninkeeda oo la odhan jirey Hegnhof oo ay weheliyaan dad kale oo ehelkooda ka tirsan ayaa fasax u aaday Spain. Qoyska Anne aad bay u farxeen sababtoo ah maalinta inteeda kale waxay ahayd wakhti farxadeed oo is dhexgal ah.
"Waxaan lahaan jirnay caado u gaar ah guurkayaga, sannad kasta waxaan u qoondayn jirnay waqti aan ku aadno dalal kala duwan oo adduunka ah. Markaa sannad kasta waxaan u socdaalnay ilaa shan jeer dalal kala duwan si aan ugu raaxeysano oo aan u wada joogno," ayay tiri Anne.
Sida ay sheegtay, waxa ay Spain soo galeen toddobaad ka hor shilkii wax ka beddelay nolosheeda. Iyada oo ay hal usbuuc ka hadhsan tahay ku soo laabashadooda Denmark, Anne waxa ay dib u xasuusataaa saacadihii hore ee maalintaas in ay qorsheeyeen in ay xeebta booqdaan.

Xigashada Sawirka, Anne Sharon Hegnhof
Laakin qorshahoodii ma noqon mid hirgala, ka dib markii ay wax isku badaleen dhanka badda. Anne waxay sheegtay in iyada iyo ninkeeda ay wada saarnaayeen hal baabuur halka qoyska intiisa kale ay wada saarnaayeen gaadhi kale.
"Goobtii aannu maraynay waxaa ka muuqday muuqaallo qurux badan, anigoo gaadhiga ku jira ayaan dibadda eegay, waxaan arkay muuqaal u eg mid ka mid ah magaalada aan ku dhashay ee ku taallay Kenya, waxaan bilaabay in aan u tilmaamo ninkeyga deegaankaas."
"Isaga oo iska qaadaya sawiro 'Selfie' ah, baabuurkana wuxuu ku socday tartiib tartiib. Laakiin si lama filaan ah, waxaan maqalnay jug weyn, markaas ayay nolosheydu is beddeshay," ayay tiri Anne.
Haweeneyda ayaa sheegtay in ay miyir doorsoontay laga soo bilaabo maalintii uu shilka dhacay ilaa laba toddobaad ka dib. Waxay jiiftay qaybta daryeelka degdega ah iyadoo miyir daboolan.
Markii hore, shilkaas waxa sababay gaadhiweyn oo jihadii ka lumay, isaga oo kaga dhacay halka ay Anne iyo ninkeeda ka fadhiyeen gaarigooda. Ninkeeda isla goobta ayuu ku dhintay, waxayna dhaawacyo ka soo gaareen ku dhawaad dhammaan xubnaha jirkiisa oo dhan.
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah ninkeeda ayaa isla goobta ku dhintay, balse haweeneyda ayaa xilligaas miyir doorsoontay, balse waxaa soo gaaray dhaawac halis ah oo qeyb ka mid ah caloosheeda ayaa dillaacday, gacanta iyo dhabarka iyo madaxana dhaawacyo ayaa ka gaadhay.
Sidii ay ku maqashay warka dhimashada ninkeeda
Laba isbuuc ka dib gabadhii ayaa miyirkii u soo noqday oo waxay ka baxday koomadii, wixii ugu horreeyey ee ay waydiisay dadkii ka ag dhawaa waxa uu ahaa aaway 'ninkaygii? Xilligaas ma ay ogayn xataa in ay weli lafteedu cisbitaal ku jirto.
Iftiinka aadka u daran ee ay arkaysay awgeed, waxa ay bilawday in ay la tacaasho in ay si toos ah u istaagto iyada oo isku dayaysay in ay iska saarto xadhko iyo tuubooyin badan oo jidhkeeda lagu xidhay oo qayb ka ah daawayntii la siinayey.

Xigashada Sawirka, Anne Sharon Hegnhof
"Markii aan miyirsaday weli maan garanayn meel aan joogo, waxa aan mooday in aan jannadii ku jiro," ayay tidhi
"Waa dhacdo aanan sifayn karin. Waan aamusay oo hadal ayaa igasoo bixi waayey, shaqaalihii waxay isiiyeen kombuyuutar yar oo aanugu qoro waxa aan weydiinayo, su'aashii aan waydiiyay waxay ahayd, aaway ninkaygii? Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa ii sheegay isla markiiba in ninkeyga uu ku dhintay shilka," ayay tidhi Anne.
Haweeneydan ayaa sheegtay in aysan rumaysnayn xogta ay ka helayso shaqaalaha, waxayna u sheegtay shaqaalaha in warkaas uusan ahayn mid sax ah.
Dhanka kale, iyadoo weli isbitaalka ku jirta, Anne waxay sheegtay inay la kulantay qof soo booqday oo ka mid ah dadka ay isku dhow yihiin, iyadoo sheegtay inay la yaabtay sida ay isbitaalka ku tagtay.
Anne waxa ay sheegtay in ay bilawday in ay waydiiso in ninkeedu run ahaantii dhintay iyo in kale, iyada oo ilmaynaysa ayay u sheegtay in ay run tahay oo aanay mar dambe ooyin.
Anne ninkeeda waxaa loo yaqaanay magac kale, Yen, saaxiibkiis ayaa u sheegay in Yens uu joogo meel nabdoon, wuxuuna sii waday inuu u qalbi qaboojiyo isagoo siiyay mid ka mid ah heesaha uu ugu jecel yahay si uu ugu qaboojiyo.
Waxay ahayd dhacdooyin si degdeg ah u dhacayay oo Anne garan wayday wax ay samayso.
"Saaxiibkay waxa uu ii sheegay in sababta uu u yimaado cisbitaalka ay tahay si uu iigu matalo aqoonsigayga, maadaama markii uu shilku dhacayay aanan haysan wax shahaado ah oo caddaynaysa qofka aan ahay".
Anne ayaa sheegtay ka hor intii aysan ka tagin Spain waxa ay dalbatay fursad ay ku aragto meydka seygeeda oo ku jiray qolka meydka, codsigaas oo la aqbalay.
In kasta oo aanay socon karin, haddana waxa ay ku tagtay kursiga curyaanka, waxaana loo diray qolka maydka si ay u aragto ninkeeda. "Waa mid ka mid ah maalmaha noloshayda ugu xusuusta badan," ayay tidhi Anne.
Markii ay soo gashay qolka meydka ee ninkeeda ku jiray, Anne waxay sheegtay in ay waydiisatay wakhti ay kula fadhiiso oo ay la hadasho markii ugu dambaysay. Laakin adeegayaashii ayaa u sheegay in aysan aqbali doonin dalabkiisa xaaladiisa nafsiga ah awgeed.
Markii dambe waxaa bilowday qorshe ah in Anne iyo maydka ninkeeda loo qaado Denmark, waxaana ugu dambeyntii lagu soo qaaday diyaarad caafimaad oo ka timid Spain.
Anne ayaa sheegtay in intii ay ku jirtay cisbitaalka Spain, waxaa lagu sameeyay 16 qalliin oo looga sameeyay qaybo kala duwan oo jidhkeeda ah balse aan dhabarkeeda la taaban.
Ninkeeda wuxuu haystay dhalashooyiinka dalalka Sweden iyo Denmark, waxaana sida ay haweeneydaas sheegtay ninkeeda uu sameeyay dardaaran ah in hadii uu dhinto maydkiisa loo soo celiyo Sweden.
"Ninkaygu waxa uu ahaa dhakhtar, waxa uu ahaa qof aad u guur-guura, waxa jirtay mar uu ii sheegay in haddii aan maalin uun safro oo aan awoodi waayo in aan dalka ku laabto, waxa aan door bidayaa in maydkayga lagu celiyo Sweden. Waxaan dareemay inay muhiim tahay inaan ixtiraamo rabitaanka ninkeyga."
Ugu dambayntii Anne waxay ku hoggaamisay bulshada, ninkeedii dhintayna maydkiisa ayey gubaan si waafaqsan rabitaankeeda, ugu dambaynna hadhaaga waxa loo soo qaaday Sweden.
Anne waxa ay sheegtay in aanay fududayn in la aqbalo dhacdadaas shilka ah oo kale oo gebi ahaanba nolosheeda bedeshay.

Xigashada Sawirka, Anne Sharon Hegnhof
Anne waxay ku dhalatay dalka Kenya, halkaas oo hooyadeed ay haysato dhalasho Kenyan ah, aabaheedna uu yahay muwaadin Tanzanian ah. Waxbarashadeeda waxa ay ku qaadatay ilaa ay ka qalin jabisay jaamacad ku taal dalka Kenya.
Anne ayaa sheegtay in waalidkeed ay ku dhinteen shil ayna ahayd agoon. Ayeeyadeed ayaa soo korsatay oo iyada lafteeduna dhimatay ka hor intii aysan qaan gaadhin.
Waxay ninkeeda Yens kula kulantay cusbitaal ku yaal Nairobi xilli ay booqanaysay saaxiibbadeed oo xanuunsan. Dhanka kale ninkeeda waxa uu ka shaqaynayey dhakhtarnimo in muddo ah.
Jaceylka ayaa sii xoogeystay ilaa ay is guursadeen 2011. Anne ayaa sheegtay inay doorbiddo badanaa in ay booqato xarunta agoonta si ay uga qayb qaadato noloshooda maadaama ay fahantay kalinimada iyo dhibaatooyinka la socda agoonta.














