Faysal: 'Anigoo lows iibinaya ayaan xilliyada qaar ardada aan isku iskuulka nahay jidka isku arki jirnay, ka dibna yaxyax ayaan dareemi jirey'

Xigashada Sawirka, Feysal Cabdi
Qisooyinka sanad kan laga diiwan galiyay ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda Ummadda ee magaalada Muqdisho, waxaa kamid ah sheeko ku saabsan wiil dhalinyaro ah oo caruurnimadiisii, isaga iyo qoyskiisuba ay ka soo barakaceen gobolka Bay, nololna ay ka billaabeen xeryaha dadka gudaha ku barakacay uu markii dambe isagoo dariiqyada Muqdisho lows ku iibiya uu ka qalin jabiyay Jaamacadda.
Feysal Cabdi Isaaq waxa uu lowska iibintiisa billaabay isagoo fasalka sedexaad ee dugsiga hoose ku jira, illaa uu jaamacadda ka galayna shaqadaas galin ayuu qaban jiray si qoyskiisa uu u caawiyo, halka galinka kale uu waxbarashada aadi jiray.
"Sannadkii 2010-kii aniga oo todobo jir ah ayaan waxbarashada billaabay. Waxaana ka billaabay dugsi la yiraahdo Tawakal oo teendho ka sameysnaa, kaas oo ku yiilley agagaarka Digfeer", ayuu yiri Faysal oo BBC-da uga warramay halgankiisi nolosha.

Xigashada Sawirka, Feysal Cabdi
"Markii aan 3 sano waxbarashada wadey, waxaan billaabay in aan labada gelin midna shaqeeyo midna waxbarto. Iskuulka waxaamn dhigan jirey subaxii, halka galabtiina aan lows wareejin jirey," ayuu yiri Faysal oo intaas ku daray in ay waalidiintiis lowska u sii diyaarin jireen inta uu iskuulka ku maqan yahay.
"Xilligaas aan waddooyinka Muqdisho lowska ku wareejin jirey wuxuu ahaa mid aad u halis badan, waxaana magaalada ka dhici jirey qaraxyo sidaas oo ay tahayna marna uma joojin. Marka aan guriga ka soo baxayo waalidkey ayaa ii duceyn jirey, aniguna inta aan tukado oo Qur'aan iyo atkaar akristo ayaan shaqo tagi jirey," ayuu yiri Faysal oo ka sheekeynaya xaaladdii amni ee magaalada ka jirey mudadii uu waxbarashada iyo shaqada iskuwadey.

Xigashada Sawirka, Feysal Cabdi
Faysal daruufo adag ayuu wax ku soo baray, maadaama si ka duwan ardada kale ee ay isku jiilka ahaayeen, uu isku wadey shaqo iyo waxbarasho. Wuxuuna mar uu ka hadlayey waxa uu dareemi jirey marka asaga oo lows wareejinaya ay waddo isaga soo hor baxaan arday isku dugsi yihiin yiri:
"Xilliyada qaar waxaa dhici jirtey in aan jidka isku aragno ardada aan isku iskuulka nahay, ka dibna yaxyax ayaan dareemi jirey. Haddana waxaan nafteyda u sheegi jirey in aan ahayn nin shaqeysanaya, shaqaduna aysan ceeb ahayn. Markaasna yaxyaxii uu iga bixi jirey."
Faysal wuxuu sheegay in muddo yar ka dib kasbaday ixtiraamka ardaydii fasalkiisa iyo guud ahaan dusgiga oo ku bogaadiyey kartidiisa, maadaama uu labada gelin ee maalintiisa u qeybiyey shaqo iyo waxbarasho.
Faysal dadaalka iyo dhabar adeyga uu muujiyey ugu dambeyntii wuu ka libkeenay oo wuxuu dhammeeyey dugsiga sare, ka dibna wuxuu billaabay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU) oo uu dhawaan ka qalinjabiyey.

Xigashada Sawirka, .
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddaba si aan wax badan uga ogaanno waxbarashadii jaamacadeed Faysal, BBC-du waxay la xiriirtey Prof. Cabdulqaadir Maxamed Xasan (Dhicisow) oo ah Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU). Wuxuuna isagoo waayihii Faysal ee Jaamacadda ka hadlkaya yiri:
"Feysal Cabdi Isaaq wuxuu ka mid ahaa ardaydii jaamacadda iska diiwaangelisey sannad waxbarasheedkii 2021-2022, wuxuuna qalin jabiyey qaybta Cilmiga Bulshada 2025-2026. Intii uu nnala joogey afar sanoi iyo dheeraad wuxuu muujiyey karti iyo dadaal aad u faro badan. Isagoo aad u ilaaliyey in uu wakhtiga dhowro. Waxaana oran karaa waxa ugu weyn ee guusha u horseeday waa in u uku mitiday in uu saacadaha waxbarashada jaamacadda ilaaliyo."
Professor Dhicisow oo sii hadlayey wuxuu sheegay in Faysal ka mid ahaa 10 arday ee ugu sarreeya marka la eego natiijada imtixaanka qaybtiisa waxbarasho ee social work. Taas oo uu ku tilmaamay guul wax ku ool ah marka la eego daraafaha nololeed ee ku gedaamnaa.
Faysal Cabdi Isaaq mar wax laga weydiiyey halka uu hiigsanayo wuxuu sheegay in uu noilosha rejpo fiican ka leeyahay, islamarkaana uu doonayo in uu helo shaqo u uku maareeyo noloshiisa iyo tan qoyskiisaba. Wuxuuna ku boorriyey dhallinyarada ka soo jeeda qoysaska ay isku daruufaha yihiin in aysan ka quusan nolasha, islamarkaana ay ku dadaalaan waxbarashada, maadaama ay tahay wadiiqada qur ah ay uga bixi karaan saboolnimada.
Faysal mar uu ka hadlayey cidda ku dhiirrigelisey waxbarashada, wuxuu soo hadal qaaday dad badan oo samejecle ah, wuxuuse gowska ku qabsaday dardaaran uu kala haray aabbihiisi geeriytoodey, kaas oo ku dhiirrigeliyey in uusan xammaali meel ku gaareyn, sidaad darteed uu qalinkiisa wax ku keensado.














