Cabdi Daysane oo BBC uga warramay guusha uu ka gaaray doorashada Minnesota

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Cabdi Daysane ayaa ku guuleystay doorashada hordhaca ah ee xisbiga DFL, isagoo u tarmamayay kursiga Degmada 14A ee Aqalka Wakiillada - oo matalaysa qaybo ka mid ah magaalada St. Cloud - ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Daysane oo u gudbay doorashada guud ayaa helay 2,262 cod, oo u dhiganta 62.52%, isagoo ka adkaaday Paul R. F. Schumacher, oo helay 1,356 cod, ama 37.48%.
Daysane, oo ah ganacsade iyo hoggaamiye bulshada ah oo ku nool magaalada St. Cloud, ayaa doorashada hordhaca ah galay isagoo haysta taageerada iyo ansixinta xisbiga DFL. Guushiisa ayaa siisay magacaabista xisbiga, taasoo u gogol xaaraysa inuu u tartamo doorashada guud.
Natiijada doorashada hordhaca ah waxay Daysane u tahay tallaabo muhiim ah, waxaana uu hadda diiradda saari doonaa doorashada guud iyo ololaha ballaaran ee ka horreeya.
"Waa kursigii ugu horreeyay ee qof Soomaali ah amaba xitaa qof madow ah uu ku guuleysanayo. Badanaa ma aha kuraasta ay Dimuqraadiyiintu kusoo baxaan, oo Jamhuuriyiinta ayaa u badan," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dadaalkii bilooyinkii badnaa ay soo wadeen ay ka miro-dhaliyeen.
"Waxaan dareemayaa inay tahay guul la wada leeyahay oo dad badan ay ku lug lahaayeen. Waxaan noqday qofkii ugu codka badnaa, farxad gaar ah ayayna ii tahay,".
Cabdi ayaa sheegay in dhowr iyo toban bilood ay ku jireen olole, dadaal iyo albaab-garaac badan oo ay ku codsanayeen in loo codeeyo.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Daysane, oo horay ugu tartamay kursigan balse looga adkaaday doorashadii 2024, ayaa helay 62.52% codadka, iyadoo dhammaan 18-ka goobood ee codbixintu ay natiijooyinkooda soo gudbiyeen. Schumacher ayaa helay 37.48% codadka, sida ku cad natiijooyinka hordhaca ah ee aan weli rasmi noqon, kuwaas oo guddiga xaqiijinta codadka uu dib u eegi doono Jimcaha, 14-ka Agoosto.
"Waxaan rajeynayaa in wixii ka dhacay Minnesota darteed ay dadka ka daaleen xisbiga Jamhuuriga, waxaana aaminsanahay in xisbiga Dimuqraadiga uu wax badan ka beddeli doono siyaasadda magaaladan" ayuu yiri Cabdi.
Degmadan waxaa tan iyo 2022 matalayay xildhibaanad Bernie Perryman oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga kana soo jeedda St. Cloud. Perryman, ayaa se hadda u tartamaya kursiga Senate-ka ee uu hayo Senator Aric Putnam oo ka tirsan DFL, kana soo jeeda St. Cloud.
Doorashadii 2024, Perryman ayaa mar kale loo doortay kursiga iyadoo heshay 56.31% codadka, halka Daysane uu helay 43.46%.
Madaxweynaha Golaha Deegaanka ee St. Cloud Mike Conway ayaa isna ku guuleystay doorashadii hordhaca ahayd ee Xisbiga Jamhuuriga ee isla Degmada 14A, isagoo ka adkaaday musharraxii xisbigiisu ansixiyay bishii Febraayo.
Guddiga xaqiijinta natiijooyinka doorashada ee degmada Stearns ayaa Jimcaha dib u eegi doona oo xaqiijin doona natiijooyinka doorashada hordhaca ah.
Conway iyo Daisane ayaa ku kulmi doona doorashada guud ee 3-da bisha Nofembar.

Xigashada Sawirka, Abdi Daisane
Degmada 14A waxaa ka mid ah St. Augusta iyo qaybo ka mid ah St. Cloud, Waite Park, iyo St. Joseph. Cod-bixiyayaashu ma aysan dooran wakiil cusub oo matala degmada muddo afar sano ah.
Cabdi Daysane ayaa aaminsan inuu ku guuleysan karo doorashada guud, uuna codad ka heli doono xisbiga Jamhuuriga qudhooda.
"Minnesota hadda way is beddeleysaa, xitaa gobollada waaweyn waxay dareemayaan inuu sicir barar jiro. Waxay inoo suurtogelin doontaa inay dadku ina fahmaan oo ay ina doortaan." Ayuu yiri.
Madaxweyne Donald Trump ayaa dhammaadkii sanadkii hore bilaabay howlgallo xooggan oo ay fulinayaan ciidamada ICE oo lagu bartilmaameedsanayo bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo dhan, iyadoo ay weheliyeen hadallo siyaasadeed oo xooggan iyo joojinta Xeerka Ilaalinta Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee muwaadiniinta Soomaalida.
BBC-du waxay diiwaangelisay cabsi baahsan, is qarinta bulshada, iyo iska caabbinta maxalliga ah ka dib tallaabooyinkan federaalka ah.















