Sii daynta gaasku waa arrin caadi ah, qofka caadiga ahna wuxuu gaas sii daayaa qiyaastii 5 ilaa 15 jeer maalintii. Dhab ahaantii, in aad maalin gaar ah gaas badan sii dayso waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa caafimaad wanaagsan, haddii aan la tixgelin raaxo-darrada ama xishoodka ay taasi keeni karto.
Sababtu waxay tahay in cuntooyinka keena gaaska ay badanaa yihiin karbohaydraytyo iyo cuntooyin hodan ku ah fiber, kuwaas oo jirkaagu aanu si buuxda u burburin karin, balse bakteeriyada ku jirta mindhicirka ay dheefshiidi karaan.
Haddaba, cuntooyinkee ayaa kaa dhiga in aad gaas badan sii dayso, maxaa gaaskaaga ka dhiga mid ur xun leh, iyo goorma ayay tahay in aad dhakhtar la tashato?
Suuriya oo sheegtay in duqeyn ay Israa’iil ka fulisay meel u dhow Dimishiq ay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Suuriya ayaa cambaareysay weerar ay Israa’iil ku qaadday tuulada Beit Jinn, oo ku taalla koonfur-galbeed caasimadda dalka ee Dimishiq. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in weerarku haleelay gaari rayid ah, isla markaana ay ku dhaawacmeen dhowr qof.
Weerarku wuxuu ahaa weerarkii labaad ee la xaqiijiyay ee Israa’iil ay Suuriya ka fuliso toddobaad gudihiis, iyadoo Suuriya ku tilmaantay “xadgudub” ka dhan ah madax-bannaanideeda iyo sharciga caalamiga ah.
Qoraal uu milatariga Israa’iil soo dhigay barta X ayuu ku sheegay in ay beegsadeen “argagixiso” oo ku jiray “marxaladihii ugu dambeeyay” ee diyaarinta weerarro, kuwaas oo khatar degdeg ah ku ahaa askarta Israa’iil.
Dhacdadan ayaa timid maalmo kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Israa’iil ay duqeysay saldhig ciidan oo ku dhow xadka Turkiga. Suuriya waxay sheegtay in weerarkaasi uu khatar ku yahay inuu sii kordhiyo xiisadda gobolka.
Kadib weerarkii hore, Washington ayaa si aan caadi ahayn u cambaareysay Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay “xaalad sii xumeyn ah oo aan loo baahnayn, taas oo aan waxba ka tarayn xasilloonida gobolka.”
Wareysi uu Jimcihii bixiyay, safiirka Maraykanka u fadhiya Turkiga, Tom Barrack, ayaa soo jeediyay in weerarkaasi uu noqon karo “Israa’iil oo Turkiga dabin u dhigaysa”, iyadoo isku dayaysa inay Turkiga geliso dagaal ka hor doorashooyinka soo socda ee Israa’iil.
Hadallada Barrack ayaa ka careysiiyay wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ee garabka midigta fog, Israel Katz, kaas oo sheegay in hadalkiisa uu “ka buuxo khaladaad.”
Katz ayaa qoraal uu ku soo dhigay barta X ku sheegay in ciidamada Israa’iil ay tallaabooyinka qaadeen “iyagoo ka duulaya xog sirdoon oo cad oo ku saabsan ujeeddooyinka Turkiga.”
Trump oo mar kale Marinka Hormuz ku tilmaamay inuu yahay “dhul Mareykan ah”
Xigashada Sawirka, realDonaldTrump
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa baraha bulshada soo dhigay sawir khariidad ah oo muujinaya Marinka Hormuz, kaas oo dusha looga qoray erayada “Dhulka Cusub ee Ameerika.”
Sawirka uu Trump soo dhigay, ayaa weedha “Dhulka Cusub ee Ameerika” waxay ku qoran tahay qaybta sare ee khariidadda, halka Marinka Hormuz lagu calaamadeeyay goobo wareegsan.
Qoraalkan ayaa yimid kadib hadallo uu Trump dhawaan ka jeediyay Marinka Hormuz. Horay ayuu u yiri: “Waxaan hadda ku dhawaaqayaa in Marinka Hormuz uu yahay dhul Mareykan ah.”
Hadallada iyo qoraalka cusub ee Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli Marinka Hormuz uu weli yahay mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, iyadoo dhaqdhaqaaqa maraakiibta shidaalka iyo maraakiibta ganacsiga ee marinkaasi uu si weyn u xaddidan yahay.
Marinka Hormuz waa marin-biyood caalami ah oo ay labada dhinac ka wadaagaan Iran iyo Cumaan, waxaana halkaas mara qayb weyn oo ka mid ah dhoofinta shidaalka iyo gaaska ee gobolka.