Ragga iyo Dumarka: Haweenka la wareegay shaqadii qabuuraha ee ragga laga sugayay

Dumarka qabuuraha ka shaqeeya ee gobolka Kano
Published

Dad badan layaab ayay ku noqoneysaa marka ay maqlaan in haweeney ay ka shaqeyso qabuuraha.

Balse arrintan waxa ay caadi ka tahay deegaanno ka tirsan gobolka Kano ee waqooyiga dalka Nigeria, halkaasoo ay dumar badan usoo shaqo tagaan barxadaha ay ku yaallaan qabuuraha.

Howsha ay qabtaan waa inay dhulka banneeyaan si uu u soo baxo boos qabri laga qodo oo meydadka loo sii diyaariyo.

"Muddo ayaannu u sheegeynay ragga inay dayactiraan qabuuraha oo ay cawska ka guraan bulse wax natiijo ah waannu ka weynay, sidaas darteed annaga ayaa go'aan ku gaarnay inaan shaqadaas la wareegno," ayay dhaheen mar ay la hadleen BBC-da laanteeda Pidgin.

Hajia Raliya Yahaya, oo ah madaxa Ururka Haweenka Muslimiinta ah, ayaa u sheegtay BBC Pidgin inay afar saacadood ku bixiyaan dayactirka qabuuraha Wailari, xilliga dabayaaqada isbuuca.

Dhulka ay qabuuraha ku yaallaan

"Ujeeddadu waa in la helo meelo ka bannaan qabuuraha oo lagu aaso dadka dhinta, qof walbana marka uu soo galayo uusan ka cabsanin inay qodax muddo, sababtoo ah annaga ayaa dayactirnay," ayay dhaheen dumarkan.

10 haween ah oo shaqadan waday muddo dhowr bilood ah ayaa si gaar ah u shaqeeya maalmaha Sabtida iyo Axadda, laga billaabo 7-da subaxnimo ilaa 11-ka barqannimo.

Sidey ku billaabeen howshan?

Haweenkan ayaa shaqada dayactirka qabuuraha billaabay kaddib markii uu dhintay Hajiya Raliya ninkeeda. Dhowr sano kaddib dhimashadiisa waxay isu keentay dumarka xaasaska ah ee magaaladeeda waxayna u sheegtay inay nimankooda ka codsadaan fasax si ay qabuuraha u dayactiraan.

Hajiya Raliya Yahaya
Qoraalka sawirka, Hajiya Raliya Yahaya

"Ninkeyga dhimashadiisa kaddib, waxaan qayb ka noqday sagaal dumar oo xaasas ah, kuwaasoo raggooda ay u oggolaadeen in ay soo baxaan, shaqadaasna qabtaan, dumar kalena way rabeen inay nagu soo biiraan balse nimankooda ayaa u diiday," ayay tiri Raliya.

"Isbuuc walba marka aan shaqadan fulineyno, rag ayaa u imaada si ay noo daawadaan, marka dambena waxay nagu caawiyaan shaqada ka hor inta aysan bixin."

Waxay sheegtay in rag u tagay meeshaas inay dumarka howshooda fiiriyaan ay sheegeen "inay ku faraxsan yihiin shaqadooda" sidaas darteedna ay abaal marintooda ka heli doonaa Alle".

Qalabka ay ku shaqeeyaanna, sida ay sheegtay haweeneyda madaxa u ah ururkan, waxay kasoo qaataan dumar kale oo ay raggooda yihiin beeraleey.

Waxay tiri; "Caqabadda ugu wayn waxay ka taagan tahay in qabuuraha aysan lahayn darbi ku wareegsan, taasina waxay sababtaa in xayawaanno ay u imaadaan si ay qabuuraha u soo qufaan. Tusaale ahaan, hal maalin oo Sabti ah waxaan waqti dheer ku qaadannay inaay goobta ka cayrinno daanyeerro aad u badan."

Xaafadda na gyaran makabarta

Wariyaha BBC Pidgin, Mansur Abubakar, ayaa Hajiya Raliya waydiiyay in ay habeenkii ku qarwaan waxyaabo xun xun maadaama ay ka shaqeeyaan qabuuro.

Waxay su'aashaas uga jawaabtay: "Inta aannaan shaqada billaabin, dumarka waxaan u sheegaa in haddii qof cabsi dareemaya uu jiro uusan billaabin shaqada, sababtoo ah waan ogahay in cid walba aysan ka howlgali karin qabuuraha."

Balse waxay sheegtay in sababta ugu weyn ee ay howshan u qabtaan ay tahay maadaama ay ragga ku guul darreysteen.

"Xitaa maanta ragga waxaan isku waafaqnay inay qaataan codsigeenna oo ay dayac tiraan qabuuraha, waana u oggolaan doonnaa inay shaqadooda qabsadaan, annagana aan guriga tagno oo carruurta xannaneyno," ayay tiri.