You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sawirro: Kumannaan qof oo isugu soo baxay dibadbax ka dhacay caasimadda Itoobiya
Tobannaan kun oo qof ayaa ka qeybqaatay dibadbax ballaaran oo ka dhacay caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa, si ay taageero ugu muujiyaan dagaalka ay dowladda kula jirto xulafada ciidammada fallaagada ee ku gooddinaya inay caasimadda geli doonaan.
Dagaalka ayaa socday tan iyo bishii Nofeembar 2020, waxaana uu u dhaxeeyay ciidammada dowladda Itoobiya iyo ciidammada gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi.
Ciidammada waddanka Eritrea ayaa sidoo kale ka dagaalamaya gudaha gobolka Tigray oo waxa ay ka garab dagaalamayaan kuwa dowladda Itoobiya. Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaboodfallo gaysteen.
Waa la dhowray dhammaan xuquuqda sawirrada.