Sawirro: Kumannaan qof oo isugu soo baxay dibadbax ka dhacay caasimadda Itoobiya

A pro-government rally in Addis Ababa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Tobannaan kun oo qof ayaa ka qeybqaatay dibadbax ballaaran oo ka dhacay caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa, si ay taageero ugu muujiyaan dagaalka ay dowladda kula jirto xulafada ciidammada fallaagada ee ku gooddinaya inay caasimadda geli doonaan.

Dagaalka ayaa socday tan iyo bishii Nofeembar 2020, waxaana uu u dhaxeeyay ciidammada dowladda Itoobiya iyo ciidammada gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi.

Ciidammada waddanka Eritrea ayaa sidoo kale ka dagaalamaya gudaha gobolka Tigray oo waxa ay ka garab dagaalamayaan kuwa dowladda Itoobiya. Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaboodfallo gaysteen.

A marcher sporting the Ethiopian flag

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Colaadda ayaa waxaa ku barakacay in ka badan laba milyan oo qof waxaana uu 400,000 oo qof oo ku sugan Tigray-na halis u galiyay macaluul
Banner criticising international media organisations, including the BBC and CNN.

Xigashada Sawirka, Google

Qoraalka sawirka, Qaar badan oo ka mid ah dadkii dibadbaxayay ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen warbaahinta caalamiga ah, iyagoo ku eedeeyay inay colaadda ka faafinayaan warar been abuur ah
Mayor Adanech Abebe speaking at the rally

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maayirka caasimadda, Adanech Abebe, khudbad ay dadka isu soo baxay u jeedisay, ayaa waxa ay ku dhalleecaysay fallaagada Tigray waxa ayna ugu baaqday dadka caasimadda ay dowrkooda ka ciyaaraan dagaalka fallaagada lagula jiro
line
line
Ethiopian soldiers marching in formation

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidammada dowladda ayaa la daalaa dhacayay inay iska caabbiyaan ruqaansiga fallaagada. Ciidammada Tigray ayaa dhawaan waxa ay qabsadeen laba magaalo oo muhiimad istaraatiijiyad leh oo qiyaastii 300km (186 miles) u jira magaalada Addis Ababa
Demonstrators hold up a banner depicting Prime Minister Abiy Ahmed

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa la saaray cadaadis wayn xilli uu sii kululaanayo dagaalka iyadoo todobaadkanna uu muwaadiniintiisa ugu baaqay inay hubka qaataan oo ciidammada fallaagada "aasaan"
A man flying the Ethiopian flag

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Walow isku duubni la soo bandhigay, haddana dagaalka socday mudada sanadka ah ayaa waxa uu malaayiin qof oo Itoobiyaan ku sababay inay u baahdaan gargaar bini'aadamnimo oo degdeg ah xilli uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee lagu dalbanayo xabbad-joojinta

Waa la dhowray dhammaan xuquuqda sawirrada.