You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa kuma Andy Burnham, ninka la filayo in uu noqdo ra'iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska?
- Author, Becky Morton
- Role, Wariyaha siyaasadda
- Author, James Gregory
- Role, Wariyaha siyaasadda
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Andy Burnham waxa uu hadd ka hor isku dayay in uu noqdo hogaamiyaha xisbiga Labour-ka laba jeer isaga oo labadiiba guuldaraystay.
Laakiin hadda waxay noqon kartaa markiisii saddexaad balse nasiib badan wehliyo, waxaana hadda jira iscasilaadii Sir Keir Starmer iyo xildhibaano badan oo xisbiga Labour-ka ka tirsan oo ku soo ururay xildhibaanka cusub ee Makerfield, taas oo u gogol xaareysa Burnham.
Burnham waxa uu xaqiijiyay in uu doonayo in uu isku sharaxo hogaanka, fursadiisana waxa kor u qaadaya taageerada Wes Streeting - xoghayihii hore ee caafimaadka ee Keir, kaas oo laftiisu aad u jeclaa in uu u tartamo jagada ugu saraysa.
Carqaladii ugu horeysay ee Burnham ee albaabada Downing Street ayaa meesha ka baxday usbuucii hore markii uu ku guuleystey doorashada ku celiska ah ee Makerfield, isagoo wajahay loolan kaga yimid xsbiga Reform UK, kaasoo kaalinta labaad galay laakiin in ka badan 9,000 oo cod ka dambeeyay Labour-ka.
Duqii hore ee Manchester ayaa kor u qaaday saamiga xisbiga Shaqaalaha ee codbixinta % ee doorashada guud ee 2024 ilaa ku dhawaad 55%.
Hadda xildhibaankii Labour-ka, oo markii ugu horreysay loo doortay baarlamaanka 2001, ayaa loo dhaariyay baarlamaanka. Laakiin sidee buu ku noqday musharraxa ugu horreeya tartanka xafiiska No 10?
Noloshiisii hore: taageere Everton fan iyo nin jecel muusiga xorta ah
Wuxuu ku dhashay Liverpool 1970-kii, Burnham wuxuu ku koray Culcheth, oo ah tuulo xasilloon oo ku taal Cheshire, una dhow Warrington.
Aabihii, oo ahaa injineer, iyo hooyadiis, oo ahayd qof ka shaqaysa xafiis soo dhawaynta ee dhaqtar guud, labaduba waxay ahaayeen taageereyaal xoog leh oo xisbiga shaqaalaha ah, wuxuuna xiisayn jiray siyaasadda.
Burnham waxa uu ka sheekeeyay sida loogu dhiiri galiyay in uu ku biiro xisbiga Shaqaalaha isaga oo 14 jir ah, ka dib markii ay dhaqaajisay riwaayada TV-ga BBC ee lagu magacaabo Boys from the Blackstuff, ee ku saabsan nolosha ka jirtay Liverpool.
Waa Everton intii uu noolaa oo dhan, saaxiibbadiis waxay ku xusuustaan Burnham inuu nin isboorti, kaasoo aad ugu dheereeyay cricket-ka dugsiga Lancashire.
Xillihii Iskuulka Roman Catholic-ga maxalliga ah, macalinkiisa Ingiriisi wuxuu xasuustaa sida uu ugu istaagay inuu noqdo musharaxa xisbiga Labour-ka ee doorashooyinka majaajilada - oo uu ku guuleysan jiray cod aqlabiyad ah.
Burnham iyo labadiisa walaalo ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee qoyskooda ah ee aaday jaamacad, iyadoo Andy uu Ingiriis ka bartay jaamacadda Cambridge.
Buuggiisa, Head North, Burnham waxa uu ku qoray in uu " u halgamay si uu u dareemo in uu qayb ka yahay waxa ka socda" jaamacadda oo uu dareemay in uu ahaa sida qof "iska dhigaya dadka kale ".
Si kastaba ha ahaatee, ninkan muusiga-jecel - oo taageere u ah kooxaha muusigga-xorta ah ee woqooyi sida The Smiths iyo The Stone Roses - wuxuu yiri "xiisihiisa sii kordhaya ee muusiga Manchester ayaa i siisay aqoonsi iyo faa'iido".
Xildhibaan hore ilaa duqii Manchester
Markii uu qalin jabiyay, waxa uu bilaabay shaqada saxaafadda, isaga oo ka soo shaqeeyay majaladaha ganacsiga oo ay ka mid yihiin Tank World and Passenger World Management.
Horraantii da'da labaatameeya, waxa uu helay jaaniskiisii ugu horreeyay ee siyaasadda, isaga oo cilmi-baare u ahaa Tessa Jowell oo dhawaan geeriyooday, oo xilligaa ahaa xildhibaan laga soo doorto Dulwich iyo West Norwood, oo kadibna noqday wasiir ka tirsanaa xukuumadii Tony Blair iyo Gordon Brown.
In kasta oo uu markii dambe quursaday siyaasadda Westminster, Burnham si dhakhso ah ayuu u baxay isaga oo noqday la-taliye gaarka ah ee Xoghayaha Dhaqanka, Chris Smith ka hor inta aan loo dooran xildhibaanka magaaladiisa Leigh, ee Greater Manchester, 2001.
Waxa uu markii hore u soo noqday wasiir yare, xilligii Blair, laakiin wuxuu ku biiray golaha wasiiradda isagoo ah xoghayaha guud ee maaliyadda, iyo xoghayaha dhaqanka iyo xoghayaha caafimaadka, oo xilligii Brown.
Xoghayaha dhaqanka, warbaahinta iyo isboortiga ayuu ahaa Burnham markii lagu qayliyay xilli ay socotay sanadguuradii 20-aad ee masiibada Hillsborough.
Sagaashan iyo todobo taageere Liverpool ah ayaa ku dhintay burburkii garoonka 1989kii.
Kacdoonka ayaa ku dhiiri galiyay Burnham in uu arinta golaha wasiirada ku soo bandhigo, isaga oo gacan ka geysatay bilaabista baaritaan labaad oo musiibada ah.
2010, ka dib markii Brown uu is casilay ka dib guul daradii doorashada guud ee xisbiga shaqaalaha, Burnham wuxuu u tartamay inuu noqdo hogaamiyaha xisbiga.
Waxa uu kaalinta afraad ka galay shantii tartame, isaga oo guuldarraystay, balse waxa uu shantii sannadood ee ka dambaysay ku bixiyay dhisidda codkiisa ee jiridda xisbiga.
2015 mar kale ayuu isku dayay, waxaa ka guulaystay Jeremy Corbyn.
Waqtigii lagu guda jiray aftida Brexit, waxa uu muujiyay rabitaan uu ku doonayo in uu arko UK oo dib ugu biirta Midowga Yurub inta uu nool yahay.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu dhawaan ku celiyay inuu aaminsan yahay dib ugu soo noqoshada "muddada dheer", wuxuu sheegay inuusan uga dhex doodi doonin arrintaan doorashada ku celiska ah ee Makerfield - taas oo ka dhacaysa aag si xooggan ugu codeeya Brexit.
Waxa uu ka soo shaqeeyay golaha wasiirada ee loo yaqaano 'harka' waqtigii Corbyn hugaaminayay xisbiga, isaga oo ahaa xoghaye arimaha gudaha, inkasta oo loo arkayay in uu ku jiro midigta dhexe ee Blairite ee xisbiga.
Aragtida Burnham ayaa aaday dhanka bidixda, isagoo taageeray qarameynta biyaha iyo tamarta.
Kama uusan mid ahayn kuwii is casilay xilli lagu kacsanaa hoggaanka Corbyn 2016kii.
Taa beddelkeeda wuxuu u istaagay 2017 si uu ugu tartamo inuu noqdo duqii ugu horreeyay ee Greater Manchester.
Burnham ayaa ku guulaysatay tartanka in ka badan 60% codadkii la dhiibtay waxaana dib loo doortay 2021 ka sii weyn.
'Nidaamka gaadiidka iyo is-hortaagoo xilligii bandowga'
Duq ahaan, waxa uu ammaan wayn ku helay isbeddelka uu ku sameeyay nidaamka gaadiidka ee gobolka.
Intii uu hoggaaminayay, Greater Manchester waxay ahayd aagga ugu horreeya ee ka baxsan London ee dib ugu soo celiyay adeegyada basaska gacanta dadweynaha, iyada oo la dhexgelinayo hababka kale ee gaadiidka hoos yimaada astaanta "nidaamka Bee".
Ballanqaadyada kale ee geesinimada leh waxaa ka mid ahaa soo afjarida hurdada xumida gobolka sanadkii 2020 - inkastoo bartilmaameedkii aan la gaarin.
Sumcadiisa ayaa sare u kacday intii lagu jiray masiibada Covid, markii uu ku eedeeyay xukuumadda Conservative-ka inay kula dhaqanto woqooyiga England "quursi" marka loo eego xayiraadaha bandowga ee gobolka.
Isu taagidda arrinkaas waxay ka caawisay inuu ku kasbado naanays ah "Boqorka Waqooyiga".
Xilligii deyrta ee shirweynaha xisbiga ee 2025, Burnham waxa uu si furan ugu hawlanaa helista kursiga ugu sarreeya, maadaama uu diiday in uu meesha ka saaro hammigiisa hoggaanka.
Hadaladiisa ayaa u muuqday kuwa dhalay falcelin uusan filan. Dadku waxay si xun uga falceliyeen markii uu sheegay in "dawladdu u ogolaato suuqyada maaliyadeed inay go'aamiyaan go'aanadeeda" sababo la xiriira xeerar ay u dejisay kharashka iyo amaahda dowladda.
Bishii Janaayo fursad macquul ah oo uu ugu laaban karo Westminster ayaa soo baxday markii xildhibaanka Greater Manchester Andrew Gwynne uu ku dhawaaqay inuu is casilayo, taasoo sababtay doorasho ku celis ah oo ka dhacday deegaankiisa Gorton iyo Denton.
Si kastaba ha ahaatee, Burnham waxaa laga hor istaagay in uu garab istaago xisbiga talada haya ee Labour-ka, iyada oo ogolaansho laga helayo ra'iisul wasaaraha.
Bishii Maarso, xaaladdu way is beddeshay. Labour-ku waxa soo gaaray natiijooyin liita oo ah natiijadii doorashada ee England, Scotland iyo Wales, iyada oo Reform-ku uu kor u kac ku sameeyay codbixinta, xisbiguna uu guul ka arkay Burnham.
Keir ayaa la kulmay cadaadis dheeraad ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa, iyadoo qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ay ku baaqeen in isbedel la sameeyo, isla markaana ay dhacdo in xilka uu iska casilo.
Josh Simons ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xubinimada xisbiga shaqaalaha ee Makerfield si uu fursad u siiyo Burnham si uu ugu laabto baarlamaanka.
Burnham ayaa loo doortay inuu noqdo musharaxa xisbiga shaqaalaha ee deegaanka, bishii xigtayna wuxuu xaqiijiyay ku soo laabashadiisa Westminster.