You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dalka yar ee Afrikaanka ah ee wacdaraha ka dhigaya Koobka Adduunka
Cape Verde ayaa dhigtay taariikh ka dib markii ay ku dhammaystay kaalinta labaad ee Group H si ay u gaadho wareegga xiga ee Koobka Adduunka, ka dib ciyaar barbarro goolal la'aan ah oo ay la galeen xulkii metelayey Sacuudi Carabiya.
Xulka lagu naanayso 'Libaax Badeedka Buluugga ah' ayaa ku dhammaystay kaalinta labaad iyaga oo helay saddex dhibcood tartankoodii ugu horreeyay ee ay koobkan ka soo qaybgalaan, iyaga oo hal dhibic ka sarreeya xulka labada jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ee Uruguay iyo dalka martigelin doona Koobka Adduunka 2034 ee Sacuudi Carabiya.
Kooxda uu hoggaamiyo tababare Bubista ayaa wajihi doonta xulka koobka difaacanaya ee Argentina wareegga 32-da dal u baxayaan bisha july, maalinta Jimcaha ah oo ku beegan 3-da bishaas, ciyaartaas oo ka dhici doonta Garoonka Miami.
Cape Verde ayaa u muuqatay mid u dhawayd in ay goolal dhaliso ciyaartaas, iyada oo ciyaaryahanka Willy Semedo ka mid ahaa ciyaaryahannadii jaaniska helay ay gool ka dhalin karaan se goolhayaha Sucuudigu ka badbaadiyey.
Laakiin ugu dambayntii, Cape Verde ayaa u soo gudubtay inay isu diyaariso kulan weyn oo ay la yeelan doonto Argentina wax ka yar toddobaad gudihiis, iyagoo noqday qarankii saddexaad ee Afrikaan ah oo aan laga badin wareegga Group-yada tartankooda ugu horreeyay ee Koobka Adduunka.
'Sheekada Cajiibka ah Waa Sii Socotaa!' Sacab iyo Farxad Markii Cape Verde ay u Soo Gudubtay Wareegga 32-da
Markii uu garsooraha ciyaarta uu yeedhiyey siidhigii ugu dambeeyey ee ciyaarta, ciyaartoyda Cape Verde waxay ku yaaceen telefoon ka agdhawaa si ay u arkaan dhammaadka ciyaarta dhex maraysay Uruguay iyo Spain, waxaana meesha ka dhacay muuqaallo farxad leh markii la xaqiijiyay in safarkooda Koobka Adduunka uu sii socon doono.
Blue Sharks, oo ku jirta kaalinta 67-aad ee darajada qiimaynta dalalka adduunka ee FIFA, ayaa barbaro la gashay Spain iyo Uruguay oo horay ugu guuleystay Koobka Adduunka, Group-kan dhexdiisa oo dad yar ay filayeen inay ka soo bixi doonaan ka hor intaan Koobka Aduunka la laadin.
Dalkan yar ayaa artammadii dhowaan dhacay ee Koobka Qaramada Afrika, waxa ay gaareen wareegga siddeed dhammaadka (quarter-finals) ee tartammadii dhacay 2013-kii iyo 2023-kii.
Qaran ay ku nool yihiin kaliya 525,000 oo qof ayaa helay taageerayaal badan oo cusub safarkan cajiibka ah ee ay ku jiraan ilaa iyo hadda, iyaga oo xasuusiyay dadka farxadda ay kubbadda cagta keeni karto.
Cabo Verde waxay ku taal qiyaastii 600km meel ka baxsan xeebta galbeed ee Afrika, waana jasiirado qurux badan balse go'doonsan, halkaas oo fursadaha kubadda cagta ee dhalinyarada ay xaddidan yihiin.
Waxay yihiin xulkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ku cusub tartanka oo ka soo baxa wareegga Group-yada Koobka Adduunka tan iyo Ghana sanadkii 2006, mana jirto wax mugdi ah in Lionel Messi iyo xulkiisa Argentina ay wajihi doonaan caqabad adag marka ay iska hor yimaadaan.
Waayaha ciyaareed ee dalkan yar ee jasiiradda ah, oo aan ka weynayn magaalada Sheffield ee dalka UK, ayaa u muuqda mid xusuus ku reebaya mala-awaalka dunida kubadda cagta.