Lubnaan ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel ay weerar ku qaadeen Nabatieh
Wakaalada wararka ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay maanta oo Sabti ah in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israel ay duqeysay gobolka Nabatieh ee koonfurta Lubnaan.
Duqeymahan cirka ah ayaa la sheegay maalin kadib markii Israa’iil iyo Lubnaan ay kala saxiixdeen heshiis dhanka ammaanka ah oo uu garwadeen ka yahay Mareykanka kaas oo looga gol leeyahay in lagu dhimo xiisadda ka taagan xuduudka ay wadaagaan labada dal ka dib dagaallo bilo ah iyo rasaas xudduudda ah oo ay la galeen Xisbullah.
Lubnaan iyo Israa’iil ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabadii ugu horreysay, oo ay ku waajibtay Xisbullah inay hubka ka dhigaan, ciidamada Israa’iilna ay ka baxaan Lubnaan.
Ilaa hadda ma cadda sida uu u dhaqan geli doono heshiiskaasi. Xisbullah ayaa sheegtay in aysan la shaqeyn doonin.