Su'aalaha aan jawaabaha loo hayn ee heshiiska Maraykanka iyo Iiraan

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dowladaha Khaliijka carab ayaa si wadajir ah ay neefta uga soo fuqday balse waxay muujinayaan taxadar ku aadan heshiiska mareykanka iyo Iran.

Marin-biyoodkooda istaraatiijiga ah ee muhiimka ah, ee Hormuz, ayaa dib loogu furayaa gaadiidka caadiga ah, waxaana ay rajeynayaan in weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada Iran ay hadda joogsadeen.

Inkastoo lagu guuleystay heshiiskan Is-afgaradka, haddana waxaa jira su'aalo waaweyn oo weli u baahan in xal loo helo.

Tan ugu muhiimsan waa arrinta barnaamijka nukliyeerka. Mudada 60-ka maalmood ah ee soo socota waa waqti aad u gaaban oo lagu go'aamin karo sida loo kormeeri doono barnaamijka nukliyeerka Iran si loo hubiyo inaan si qarsoodi ah loogu horumarin hub nukliyeer ah.

Heshiiskii Iran iyo dalalka quwadda weyn mudda xileedkiisii kowaad ee uu xilka hayay Trump, wuxuu qaatay ku dhowaad toban jeer marxaladdan si loo gaaro.

Marka ay dhammaato muddada 60-ka maalmood ah ee lagu dammaanad qaadayay xorriyadda maraakiibta ee Marinka Hormuz, waxaa weli jirta cabsi ah in Iran ay isku daydo inay dejiso nidaam cusub oo lagu maamulo gaadiidka badda, iyadoo qaadaysa "lacago adeeg" halkii ay ka ahaan lahaayeen "canshuur marin", inkastoo labaduba ficil ahaan isku macne noqon karaan.

Waxaa sidoo kale jira caqabadda dhaqaalaha. Sida ku cad heshiiska, Iran waxaa loo qoondeeyay sanduuq dib-u-dhis oo dhan 300 bilyan oo doollar oo Maraykan ah, kaas oo inta badan ay maalgelinayaan isla dowladaha Khaliijka ee ay Iran weerarrada ku haysay.

Dowladahaas iyo Maraykankuba waxay doonayaan inay hubiyaan in lacagtaasi aysan ku dhammaan maalgelinta barnaamijyada gantaallada ballistic-ga iyo diyaaradaha drones-ka ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee (IRGC).

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku aanu siin doonin Iran wax dhaqaale ah. Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah madaxweynaha Maraykanka, maadaama uu marar badan dhaleeceeyay bixintii $1.7 bilyan ee ay maamulka Madaxweyne Barack Obama siiyeen Iran sanadkii 2016.

Mr. Trump, oo sidoo kale ka fikiraya dhaxalka siyaasadeed ee uu ka tagayo, ayaa aad u danaynaya inuu heshiiskiisa Iran ku muujiyo mid ka wanaagsan kii lagu gaaray xilligii Barack Obama. Wuxuu arrinta lacag-bixinta u adeegsaday tusaale uu ku muujinayo mowqifkiisa adag ee uu ka qabo Tehran iyo sida uu uga ad-adag yahay maamulka hore.

Qoraalka la soo saaray Arbacadii sidoo kale si faahfaahsan ugama hadlin barnaamijka gantaallada ee Iran, arrinta ay Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu ku dhawaaqeen mid ka mid ah mudnaanta koowaad ee bilowga dagaalka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka digay in heshiiska hordhaca ahi uusan weli ahayn mid kama dambeys ah. Wuxuu sheegay in haddii heshiisku fashilmo, Maraykanku uu "dib u bilaabi karo duqeymaha mar kale."

Dhanka Iran, Mohammad Bagher Qalibaf, oo ah Guddoomiyaha Golaha La-tashiga Islaamiga ah (Majlis-ka) isla markaana ka mid ah wada-xaajoodayaasha ugu muhiimsan ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in kalsooni-darradiisa ku aaddan Maraykanka aysan isbeddelin. Wuxuu intaas ku daray:

"Cadawgu wuxuu fahmay in marka aan ka hadlayno wada-xaajood, seefteennuna ay diyaar tahay."

Qoraalkan Is-afgaradka (MOU) oo ka kooban hal iyo bar bog ayaa sidoo kale si kooban oo aan faahfaahin badan lahayn uga hadlay arrimo kale oo muhiim ah.

Markii dagaalku billowday, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay in mid ka mid ah mudnaantiisa ugu sarreysa ay tahay in la joojiyo maalgelinta kooxaha Iran taageerto ee gobolka, oo ay ku jirto Hezbollah.

Arrintani waxay sidoo kale ahayd mudnaan weyn oo u taallay Israa'iil, taas oo bilowgii dagaalka ka barbar dagaallantay Maraykanka, isla markaana si gooni ah uga hawlgasha dalka Lubnaan iyadoo la dagaallamaysa kooxda Hezbollah ee ay Iran taageerto.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka heshiiska ayaa si yar u xusay arrintan, mana bixinin faahfaahin cad oo ku saabsan sida loo xaddidi doono ama loo joojin doono taageerada dhaqaale iyo milatari ee Iran siiso kooxaha ay xulafada la tahay ee gobolka.