Maxaa ka socda gudaha Lubnaan oo aadan ogayn?

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Maalin kadib markii heshiiska ay wada saxiixdeen Israa'iil iyo Lubnaan, wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa ku dhawaaqday in hal qof uu ku dhintay duqeyn cirka ah oo ay fulisay Israa'iil.

Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil ay duqeysay magaalada Sare ee Nabatiyeh oo ku taalla koonfurta dalkaas, waxaana xigay weeraro kale oo ka dhacay deegaankaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan laba qof.

Milateriga Israa'iil ayaa xaqiijiyay in ay fuliyeen diyaarad aan duuliye lahayn oo "kadhan ah shakhsi khatar ku ah ciidamadooda," balse ma aysan bixin wax faahfaahin ah.

Hezbollah ayaan qayb ka ahayn heshiiskii Maraykanku gar-wadeenka ka ahaa ee la gaaray Jimcihii 26-kii June, wayna diiday, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda Beyruut inay wiiqayso madax-bannaanida Lubnaan.

Hogaamiyaha ururka, Naciim Kasim, ayaa sheegay June 27, "Heshiiska qaabdhismeedka ee Washington waa bahdil, ceeb, iyo dhiibis madax banaani, heshiiskani waa mid aan waxba ka jirin."

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay heshiiska lagu gaaray Washington inuu ahaa "mid taariikhi ah" oo dhabar jab ku ah Iran iyo Xisbullah.

Washington waxay ka walaacsan tahay in xiisadda ka dhex aloosan Israel iyo Hezbollah ay wiiqi karto heshiiska nabadeed ee Iran, kaas oo qorsheynaya in la joojiyo dagaalka "dhan walba," oo ay ku jirto Lubnaan.

Maxaa ku qoran heshiiska?

Sida ku cad heshiiska qaab-dhismeedka afarta qodob ka kooban, Israa'iil waxay ciidamadeeda kala bixi doontaa aagga koonfureed ee wabiga Litani, gacan ku haynta aagga la baneeyeyna waxaa gebi ahaanba lagu wareejin doonaa ciidanka Lubnaan.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Israel ayaa loo ogolaan doonaa inay ku sii sugnaadaan aagga ammaanka ee la ballaariyay ee koonfurta Lubnaan.

Heshiiska, Israa'iil iyo Lubnaan "waxay xaqiijinayaan" xaqa ay waddan kastaa u leedahay inay "nabad ku noolaadaan" waxayna muujinayaan " rabitaankooda wadajirka ah ee ah inay ku noolaadaan ammaan sida dawladaha deriska ah."

Heshiisku wuxuu si gaar ah u tilmaamayaa "joojinta dhammaan ficillada colaadeed ama taban ee fagaarayaasha siyaasadeed ama sharci ee caalamiga ah" ee u dhexeeya Israa'iil iyo Lubnaan.

Labada dal ayaa sidoo kale ballan qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii maxaabiista loo sii deyn lahaa iyo soo celinta meydadka.

Si kastaba ha ahaatee, labada dawladoodba waxay qireen in " aysan jirin wax ka hor istaagaya inay isticmaalaan xuquuqdooda dabiiciga ah si ay isu difaacaan."

Heshiisku wuxuu dhigayaa in Ciidamada Qalabka Sida ee Lubnaan ay dib u dhisi doonaan madax-banaani wax ku ool ah oo ku saabsan dhammaan dhulka Lubnaan, "iyadoo ku xiran hub ka dhigista kooxaha hubaysan ee aan dawliga ahayn iyo ciribtirka kaabayaasha la xiriira."

Lubnaan waxa ay taageero caalami ah u raadinaysaa arrintan, "gaar ahaan saaxiibada Carabta ee hoggaanka Maraykanka."

Intaa waxaa dheer, koox isku-dubarid milatari oo uu Maraykanku taageerayo ayaa la dhisi doonaa si ay gacan uga geystaan hirgelinta qaab-dhismeedka.

In kabadan kun qof ayaa la dilay

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan, ugu yaraan 4,192 qof ayaa lagu dilay weerarradii ugu dambeeyay ee Israa'iil ay ka geysatay Lubnaan.

In ka badan 11,600 oo qof ayaa ku dhaawacmay, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Lubnaan, in ka badan 1.2 milyan oo qof ayaa barakacay.

Saraakiisha Israa'iil ayaa sheegay in 36 askari oo Israa'iiliyiin ah iyo afar qof oo rayid ah lagu dilay labada dhinac ee xadka intii uu socday iskahorimaadka.

Lubnaan ayaa ku lug yeelatay dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ay kula jiraan Iran 2-dii bishii March, markaasoo Xisbullah ay gantaalo ku garaacday Israa'iil, taasoo ay uga aargudeysay dilkii Hogaamiyihii Diimeed ee Iran.

Israa'iil ayaa ku jawaabtay duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacay guud ahaan Lubnaan iyo howlgal dhulka ah oo ay ka fulisay koonfurta.

Xabbad joojintii uu Maraykanku garwadeen ka ahaa 16-kii Abriil waxay ku guul-darraysatay inay joojiso dagaalka.

Israa'iil iyo Lubnaan waxay ku heshiiyeen bishii Juun inay dib u cusboonaysiiyaan xabbad joojintooda jilicsan, Maraykankuna wuxuu ku dhawaaqay inuu gacan ka geysan doono "abuurista aagag cusub oo ay ciidamada qalabka sida ee Lubnaan si buuxda ula wareegi doonaan, marka laga reebo dhammaan jilayaasha aan dawliga ahayn."