Iran: '$6 bilyan oo hantidii xayirneed ah ayaa naloo sii dayn doonaa'

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in $6 bilyan oo doolar oo hanti ah oo Qatar lagu xayiray lagu soo celin doono Tehraan taas oo qayb ka ah heshiis horudhac ah oo u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.

"Bilawga wada xaajoodka laga bilaabo maanta, $6 bilyan oo doolar oo lagu Qatar sidoo kale waa la fasixi doonaa waxaana lagu soo celin doonaa dalkeena," Pezeshkian ayaa ku yiri hadal uu siiyay warbaahinta dowladda ee IRIB.

"Waxa la hubo ayaa ah in aanan marnaba aanan ka tanaasuli doonin xaqa aan u leenahay tayeynta Uranium-ka, dhinaca kalena lagu qasbi doono in uu aqbalo sidaas," ayuu raaciyay hadalkiisa.

Isagoo ka hadlaya walaaca Washington ee ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran, Pezeshkian wuxuu yiri Iran "ma laha wax ujeedo ah" oo ku saabsan samaynta hubka nukliyeerka.

"Tani ma aha arrin cusub, waxaana sheegay hoggaamiyihii shahiiday ee Kacaanka Islaamiga ah sannadihii la soo dhaafay," ayuu yiri madaxweynaha Iranin.

Wafuud Maraykan ah iyo Iran ayaa goor hore gaaray dalka Switzerland si ay qayb uga noqdaan wada-xaajoodyo farsamo oo hoos imanaya heshiis is-afgarad ah oo la saxeexay Arbacadii si loo soo afjaro colaaddii bariga dhexe ee bilihii la soo dhaafay socotay, dibna loogu furi lahaa marin biyoodka Hormuz.

Wadahadallada ka dhacaya Burgenstock waxaa hogaaminaya madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance, iyo afhayeenka baarlamaanka Mohammad Bagher Qalibaf iyo wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Araghchi oo ku sugan dhanka Iran, iyadoo ay dhexdhexaadineyso Pakistan.

Tani waxay ku soo aadeysaa, iyadoo wareegii koowaad ee wada xaajoodyada farsamo ee Mareykanka iyo Iran ay ku yeesheen Switzerland, si loo dhameeyo heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka.

Dhexdhexaadiyeyaasha wada-hadalladan, Qatar iyo Pakistan, ayaa bayaan ay si wadajir ah ay u soo saareen ku sheegay in 'horumar dhiirri-gelineed' laga gaaray wareegii koowaad ee wadahadallada farsamada.

Qatar iyo Pakistan ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Isniintii ku sheegay in "guddi heer sare ah ay isku raaceen qorshe hawleed lagu gaarayo heshiis dhameystiran muddo 60 maalmood gudahood ah."

Wadaxaajoodyada farsamada ayaa loo qorsheeyay inay socdaan usbuuca oo dhan.

Mar sii horreysay, dublamaasi Maraykan ah oo ku lug lahaa wada-hadallada ayaa sheegay in wada-hadallada ay si weyn diiradda u saareen "in la caddeeyo qaar ka mid ah hadallada madmadowga leh" ee ka soo baxay Iran ee ku saabsan dib u furista marin biyoodka Hormuz iyo xabbad-joojinta Lubnaan.

Haddaba, war-murtiyeedka wadajirka ah ee dhexdhexaadiyeyaasha ayaa sheegaya in la sameeyay "khadka isgaarsiinta" si loo hubiyo in maraakiibta ganacsigu ay si badbaado leh u maraan marin biyoodka Hormuz, loogana hortago shilalka iyo ismaandhaafka.

Dublamaasi Maraykanka ah ayaa sheegay in wadahadalada sidoo kale diiradda lagu saaray "qaar kamid ah" heshiiska Nukliyeerka.

Horumarka laga gaaray wadahadallada ayaa imaanaya iyadoo Mareykanka iyo Iran ay isweydaarsadeen hanjabaado iyadoo wadahadalkii ugu horreeyay oo fool ka fool ah uu ka furmay dalka Switzerland.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii sheegay in uu weerari doono Iran haddii Tehran ay joojin weydo weerarada ay geysanayaan dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee Lubnaan.

Dagaalyahanada Xisbullah ayaa dagaal kula jira ciidamada Israel ee ku sugan koonfurta Lubnaan.

Trump ayaa bartiisa bulshada ku soo qoray in Iran ay si deg deg ah u joojiso gacan ku haynta Lubnaan oo uu sheegay inay lacag badan ku bixiso dhibaatada.

Waxa uu intaa ku daray in haddii Tehran ay sidan samayn weydo, "kadibna aad baannu ula dagaalami doonnaa."

Si kastaba ha ahaatee, madaxa kooxda wada xaajoodka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa hanjabaadaas ka jawaabay isagoo sheegay in ciidamada qalabka sida ee Iran ay diyaar u yihiin iska hor imaad kasta.

Wuxuu ku soo qoray boggiisa Facebook: "Miyaanay u malaynayn in haddii hanjabaaddu ay saameyn yeelan lahayd, in aysan maanta ku jiri lahayn xaaladdan ciriiriga ah?"

Waxa uu intaasi ku daray "Ma dhageysaneyno hanjabaadaha Mareykanka, waxaa wanaagsan inay ka taxadaraan hadaladooda, ciidamada qalabka sida waxay diyaar u yihiin inay jawaab ka duwan ka bixiyaan weerar kasta".

Madaxa kooxda wada xaajoodka Iran ayaa yiri, "Si kasta oo ay u hadlaan [Mareykanku], anaga ayaa tallaabo qaadayna."

Waxaa xusid mudan in heshiiskii hordhaca ahaa ee todobaadkii hore lagu balamay in 60 maalmood gudahood lagu gaaro heshiis dhameystiran.

Waxa kale oo jiray ballan-qaad ah in la joojiyo dagaalka "dhammaan," oo ay ku jirto Lubnaan, iyo in dib loo furo marin-biyoodka Hormuz.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo heshiiskan jiro, ciidamada Israa'iil iyo dhaqdhaqaaqa Xisbullah ayaa sii waday in midba midka kale weeraro.

Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan, tobanaan qof oo Lubnaaniyiin ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa lagu dilay weeraro ay fuliyeen ciidamada Israa'iil maalmihii la soo dhaafay.

Rabshadaha ayaa horseeday in Mareykanka uu ku dhawaaqo xabbad joojin cusub oo u dhaxeysa Israel iyo Hezbollah Jimcihii.